Xaakinnadii 20:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan boqolkiiba toban nin baannu kala baxaynaa, kunkiina waxaannu kala baxaynaa boqol nin, tobankii kunna waxaannu kala baxaynaa kun nin, inay dadka sahay u keenaan si markii ay tagaan Gibecaahda reer Benyaamiin ay wax ugu sameeyaan xumaantii ay ku dhex sameeyeen reer binu Israa'iil aawadeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 20:8-9
    2 aayado
    86%

    8Markaasaa dadkii oo dhammu isku mar isla kacay sidii nin qudha, oo waxay yidhaahdeen, Annaga midkayana tegi maayo teendhadiisii, oo midkayana ku leexan maayo gurigiisii.

    9Laakiinse waxa aannu Gibecaah ku samaynaynaa waa kan; saami baannu ku weeraraynaa.

  • Xaak 20:11-22
    12 aayado
    81%

    11Oo sidaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu isugu soo urursadeen magaaladii, iyagoo u midoobay sidii nin qudha.

    12¶ Markaasay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil rag u direen qabiilkii reer Benyaamiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, War xumaantan dhexdiinna ka dhacday waa maxay?

    13Haddaba sidaas daraaddeed nimanka xunxun ee Gibecaah jooga noo soo bixiya, aannu dilnee, oo aannu reer binu Israa'iil sharka ka dhex fogaynee. Laakiinse reer Benyaamiin ma ay doonaynin inay dhegaystaan codkii reer binu Israa'iil oo walaalahood ahaa.

    14Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.

    15Oo maalintaas waa la tiriyey reer Benyaamiinkii magaalooyinka ka baxay, oo waxay noqdeen lix iyo labaatan kun oo seefqaad ah, iyo weliba kuwii Gibecaah degganaa oo tiradoodii ahayd toddoba boqol oo nin oo la soo xulay.

    16Oo dadkaas oo dhanna waxaa ka mid ahaa toddoba boqol oo nin oo la soo xulay oo wada gurran, oo mid waluba ka dhaadhacay wadhafka tuuristiisa oo xataa uusan la waayayn tin.

    17¶ Oo raggii reer binu Israa'iil oo reer Benyaamiin aanay ku jirinna tiradoodii waxay ahayd afar boqol oo kun oo nin oo wada seefqaad ah; oo kulligoodna waxay ahaayeen rag dagaalgal ah.

    18Markaasay reer binu Israa'iil kaceen, oo waxay tageen Beytel, oo Ilaah bay talo weyddiisteen. Oo waxay yidhaahdeen, Yaa reer Benyaamiin marka hore noogu duulaya? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha u horreeyeen.

    19Subaxdii dambe ayay reer binu Israa'iil kaceen, oo ag degeen Gibecaah.

    20Oo raggii reer binu Israa'iil waxay u soo baxeen inay reer Benyaamiin ku duulaan; oo reer binu Israa'iilna Gibecaah bay isugu diyaariyeen inay reer Benyaamiin la dagaallamaan.

    21Markaasay reer Benyaamiin ka soo baxeen Gibecaah, oo baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo maalintaas waxay ka laayeen laba iyo labaatan kun oo nin.

    22Markaasay raggii reer binu Israa'iil isdhiirrigeliyeen, oo mar kalay dagaal isugu soo diyaariyeen meeshii ay maalintii hore isku soo diyaariyeen.

  • 80%

    29Markaasay reer binu Israa'iil Gibecaah hareeraheeda dhigeen rag gaadmo ah.

    30¶ Oo haddana maalintii saddexaad reer binu Israa'iil waxay ku soo kaceen reer Benyaamiin, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Gibecaah sidii mararkii hore.

