1 Boqorradii 4:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Sulaymaanna wuxuu xukumi jiray boqortooyooyinkii oo dhan tan iyo Webiga iyo ilaa dalka reer Falastiin, iyo tan iyo soohdinta Masar, oo waxay Sulaymaan u keeni jireen hadiyado, wayna u adeegi jireen intuu noolaa oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 1:4 : 4 Oo soohdintiinnu waxay noqon doontaa marka laga bilaabo cidlada, iyo Lubnaantan, iyo xataa tan iyo webiga weyn oo ah Webi Yufraad, iyo dalka reer Xeed oo dhan, iyo tan iyo badda weyn ee xagga qorraxdu u dhacdo.
  • Bil 15:18 : 18 Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad:
  • Sab 68:29 : 29 Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.
  • Bax 23:31 : 31 Oo waxaan soohdintaada ka dhigi doonaa Badda Cas iyo tan iyo badda reer Falastiin, iyo cidlada ilaa tan iyo Webiga, waayo, dadka dhulka deggan waxaan gelin doonaa gacantaada, markaasaad hortaada ka eryi doontaa.
  • Sharc 11:24 : 24 Oo meel kasta oo aad cagta dhigtaanba idinkaa iska yeelan doona, tan iyo cidlada iyo ilaa Lubnaan iyo ilaa webiga, kaasoo ah Webi Yufraad, iyo xataa ilaa badda galbeed.
  • Sab 72:8-9 : 8 Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad, Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa. 9 Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan; Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan. 10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado. 11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan, Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
  • Sab 76:11 : 11 Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya, Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.
  • 1 Sam 10:27 : 27 Laakiinse kuwo waxmatarayaal ah ayaa waxay yidhaahdeen, Ninkanu sidee buu noo badbaadin doonaa? Oo isagiina way quudhsadeen, oo hadiyadna uma ay keenin. Laakiinse isagu wuu iska aamusay.
  • 1 Boq 4:24 : 24 Waayo, isagaa xukumay Webiga dhankiisan oo dhan, marka laga bilaabo Tifsax iyo ilaa Gaasa, iyo kulli boqorradii webiga dhankiisan joogay oo dhan; oo hareerihiisa oo dhanna nabad buu la ahaa.
  • 2 Boq 17:3 : 3 Oo waxaa isagii ku kacay Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Hoosheeca addoon buu u noqday isagii, oo wuxuu u keenay gabbaro.
  • 2 Taar 9:26-31 : 26 Oo wuxuu u wada talin jiray kulli boqorradii joogay Webiga ilaa dalka reer Falastiin iyo ilaa soohdinta Masar. 27 Oo boqorku wuxuu lacag Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale, oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale. 28 Oo Sulaymaanna fardo waxaa looga keeni jiray Masar iyo dalalka kale oo dhanba. 29 ¶ Haddaba Sulaymaan falimihiisii kale intii hore iyo intii dambeba sow kuma qorna taariikhdii Nebi Naataan, iyo wax sii sheegiddii Axiiyaah kii reer Shiiloh, iyo waxyaalihii la tusay Iddo oo wax arke ahaa oo ku saabsanaa Yaaraabcaam ina Nebaad? 30 Oo Sulaymaan afartan sannadood ayuu reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqor ugu ahaa. 31 Sulaymaanna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Rexabcaam.
  • 2 Taar 17:5 : 5 Oo sidaas daraaddeed Rabbigu boqortooyadii gacantiisuu ku xoogeeyey, oo dadkii Yahuudah oo dhammuna Yehooshaafaad ayay hadiyado u keeni jireen, oo isagu wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan.
  • 2 Taar 32:23 : 23 Oo dad badan ayaa Rabbiga Yeruusaalem ugu keeneen hadiyado, oo Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahna waxay u keeneen waxyaalo qaali ah, sidaas aawadeed markaas intii ka dambaysay ayaa isaga loogu sarraysiiyey quruumaha oo dhan hortooda.
  • Cesr 4:20 : 20 Oo weliba Yeruusaalem waxaa xukumi jiray boqorro xoog badan, oo waxay u talin jireen inta webiga ka shishaysa oo dhan, oo gabbaro, iyo canshuur, iyo baadba waa la siin jiray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 26Oo wuxuu u wada talin jiray kulli boqorradii joogay Webiga ilaa dalka reer Falastiin iyo ilaa soohdinta Masar.

  • 77%

    22Oo Sulaymaan maalintiiba wuxuu masruufan jiray soddon kor oo bur ah, iyo lixdan kor oo jidhiidh ah,

    23iyo toban dibi oo buurbuuran, iyo labaatan dibi oo daaqa laga soo bixiyey, iyo boqol neef oo ido ah, oo ayan ku jirin deerooyin, cawl, iyo dibtaago, iyo digaag la cayiliyey.

    24Waayo, isagaa xukumay Webiga dhankiisan oo dhan, marka laga bilaabo Tifsax iyo ilaa Gaasa, iyo kulli boqorradii webiga dhankiisan joogay oo dhan; oo hareerihiisa oo dhanna nabad buu la ahaa.

    25Oo wakhtigii Sulaymaan oo dhan dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna ammaan bay ku degganaayeen, oo nin waluba wuxuu hoos fadhiyey geedkiisii canabka ahaa iyo geedkiisii berdaha ahaa marka laga bilaabo Daan iyo xataa ilaa Bi'ir Shebac.

    26Oo Sulaymaanna wuxuu gaadhifardoodkiisii u haystay afartan kun oo xero oo fardo ah iyo laba iyo toban kun oo fardooley ah.

    27Oo wakiilladaasuna waxay masruuf u keeni jireen Boqor Sulaymaan, iyo intii Boqor Sulaymaan miiskiisii timid oo dhan, wakiil waluba bishiisii, oo ma ay oggolaanin in wax ka dhinmo.

