Hosheeca 8:11
Reer Efrayim waxay badiyeen meelo allabari, wayna ku dembaabeen, oo sidaas daraaddeed meelaha allabarigu waxay iyaga u noqdeen wax iyaga dembaajiya.
Reer Efrayim waxay badiyeen meelo allabari, wayna ku dembaabeen, oo sidaas daraaddeed meelaha allabarigu waxay iyaga u noqdeen wax iyaga dembaajiya.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
9Haddaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin.
1¶ Dadka Israa'iil waa geed canab ah oo barwaaqaysan, kaasoo midhihiisa soo bixiya, oo sida midhihiisu u bateen ayuu meelihiisa allabariga u badiyey, oo sida dalkiisu u barwaaqaysan yahay ayay u samaysteen tiirar qurqurxoon.
2Qalbigoodu waa kala qaybsan yahay, oo haatan waxaa lagu heli doonaa gardarro. Meelahooda allabariga ayuu wax ku dhufan doonaa, oo tiirarkoodana wuu wada kharribi doonaa.
1¶ Markii reer Efrayim hadleen waxaa jiray gariir, oo dalka Israa'iil ayay isku dhex sarraysiiyeen, laakiinse markay Bacal ku gardarnaadeen ayay dhinteen.
2Oo haatan aad bay u sii dembaabaan, oo waxay lacagtooda ka samaysteen taswiiro la shubay kuwaasoo ah xataa sanamyo ay u samaysteen sida ay waxgarashadoodu tahay, oo dhammaantoodna waxaa weeye nin saanac ah sancadiis, oo waxay ka sheegaan, Dadka allabariga bixiya weylaha sanamyada ah ha dhunkadeen.
12In kastoo aan iyaga u qoraa kumanyaalka amar ee sharcigayga, haddana waxaa lagu tiriyaa sida wax qalaad oo kale.
13Oo weliba allabaryadii qurbaannadayda ahaana waxay ku allabaryaan hilib, wayna iska cunaan, laakiinse Rabbigu iyaga ma aqbalo. Haatan wuu soo xusuusan doonaa xumaantoodii, oo dembiyadoodiina wuu ciqaabi doonaa, oo Masar bay ku noqon doonaan.
14Waayo, dadka Israa'iil Abuurahoodii way illoobeen, oo waxay dhisteen daaro waaweyn, dadka Yahuudahna magaalooyin deyr leh aad bay u badsadeen, laakiinse anigu magaalooyinkooda ayaan dab ku soo dul dayn doonaa, oo wuxuu wada gubi doonaa daarahooda waaweyn oo dhan.
11Reer Efrayim waa la dulmay, oo xukun baa lagu burburiyey, waayo, raalli bay ku ahaayeen inay amarka daba socdaan.
13Dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna, oo jidadka Yeruusaalem intay tiro le'eg yihiin oo kale ayaad meelo allabaryo u qotomiseen waxaas ceebta miidhan ah, waana meelo allabaryo oo aad foox ugu shiddaan Bacal.
11Manaseh oo ah boqorka dalka Yahuudah ayaa sameeyey karaahiyadan, wuuna sameeyey shar ka sii badan kii reer Amorkii isaga ka horreeyey ay sameeyeen, oo dadka Yahuudahna wuxuu ku dembaajiyey sanamyadiisii,
17Reer Efrayim wuxuu raacay sanamyo, haddaba iska daa.
7Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa.
8Iyagu waxay quutaan dembigii dadkayga, wayna jeclaystaan xumaantoodii.
8Oo reer Efrayim wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah taajir baan noqday, oo maal baan helay, oo innaba hawlahayga oo dhan lagama heli doono xumaan dembi ah.
12Xumaantii reer Efrayim waa xidhxidhan tahay, oo dembigoodiina meel baa lagu kaydiyey.
11Reer Gilecaad waa xumaan miidhan oo iyagu dhammaantood waa wax aan waxtar lahayn. Waxay Gilgaal ku allabaryaan dibiyo, oo weliba meelahooda allabarigu waa sida tuulmooyin ku dhex yaal jeexjeexyada beerta oo kale.
11Oo meelihii sarsare oo dhan waxay ku shidi jireen foox sidii ay yeeli jireen quruumihii kale oo Rabbigu uu hortooda ka eryay; oo waxay samayn jireen waxyaalo shar ah oo ay Rabbiga kaga xanaajiyeen.
12Oo waxay u adeegi jireen sanamyadii uu Rabbigu ku yidhi, Idinku waxan ha samaynina.
3Anigu waan aqaan reer Efrayim, dadka Israa'iilna igama qarsoona, waayo, haatan reer Efrayimow, waad sinaysateen, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.
4Falimahoodu u oggolaan maayaan inay Ilaahoodii ku soo noqdaan, waayo, damaca sinadu waa ku dhex jiraa, oo Rabbiga ma ay yaqaaniin.
5Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, haddaba dadka Israa'iil iyo reer Efrayimba waxay ku turunturoon doonaan xumaantooda, dadka Yahuudahna way la turunturoon doonaan iyaga.
1¶ Dembigii dadka Yahuudah waxaa lagu qoray qalin bir ah iyo caarad dheemman, oo waxaa lagu xardhay looxa qalbigooda iyo geesaha meelahooda allabariga,
2inta ay carruurtoodu xusuusan yihiin meelahoodii allabariga iyo geedahoodii Asheeraah ee ku yiil geedaha cagaarka ah dhinacooda iyo kuraha dhaadheer dushooda.
9Iyagu aad bay isu kharribeen sidii wakhtigii Gibecaah. Isagaa soo xusuusan doona xumaantooda oo wuxuu soo ciqaabi doonaa dembiyadooda.
