1 Boqorradii 21:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed warqado ayay ku qortay Axaab magiciisii oo waxay ku shaabadaysay shaabaddiisii. Oo waxay warqadihii u dirtay odayaashii iyo kuwii gobta ahaa ee magaaladiisii Naabood la degganaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 11:16 : 16 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad ii soo ururisaa toddobaatan nin oo ah waayeelladii reer binu Israa'iil oo aad garanaysid inay dadka waayeello u yihiin iyo saraakiil u talisa, oo waxaad iyaga keentaa teendhada shirka inay halkaas kula istaagaan.
  • Sharc 16:18-19 : 18 ¶ Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah. 19 Waa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa.
  • Sharc 21:1-9 : 1 ¶ Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan haddii laga dhex helo mid la dilay oo berrinka dhex yaal, oo la aqoon waayo kii isaga dilay, 2 markaas waa inay wadaaddadiinna iyo xaakinnadiinnu soo baxaan, oo waa inay qiyaasaan ilaa magaalooyinka kan la dilay hareerahiisa ku wareegsan, 3 oo magaaladii ugu dhow ninka la dilay waa in odayaasha magaaladaasu ay lo'da ka soo wataan qaalin aan lagu shaqaysan oo aan harqood wax ku jiidin, 4 oo odayaasha magaaladaasu waa inay qaalinta u wadaan dooxo biyaheedu ordayaan oo aan la jeexin, waxna lagu beerin, oo halkaas dooxada dhexdeeda ah qaalinta qoorta ha kaga jebiyeen. 5 Oo markaas wadaaddada ah ilma Laawi waa inay soo dhowaadaan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaguu u doortay inay isaga u adeegaan iyo inay ku duceeyaan magaca Rabbiga, oo muran kasta iyo dhaawac kastaba siday iyagu yidhaahdaan ha laga yeelo. 6 Oo magaalada ninka la dilay magaalo ahaan ugu dhow odayaasheeda oo dhammu waa inay ku kor faraxashaan qaalintii qoorta lagaga jebiyey dooxada dhexdeeda, 7 oo iyagu markaas ha jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Dhiiggan gacmahayagu ma daadin, indhahayaguna ma arag. 8 Haddaba Rabbiyow, cafi dadkaaga reer binu Israa'iil oo aad soo furatay, oo hana u oggolaan in dhiig aan xaq qabinu uu saarnaado dadkaaga reer binu Israa'iil. Oo markaas iyaga waa loo kafaaro gudi doonaa dhiiggaas. 9 Oo sidaas waa inaad dhexdiinna uga saartaan dhiigga aan xaqa qabin markaad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga hortiisa.
  • 2 Sam 11:14-15 : 14 Oo subaxdii dambe Daa'uud warqad buu Yoo'aab u qoray, wuxuuna ugu sii dhiibay Uuriyaah. 15 Oo wuxuu warqaddiisii ku qoray oo yidhi, Uuriyaah waxaad ugu hor marisaan dagaalka ugu kulul, oo idinkuna dib uga noqda, si loo dilo, uuna u dhinto.
  • 1 Boq 20:7 : 7 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u soo yeedhay odayaashii dalka oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal eega oo ogaada sida ninkanu iiga belaayo doonayo, waayo, wuxuu u soo cid dirsaday naagahayga iyo carruurtayda, iyo lacagtayda, iyo dahabkayga, oo anna uma aanan diidin.
  • 1 Boq 21:1 : 1 ¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya.
  • 2 Boq 10:1-7 : 1 ¶ Haddaba Axaab wuxuu Samaariya ku lahaa toddobaatan wiil. Yeehuuna warqaduu qoray oo wuxuu u diray Samaariya iyo taliyayaashii Yesreceel oo ahaa odayaashii, iyo kuwii soo koriyey wiilashii Axaab, oo wuxuu ku yidhi, 2 Waxaa idinla jooga wiilashii sayidkiinna, oo waxaad haysataan gaadhifardood iyo fardo, oo weliba waxaad ku jirtaan magaalo deyr leh, hubna waad haysataan; haddaba markii warqaddanu idiin timaado, 3 doorta kan ugu wanaagsan oo ugu wada fiican wiilasha sayidkiinna oo ku fadhiisiya carshigii aabbihiis, oo u dirira sayidkiinna aawadiis. 4 Laakiinse aad iyo aad bay u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Labadii boqorba way hor joogsan waayeene bal innagu sidee baynu u taagnaanaynaa? 5 Oo kii reerka u sarreeyey, iyo kii magaalada u sarreeyey, iyo weliba odayaashii, iyo kuwii carruurta soo koriyeyba Yeehuu bay u cid direen, oo ku yidhaahdeen, Annagu addoommadaadii baannu nahay, oo wax alla wixii aad nagu amartana waannu yeelaynaa; oo annagu ninnaba boqor ka dhigan mayno; haddaba wax alla wixii kula wanaagsan samee. 6 Oo isna mar labaad buu warqad u qoray isagoo leh, Haddaad ila jirtaan, oo aad codkayga maqlaysaan, berrito hadda oo kale wiilasha sayidkiinna madaxyadooda Yesreceel iigu keena. Haddaba boqorka wiilashiisii oo toddobaatan qof ahaa waxay la joogeen raggii magaalada ugu waaweynaa oo iyaga soo koriyey. 7 Oo markii warqaddii u timid ayay wiilashii boqorka soo kaxeeyeen oo laayeen iyagoo toddobaatan qof ah, oo madaxyadoodii ayay dambiilo ku gureen, oo isagii bay Yesreceel ugu direen.
  • 2 Boq 10:11 : 11 Sidaasuu Yeehuu Yesreceel ugu laayay reerkii Axaab intii ka hadhay oo dhan, iyo raggiisii waaweynaa oo dhan, iyo saaxiibbadiisii oo dhan, iyo wadaaddadiisii, ilaa uusan waxba u reebin.
  • 2 Taar 32:17 : 17 Oo weliba wuxuu kaloo qoray warqado uu ku caayayo oo wax kaga sheegayo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Dalalka quruumaha deggan ilaahyadoodii oo dadkoodii gacantayda ka samatabbixin waayay sidoodii oo kalaa Ilaaha Xisqiyaahna dadkiisa gacantayda uga samatabbixin waayi doonaa.
  • Cesr 4:7-8 : 7 ¶ Oo wakhtigii Artaxshasta ayaa Bishlaam, Mitredaad, Taabeel, iyo saaxiibbadiisii kale arji u soo qoray Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris, oo warqadda farteedu waxay ahayd tan Suuriya, waxaana lagu micneeyey afka Suuriya. 8 Taliyihii Rexuum ahaa iyo karraanigii Shimshay ahaa ayaa sidan warqad Yeruusaalem ka gees ah ugu soo qoray Boqor Artaxshasta.
  • Cesr 4:11 : 11 Kanu waa naqilkii warqaddii ay Boqor Artaxshasta u direen: Dadka webiga ka shisheeya, oo addoommadaada ahu waxay leeyihiin,
  • Nex 6:5 : 5 Oo haddana isla sidaas oo kale Sanballad wuxuu markii shanaad ii soo diray midiidinkiisii oo gacanta ku sida warqad furan.