  • 1¶ Oo Boqor Sulaymaanna boqor buu u ahaa dadkii Israa'iil oo dhan.

  • 30Oo Sulaymaan afartan sannadood ayuu reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqor ugu ahaa.

  • 34Oo qaar baa ka yimid dadyowga oo dhan, inay maqlaan xigmadda Sulaymaan kuwaasoo ka yimid boqorradii dunida oo dhan ee xigmaddiisa maqlay.

  • 74%

    22Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

    23Oo boqorradii dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.

    24Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo.

  • 73%

    41¶ Haddaba Sulaymaan falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xigmaddiisiiba, sow kuma qorna kitaabkii falimaha Sulaymaan?

    42Oo wakhtigii Sulaymaan reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqorka ugu ahaa wuxuu ahaa afartan sannadood.

  • 72%

    23Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

    24Oo dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey.

    25Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo.

  • 72%

    12ayaa xigmad iyo aqoonba lagu siiyey, oo anna waxaan ku siinayaa maal, iyo hodan, iyo sharaf ayan lahaan jirin boqorradii kaa horreeyey oo dhammu, oo ayan kuwa kaa dambeeya oo dhammuna taasoo kale lahaan doonin.

    13Markaasaa Sulaymaan ka soo noqday meeshii sare oo Gibecoon ku tiil iyo teendhadii shirka, oo yimid Yeruusaalem, reer binu Israa'iil buuna boqor u noqday.

  • 72%

    23Markaasaa Sulaymaan carshigii Rabbiga ku fadhiistay isagoo jagadii aabbihiis Daa'uud boqor ka ah, wuuna barwaaqoobay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna isagay addeeceen.

    24Oo amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen.

    25Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu.

  • 20¶ Oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna waxay u faro badnaayeen sida cammuudda badda xeebteeda taal, oo wax bay cunayeen, wax bayna cabbayeen, wayna farxayeen.

  • 65Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu kuwaasoo ahaa shir weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar, oo Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa waxay ku iidayeen toddoba maalmood iyo toddoba maalmood oo isku ah afar iyo toban beri.

  • 72%

    29¶ Oo Ilaahna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad iyo waxgarasho aad iyo aad u badan, iyo qalbi ballaadhan, kuwaasoo badan sida cammuudda badda xeebteeda taal.

    30Oo Sulaymaan xigmaddiisiina waxay ka fiicnaatay xigmaddii dadka bari oo dhan, iyo xigmaddii Masar oo dhan,

  • 14oo intaasu kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaashu, oo boqorradii dalka Carabta iyo taliyayaashii waddanka oo dhammuna waxay Sulaymaan u keeni jireen dahab iyo lacag.

  • 28Oo Sulaymaanna fardo waxaa looga keeni jiray Masar iyo dalalka kale oo dhanba.

  • 8Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey toddoba maalmood, iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu, kuwaasoo ahaa shir aad u weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar.

  • 20Oo weliba Yeruusaalem waxaa xukumi jiray boqorro xoog badan, oo waxay u talin jireen inta webiga ka shishaysa oo dhan, oo gabbaro, iyo canshuur, iyo baadba waa la siin jiray.

  • 71%

    21kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay oo anay reer binu Israa'iil karin inay wada baabbi'iyaan, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.

    22Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan addoommo kama dhigan, waxayse ahaayeen raggii dagaalyahannada ahaa, iyo midiidinnadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisii, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisaba.

  • 2 Taar 1:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Oo Sulaymaan ina Daa'uud boqortooyadiisuu ku xoogaystay, oo Rabbigii Ilaahiisa ahaa waa la jiray oo aad iyo aad buuna u weyneeyey.

    2Oo Sulaymaan baa la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan oo ahaa kuwii kun kun u talin jiray, iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo xaakinnadii, iyo amiir kasta oo dalka reer binu Israa'iil joogay kuwaasoo ahaa madaxdii reeraha.

  • 13Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, oo ayan ku jirin wixii uu Sulaymaan u siiyey sharafta boqornimadiisa, markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyadii iyo addoommadeediiba.

  • 12Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, iyo weliba wax ka sii badan wixii ay boqorka u keentay. Markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyada iyo addoommadeediiba.

  • 21Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab; gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah, oo midna lagama samayn lacag, waayo, wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.

  • 4Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan oo dhan, iyo gurigii uu dhisay,

  • 11Sulaymaanna wuxuu Xiiraam siiyey labaatan kun oo kor oo sarreen ah oo reerkiisu quuto, iyo labaatan kor oo saliid saafiya ah; oo Sulaymaan intaasuu sannad kasta siin jiray Xiiraam.

  • 28Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

  • 46Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada.

  • 30Oo waxaa halkaas ku qoran kulli wakhtiyadii ay soo mareen boqortooyadiisii iyo xooggiisii, iyo wakhtiyadii ay isaga iyo reer binu Israa'iil, iyo boqortooyooyinkii waddammada oo dhammuba soo mareen.

  • 15oo intaasuna kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaasha, iyo boqorradii dalka Carabta oo dhan, iyo taliyayaashii waddanka.

  • 8kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay, oo aanay reer binu Israa'iil baabbi'in, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.

  • 7Oo Sulaymaan wuxuu lahaa laba iyo toban wakiil oo dalka Israa'iil oo dhan u sarreeya, oo cunto u keena boqorka iyo reerkiisaba; oo nin kasta sannaddiiba bil buu masruufi jiray reer boqor.

  • 16Oo Sulaymaan farduhuu haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.

  • 28Fardihii Sulaymaan haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey, iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.

  • 10Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado.

  • 4Markaasay boqorkii iyo dadkii oo dhammuba allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyeen.