Hosheeca 11:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadkaygii waxay ku tashadeen inay dib iga noqdaan. In kastoo iyaga loogu yeedhay Kan ugu sarreeya, innaba midnaba isaga ma sarraysiin doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 8:5 : 5 Haddaba dadkan reer Yeruusaalem bal maxay dib ugugu simbiriirixdeen dibunoqosho weligeed ah? Iyagu khiyaano way xajisanayaan, wayna diidaan inay soo noqdaan.
  • Sab 78:57-58 : 57 Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen, Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan. 58 Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare, Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.
  • Sab 81:11 : 11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii, Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.
  • Maah 14:14 : 14 Kii xaqnimada qalbigiisa dib ugaga noqdaa jidkiisuu ka dhergi doonaa, Oo ninkii wanaagsanuna wuxuu ka dhergi doonaa naftiisa.
  • Hos 7:16 : 16 Way soo noqdaan, laakiinse uma ay soo noqdaan kan sarreeya. Iyagu waa sida qaanso khiyaano badan oo kale. Amiirradooduna seef bay ku le'an doonaan cadhada carrabkooda daraaddeed. Tanu waxay dalka Masar ku noqon doontaa wax iyaga lagu quudhsado.
  • Hos 11:2 : 2 Sidii loogu yeedhay ayay iyagii uga fogaadeen. Waxay allabari u bixiyeen Bacaliim, oo foox bay u shideen sanamyo xardhan.
  • Hos 14:4 : 4 Dibunoqoshadooda waan bogsiin doonaa, oo waxaan iyaga u jeclaan doonaa si ikhtiyaar ah, waayo, cadhadaydii way ka noqotay.
  • Aam 5:4-6 : 4 Waayo, Rabbigu wuxuu dadka Israa'iil ku leeyahay, Aniga i doondoona aad noolaataane. 5 Laakiinse Beytel ha doondoonina, Gilgaalna ha gelina, Bi'ir Shebacna ha u gudbina, waayo, sida xaqiiqada ah Gilgaal maxaabiisnimo bay geli doontaa, oo Beytelna way baabbi'i doontaa. 6 Si aad u noolaataan, oo uusan Rabbigu sidii dab reer Yuusuf ugu soo farabbaxsan, oo aan dabku laasan, oo aan Beytel laga waayin wax demiya, Rabbiga doondoona,
  • Aam 5:14-15 : 14 Wanaagga doondoona, sharkase ha doondoonina, aad noolaataane, oo sidaasuu Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu idiinla jiri doonaa sidaad u tidhaahdaan. 15 Sharka nebcaada, oo wanaagga jeclaada, oo caddaalad iridda ku sameeya, waayo, waxaa suurtowda in Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu uu u roonaado kuwa reer Yuusuf ka hadhay.
  • Yer 3:6-8 : 6 ¶ Weliba wakhtigii Boqor Yoosiyaah Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, War miyaad aragtay waxa boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay ay samaysay? Iyadu waxay tagtay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis, oo halkaasay ku dhillowday. 7 Oo iyadu markay waxyaalahaas oo dhan samaysay dabadeed ayaan waxaan is-idhi, Way ii soo noqon doontaa, laakiinse iyadu sooma noqon. Oo walaasheedii boqortooyadii Yahuudah oo sirreyda ahaydna waxaas way aragtay. 8 Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way sinaysatay, oo taas daraaddeed ayaan iyadii furay oo waxaan siiyey warqaddii furniinkeeda, oo waxaan arkay in walaasheedii Yahuudah oo sirreyda ahayd innaba aanay weli cabsan, laakiinse iyana ay tagtay oo dhillowday.
  • Yer 3:11 : 11 Oo haddana waxaa Rabbigu igu yidhi, Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way iscaddaysay inay ka xaq badan tahay boqortooyada Yahuudah ee sirreyda ah.
  • Yer 14:7 : 7 ¶ Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.
  • Hos 4:16 : 16 Dadka Israa'iil waxay u madax adkaadeen sidii qaalin lo'aad oo madax adag. Haddaba Rabbigu miyuu iyaga u daajinayaa sidii neef baraar ah oo berrin bannaan jooga?
  • 2 Taar 30:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Xisqiyaah u cid diray dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah, oo haddana wuxuu warqado u qoray reer Efrayim iyo reer Manaseh, inay dhammaantood wada yimaadaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal, si ay Iiddii Kormaridda ugu sameeyaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 2 Waayo, boqorka, iyo amiirradiisii, iyo shirkii Yeruusaalem joogay oo dhammu waxay ku arrinsadeen inay Iiddii Kormaridda sameeyaan bishii labaad. 3 Maxaa yeelay, iyagu wakhtigaas ma ay samayn karin, waayo, wadaaddadii tiro hawsha ku filanu isma ay daahirin, oo dadkiina Yeruusaalem kuma ay soo wada ururin. 4 Oo waxaasuna wuu la qummanaa boqorkii iyo shirkii oo dhanba. 5 Sidaas daraaddeed waxay amar ku soo saareen in lagu naadiyo dalka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, inay wada yimaadaan oo ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Iidda Kormaridda Yeruusaalem ugu sameeyaan, waayo, wakhti dheer looma samayn sida qoran. 6 Sidaas daraaddeed niman wargeeys ah ayaa boqorkii iyo amiirradiisii ka qaadeen warqadihii, waxayna dhex marsiiyeen dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah oo dhan, waxayna ku socdeen si waafaqsan boqorka amarkiisii, iyagoo leh, Reer binu Israa'iilow, mar kale ku soo noqda Rabbiga ah Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil, inuu isagu ku soo jeedsado kuwiinna ka baxsaday gacantii boqorradii Ashuur. 7 Oo idinku ha noqonina sidii awowayaashiin oo kale, iyo sidii walaalihiin oo kale, kuwaasoo ku xadgudbay Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo uu isna taas aawadeed iyagii ka dhigay wax laga yaabo, sida aad idinkuba u aragtaan. 8 Haddaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto. 9 Waayo, haddaad Rabbiga u soo noqotaan, walaalihiin iyo carruurtiinniiba waxay naxariis ka heli doonaan kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo iyana mar kalay dalkan ku soo noqon doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa roonaan badan yahay, waana naxariis miidhan, oo wejigiisana idinka sii jeedin maayo haddaad isaga u soo noqotaan. 10 Sidaas daraaddeed nimankii wargeeyska ahaa magaaloba magaalay u sii dhex mareen dalkii reer Efrayim iyo kii reer Manaseh oo dhan, iyo xataa ilaa kii reer Sebulun, laakiinse iyaga waa lagu qoslay, waana lagu majaajilooday. 11 Habase yeeshee qaar ah reer Aasheer iyo reer Manaseh iyo reer Sebulun ayaa is-hoosaysiiyey oo Yeruusaalem yimid.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Reer Efrayimow, sidee baan idiin sii dayn karaa? Dadka Israa'iilow, sidee baan idiin gacangelin karaa? Sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Admaah? Oo sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Seboyim? Qalbigaygii wuu igu dhex rogmadaa oo naxariis buu la dhaqaaqaa.

