Hosheeca 7:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, laakiinse iyagu uma ay soo noqon Rabbiga Ilaahooda ah, mana ay doondoonin isaga in kastoo ay waxyaalahaa oo dhan sameeyeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 5:5 : 5 Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, haddaba dadka Israa'iil iyo reer Efrayimba waxay ku turunturoon doonaan xumaantooda, dadka Yahuudahna way la turunturoon doonaan iyaga.
  • Ish 9:13 : 13 ¶ Laakiinse dadku uma ay soo noqon kii iyaga wax ku dhuftay, mana ay doondoonin Rabbiga ciidammada.
  • Aam 4:6-9 : 6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkiinna oo dhan waxaan idinku siiyey ilko nadiifsan oo ka timaado cuntola'aan ka dhacda meelihiinna oo dhan, laakiinse iima aydaan soo noqon. 7 Oo anna roobkii waan idinka ceshaday markii ay saddex bilood ka hadhay xilligii beergoosashada, oo magaalo baan roob ku di'iyey, magaalo kalena roob kuma aan di'in. Roob baa meel ku da'ay, oo meeshii aan roobku ku di'inna way engegtay. 8 Sidaas daraaddeed laba ama saddex magaalo ayaa magaalo u soo wareegay inay biyo ka cabbaan aawadeed, oo kamana ay wabxin, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay. 9 Waxaan idinku dhuftay beera-engeeg iyo caariyaysi, oo beerihiinnii badnaa, iyo beercanabyadiinnii, iyo dhirtiinnii berdaha ahayd, iyo dhirtiinnii saytuunka ahaydba waxaa wada laasatay koronkorrada, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay. 10 Waxaan idinku soo dhex daayay cudur belaayo sidaan Masar ugu soo daayay oo kale. Barbaarradiinnii seef waan ku laayay, oo fardihiinniina waan wada kaxaystay, oo waxaan ka dhigay in qudhunkii xeradiinnu uu xataa soo gaadho sankiinna dulalkiisa, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay. 11 Oo qaarkiin waan u afgembiyey sidii markii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora, oo idinna waxaad ahaydeen sidii qori ololaya oo dab laga soo dhiftay, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay. 12 Haddaba dadka Israa'iilow, sidaasaan idinku samayn doonaa, oo waxan aan idinku samayn doona aawadeed isu diyaariya inaad Ilaahiinna la kulantaan, dadka Israa'iilow. 13 Waayo, bal eega, kan buuraha sameeya, oo dabaysha uuma, oo binu-aadmiga u sheega waxa fikirkiisu yahay, kan subaxdii gudcur ka dhiga, oo ku kor tunta dhulka meelihiisa sare, magiciisu waxaa weeye Rabbiga oo ah Ilaaha ciidammada.
  • Sak 1:4 : 4 Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan.
  • Room 3:11 : 11 Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro;
  • Hos 6:1 : 1 ¶ Ina keena aan Rabbiga ku noqonnee, waayo, isagaa ina dillacshay, oo isagaa ina bogsiin doona, isagaa wax inagu dhuftay, oo isagaa nabraheenna inoo duubi doona.
  • Hos 7:7 : 7 Iyagu dhammaantood waxay u kulul yihiin sida foorno oo kale, oo waxay baabbi'iyaan xaakinnadooda, oo boqorradii oo dhammuna waxay yihiin kuwa dhacay, oo dhexdooda lagama arko innaba mid i barya.
  • Yer 3:3 : 3 Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.
  • Yer 8:5-6 : 5 Haddaba dadkan reer Yeruusaalem bal maxay dib ugugu simbiriirixdeen dibunoqosho weligeed ah? Iyagu khiyaano way xajisanayaan, wayna diidaan inay soo noqdaan. 6 Waan dhegaystay oo waan maqlay, laakiinse si qumman uma ay hadlin. Oo midkoodna xumaantiisii kama toobadkeeno, isagoo leh, Bal maxaan sameeyey? Mid kastaaba wuxuu u leexdaa jidkiisii sida faras dagaal ku yaacaya.
  • Yer 25:5-7 : 5 Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey. 6 Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo. 7 Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.
  • Yer 35:15-17 : 15 Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan. 16 Yoonaadaab ina Reekaab wiilashiisii way wada oofiyeen amarkii awowgood uu iyaga ku amray, laakiinse dadkanu aniga ima ay dhegaysan, 17 sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin.
  • Sab 10:4 : 4 Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa, Isagu waxba i weyddiisan maayo. Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
  • Sab 14:2 : 2 Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga, Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya, Oo Ilaah doondoona.
  • Sab 53:2 : 2 Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga, Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.
  • Maah 27:22 : 22 In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hos 5:3-6
    4 aayado
    83%

    3Anigu waan aqaan reer Efrayim, dadka Israa'iilna igama qarsoona, waayo, haatan reer Efrayimow, waad sinaysateen, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.