  • Est 3:12-15 : 12 ¶ Oo bishii kowaad maalinteedii saddex iyo tobnaad ayaa loo wada yeedhay boqorka karraaniyadiisii oo dhan, oo waxaa la qoray kulli wixii Haamaan ku amray boqorka saraakiishiisii iyo taliyayaashii gobollada oo dhan xukumayay, iyo amiirradii u talinayay dad kasta, oo gobol kasta waxaa loogu qoray afkiisii. Oo waxaa lagu qoray Boqorka Ahashwerus magiciisa, waxaana lagu shaabadeeyey boqorka kaatunkiisii. 13 Oo warqadona waxaa loo dhiibay warqaadayaal, oo waxaa loo diray boqorka gobolladiisii oo dhan, in Yuhuudda oo dhan la wada baabbi'iyo, oo la wada laayo, oo la halaago dhammaantood, yar iyo weyn, iyo dhallaanka iyo dumarkaba, bisha Adaar oo ah bisha laba iyo tobnaad, maalinteeda saddex iyo tobnaad, iyo in maalkoodana booli ahaan loo dhaco. 14 Oo waxaa dadyowga oo dhan lagu dhex faafiyey warqaddii la qoray naqilkeedii, oo leh amar ha la wada siiyo gobollada oo dhan inay diyaar u noqdaan maalintaas. 15 Oo warqaadayaashiina haddiiba degdeg bay ugu ambabbexeen boqorka amarkiisii, oo Shuushan oo ahayd hoygii boqorkana amarkii waa lagu bixiyey. Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u fadhiisteen inay wax cabbaan; laakiinse magaaladii Shuushan oo dhammu way ka wareertay.
  • Est 8:8-9 : 8 Haddaba idinku sidaad doonaysaan Yuhuudda warqado ugu qora. Magaca boqorka ku qora, oo ku shaabadeeya kaatunka boqorka, waayo, qorniinkii lagu qoro boqorka magiciisa, oo haddana kaatunka boqorka lagu shaabadeeyo, ninna ma beddeli karo. 9 Oo markaasaa isla wakhtigaasba waxaa loo yeedhay boqorka karraaniyadiisii. Oo waxayna ahayd bisha Siwaan, oo ah bisha saddexaad, maalinteedii saddex iyo labaatanaad. Oo waxaa la qoray wax alla wixii Mordekay uu ku amray Yuhuuddii iyo saraakiishii iyo taliyayaashii iyo amiirradii joogay gobolladii ku yiil Hindiya iyo Itoobiya inta ka dhex leh, oo ahaa boqol iyo toddoba iyo labaatan gobol, oo waxaa gobol kasta loogu qoray fartiisii, dad kastana waxaa loogu qoray afkoodii, oo Yuhuuddiina waxaa loogu qoray fartoodii iyo afkoodiiba. 10 Oo wuxuu warqadihii ku qoray Boqor Ahashwerus magiciisii, oo ku shaabadeeyey kaatunkii boqorka, markaasuu u sii dhiibay warqaadayaal fuushan fardo iyo baqlo iyo rakuubbo. 11 Oo boqorkii wuxuu u oggolaaday Yuhuuddii magaalo kasta degganayd inay isa soo wada urursadaan oo ay daaficidda naftooda isu taagaan, oo ay baabbi'iyaan, oo laayaan, oo halaag ku ridaan kulli xooggii dadka iyo gobolkii doonayay inay weeraraan iyaga iyo dhallaankooda iyo dumarkoodaba, iyo inay maalkooda booli ahaan u dhacaan. 12 Oo amarkii wuxuu ahaa in Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan saas isku maalin laga yeelo, taas oo ah maalinta saddex iyo tobnaad oo bisha laba iyo tobnaad ee Adaar la yidhaahdo. 13 Oo warqaddii amarku ku qornaa naqilkeedii ayaa lagu faafiyey gobol kasta, oo waxaa loo sii dhiibay dadyowga oo dhan, taasoo leh, Maalintaas Yuhuuddu diyaar ha u ahaadeen inay ka aarsadaan cadaawayaashooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Boq 21:9-20
    12 aayado
    87%

