1 Boqorradii 4:7
Oo Sulaymaan wuxuu lahaa laba iyo toban wakiil oo dalka Israa'iil oo dhan u sarreeya, oo cunto u keena boqorka iyo reerkiisaba; oo nin kasta sannaddiiba bil buu masruufi jiray reer boqor.
Oo Sulaymaan wuxuu lahaa laba iyo toban wakiil oo dalka Israa'iil oo dhan u sarreeya, oo cunto u keena boqorka iyo reerkiisaba; oo nin kasta sannaddiiba bil buu masruufi jiray reer boqor.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
26Oo Sulaymaanna wuxuu gaadhifardoodkiisii u haystay afartan kun oo xero oo fardo ah iyo laba iyo toban kun oo fardooley ah.
27Oo wakiilladaasuna waxay masruuf u keeni jireen Boqor Sulaymaan, iyo intii Boqor Sulaymaan miiskiisii timid oo dhan, wakiil waluba bishiisii, oo ma ay oggolaanin in wax ka dhinmo.
28Oo meesha wakiilladu joogaan ayay fardaha iyo rakuubbada ugu keeni jireen shaciir iyo caws, nin waluba intii lagu amray.
6oo Axiishaarna wuxuu u sarreeyey shuqulka guriga; oo Adoniiraam ina Cabdaana wuxuu ahaa gabbaroqaade.
13¶ Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu dadkii Israa'iil oo dhan ka dhex doortay niman shaqaalayaal ah, oo shaqaalayaashuna waxay ahaayeen soddon kun oo nin.
14Oo bishiiba toban kun ayuu Lubnaan u diri jiray; markaasay intii bil ah Lubnaan joogi jireen, laba biloodna reerahooday joogi jireen; oo shaqaalayaasha waxaa u sarreeyey Adoniiraam.
15Oo Sulaymaanna wuxuu lahaa toddobaatan kun oo xammaal iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jari jiray.
16Oo laguma tirin Sulaymaan saraakiishiisii sarsare oo hawsha u taliyey, kuwaasoo ahaa saddex kun iyo saddex boqol oo u talin jiray dadkii shuqulka qaban jiray.
21Oo Sulaymaanna wuxuu xukumi jiray boqortooyooyinkii oo dhan tan iyo Webiga iyo ilaa dalka reer Falastiin, iyo tan iyo soohdinta Masar, oo waxay Sulaymaan u keeni jireen hadiyado, wayna u adeegi jireen intuu noolaa oo dhan.
22Oo Sulaymaan maalintiiba wuxuu masruufan jiray soddon kor oo bur ah, iyo lixdan kor oo jidhiidh ah,
23iyo toban dibi oo buurbuuran, iyo labaatan dibi oo daaqa laga soo bixiyey, iyo boqol neef oo ido ah, oo ayan ku jirin deerooyin, cawl, iyo dibtaago, iyo digaag la cayiliyey.
9Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan shuqulkiisii addoommo ugama uu dhigan, waxayse ahaayeen rag dagaalyahan ah iyo madaxdii saraakiishiisa, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa iyo fardooleydiisaba.
10Oo kuwanu waxay ahaayeen saraakiishii Boqor Sulaymaan oo ahaa laba boqol iyo konton nin oo dadka u taliya.
11Sulaymaanna wuxuu Xiiraam siiyey labaatan kun oo kor oo sarreen ah oo reerkiisu quuto, iyo labaatan kor oo saliid saafiya ah; oo Sulaymaan intaasuu sannad kasta siin jiray Xiiraam.
23Kuwanu waxay ahaayeen saraakiishii Sulaymaan hawshiisa u talin jiray oo ahaa shan boqol iyo konton nin oo u taliya dadka hawsha qabta.
2Oo Sulaymaan baa la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan oo ahaa kuwii kun kun u talin jiray, iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo xaakinnadii, iyo amiir kasta oo dalka reer binu Israa'iil joogay kuwaasoo ahaa madaxdii reeraha.
1¶ Haddaba waa tan reer binu Israa'iil sidii tiradoodu ay ahayd, waxayna ahaayeen madaxdii qolooyinka, iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo saraakiishoodii boqorka uga adeegi jiray wax kasta oo ku saabsan kooxihii soo geli jiray oo bixi jiray bil kasta oo ah bilaha sannadda oo dhan; koox kasta tiradeedu waxay ahayd afar iyo labaatan kun oo nin.
2Oo kooxdii kowaad ee bixi jirtay bishii kowaad waxaa madax u ahaa Yaashaabcaam ina Sabdii'eel, oo kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.
17Markaasaa Sulaymaan wada tiriyey shisheeyayaashii dalka Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu u tiriyey sidii aabbihiis Daa'uud u tiriyey oo kale, oo waxay noqdeen boqol iyo saddex iyo konton kun iyo lix boqol oo qof.