    4Falimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin.

    5Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, haddaba dadka Israa'iil iyo reer Efrayimba waxay ku turunturoon doonaan xumaantooda, dadka Yahuudahna way la turunturoon doonaan iyaga.

    6Waxay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga.

  • Hos 7:8-9
    2 aayado
    77%

    8Reer Efrayim dadyowguu isku dhex qasaa, reer Efrayim waa sida kibis aan la wada dubin.

    9Shisheeyayaal ayaa xooggiisa dhammeeyey, oo isna maba oga. Xataa cirraa ka soo baxday, oo isna maba oga.

  • 13¶ Laakiinse dadku uma ay soo noqon kii iyaga wax ku dhuftay, mana ay doondoonin Rabbiga ciidammada.

  • 11Reer Efrayim waa sida qoolley doqon ah oo aan waxgarasho lahayn, waayo, iyagu waxay u yeedhaan Masar oo waxay tagaan dalka Ashuur.

  • 7Dadkaygii waxay ku tashadeen inay dib iga noqdaan. In kastoo iyaga loogu yeedhay Kan ugu sarreeya, innaba midnaba isaga ma sarraysiin doono.

  • 1¶ Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen.

  • 9Oo waxaa garan doona dadka oo dhan, xataa reer Efrayim iyo kuwa Samaariya deggan oo kibirka iyo islaweynaanta qalbiga ku hadla, iyagoo leh,

  • 2Oo qalbiga kagama ay fikiraan inaan xumaantooda oo dhan xusuusto. Haatan waxaa iyagii dhinacyada ka hareereeyey falimahoodii, oo way i hor yaallaan.

  • Hos 10:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Dadka Israa'iil waa geed canab ah oo barwaaqaysan, kaasoo midhihiisa soo bixiya, oo sida midhihiisu u bateen ayuu meelihiisa allabariga u badiyey, oo sida dalkiisu u barwaaqaysan yahay ayay u samaysteen tiirar qurqurxoon.

    2Qalbigoodu waa kala qaybsan yahay, oo haatan waxaa lagu heli doonaa gardarro. Meelahooda allabariga ayuu wax ku dhufan doonaa, oo tiirarkoodana wuu wada kharribi doonaa.

  • 21Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa.

  • 6iyo kuwa dib uga noqday Rabbiga lasocodkiisii, iyo kuwa aan Rabbiga doondoonin ama aan isaga innaba wax ka baryin.

  • 10Kibirkoodii aawadiis ayay waxan u heli doonaan, maxaa yeelay, waxay caayeen oo iska weynaysiiyeen dadkii Rabbiga ciidammada.

  • 6Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.

  • Hos 8:2-3
    2 aayado
    72%

    2Way ii qayshan doonaan, iyagoo leh, Ilaahayow, annagoo dadka Israa'iil ahu waannu ku naqaan.

    3Dadka Israa'iil way iska xooreen wixii wanaagsanaa, oo iyaga cadowgu waa eryan doonaa.

  • 3Rabbiyow, indhahaagu runta sow ma fiiriyaan? Iyaga wax baad ku dhufatay, laakiinse innaba kama ay xumaan, oo waad baabbi'isay, laakiinse way diideen inay edeb qaataan. Wejigoodiina waxay ka dhigeen wax dhagax ka sii adag, oo inay soo noqdaanna way diideen.

  • 11Miyey jirtaa quruun beddeshay ilaahyadeed aan ilaahyo ahayn? Laakiinse dadkaygu waxay ammaantoodii ku beddeleen wax aan waxtar lahayn.

  • 5Haddaba dadkan reer Yeruusaalem bal maxay dib ugugu simbiriirixdeen dibunoqosho weligeed ah? Iyagu khiyaano way xajisanayaan, wayna diidaan inay soo noqdaan.

  • 26¶ Siduu tuug markii la qabto u ceeboobo oo kale ayay reer binu Israa'iil u ceeboobeen, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooduba,

  • Yer 3:10-11
    2 aayado
    71%

    10Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd in kastoo ay waxyaalahaas oo dhan aragtay haddana qalbigeeda oo dhan iiguma ay soo noqon, laakiinse waxay iigu soo noqotay si isyeelyeelid ah.