    31Oo reer Benyaamiinna waxay ku soo baxeen dadkii, oo magaaladiina waa laga fogeeyey, oo waxay bilaabeen inay dadkii laayaan oo dilaan sidii mararkii hore, oo waxay ku laayeen waddooyinkii waaweynaa kuwaasoo middood Beytel loo maro, tan kalena Gibecaah loo maro, iyo duurka, oo waxay dileen in ku dhow soddon nin oo reer binu Israa'iil ah.

    32Markaasay reer Benyaamiin isku yidhaahdeen, Sidii mararkii hore ayay hortayada ugu le'deen. Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdeen, War aynu cararno, oo iyaga magaalada ka fogayno oo geeyno xagga waddooyinka waaweyn.

    33Markaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu ka kaceen meeshoodii, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Bacal Taamaar; oo raggii gaadmada ahaa oo reer binu Israa'iilna waxay ka soo yaaceen meeshoodii, taasoo ahayd duurka Gibecaah.

    34Oo waxaa Gibecaah hor yimid toban kun oo nin oo laga soo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, oo dagaalkiina aad iyo aad buu u sii kululaaday; laakiinse ma ay ogayn in belaayo ku soo dhow dahay.

    35Markaasuu Rabbigu reer Benyaamiin ku laayay reer binu Israa'iil hortooda; oo maalintaas reer binu Israa'iil waxay reer Benyaamiin ka baabbi'iyeen shan iyo labaatan kun iyo boqol nin oo wada seefqaad ah.

    36¶ Sidaas daraaddeed reer Benyaamiin waxay arkeen in la jebiyey, waayo, reer binu Israa'iil waxay meel u banneeyeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, waxay isku halleeyeen raggii qarsoonaa ee ay Gibecaah gaadmada u geliyeen.

    37Markaasay raggii gaadmada ahaa soo dhaqsadeen oo haddiiba ku soo yaaceen Gibecaah, oo kuwii gaadmada ahaana intay soo baxeen ayay magaaladii oo dhan ku laayeen seef.

  • Xaak 20:2-3
    2 aayado
    77%

    2Markaasaa dadka madaxdiisii oo dhan ee ka socda qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaa isa soo dhex taagay dadka Ilaah shirkiisii, kuwaasoo ahaa afar boqol oo kun oo nin oo lug ah oo wada seefqaad ah.

    3(Markaasaa reer Benyaamiin waxay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah tageen.) Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War bal noo sheeg siday xumaantanu u dhacday.

  • 25Kolkaasay reer Benyaamiin maalintii labaad kaga soo baxeen Gibecaah, oo haddana waxay baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo waxay ka laayeen siddeed iyo toban kun oo nin oo wada seefqaad ah.

  • 39Markaasay raggii reer binu Israa'iil dagaalkii ka jeesteen, oo reer Benyaamiinna waxay bilaabeen inay laayaan oo dilaan, oo waxay raggii reer binu Israa'iil ka dileen in ku dhow soddon qof; waayo, waxay isyidhaahdeen, Hubaal sidii dagaalkii horay ku le'deen hortayada.

  • 74%

    44Oo waxaa reer Benyaamiin haddana ka le'day siddeed iyo toban kun oo nin, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.

    45Oo intay jeesteen ayay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon; oo waxaa jidadka waaweyn lagu sii laayay shan kun oo nin; oo waxaa loo sii raacdaystay xagga Gidcom, oo laga laayay laba kun oo nin.

    46Sidaas daraaddeed maalintaas wixii reer Benyaamiin ka le'day kulligood waxay ahaayeen shan iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.

  • 20Sidaas aawadeed Samuu'eel wuxuu soo dhoweeyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaa lala baxay qabiilkii reer Benyaamiin.

  • 10Markaasaa shirkii wuxuu halkaas u diray laba iyo toban kun oo nin oo xoog leh, oo waxayna ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo seef ku laaya dadka Yaabeesh Gilecaad deggan, iyo dumarka iyo yaryarkaba.

  • 7Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin.