14Maalinta aan dadka Israa'iil xadgudubyadooda u ciqaabi doono ayaan weliba meelaha allabariga ee Beytel baabbi'in doonaa, oo meelaha allabariga geesahooda ka taagan waa la wada jari doonaa, oo dhulkay ku soo dhici doonaan.
5Samaariyey, weyshaadii wuu diiday isagoo leh, Cadhadaydii aad bay ugu kululaatay iyaga. Ilaa goormayan karayn inay daahir noqdaan?
6Waayo, xataa dadka Israa'iil ayaa kanu ka yimid, oo nin saanac ahu baa sameeyey, oo Ilaah ma aha. Hubaal weysha Samaariya waa la burburin doonaa.
1¶ Reer Efrayim waxay quutaan dabayl oo waxay daba galaan dabaysha bari. Had iyo goorba been iyo baabba' bay badiyaan, oo waxay axdi la dhigtaan dadka dalka Ashuur, saliidna Masar bay u qaadaan.
8Reer Efrayim dadyowguu isku dhex qasaa, reer Efrayim waa sida kibis aan la wada dubin.
7Dadkaygii waxay ku tashadeen inay dib iga noqdaan. In kastoo iyaga loogu yeedhay Kan ugu sarreeya, innaba midnaba isaga ma sarraysiin doono.
8Reer Efrayimow, sidee baan idiin sii dayn karaa? Dadka Israa'iilow, sidee baan idiin gacangelin karaa? Sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Admaah? Oo sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Seboyim? Qalbigaygii wuu igu dhex rogmadaa oo naxariis buu la dhaqaaqaa.
10Dadka Israa'iil waxaan ku dhex arkay wax aad iyo aad u xun. Reer Efrayim waxaa laga dhex helay sino, dadka Israa'iilna way nijaasoobeen.
30Haddaba taasu waxay noqotay dembi, maxaa yeelay, dadkii waxay u tegi jireen inay middood caabudaan xataa ilaa Daan.
5Waxan oo dhammu waxay u dheceen xadgudubka reer Yacquub iyo dembiyada dadka Israa'iil. Xadgudubka reer Yacquub waa maxay? Sow Samaariya ma aha? Meelaha sare oo dalka Yahuudahna waa maxay? Sow Yeruusaalem ma aha?
7Sidee baan kuu saamixi karaa? Carruurtaadii way iga tageen, oo waxay ku dhaarteen kuwa aan ilaahyo ahayn, oo markaan dherdhergiyey dabadeed ayay sinaysteen, oo iyagoo guutooyin ah ayay guryihii dhillooyinka ku soo urureen.
2Sidii loogu yeedhay ayay iyagii uga fogaadeen. Waxay allabari u bixiyeen Bacaliim, oo foox bay u shideen sanamyo xardhan.
10In kastoo ay quruumaha dhexdooda dad ka soo kiraystaan, haatan waan soo ururin doonaa iyaga, oo waxay bilaabayaan inay la yaraadaan sabab ka kacday culaabtii uu boqorkii amiirradu iyaga saaray.
14Reer Efrayim si qadhaadh bay Rabbiga uga xanaajiyeen, haddaba dhiiggoodu korkooduu ku hadhi doonaa, oo ceebtoodana Sayidkoodu waa ku soo celin doonaa.
16Oo Rabbigu wuxuu dadka dalka Israa'iil u sii daynayaa dembiyadii Yaaraabcaam dembaabay oo uu dadka dalka Israa'iilna dembaajiyey aawadood.
8Oo weliba meelaha sare ee Aawen ku yaal oo dembiga dadka Israa'iil ahna waa la wada dumin doonaa. Meelahooda allabarigana waxaa ka soo kor bixi doona qodxan iyo yamaarug. Waxay buuraha ku odhan doonaan, War na qariya. Oo gumburahana waxay ku odhan doonaan, Nagu soo dhaca.
9Dadka Israa'iilow, tan iyo wakhtigii Gibecaah waad dembaabayseen. Halkaasay istaagaan si aan dagaalkii lala dagaallamay carruurta dembigu Gibecaah u gaadhin.
15Oo weliba wuxuu kaloo dumiyey meeshii allabariga ee Beytel ku tiil, iyo meeshii sare oo Yaaraabcaam ina Nebaad oo dadkii Israa'iil dembaajiyey uu sameeyey, oo isla meeshii sare wuu gubay oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo geedihii Asheeraahna wuu gubay.
10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.
11Oo weliba wuxuu buuraha dalka Yahuudah ka sameeyey meelo sarsare, oo dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ka dhigay inay sanamyo raacaan, oo dadkii Yahuudahna wuu habaabiyey.
12¶ Reer Efrayim waxay igu hareereeyaan been oo waxaa dadka Israa'iil igu hareereeyaan khiyaano, laakiinse dadka Yahuudah weli Ilaah bay wax la xukumaan, oo Kan Quduuska ah ayay daacad u yihiin.
12Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay iyaga ugu hor adeegeen sanamyadooda, oo waxay reer binu Israa'iil u noqdeen xumaan ay ku turunturoodaan, sidaas daraaddeed ayaan gacantayda ugu qaaday, oo waxay sidan doonaan xumaantoodii.
9Dalka reer Efrayim wuxuu ahaan doonaa meel cidlo ah maalinta canaanta. Waxaan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda ka ogeysiiyey waxa xaqiiqa ahaan u dhici doona.
30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.
21Waayo, isagu reer binu Israa'iil wuu ka soocay Daa'uud reerkiisii, oo waxay boqor ka dhigteen Yaaraabcaam ina Nebaad, oo Yaaraabcaamna dadkii Israa'iil wuu ka kaxeeyey Rabbiga lasocodkiisii, oo wuxuu iyagii dembaajiyey dembi weyn.