    11Oo haddana waxaa Rabbigu igu yidhi, Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way iscaddaysay inay ka xaq badan tahay boqortooyada Yahuudah ee sirreyda ah.

  • 10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

  • 34Oo reer binu Israa'iilna ma ay xusuusan Rabbiga Ilaahood ahaa, oo ka samatabbixiyey cadaawayaashoodii dhan kasta ka xigay oo dhan;

  • 16Way soo noqdaan, laakiinse uma ay soo noqdaan kan sarreeya. Iyagu waa sida qaanso khiyaano badan oo kale. Amiirradooduna seef bay ku le'an doonaan cadhada carrabkooda daraaddeed. Tanu waxay dalka Masar ku noqon doontaa wax iyaga lagu quudhsado.

  • 7¶ Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.

  • 6Oo weliba sanamkii waxaa loo qaadi doonaa dalka Ashuur inuu Boqor Yaareeb gabbaro u noqdo aawadeed. Reer Efrayim wuxuu heli doonaa ceeb, oo dadka Israa'iilna waxay ka ceeboobi doonaan taladooda.

  • 5Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah toona Ilaahooda ah Rabbiga ciidammadu innaba ma dayrin, in kastoo dalkoodii uu ka buuxsamay dembi ay ku sameeyeen Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • 27Maxaa yeelay, lasocodkiisii way ka leexdeen, Oo waxay diideen inay jidadkiisa midnaba ka fikiraan.

  • 10¶ Rabbigu wuxuu dadkan ka leeyahay, Waxay jeclaadeen inay warwareegaan, oo cagahoodana ma ay celin, sidaas daraaddeed Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodana wuu ciqaabi doonaa.

  • 9Dadka Israa'iilow, tan iyo wakhtigii Gibecaah waad dembaabayseen. Halkaasay istaagaan si aan dagaalkii lala dagaallamay carruurta dembigu Gibecaah u gaadhin.

  • 14Reer Efrayim si qadhaadh bay Rabbiga uga xanaajiyeen, haddaba dhiiggoodu korkooduu ku hadhi doonaa, oo ceebtoodana Sayidkoodu waa ku soo celin doonaa.

  • 29oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa,) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan.

  • 16Dadka Israa'iil waxay u madax adkaadeen sidii qaalin lo'aad oo madax adag. Haddaba Rabbigu miyuu iyaga u daajinayaa sidii neef baraar ah oo berrin bannaan jooga?

  • 15Anigu waan tegi doonaa oo waxaan ku noqon doonaa meeshaydii, jeeray iyagu xumaantooda qirtaan oo ay i doondoonaan. Iyagoo cidhiidhi ku dhex jira ayay aad ii doondooni doonaan.

  • 4Hoog waxaa leh quruuntan dembiga badan, iyo dadkan xumaanta ku raran, iyo dhashan xumaanfalayaasha, iyo wiilashan si xun u macaamilooda. Iyagu Rabbiga way ka tageen, oo waxay quudhsadeen Ka Quduuska ah ee reer binu Israa'iil dib bayna uga noqdeen.

  • 7Sayidow, xaqnimada adigaa iska leh, laakiinse annagu waxaannu leennahay qasnaan iyo ceeb sida maanta annagoo ah dadka reer Yahuudah, iyo kuwa ku dhaqma Yeruusaalem, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, iyo kuwa dhow iyo kuwa fog oo aad dalalka kale u kaxaysay xadgudubkii ay kugu xadgudbeen aawadiis.

  • 9Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.

  • 9Iyagu aad bay isu kharribeen sidii wakhtigii Gibecaah. Isagaa soo xusuusan doona xumaantooda oo wuxuu soo ciqaabi doonaa dembiyadooda.

  • 4Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa, Isagu waxba i weyddiisan maayo. Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.

  • 7Laakiinse reer binu Israa'iil dooni maayaan inay ku maqlaan, maxaa yeelay, dooni maayaan inay aniga i maqlaan, waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan.

  • 14Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah.

  • 7Maalmihii ciqaabiddu waa yimaadeen, oo maalmihii abaalmarintu waa yimaadeen. Dadka Israa'iilna way ogaan doonaan. Nebigu waa nacas, ninkii ruuxa lahuna waa waalan yahay, waana xumaantaada badatay aawadeed, iyo cadownimada badatay aawadeed.

  • 19Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.

  • 7Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa.

  • 13Waxaad ku rayraysaan wax aan waxtar lahayn, oo waxaad tidhaahdaan, Miyaannan geeso kula soo yeelan xooggayaga?