  • 12Sidaasaynu isaga ugu iman doonnaa meesha laga helo, oo waxaynu ugu soo degi doonnaa sida dharabku dhulka ugu soo dego oo kale; oo isaga iyo dadka la socda oo dhanba xataa mid qudha ka reebi mayno.

  • Tir 31:4-5
    2 aayado
    73%

    4Oo qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan waa inaad qabiil kastaba kun ka soo bixisaan oo dagaal u dirtaan.

    5Sidaas daraaddeed kumanyaalkii reer binu Israa'iil qabiil kasta waxaa laga soo bixiyey kun nin, oo waxay ahaayeen laba iyo toban kun oo nin oo dagaal hub u sita.

  • 8Markaasuu iyagii ku tiriyey Beseq, oo reer binu Israa'iil waxay ahaayeen saddex boqol oo kun, oo raggii reer Yahuudahna waxay ahaayeen soddon kun.

  • 9Dadka Israa'iilow, tan iyo wakhtigii Gibecaah waad dembaabayseen. Halkaasay istaagaan si aan dagaalkii lala dagaallamay carruurta dembigu Gibecaah u gaadhin.

  • 14Oo waxay isagii ku dareen toban amiir, oo amiirba wuxuu ka socday qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood, oo mid waluba wuxuu ahaa kii madaxda u ahaa reerahooda ku jira kumanyaalka reer binu Israa'iil.

  • 6Oo reer binu Israa'iilna waxay u qoomamoodeen walaalahood reer Benyaamiin, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaa jira qabiil ka go'ay reer binu Israa'iil.

  • 22Oo markay aabbayaashood ama walaalahood noo soo cawdaan, waxaannu iyaga ku odhan doonnaa, Warroy raalli nooga ahaada iyaga; maxaa yeelay, annagu ninna dagaalkii naag ugama aannan reebin. Idinna ma aydnaan siin iyaga, haddii kalese haatan eed baad lahaan lahaydeen.

  • 5Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah.

  • 16¶ Markaasaa odayaashii shirku waxay yidhaahdeen, Bal inta hadhay sidee baynu naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, naagihii waa laga baabbi'iyey reer Benyaamiin?

  • 72%

    41Markaasay raggii reer binu Israa'iil soo jeesteen, oo raggii reer Benyaamiinna way yaabeen; waayo, waxay arkeen in belaayo ku dhacday iyaga.

    42Sidaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay.

  • 48Oo raggii reer binu Israa'iil haddana way ku soo noqdeen reer Benyaamiin, oo waxay ku laayeen seef magaaladii oo dhan, iyo xoolihii, iyo wixii ay heleen oo dhanba; oo weliba magaalooyinkii ay heleen oo dhanna dab bay qabadsiiyeen.

  • 43Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay raggii reer Yahuudah ugu jawaabeen, War boqorka toban meelood baannu ku leennahay, oo weliba Daa'uud annagaa idinkaga xaq leh, haddaba maxaad noo quudhsateen oo aad hore noo weyddiin weydeen talo ku saabsan boqorkeenna soo celintiisa? Oo raggii reer Yahuudah erayadoodii way ka sii adkaayeen erayadii raggii reer binu Israa'iil.

  • 4Markaasaa Saa'uul dadkii u yeedhay, oo Tela'iim buu ku tiriyey, oo waxay noqdeen laba boqol oo kun oo nin oo lug ah, iyo toban kun oo nin ee reer Yahuudah ah.

  • 6Oo anna intaan naagtaydii addoonta ahayd qaaday ayaan cadcad u kala googooyay, oo waxaan u diray dalkii ay reer binu Israa'iil dhaxalka u heleen oo dhan; waayo, waxay reer binu Israa'iil ku dhex sameeyeen wasakhnimo iyo xumaan.

  • 6ha naloo keeno toddoba nin oo wiilashiisii ah, oo Rabbiga ayaannu ugu deldelaynaa Gibecaahdii Saa'uul, kii Rabbigu doortay.