Hosheeca 10:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadka Israa'iilow, tan iyo wakhtigii Gibecaah waad dembaabayseen. Halkaasay istaagaan si aan dagaalkii lala dagaallamay carruurta dembigu Gibecaah u gaadhin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 9:9 : 9 Iyagu aad bay isu kharribeen sidii wakhtigii Gibecaah. Isagaa soo xusuusan doona xumaantooda oo wuxuu soo ciqaabi doonaa dembiyadooda.
  • Saf 3:6-7 : 6 ¶ Anigu quruumo ayaan baabbi'iyey, oo qalcadahoodiina waa baabba', oo jidadkoodiina cidla baan ka dhigay si aan ciduna u marin, oo magaalooyinkoodiina waa la dumiyey, si aan qofna u joogin oo aan cid keliyuhuna u degganaan. 7 Waxaan idhi, Sida xaqiiqada ah waad iga cabsan doontaa, oo edbin baad aqbali doontaa. Markaas hoygeedu uma uu baabbe'een sidii aan iyada u goostay. Laakiinse aroor horay keceen oo falimahoodii oo dhan way xumeeyeen.
  • Mat 23:31-32 : 31 Sidaasaad isugu marag furaysaan inaad tihiin wiilasha kuwii nebiyada dilay. 32 Idinku haddaba dhammaystira qiyaastii awowayaashiin.
  • Bil 6:5 : 5 Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba.
  • Bil 8:21 : 21 Rabbiguna wuxuu uriyey caraftii udgoonayd, kolkaasuu Rabbigu iska yidhi qalbigiisa, Mar dambe dadka aawadiis dhulka uma habaari doono, maxaa yeelay, malaha qalbiga dadku waa shar tan iyo yaraantiisa; mar dambena ma aan dili doono wax kasta oo nool sidii aan yeelay.
  • Xaak 19:22-30 : 22 Oo intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee. 23 Markaasaa ninkii guriga lahaa dibadda ugu baxay oo ku yidhi, Maya, walaalahayow, waan idin baryayaaye, ha samaynina wax sidaas u shar ah, maxaa yeelay, ninkanu gurigayguu galay ee ha ku samaynina xumaantan. 24 Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah. 25 Laakiinse raggii ma ay doonaynin inay dhegaystaan, sidaas daraaddeed ninkii wuxuu qabtay naagtiisii addoonta ahayd, dibadduuna ugu soo saaray; kolkaasay iyadii kufsadeen, oo si xun bay u galeen habeenkii oo dhan ilaa subaxdii; oo markii waagu baryayay ayay iska sii daayeen. 26 Markaasaa naagtii timid markii waagu soo kaahay, oo waxay ku dhacday albaabkii ninkii gurigiisa oo uu sayidkeedii joogay, ilaa ay iftiin noqotay. 27 Markaasaa sayidkeedii kacay aroortii, oo albaabbadii guriga furay, oo inuu tago ayuu dibadda ugu soo baxay; oo bal eeg, naagtiisii addoonta ahayd waxay ku dhacday guriga iriddiisa, oo gacmaheeduna waxay saarnaayeen marinka. 28 Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa bal kac, oo ina keen aan tagnee; laakiinse cidna uma ay jawaabin; markaasuu dameerkiisii saaray, oo meeshiisii u kacay. 29 Oo markuu gurigiisii galay ayuu mindi qaaday, oo intuu naagtiisii addoonta ahayd qabtay ayuu xubin xubin u kala gooyay, oo wuxuu ka dhigay laba iyo toban cad, oo wuxuu u diray xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan inta ka dhex leh. 30 Oo kulli wax alla wixii arkayba waxay yidhaahdeen, Maalintii ay dalka Masar ka soo baxeen ilaa maantadan la joogo reer binu Israa'iil laguma samayn, lagumana arag, shuqul caynkan ah; haddaba bal ka fiirsada, oo ka tashada, oo ka hadla.
  • Xaak 20:5 : 5 Markaasay raggii reer Gibecaah igu kaceen, oo habeennimo ayay gurigii igu hareereeyeen, oo waxay damceen inay i dilaan, naagtaydii addoonta ahaydna way kufsadeen, wayna dhimatay.
  • Xaak 20:13-14 : 13 Haddaba sidaas daraaddeed nimanka xunxun ee Gibecaah jooga noo soo bixiya, aannu dilnee, oo aannu reer binu Israa'iil sharka ka dhex fogaynee. Laakiinse reer Benyaamiin ma ay doonaynin inay dhegaystaan codkii reer binu Israa'iil oo walaalahood ahaa. 14 Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.
  • Xaak 20:17-48 : 17 ¶ Oo raggii reer binu Israa'iil oo reer Benyaamiin aanay ku jirinna tiradoodii waxay ahayd afar boqol oo kun oo nin oo wada seefqaad ah; oo kulligoodna waxay ahaayeen rag dagaalgal ah. 18 Markaasay reer binu Israa'iil kaceen, oo waxay tageen Beytel, oo Ilaah bay talo weyddiisteen. Oo waxay yidhaahdeen, Yaa reer Benyaamiin marka hore noogu duulaya? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha u horreeyeen. 19 Subaxdii dambe ayay reer binu Israa'iil kaceen, oo ag degeen Gibecaah. 20 Oo raggii reer binu Israa'iil waxay u soo baxeen inay reer Benyaamiin ku duulaan; oo reer binu Israa'iilna Gibecaah bay isugu diyaariyeen inay reer Benyaamiin la dagaallamaan. 21 Markaasay reer Benyaamiin ka soo baxeen Gibecaah, oo baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo maalintaas waxay ka laayeen laba iyo labaatan kun oo nin. 22 Markaasay raggii reer binu Israa'iil isdhiirrigeliyeen, oo mar kalay dagaal isugu soo diyaariyeen meeshii ay maalintii hore isku soo diyaariyeen. 23 (Markaasay reer binu Israa'iil tageen oo ilaa fiidkii ku hor ooyeen Rabbiga, oo Rabbigay weyddiisteen iyagoo leh, Miyaannu haddana u dhowaannaa inaannu walaalahayo reer Benyaamiin la dirirno? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga oo la dirira.) 24 ¶ Oo haddana maalintii labaad ayaa reer binu Israa'iil u soo dhowaadeen reer Benyaamiin. 25 Kolkaasay reer Benyaamiin maalintii labaad kaga soo baxeen Gibecaah, oo haddana waxay baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo waxay ka laayeen siddeed iyo toban kun oo nin oo wada seefqaad ah. 26 Markaasay reer binu Israa'iil oo dhan iyo dadkii oo dhammu wada tageen oo waxay yimaadeen Beytel, oo intay Rabbiga hor fadhiisteen ayay ooyeen, oo maalintaasna ilaa fiidkii way soomanaayeen; oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. 27 Markaasay reer binu Israa'iil haddana Rabbiga wax weyddiisteen, (waayo, wakhtigaas waxaa halkaas oolli jiray sanduuqii axdiga Ilaah, 28 oo wakhtigaas waxaa is-hor taagi jiray Fiinexaas ina Elecaasaar oo ina Haaruun ahaa), oo waxay yidhaahdeen, Miyaannu mar kale haddana ku duulnaa walaalahayo reer Benyaamiin, mise waannu ka joogsannaa? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga, waayo, berri baan gacanta idiin soo gelin doonaa. 29 Markaasay reer binu Israa'iil Gibecaah hareeraheeda dhigeen rag gaadmo ah. 30 ¶ Oo haddana maalintii saddexaad reer binu Israa'iil waxay ku soo kaceen reer Benyaamiin, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Gibecaah sidii mararkii hore. 31 Oo reer Benyaamiinna waxay ku soo baxeen dadkii, oo magaaladiina waa laga fogeeyey, oo waxay bilaabeen inay dadkii laayaan oo dilaan sidii mararkii hore, oo waxay ku laayeen waddooyinkii waaweynaa kuwaasoo middood Beytel loo maro, tan kalena Gibecaah loo maro, iyo duurka, oo waxay dileen in ku dhow soddon nin oo reer binu Israa'iil ah. 32 Markaasay reer Benyaamiin isku yidhaahdeen, Sidii mararkii hore ayay hortayada ugu le'deen. Laakiinse reer binu Israa'iil waxay yidhaahdeen, War aynu cararno, oo iyaga magaalada ka fogayno oo geeyno xagga waddooyinka waaweyn. 33 Markaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu ka kaceen meeshoodii, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Bacal Taamaar; oo raggii gaadmada ahaa oo reer binu Israa'iilna waxay ka soo yaaceen meeshoodii, taasoo ahayd duurka Gibecaah. 34 Oo waxaa Gibecaah hor yimid toban kun oo nin oo laga soo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, oo dagaalkiina aad iyo aad buu u sii kululaaday; laakiinse ma ay ogayn in belaayo ku soo dhow dahay. 35 Markaasuu Rabbigu reer Benyaamiin ku laayay reer binu Israa'iil hortooda; oo maalintaas reer binu Israa'iil waxay reer Benyaamiin ka baabbi'iyeen shan iyo labaatan kun iyo boqol nin oo wada seefqaad ah. 36 ¶ Sidaas daraaddeed reer Benyaamiin waxay arkeen in la jebiyey, waayo, reer binu Israa'iil waxay meel u banneeyeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, waxay isku halleeyeen raggii qarsoonaa ee ay Gibecaah gaadmada u geliyeen. 37 Markaasay raggii gaadmada ahaa soo dhaqsadeen oo haddiiba ku soo yaaceen Gibecaah, oo kuwii gaadmada ahaana intay soo baxeen ayay magaaladii oo dhan ku laayeen seef. 38 Haddaba reer binu Israa'iil iyo raggii gaadmada ahaa waxaa calaamad u ahaa inay qiiq weyn ka kiciyaan magaalada. 39 Markaasay raggii reer binu Israa'iil dagaalkii ka jeesteen, oo reer Benyaamiinna waxay bilaabeen inay laayaan oo dilaan, oo waxay raggii reer binu Israa'iil ka dileen in ku dhow soddon qof; waayo, waxay isyidhaahdeen, Hubaal sidii dagaalkii horay ku le'deen hortayada. 40 Laakiinse markii daruurtii ka kacday magaaladii iyadoo tiir qiiq ah ayaa reer Benyaamiin dib u fiiriyeen, oo waxay arkeen magaaladii oo dhammaanteed qiiq samada uga baxay. 41 Markaasay raggii reer binu Israa'iil soo jeesteen, oo raggii reer Benyaamiinna way yaabeen; waayo, waxay arkeen in belaayo ku dhacday iyaga. 42 Sidaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay. 43 Oo intay hareereeyeen ayay reer Benyaamiin sii eryadeen, oo waxay ku gaadheen meeshii ay ku nasteen taasoo ka horraysa oo xagga qorrax ka soo baxa ka xigta Gibecaah. 44 Oo waxaa reer Benyaamiin haddana ka le'day siddeed iyo toban kun oo nin, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan. 45 Oo intay jeesteen ayay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon; oo waxaa jidadka waaweyn lagu sii laayay shan kun oo nin; oo waxaa loo sii raacdaystay xagga Gidcom, oo laga laayay laba kun oo nin. 46 Sidaas daraaddeed maalintaas wixii reer Benyaamiin ka le'day kulligood waxay ahaayeen shan iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan. 47 Laakiinse lix boqol oo nin ayaa jeesatay oo waxay u carareen xagga cidlada iyo ilaa dhagaxii weynaa oo Rimmon oo waxay dhagaxii weynaa oo Rimmon joogeen afar bilood. 48 Oo raggii reer binu Israa'iil haddana way ku soo noqdeen reer Benyaamiin, oo waxay ku laayeen seef magaaladii oo dhan, iyo xoolihii, iyo wixii ay heleen oo dhanba; oo weliba magaalooyinkii ay heleen oo dhanna dab bay qabadsiiyeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hos 9:9-10
    2 aayado
    83%

    9Iyagu aad bay isu kharribeen sidii wakhtigii Gibecaah. Isagaa soo xusuusan doona xumaantooda oo wuxuu soo ciqaabi doonaa dembiyadooda.

    10Waxaan gartay in dadka Israa'iil ay la mid ahaayeen canab cidlada ku dhex yaal, oo waxaan arkay in awowayaashiin ahaayeen sidii berdaha xilliga hore bislaada, laakiinse iyagu waxay yimaadeen Bacal Fecoor, oo waxay gooni isugu sooceen waxaas ceebta miidhan ah, oo waxay u karaahiyoobeen sidii wixii ay jeclaayeen oo kale.

  • 8Oo weliba meelaha sare ee Aawen ku yaal oo dembiga dadka Israa'iil ahna waa la wada dumin doonaa. Meelahooda allabarigana waxaa ka soo kor bixi doona qodxan iyo yamaarug. Waxay buuraha ku odhan doonaan, War na qariya. Oo gumburahana waxay ku odhan doonaan, Nagu soo dhaca.

  • 75%

    12¶ Markaasay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil rag u direen qabiilkii reer Benyaamiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, War xumaantan dhexdiinna ka dhacday waa maxay?

    13Haddaba sidaas daraaddeed nimanka xunxun ee Gibecaah jooga noo soo bixiya, aannu dilnee, oo aannu reer binu Israa'iil sharka ka dhex fogaynee. Laakiinse reer Benyaamiin ma ay doonaynin inay dhegaystaan codkii reer binu Israa'iil oo walaalahood ahaa.

    14Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.