    9Oo waxay warqadaha ku qortay oo ku tidhi, War waxaad naadisaan oo tidhaahdaan, Ha la soomo; oo Naaboodna dadka ka sarraysiiya.

    10Oo hortiisana waxaad fadhiisisaan laba nin oo waxmatarayaal ah, oo iyana isaga ha ku marag fureen, oo ha ku yidhaahdeen, Adigu waxaad cayday Ilaah iyo boqorka. Markaas isaga dibadda u bixiya oo dhagaxyo la dhaca si uu u dhinto.

    11Oo dadkii magaaladiisii la degganaa ee ahaa odayaashii iyo kuwii gobta ahaa waxay yeeleen sidii Yesebeel u soo fartay oo ahayd sidii ku qornayd warqadihii ay iyaga u dirtay.

    12Waxay naadiyeen oo yidhaahdeen, Ha la soomo, oo Naaboodna ayay dadka ka sarraysiiyeen.

    13Oo waxaa yimid oo hortiisa fadhiistay laba nin oo waxmatarayaal ah, markaasaa waxmatarayaashii Naabood ku marag fureen dadka hortiisii, oo waxay yidhaahdeen, Naabood wuxuu caayay Ilaah iyo boqorkaba. Markaasay isagii magaaladii ka saareen, oo waxay la dhaceen dhagaxyo, wuuna dhintay.

    14Markaasay Yesebeel farriin u direen oo waxay ku yidhaahdeen, Naabood waa la dhagxiyey, wuuna dhintay.

    15Markii Yesebeel ay maqashay in Naabood la dhagxiyey oo uu dhintay, ayay Yesebeel Axaab ku tidhi, War kac oo iska qaado beertii canabka ahayd oo Naabood kii reer Yesreceel ee uu hore inuu lacag kaa siisto kuugu diiday; waayo, haatan Naabood ma noola, wuuse dhintay.

    16Oo markii Axaab maqlay in Naabood dhintay ayaa Axaab wuxuu u kacay inuu u dhaadhaco oo iska qaato beertii Naabood kii reer Yesreceel.

    17¶ Oo Eraygii Rabbiga ayaa u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii, isagoo leh,

    18War sara joogso, oo u dhaadhac boqorka dalka Israa'iil oo Axaab ah oo Samaariya deggan; oo bal eeg, wuxuu ku dhex jiraa beertii canabka ahayd oo Naabood, halkaasoo uu ugu dhaadhacay inuu iska qaato.

    19Waa inaad isaga la hadashaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, War ma wax baad dishay, oo haddana ma wax baad qaadatay? Oo haddana isaga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Meeshii eeyuhu ka leefleefeen dhiiggii Naabood ayaa adiga dhiiggaagana eeyo ka leefleefi doonaan.

    20Markaasaa Axaab wuxuu ku yidhi Eliiyaah, Cadowgaygiiyow, haddana ma i heshay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ku helay, maxaa yeelay, waxaad isu iibisay inaad Rabbiga hortiisa wax shar ah ku samayso.

  • 1 Boq 21:1-7
    7 aayado
    80%

    1¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya.

    2Oo Axaab baa Naabood la hadlay, oo ku yidhi, Beertaada canabka ah i sii aan beer khudrad ah ka dhigtee, maxaa yeelay, waxay u dhow dahay gurigayga, oo adigana waxaan ku siinayaa beer canab ah oo iyada ka sii wanaagsan, amase haddii ay kula wanaagsan tahay, waxaan ku siinayaa qiimeheeda oo lacag ah.

    3Markaasaa Naabood wuxuu Axaab ku yidhi, Ilaah ha iga hayo inaan dhaxalkii awowayaashay ku siiyo.

    4Markaasaa Axaab wuxuu yimid gurigiisii isagoo calool xun oo ka xanaaqsan eraygii Naabood kii reer Yesreceel isaga kula hadlay; maxaa yeelay, wuxuu isaga ku yidhi, Ku siin maayo dhaxalkii awowayaashay. Markaasuu sariirtiisii jiifsaday, wuuna sii jeestay, oo diiday inuu wax cuno.

    5Laakiinse naagtiisii Yesebeel ayaa u timid oo waxay ku tidhi, War maxaa naftaadu u qulubsan tahay oo aad kibis la cuni weyday?

    6Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa waxaan la hadlay Naabood kii reer Yesreceel, oo aan ku idhi, Beertaada canabka ah lacag iga siiso, ama haddii kale oo ay kula wanaagsan tahay waxaan kaa siisanayaa beer kale oo canab ah, oo isna wuxuu iigu jawaabay, Beertayda ku siin maayo.

