1 Boqorradii 4:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo Ilaahna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad iyo waxgarasho aad iyo aad u badan, iyo qalbi ballaadhan, kuwaasoo badan sida cammuudda badda xeebteeda taal.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 3:12 : 12 ayaan kuugu yeelay wixii aad i weyddiisatay, oo bal eeg, waxaan ku siiyey qalbi caqli iyo waxgarasho leh, sidaas daraaddeed mid kula mid ahu hortaa ma jirin, dabadaana mid kula mid ahu ma jiri doono.
  • 1 Boq 4:20 : 20 ¶ Oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna waxay u faro badnaayeen sida cammuudda badda xeebteeda taal, oo wax bay cunayeen, wax bayna cabbayeen, wayna farxayeen.
  • 1 Boq 10:23-24 : 23 Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan. 24 Oo dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.
  • 2 Taar 1:10-12 : 10 Haddaba waxaad i siisaa xigmad iyo aqoon si aan dadkan hortooda ugu baxo oo ugu soo galo, waayo, dadkaagan tirada badan bal yaa xukumi kara? 11 Markaasaa Ilaah wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxyaalaha qalbigaaga ku jiray aawadood oo ah adigoo aan i weyddiisan maal, iyo hodan, amase sharaf, amase kuwa adiga ku neceb noloshooda, ama aadan i weyddiisan cimri dheer, laakiinse aad i weyddiisatay xigmad iyo aqoon aad ku xukuntid dadkayga aan boqorka kaaga dhigay, 12 ayaa xigmad iyo aqoonba lagu siiyey, oo anna waxaan ku siinayaa maal, iyo hodan, iyo sharaf ayan lahaan jirin boqorradii kaa horreeyey oo dhammu, oo ayan kuwa kaa dambeeya oo dhammuna taasoo kale lahaan doonin.
  • Sab 119:34 : 34 Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
  • Maah 2:6 : 6 Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
  • Wacd 1:16 : 16 Qalbigaygaan la hadlay, oo waxaan ku idhi, Bal eeg, anigu waxaan helay xigmad ka sii badan tii kuwii hortaydii Yeruusaalem u talin jiray oo dhan, oo qalbigaygu aad buu u arkay xigmad badan iyo aqoon dheer.
  • Wacd 2:26 : 26 Waayo, qofkii Ilaah ka farxiyo wuxuu siiyaa xigmad iyo aqoon iyo farxad, laakiinse dembilaha wuxuu siiyaa dhib inuu wax u ururiyo oo uu taallaysto si uu u siiyo kan Ilaah ka farxiya. Taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Ish 60:5 : 5 Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa.
  • Yer 33:22 : 22 Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba.
  • Xab 1:9 : 9 Dhammaantood waxay u yimaadaan inay wax xoogaan, oo damaca wejigooduna waa sida dabaysha bari, oo waxay urursadaan maxaabiis sida cammuudda u badan.
  • Yac 1:5 : 5 ¶ Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye.
  • Yac 1:17 : 17 Hadiyad kasta oo wanaagsan iyo hibo kasta oo kaamil ah kor bay ka timaadaa iyadoo ka soo degaysa xagga Aabbaha nuurarka isagoo aan lahayn rogrogmad ama hoos laallaabasho.
  • Yac 3:17 : 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji.
  • 1 Boq 3:28 : 28 Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuna way wada maqleen xukunkii boqorku wax ku xukumay, wayna ka baqeen boqorkii; maxaa yeelay, waxay arkeen in xigmaddii Ilaah ku jirto si uu wax u xukumo.
  • Bil 41:49 : 49 Markaasaa Yuusuf hadhuudh aad u badan wuxuu u kaydiyey sida cammuudda badda, ilaa uu tirintii daayay, maxaa yeelay, waxay ahayd wax aan tiro lahayn.
  • Xaak 7:12 : 12 Oo reer Midyaan iyo reer Camaaleq iyo reer barigii oo dhammu waxay ku jireen dooxadii, iyagoo u faro badan sida ayax oo kale, oo geelooduna tiro ma lahayn, oo waxay la faro le'ekaayeen cammuudda badda xeebteeda taal.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    30Oo Sulaymaan xigmaddiisiina waxay ka fiicnaatay xigmaddii dadka bari oo dhan, iyo xigmaddii Masar oo dhan,

    31maxaa yeelay, isagu wuu ka xigmad badnaa dadka oo dhan, oo xataa wuu ka xigmad badnaa Eetaankii reer Esraax, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Dardaac, kuwaasoo ahaa ilma Maaxool; oo warkiisiina wuxuu gaadhay quruumihii hareerihiisa ku wareegsanaa oo dhan.