  • 75%

    19Subaxdii dambe ayay reer binu Israa'iil kaceen, oo ag degeen Gibecaah.

    20Oo raggii reer binu Israa'iil waxay u soo baxeen inay reer Benyaamiin ku duulaan; oo reer binu Israa'iilna Gibecaah bay isugu diyaariyeen inay reer Benyaamiin la dagaallamaan.

  • 34Oo waxaa Gibecaah hor yimid toban kun oo nin oo laga soo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, oo dagaalkiina aad iyo aad buu u sii kululaaday; laakiinse ma ay ogayn in belaayo ku soo dhow dahay.

  • 10Markaan damco ayaan iyaga edbin doonaa, oo dadyowga ayaa isugu soo wada ururi doona iyaga, markii loo xidho labadoodii xadgudub aawadood.

  • 74%

    29Markaasay reer binu Israa'iil Gibecaah hareeraheeda dhigeen rag gaadmo ah.

    30¶ Oo haddana maalintii saddexaad reer binu Israa'iil waxay ku soo kaceen reer Benyaamiin, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Gibecaah sidii mararkii hore.

    31Oo reer Benyaamiinna waxay ku soo baxeen dadkii, oo magaaladiina waa laga fogeeyey, oo waxay bilaabeen inay dadkii laayaan oo dilaan sidii mararkii hore, oo waxay ku laayeen waddooyinkii waaweynaa kuwaasoo middood Beytel loo maro, tan kalena Gibecaah loo maro, iyo duurka, oo waxay dileen in ku dhow soddon nin oo reer binu Israa'iil ah.

  • 5Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, haddaba dadka Israa'iil iyo reer Efrayimba waxay ku turunturoon doonaan xumaantooda, dadka Yahuudahna way la turunturoon doonaan iyaga.

  • 1¶ Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen.

  • 29Way gudbeen meeshii laga gudbi jiray, oo waxay ku dhaxeen Gebac. Raamaah way gariirtay, Gibecaahdii Saa'uulna way carartay.

  • 11Reer binu Israa'iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii.

  • 5Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah toona Ilaahooda ah Rabbiga ciidammadu innaba ma dayrin, in kastoo dalkoodii uu ka buuxsamay dembi ay ku sameeyeen Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • Xaak 10:9-10
    2 aayado
    73%

    9Markaasay reer Cammoon ka soo gudbeen Webi Urdun inay la diriraan reer Yahuudah, iyo reer Benyaamiin, iyo reer Efrayim; sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waxay ku jireen cidhiidhi weyn.

    10Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen, oo yidhaahdeen, Waannu kugu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ka tagnay Ilaahayo, oo Bacaliimkii baannu u adeegnay.

  • 1¶ Haddaba markii aan damco inaan dadka Israa'iil bogsiiyo ayaa waxaa la soo bandhigaa xumaantii reer Efrayim, iyo sharnimadii dadka Samaariya, waayo, waxay sameeyaan wax been ah, oo tuuggiina guduhuu galaa, guutada shuftada ahuna dibadday wax ka dhacaan.

  • 15Dadka Israa'iilow, in kastoo aad dhillowdaan, yaan dadka Yahuudah isla dembigaas ku eedaysnaan, oo Gilgaal ha imanina, oo Beytaawen ha tegin, hana ku dhaaranina Rabbiga noloshiisa.

  • 10Qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan boqolkiiba toban nin baannu kala baxaynaa, kunkiina waxaannu kala baxaynaa boqol nin, tobankii kunna waxaannu kala baxaynaa kun nin, inay dadka sahay u keenaan si markii ay tagaan Gibecaahda reer Benyaamiin ay wax ugu sameeyaan xumaantii ay ku dhex sameeyeen reer binu Israa'iil aawadeed.

  • 15Sidaas oo kalaa Beytel laydinkaga samayn doonaa, waana sharnimadiinna weyn daraaddeed. Markii waagu beryo ayaa boqorka dalka Israa'iil dhammaantiis la baabbi'in doonaa.

  • 9Oo dadkii Israa'iil waxay Rabbiga Ilaahooda ah si qarsoon ugu samayn jireen waxyaalo aan qummanayn, oo magaalooyinkooda oo dhan waxay ka dhisan jireen meelo sarsare tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd.

  • 11Reer Gilecaad waa xumaan miidhan oo iyagu dhammaantood waa wax aan waxtar lahayn. Waxay Gilgaal ku allabaryaan dibiyo, oo weliba meelahooda allabarigu waa sida tuulmooyin ku dhex yaal jeexjeexyada beerta oo kale.