    7Markaasaa naagtiisii Yesebeel waxay ku tidhi, War miyaadan haatan u talin boqortooyada Israa'iil? Haddaba kac oo wax cun, oo qalbigaagana ka farxi; anigaa ku siinaya Naabood ka reer Yesreceel beertiisa canabka ah.

  • 73%

    25Kolkaasaa Yeehuu wuxuu ku yidhi Bidqar oo sirkaalkiisii ahaa, Isaga kor u qaad oo ku dhex tuur beerta Naabood kii reer Yesreceel; waayo, bal xusuuso sidii Rabbigu isaga hadalkan culus uga sheegay markaynu aniga iyo adiguba innagoo fardo fuushan aabbihiis Axaab daba soconnay;

    26Rabbigu wuxuu yidhi, Hubaal shalayto waxaan arkay Naabood dhiiggiisii iyo dhiiggii wiilashiisii, haddaba adiga beertan baan abaalkaaga kugu siinayaa. Sidaas daraaddeed isaga qaad oo beerta ku dhex tuur sidii erayga Rabbigu ahaa.

  • 72%

    22Oo reerkaagana waxaan ka dhigi doonaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah, sababtuna waxa weeye xanaaqii aad iga xanaajisay oo aad dadkii Israa'iilna dembaajisay aawadiis.

    23Oo Yesebeelna Rabbigu wuu ka hadlay oo yidhi, Yesebeel eeyuhu waa ku cuni doonaan derbiga Yesreceel agtiisa.

    24Oo Axaab dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha; oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.

    25(Laakiinse lama arag qof Axaab la mid ah oo isu iibiyey inuu sameeyo wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kaasoo ay kicisay naagtiisii Yesebeel.

  • 1 Boq 19:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Oo markaasaa Axaab wuxuu Yesebeel u sheegay kulli wixii Eliiyaah sameeyey oo dhan, iyo siduu nebiyadii oo dhan seef ugu laayay.

    2Markaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii.

  • 7Oo adna waa inaad laysaa reerka Axaab ee sayidkaaga, inaan ka aargudo dhiiggii addoommadaydii nebiyada ahaa, iyo addoommadii Rabbiga oo dhan ee ay Yesebeel daadisay.

  • 2 Boq 10:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Haddaba Axaab wuxuu Samaariya ku lahaa toddobaatan wiil. Yeehuuna warqaduu qoray oo wuxuu u diray Samaariya iyo taliyayaashii Yesreceel oo ahaa odayaashii, iyo kuwii soo koriyey wiilashii Axaab, oo wuxuu ku yidhi,

    2Waxaa idinla jooga wiilashii sayidkiinna, oo waxaad haysataan gaadhifardood iyo fardo, oo weliba waxaad ku jirtaan magaalo deyr leh, hubna waad haysataan; haddaba markii warqaddanu idiin timaado,

  • 31Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.

  • 70%

    35Oo iyana waxay u tageen inay iyadii soo aasaan, laakiinse waxba kama ay helin dhaladii iyo cagihii iyo calaacalihii gacmaheeda mooyaane.

    36Sidaas daraaddeed way soo noqdeen, oo isagii bay u soo sheegeen. Wuxuuna yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah kii reer Tishbii isagoo leh, Beerta Yesreceel dhexdeeda ayaa eeydu ku cuni doonaan Yesebeel hilibkeeda.

    37Oo Yesebeel meydkeedu wuxuu ahaan doonaa sida digo taal beerta Yesreceel dhexdeeda, si aan loo odhan, Tanu waa Yesebeel.

  • 30¶ Oo Yeehuu markuu Yesreceel yimid ayaa Yesebeel maqashay, markaasay intay indhakuulatay oo gambaysatay daaqaddii ka fiirisay.