  • 77%

    23Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

    24Oo dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.

  • 75%

    33Oo wuxuu ka hadlay geedaha, intuu ka bilaabay Kedarka Lubnaan ku yaal, ilaa uu gaadhay husobka derbiga ka soo baxa; oo dugaaggana wuu ka hadlay, iyo haadka, iyo waxyaalaha gurguurta, iyo kalluunka.

    34Oo qaar baa ka yimid dadyowga oo dhan, inay maqlaan xigmadda Sulaymaan kuwaasoo ka yimid boqorradii dunida oo dhan ee xigmaddiisa maqlay.

  • 75%

    22Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

    23Oo boqorradii dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.

  • 75%

    7¶ Oo habeenkaas ayaa Ilaah Sulaymaan u muuqday oo ku yidhi, I bari waxaad doonaysid aan ku siiyee.

    8Markaasaa Sulaymaan Ilaah ku yidhi, Aabbahay Daa'uud si weyn baad ugu naxariisatay, anigana boqor baad igaga dhigtay meeshiisii.

    9Haddaba Rabbiyow Ilaahow, ballankaagii aad aabbahay Daa'uud u ballanqaadday ha dhismo, waayo, waxaad boqor iiga dhigtay dad tiradiisu tahay sida ciidda dhulka.

    10Haddaba waxaad i siisaa xigmad iyo aqoon si aan dadkan hortooda ugu baxo oo ugu soo galo, waayo, dadkaagan tirada badan bal yaa xukumi kara?

    11Markaasaa Ilaah wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxyaalaha qalbigaaga ku jiray aawadood oo ah adigoo aan i weyddiisan maal, iyo hodan, amase sharaf, amase kuwa adiga ku neceb noloshooda, ama aadan i weyddiisan cimri dheer, laakiinse aad i weyddiisatay xigmad iyo aqoon aad ku xukuntid dadkayga aan boqorka kaaga dhigay,

    12ayaa xigmad iyo aqoonba lagu siiyey, oo anna waxaan ku siinayaa maal, iyo hodan, iyo sharaf ayan lahaan jirin boqorradii kaa horreeyey oo dhammu, oo ayan kuwa kaa dambeeya oo dhammuna taasoo kale lahaan doonin.

    13Markaasaa Sulaymaan ka soo noqday meeshii sare oo Gibecoon ku tiil iyo teendhadii shirka, oo yimid Yeruusaalem, reer binu Israa'iil buuna boqor u noqday.

  • 1 Boq 3:9-13
    5 aayado
    74%

    9Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah i sii qalbi wax garanaya oo aan dadkaaga ku xukumo, si aan ku kala garto xumaanta iyo samaanta, waayo, bal yaa kara inuu dadkaagan badan xukumo?

    10Oo hadalkaasuna Sayidka wuu ka farxiyey markii Sulaymaan waxaas weyddiistay.

    11Markaasaa Ilaah wuxuu ku yidhi, Weyddiisashada aad waxaas i weyddiisatay aawadeed, oo aadan cimri dheer i weyddiisan, oo aadan maal i weyddiisan, ama xataa aadan i weyddiisan nolosha cadaawayaashaada, laakiinse aad i weyddiisatay waxgarasho aad ku garatid xukunka,

    12ayaan kuugu yeelay wixii aad i weyddiisatay, oo bal eeg, waxaan ku siiyey qalbi caqli iyo waxgarasho leh, sidaas daraaddeed mid kula mid ahu hortaa ma jirin, dabadaana mid kula mid ahu ma jiri doono.

    13Oo weliba wixii aadan i weyddiisanna waan ku siiyey oo ah maal iyo derejoba, sidaas daraaddeed boqor kula mid ahu ma jiri doono cimrigaaga oo dhan.

  • 25Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu.

  • 70%

    20¶ Oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna waxay u faro badnaayeen sida cammuudda badda xeebteeda taal, oo wax bay cunayeen, wax bayna cabbayeen, wayna farxayeen.

