1 Boqorradii 4:20
¶ Oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna waxay u faro badnaayeen sida cammuudda badda xeebteeda taal, oo wax bay cunayeen, wax bayna cabbayeen, wayna farxayeen.
¶ Oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna waxay u faro badnaayeen sida cammuudda badda xeebteeda taal, oo wax bay cunayeen, wax bayna cabbayeen, wayna farxayeen.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
39Oo iyana halkaasay Daa'uud la joogeen intii saddex maalmood ah, iyagoo wax cunaya oo wax cabbaya, waayo, walaalahood baa sooryo u diyaariyey.
40Oo weliba dadkii iyaga u dhowaa ee ahaa ilaa reer Isaakaar iyo reer Sebulun iyo reer Naftaali waxay cunto ku soo rareen dameerro, iyo awr, iyo baqlo, iyo dibi, oo waxay keeneen bur, iyo fudad berde ah, iyo rucubo sabiib ah, iyo khamri, iyo saliid, iyo dibi, iyo ido, dhammaanna aad iyo aad bay u badnaayeen, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil dhexdooda farxad baa jirtay.
4Kolkaasay baxeen, iyagii iyo ciidammadoodii oo la jirayba, oo waxay ahaayeen dad badan, oo tiradoodu waxay ahayd sida cammuudda taal badda xeebteeda, waxayna wateen fardo iyo gaadhifardood aad u badan.
21Oo Sulaymaanna wuxuu xukumi jiray boqortooyooyinkii oo dhan tan iyo Webiga iyo ilaa dalka reer Falastiin, iyo tan iyo soohdinta Masar, oo waxay Sulaymaan u keeni jireen hadiyado, wayna u adeegi jireen intuu noolaa oo dhan.
22Oo Sulaymaan maalintiiba wuxuu masruufan jiray soddon kor oo bur ah, iyo lixdan kor oo jidhiidh ah,
23iyo toban dibi oo buurbuuran, iyo labaatan dibi oo daaqa laga soo bixiyey, iyo boqol neef oo ido ah, oo ayan ku jirin deerooyin, cawl, iyo dibtaago, iyo digaag la cayiliyey.
24Waayo, isagaa xukumay Webiga dhankiisan oo dhan, marka laga bilaabo Tifsax iyo ilaa Gaasa, iyo kulli boqorradii webiga dhankiisan joogay oo dhan; oo hareerihiisa oo dhanna nabad buu la ahaa.
25Oo wakhtigii Sulaymaan oo dhan dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna ammaan bay ku degganaayeen, oo nin waluba wuxuu hoos fadhiyey geedkiisii canabka ahaa iyo geedkiisii berdaha ahaa marka laga bilaabo Daan iyo xataa ilaa Bi'ir Shebac.
26Oo Sulaymaanna wuxuu gaadhifardoodkiisii u haystay afartan kun oo xero oo fardo ah iyo laba iyo toban kun oo fardooley ah.
16Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.
29¶ Oo Ilaahna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad iyo waxgarasho aad iyo aad u badan, iyo qalbi ballaadhan, kuwaasoo badan sida cammuudda badda xeebteeda taal.
65Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu kuwaasoo ahaa shir weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar, oo Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa waxay ku iidayeen toddoba maalmood iyo toddoba maalmood oo isku ah afar iyo toban beri.
25Oo shirkii dadkii Yahuudah oo dhan iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, iyo shirkii dalka Israa'iil ka yimid oo dhan, iyo shisheeyayaashii dalka Israa'iil ka yimid oo dalka Yahuudah degganaaba way wada reyreeyeen.
26Oo Yeruusaalem waxaa jirtay farxad weyn, waayo, taasoo kale kama ay dhicin Yeruusaalem tan iyo wakhtigii Sulaymaan ina Daa'uud uu boqor dalka Israa'iil ka ahaa.
49Markaasaa Yuusuf hadhuudh aad u badan wuxuu u kaydiyey sida cammuudda badda, ilaa uu tirintii daayay, maxaa yeelay, waxay ahayd wax aan tiro lahayn.
12Markaasay dadkii oo dhammu iska tageen inay wax cunaan, oo wax cabbaan, oo ay qaybo diraan, oo ay aad u farxaan, maxaa yeelay, waxay garteen erayadii loo caddeeyey.
7Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen, wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.
12Oo waxay yidhaahdaan, Kaalaya khamri baan doonan doonaaye oo wax lagu sakhraamo baynu ka soo dhergi doonnaaye, oo berrina waxay ahaan doontaa sida maanta oo kale, oo weliba ka sii weyn.
13Oo bal eega, waxaa jira farxad iyo rayrayn, dibi la qalo iyo ido la gowraco, hilib la cuno iyo khamri la cabbo, oo waxaa la yidhaahdaa, Aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonaaye.