  • 21Markaasaa Yooraam yidhi, Gaadhifaras diyaariya. Oo iyana gaadhifaraskiisii ayay diyaariyeen. Kolkaasaa Yooraam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil iyo Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba waxay baxeen isagoo mid waliba gaadhifaraskiisii ku jiro, oo waxay u baxeen inay Yeehuu ka hor tagaan, oo waxay ka heleen beertii Naabood kii reer Yesreceel.

  • 69%

    27Kolkii Axaab erayadaas maqlay ayuu dharkiisii jeexjeexay, oo joonyado guntaday, wuuna soomay, oo joonyado ku dhex seexday, oo aayar u socday.

    28Oo haddana eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii oo ku yidhi,

  • 2 Boq 9:9-10
    2 aayado
    69%

    9Oo reerka Axaab waxaan ka dhigayaa sidii reerkii Yaaraabcaam ina Nebaad iyo sidii reerkii Bacshaa ina Axiiyaah oo kale.

    10Oo Yesebeel ayaa eeydu ku cuni doonaan dhulka Yesreceel, oo ninna iyada ma xabaali doono, oo markaasuu albaabkii furay oo cararay.

  • 8Oo kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay.

  • 2 Boq 10:5-7
    3 aayado
    68%

    5Oo kii reerka u sarreeyey, iyo kii magaalada u sarreeyey, iyo weliba odayaashii, iyo kuwii carruurta soo koriyeyba Yeehuu bay u cid direen, oo ku yidhaahdeen, Annagu addoommadaadii baannu nahay, oo wax alla wixii aad nagu amartana waannu yeelaynaa; oo annagu ninnaba boqor ka dhigan mayno; haddaba wax alla wixii kula wanaagsan samee.

    6Oo isna mar labaad buu warqad u qoray isagoo leh, Haddaad ila jirtaan, oo aad codkayga maqlaysaan, berrito hadda oo kale wiilasha sayidkiinna madaxyadooda Yesreceel iigu keena. Haddaba boqorka wiilashiisii oo toddobaatan qof ahaa waxay la joogeen raggii magaalada ugu waaweynaa oo iyaga soo koriyey.

    7Oo markii warqaddii u timid ayay wiilashii boqorka soo kaxeeyeen oo laayeen iyagoo toddobaatan qof ah, oo madaxyadoodii ayay dambiilo ku gureen, oo isagii bay Yesreceel ugu direen.

  • 7Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u soo yeedhay odayaashii dalka oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal eega oo ogaada sida ninkanu iiga belaayo doonayo, waayo, wuxuu u soo cid dirsaday naagahayga iyo carruurtayda, iyo lacagtayda, iyo dahabkayga, oo anna uma aanan diidin.

  • 67%

    12Oo waxaa isagii u timid qorniin laga keenay Nebi Eliiyaah, oo leh, Rabbiga aabbahaa Daa'uud Ilaahiisa ahu wuxuu leeyahay, Adigu kuma aadan socon jidadkii aabbahaa Yehooshaafaad maray iyo jidadkii Aasaa oo boqorka dalka Yahuudah ahaa uu maray toona,

    13laakiinse waxaad ku socotay jidkii boqorrada dalka Israa'iil, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba waxaad ka dhigtay inay sanamyo raacaan sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, oo weliba waxaad laysay walaalahaa oo reerka aabbahaa ka mid ahaa oo kaa wanaagsanaa,

  • 20Sidaas daraaddeed Axaab wuxuu u cid diray dadkii Israa'iil oo dhan, oo nebiyadiina wuxuu ku soo wada ururiyey Buur Karmel.

  • 8Haddaba idinku sidaad doonaysaan Yuhuudda warqado ugu qora. Magaca boqorka ku qora, oo ku shaabadeeya kaatunka boqorka, waayo, qorniinkii lagu qoro boqorka magiciisa, oo haddana kaatunka boqorka lagu shaabadeeyo, ninna ma beddeli karo.

  • 2Markaasuu magaaladii farriin u diray oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa ku yidhi, Anigoo Benhadad ah, waxaan kugu leeyahay,