  • Sab 81:11-13
    3 aayado
    77%

    11Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii, Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin.

    12Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda. Si ay taladooda ugu socdaan.

    13Bal may dadkaygu i dhegaystaan, Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!

  • 10Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, laakiinse iyagu uma ay soo noqon Rabbiga Ilaahooda ah, mana ay doondoonin isaga in kastoo ay waxyaalahaa oo dhan sameeyeen.

  • 5Haddaba dadkan reer Yeruusaalem bal maxay dib ugugu simbiriirixdeen dibunoqosho weligeed ah? Iyagu khiyaano way xajisanayaan, wayna diidaan inay soo noqdaan.

  • Yer 11:10-11
    2 aayado
    75%

    10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

    11Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.

  • 6¶ Dadkaygu wuxuu ahaan jiray sidii ido baadiyoobay, oo adhijirradoodii ayaa ka dhigay inay ambadaan. Waxay u celiyeen oo ku sii daayeen xagga buuraha, oo intay buur ilaa kur uga sii bexeen ayay xeradoodii illoobeen.

  • Yer 3:21-22
    2 aayado
    75%

    21Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa.

    22Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah.

  • 11Miyey jirtaa quruun beddeshay ilaahyadeed aan ilaahyo ahayn? Laakiinse dadkaygu waxay ammaantoodii ku beddeleen wax aan waxtar lahayn.

  • 13¶ Laakiinse dadku uma ay soo noqon kii iyaga wax ku dhuftay, mana ay doondoonin Rabbiga ciidammada.

  • 6Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.

  • 7Iyagu dhammaantood waxay u kulul yihiin sida foorno oo kale, oo waxay baabbi'iyaan xaakinnadooda, oo boqorradii oo dhammuna waxay yihiin kuwa dhacay, oo dhexdooda lagama arko innaba mid i barya.

  • Hos 7:13-14
    2 aayado
    74%

    13Iyagaa iska hoogay, waayo, way iga ambadeen! Halaag ha ku dhaco, waayo, way igu xadgudbeen! In kastoo aan iyaga soo furan lahaa haddana been bay iga sheegeen.

    14Oo qalbigooda igama ay baryin, laakiinse sariirahooday ku kor ooyaan. Waxay u soo wada shiraan hadhuudh iyo khamri aawadood, oo anigana way igu caasiyoobaan.

  • 7Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.