    21Oo Sulaymaanna wuxuu xukumi jiray boqortooyooyinkii oo dhan tan iyo Webiga iyo ilaa dalka reer Falastiin, iyo tan iyo soohdinta Masar, oo waxay Sulaymaan u keeni jireen hadiyado, wayna u adeegi jireen intuu noolaa oo dhan.

    22Oo Sulaymaan maalintiiba wuxuu masruufan jiray soddon kor oo bur ah, iyo lixdan kor oo jidhiidh ah,

    23iyo toban dibi oo buurbuuran, iyo labaatan dibi oo daaqa laga soo bixiyey, iyo boqol neef oo ido ah, oo ayan ku jirin deerooyin, cawl, iyo dibtaago, iyo digaag la cayiliyey.

  • 1 Boq 10:3-4
    2 aayado
    70%

    3Sulaymaanna wuxuu uga jawaabay su'aalaheedii oo dhan; oo wax boqorka ka qarsoonaa oo uusan u sheegin ma jirin.

    4Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan oo dhan, iyo gurigii uu dhisay,

  • 7Oo markii Xiiraam maqlay hadalkii Sulaymaan ayuu aad u farxay oo yidhi, Maanta waxaa mahad leh Rabbiga Daa'uud siiyey wiil xigmad leh oo u taliya dadkan badan.

  • 1¶ Oo Sulaymaan ina Daa'uud boqortooyadiisuu ku xoogaystay, oo Rabbigii Ilaahiisa ahaa waa la jiray oo aad iyo aad buuna u weyneeyey.

  • 6Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay.

  • 12Oo Rabbiguna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad siduu ugu ballanqaaday; oo Xiiraam iyo Sulaymaanna nabad baa u dhexaysay, oo labadoodu axdi bay dhigteen.

  • 28Oo meesha wakiilladu joogaan ayay fardaha iyo rakuubbada ugu keeni jireen shaciir iyo caws, nin waluba intii lagu amray.

  • 3Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan iyo gurigii uu dhisay,

  • 19Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay.

  • 6Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.

  • 16Qalbigaygaan la hadlay, oo waxaan ku idhi, Bal eeg, anigu waxaan helay xigmad ka sii badan tii kuwii hortaydii Yeruusaalem u talin jiray oo dhan, oo qalbigaygu aad buu u arkay xigmad badan iyo aqoon dheer.

  • 9Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo boqoraddii Shebaa uunsigii ay Boqor Sulaymaan siisay oo kale ma jirin.

  • 28Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

  • 9Sidaasaan u weynaa oo uga maal badnaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan, oo weliba xigmaddaydiina way igu hadhay.

  • 1¶ Oo Boqor Sulaymaanna boqor buu u ahaa dadkii Israa'iil oo dhan.

  • 17Haddaba afartaas nin oo dhallinyarada ahaa Ilaah wuxuu siiyey aqoon, iyo inay tacliin iyo xigmad oo dhan ku dheeraadaan; Daanyeelna wuxuu garan jiray waxyaalo la tuso iyo riyooyin oo dhan.

  • 26Oo Sulaymaanna wuxuu gaadhifardoodkiisii u haystay afartan kun oo xero oo fardo ah iyo laba iyo toban kun oo fardooley ah.

  • 12Oo weliba Xuuraam wuxuu kaloo yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo sameeyey samada iyo dhulkaba, oo Boqor Daa'uudna siiyey wiil xigmad leh oo ay ka buuxaan caqli iyo waxgarasho oo doonaya inuu Rabbiga guri u dhiso iyo guri ay boqortooyadiisu leedahay.

  • 13Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, oo ayan ku jirin wixii uu Sulaymaan u siiyey sharafta boqornimadiisa, markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyadii iyo addoommadeediiba.

  • 31oo wuxuu isaga ka buuxiyey ruuxii Ilaah, xagga xigmadda iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada caynka kasta ah,

  • 2Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada,

  • 7Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.

  • 1¶ Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ayay Sulaymaan ugu timid Yeruusaalem inay ku imtixaanto su'aalo adadag, oo waxay wadatay dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay.

  • 10Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; uma iman uunsi dambe oo u badan sidii kii boqoradda Shebaa ay siisay Boqor Sulaymaan.

  • 28Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuna way wada maqleen xukunkii boqorku wax ku xukumay, wayna ka baqeen boqorkii; maxaa yeelay, waxay arkeen in xigmaddii Ilaah ku jirto si uu wax u xukumo.