15Markaasaan farax u bogay, maxaa yeelay binu-aadmigu inta qorraxda ka hoosaysa kuma haysto wax uga wanaagsan inuu wax cuno, oo wax cabbo, oo uu iska farxo, waayo, taasaa isaga raacaysa intuu hawshoodo cimrigiisa Ilaah qorraxda hoosteeda ku siiyo.
19Iyagu waxay dadka ugu yeedhi doonaan buurta, Oo halkaasay ku bixin doonaan allabaryada xaqnimada, Waayo, waxay nuugi doonaan hodantinimada badaha Iyo bacaadka qasnadihiisa qarsoon.
34Markaasaa hortiisa waxaa iyagii looga qaaday dhawr qaybood oo cunto ah, laakiinse intii Benyaamiin shan jeer bay ka weynayd kuwa kale intoodii. Kolkaasay wax cabbeen oo ay la farxeen isagii.
8Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey toddoba maalmood, iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu, kuwaasoo ahaa shir aad u weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar.
5Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.
12Oo reer Midyaan iyo reer Camaaleq iyo reer barigii oo dhammu waxay ku jireen dooxadii, iyagoo u faro badan sida ayax oo kale, oo geelooduna tiro ma lahayn, oo waxay la faro le'ekaayeen cammuudda badda xeebteeda taal.
7Oo waxaa dadka cabniin lagu siiyey weelal dahab ah (oo weelashana midba midka kale wuu ka duwanaa), oo khamrigii boqorkuna wuu badnaa sidii ay ahayd deeqsinimadii boqorku.
25Oo waxay qabsadeen magaalooyin deyr leh iyo dal barwaaqo leh, oo waxay hantiyeen guryo ay ka buuxaan wax kasta oo wanaagsanu, iyo berkedo qodan, iyo beero canab ah, iyo beero saytuun ah, iyo geedo midho leh oo faro badan. Haddaba wax bay cuneen oo dhergeen, wayna cayileen, oo waxay ku farxeen wanaaggaaga weyn.
19Oo waxaa iyaga ka soo dhex bixi doona mahadnaqid iyo kuwa reyreeya codkood, oo iyaga waan tarmin doonaa, oo mana ay dhinmi doonaan, oo weliba waan sharfi doonaa, oo ma ay yaraan doonaan.
10Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha samada oo kale.
3Adigu quruunta waad badisay, oo farxaddoodiina waad sii kordhisay, oo waxay hortaada ugu farxaan sida farxadda wakhtiga beeraha la goosto, iyo sida niman booli qaybsanayaa ay u reyreeyaan oo kale.
14Oo weliba dadka dalka Yahuudah Yeruusaalem bay ku dagaallami doonaan, oo maalka quruumaha hareeraheeda ku wareegsan oo dhanna waa la soo wada ururin doonaa, kaasoo ah dahab iyo lacag iyo dhar aad u badan.
2Markaasaa dadka madaxdiisii oo dhan ee ka socda qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaa isa soo dhex taagay dadka Ilaah shirkiisii, kuwaasoo ahaa afar boqol oo kun oo nin oo lug ah oo wada seefqaad ah.
17Oo kuwan oo dhan abtiriskooda waxaa la tiriyey wakhtigii Yootam oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa iyo wakhtigii Yaaraabcaam oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa.
30Diyaafad buuna u sameeyey, wayna cuneen oo cabbeen.
1¶ Markaasaa Boqor Beelshaasar wuxuu diyaafad weyn u sameeyey kun nin oo saraakiishiisii ah, markaasuu khamri ku hor cabbay kunkii nin.
1¶ Oo Boqor Sulaymaanna boqor buu u ahaa dadkii Israa'iil oo dhan.
3Oo markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan, nin iyo naagba, mid kasta siiyey xabbad kibis ah, iyo cad hilib ah, iyo fud sabiib ah.
6Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.
20iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo boqorrada dalka Cuus oo dhan, iyo boqorrada dalka reer Falastiin oo dhan, iyo Ashqeloon, iyo Gaasa, iyo Ceqroon, iyo kuwa Ashdood ka hadhay,
6Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.
15Oo boqorku wuxuu lacag iyo dahabba Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale. Oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale.
10Qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan boqolkiiba toban nin baannu kala baxaynaa, kunkiina waxaannu kala baxaynaa boqol nin, tobankii kunna waxaannu kala baxaynaa kun nin, inay dadka sahay u keenaan si markii ay tagaan Gibecaahda reer Benyaamiin ay wax ugu sameeyaan xumaantii ay ku dhex sameeyeen reer binu Israa'iil aawadeed.
11Laakiinse anigu waxaan ku talinayaa in reer binu Israa'iil oo dhammu adiga kuu soo shiraan oo ay ka yimaadaan tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo ay u soo bataan sida cammuudda badda agteeda taal; oo aad adiga qudhaadu dagaalka gashid.