  • 19Reer binu Israa'iilow, Ammaantiinnii waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare! Bal eega kuwa xoogga leh siday u dhaceen!

  • 72%

    36¶ Sidaas daraaddeed reer Benyaamiin waxay arkeen in la jebiyey, waayo, reer binu Israa'iil waxay meel u banneeyeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, waxay isku halleeyeen raggii qarsoonaa ee ay Gibecaah gaadmada u geliyeen.

    37Markaasay raggii gaadmada ahaa soo dhaqsadeen oo haddiiba ku soo yaaceen Gibecaah, oo kuwii gaadmada ahaana intay soo baxeen ayay magaaladii oo dhan ku laayeen seef.

  • 3(Markaasaa reer Benyaamiin waxay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah tageen.) Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War bal noo sheeg siday xumaantanu u dhacday.

  • 7Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.

  • 5Waxan oo dhammu waxay u dheceen xadgudubka reer Yacquub iyo dembiyada dadka Israa'iil. Xadgudubka reer Yacquub waa maxay? Sow Samaariya ma aha? Meelaha sare oo dalka Yahuudahna waa maxay? Sow Yeruusaalem ma aha?

  • 8Gilecaad waa magaalada kuwa xumaanta ka shaqeeya, oo dhiig baa wasakheeyey.

  • 7¶ Oo taasu way dhacday, maxaa yeelay, dadkii Israa'iil waxay ku dembaabi jireen Rabbiga Ilaahooda ah oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar oo ka soo hoos bixiyey gacantii Fircoon oo ahaa boqorkii Masar, oo waxay ka cabsan jireen ilaahyo kale,

  • 1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

  • 10Dadka Israa'iil waxaan ku dhex arkay wax aad iyo aad u xun. Reer Efrayim waxaa laga dhex helay sino, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.

  • 22Oo dadkii Israa'iil waxay ku socdeen kulli dembiyadii Yaaraabcaam sameeyey oo dhan, oo kuwaasna kama ay tegin

  • 9Dadka Israa'iilow, baabbi'inna waxaa sabab u ah cadownimada aad ii qabtaan anoo caawiyihiinna ah.

  • 21Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa.

  • 13Waxaad falateen sharnimo, waxaad soo goosateen xumaan, oo waxaad cunteen midhihii beenta, waayo, waxaad isku hallayseen jidkiinna iyo raggiinna tirada iyo xoogga badan.

  • 15Xumaantoodii oo dhammu waxay ku jirtaa Gilgaal, waayo, iyaga halkaas baan ku necbaaday. Haddaba xumaanta falimahooda aawadeed ayaan iyaga uga eryi doonaa gurigayga. Mar dambe ma aan jeclaan doono, waayo, amiirradooda oo dhammu waa caasiyiin.

  • 3Dadka Israa'iil way iska xooreen wixii wanaagsanaa, oo iyaga cadowgu waa eryan doonaa.

  • 6¶ Markaasaa reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliim, iyo Cashtarod, iyo ilaahyadii Suuriya, iyo ilaahyadii Siidoon, iyo ilaahyadii Moo'aab, iyo ilaahyadii reer Cammoon, iyo ilaahyadii reer Falastiin, oo Rabbiga way ka tageen, umana ay adeegin.

  • 34Oo reer binu Israa'iilna ma ay xusuusan Rabbiga Ilaahood ahaa, oo ka samatabbixiyey cadaawayaashoodii dhan kasta ka xigay oo dhan;

  • 10Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, laakiinse iyagu uma ay soo noqon Rabbiga Ilaahooda ah, mana ay doondoonin isaga in kastoo ay waxyaalahaa oo dhan sameeyeen.

  • 7Haddaba taas ayaa Ilaah ugu cadhooday, markaasuu laayay reer binu Israa'iil.

  • 1¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu intii toddoba sannadood ah gacanta u geliyey reer Midyaan.

  • 9Markaasuu igu yidhi, Dadka dalka Israa'iil iyo dadka dalka Yahuudahba xumaantoodu aad iyo aad bay u badan tahay, oo dalkiina dhiig baa ka buuxsamay, oo magaaladiina qalloocnaan baa ka buuxsantay, waayo, waxay isyidhaahdaan, Rabbigu dhulka wuu ka tegey, oo Rabbigu waxba ma arko.

  • 10Dembilayaasha dadkayga oo dhan oo leh, Belaayo na soo gaadhi mayso nana heli mayso, dhammaantood seef bay ku dhiman doonaan.

  • 3Anigu waan aqaan reer Efrayim, dadka Israa'iilna igama qarsoona, waayo, haatan reer Efrayimow, waad sinaysateen, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.