  • 15Hase ahaatee dadkaygii way i illoobeen, oo waxay foox u shideen waxyaalo aan waxba ahayn, oo waxay ku dhex turunturoodeen jidadkoodii ahaa waddooyinkii hore, wayna ka leexdeen, oo waxay ku socdeen dhabbayaal qalloocan iyo jid aan jidka weyn ahayn,

  • 6iyo kuwa dib uga noqday Rabbiga lasocodkiisii, iyo kuwa aan Rabbiga doondoonin ama aan isaga innaba wax ka baryin.

  • 11Oo haddana waxaa Rabbigu igu yidhi, Boqortooyadii Israa'iil ee dib u noqotay way iscaddaysay inay ka xaq badan tahay boqortooyada Yahuudah ee sirreyda ah.

  • 2Sidii loogu yeedhay ayay iyagii uga fogaadeen. Waxay allabari u bixiyeen Bacaliim, oo foox bay u shideen sanamyo xardhan.

  • 6Oo seef baa waxay ku dhici doontaa magaalooyinkooda, oo waxay baabbi'in doontaa qataarradooda, oo way wada dhammayn doontaa iyaga, waana taladooda daraaddeed.

  • 7¶ Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.

  • 27Maxaa yeelay, lasocodkiisii way ka leexdeen, Oo waxay diideen inay jidadkiisa midnaba ka fikiraan.

  • 6Waxay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga.

  • 4Hoog waxaa leh quruuntan dembiga badan, iyo dadkan xumaanta ku raran, iyo dhashan xumaanfalayaasha, iyo wiilashan si xun u macaamilooda. Iyagu Rabbiga way ka tageen, oo waxay quudhsadeen Ka Quduuska ah ee reer binu Israa'iil dib bayna uga noqdeen.

  • 31Dadka qarniganow, bal erayga Rabbiga ka fiirsada. Reer binu Israa'iil ma waxaan u ahaa cidlo ama dal gudcur ah? Haddaba bal maxaa dadkaygu u yidhaahdaan, Xor baannu nahay, oo mar dambe kuu iman mayno?

  • 33Oo iyagu dhabarkay ii soo jeediyeen, wejigiina way iga sii jeediyeen, oo in kastoo aan iyaga wax baray, anigoo goor wanaagsan wax baraya, inay tacliin qaataan innaba ma ay dhegaysan.

  • 7Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa.

  • 1¶ Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen.

  • 6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.

  • 23Laakiinse dadkanu waxay leeyihiin qalbi fallaagoobaya oo caasiyoobay, way fallaagoobeen oo way iska tageen.

  • 24Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.

  • 17Ilaahay waa xoori doonaa, maxaa yeelay, codkiisii ma ay dhegaysan, oo waxay quruumaha dhexdooda ku ahaan doonaan kuwa warwareega.

  • 10¶ Rabbigu wuxuu dadkan ka leeyahay, Waxay jeclaadeen inay warwareegaan, oo cagahoodana ma ay celin, sidaas daraaddeed Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodana wuu ciqaabi doonaa.

  • 27kuwaasoo geed ku yidhaahda, Waxaad tahay aabbahay, oo dhagaxna ku yidhaahda, Adigaa i dhalay. Dhabarkay ii soo jeediyeen, wejigiina way iga sii jeediyeen, laakiinse wakhtigii ay dhibaataysan yihiin waxay i odhan doonaan, Kac oo na badbaadi.

  • 7Laakiinse iyagu sidii Aadan oo kale ayay axdigii ku xadgudbeen, oo halkaasay khiyaano iigula macaamiloodeen.

  • 2Oo caasiyiintii aad iyo aad bay layntii ugu dheeraadeen, aniguse kan dhammaantood canaanta baan ahay.

  • 22Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaaha awowayaashood oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed ayuu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.

  • 19Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,

  • 2Way ii qayshan doonaan, iyagoo leh, Ilaahayow, annagoo dadka Israa'iil ahu waannu ku naqaan.

  • 16Dadka Israa'iil waxay u madax adkaadeen sidii qaalin lo'aad oo madax adag. Haddaba Rabbigu miyuu iyaga u daajinayaa sidii neef baraar ah oo berrin bannaan jooga?

  • 11Reer Efrayim waxay badiyeen meelo allabari, wayna ku dembaabeen, oo sidaas daraaddeed meelaha allabarigu waxay iyaga u noqdeen wax iyaga dembaajiya.

  • 8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

  • 11si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 16Way soo noqdaan, laakiinse uma ay soo noqdaan kan sarreeya. Iyagu waa sida qaanso khiyaano badan oo kale. Amiirradooduna seef bay ku le'an doonaan cadhada carrabkooda daraaddeed. Tanu waxay dalka Masar ku noqon doontaa wax iyaga lagu quudhsado.

  • 6Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda.

  • 6Markii ay wax daaqeen ayay dhergeen, oo markay dhergeen dabadeed ayaa qalbigoodii kor u kacay, haddaba sidaas daraaddeed bay ii illoobeen.