18Oo wuxuu iyagii ka dhigay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jara, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo dadka u taliya oo shuqulka u dira.
2Markaasaa Sulaymaan wuxuu qortay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha dhagax ka jari jiray, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo iyaga u taliya.
4Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno,
1¶ Oo Boqor Sulaymaanna boqor buu u ahaa dadkii Israa'iil oo dhan.
2Oo kuwanuna amiirradiisii bay ahaayeen, Casaryaah oo uu dhalay wadaadkii Saadooq ahaa,
3Haddaba kuwanu waa madaxdii gobolka oo Yeruusaalem degay, laakiinse magaalooyinkii dalka Yahuudah mid waluba wuxuu degay meeshii hantidiisii ahayd oo ku tiil magaalooyinkoodii, oo waxay ahaayeen reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo reer Netiiniim, iyo carruurtii addoommadii Sulaymaan.
9Oo addoommadayda ayaa Lubnaan ka soo qaadi doona, oo keeni doona ilaa badda; oo xidhmooyin baan ka dhigayaa si ay badda u raacaan ilaa meeshii aad igula ballantay, oo waxaan ka dhigi doonaa in halkaas lagu kala furfuro, oo waad qaadan doontaa; oo adna waxaan doonayo ayaad ii dhammayn doontaa, adoo reerkayga cunto ii siinaya.
25Sulaymaanna wuxuu lahaa afar kun oo xero oo fardaha iyo gaadhifardoodka lagu xereeyo, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.
21Oo bal eeg, waxaa jooga kooxaha ah wadaaddada iyo reer Laawi, inay dhammaan qabtaan adeegidda guriga Ilaah, oo waxaa kula jiri doona oo hawl kasta qaban doona nin kasta oo adeegid kasta sanco u yaqaan oo raalli ah, oo weliba saraakiisha iyo dadka oo dhammuna amarkaaga way oggolaan doonaan.
2Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen Boqor Sulaymaan wakhtigii iidda ah bisha toddobaad ee Eetaaniim la yidhaahdo.
65Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu kuwaasoo ahaa shir weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar, oo Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa waxay ku iidayeen toddoba maalmood iyo toddoba maalmood oo isku ah afar iyo toban beri.
13Oo Yexii'eel, iyo Casasyaah, iyo Nahad, iyo Casaaheel, iyo Yeriimood, iyo Yoosaabaad, iyo Elii'eel, iyo Yismakyaah, iyo Maxad, iyo Benaayaahna waxay ahaayeen kuwii wax u talin jiray oo ka hooseeyey Kaananyaah iyo walaalkiis Shimcii, oo waxaa doortay Boqor Xisqiyaah iyo Casaryaah oo ahaa taliyihii guriga Ilaah.
4Isu diyaariya sida reerihiinna iyo kooxihiinnu yihiin si waafaqsan qorniinkii uu qoray Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil, iyo si waafaqsan qorniinkii wiilkiisa Sulaymaan.
13Oo weliba waxay kaloo u talin jireen xammaalladii, hore bayna u wadi jireen shuqulkii kuwii shaqayn jiray oo dhan, cayn kastoo hawshoodu ahaydba, oo reer Laawina waxaa ka joogay karraaniyo iyo saraakiil iyo iridjoogayaal.
13Oo qolalkii khasnadaha waxaan madax uga dhigay khasnajiyo, oo waxay ahaayeen wadaadkii Shelemyaah ahaa, iyo karraanigii Saadooq ahaa, oo reer Laawina waxaa kaga jiray Fedaayaah, oo waxaa ku xigay Xaanaan ina Sakuur, oo ahaa ina Matanyaah, waayo, waxaa lagu tiriyey inay aamin yihiin, oo shaqadooduna waxay ahayd inay walaalahood wax u qaybiyaan.
25Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo.
26Sulaymaanna wuxuu urursaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah; oo wuxuu lahaa kun iyo afar boqol oo gaadhifaras, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.
24Oo Adoraamna wuxuu ahaa kan baad qaada, Yehooshaafaad oo ahaa ina Axiiluudna wuxuu ahaa kan taariikhda dhiga,
26Oo kuwan oo ah Shelomood iyo walaalihiis waxay u talin jireen khasnadihii alaabta quduuska ah, kuwaasoo ay quduus ka dhigeen Boqor Daa'uud, iyo madaxdii qolooyinka, iyo kuwii kun kun u taliyey iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo saraakiishii ciidanku.
1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba.
10Oo bal eeg, anigu addoommadaada alwaaxda jaraya waxaan siin doonaa labaatan kun oo kor oo ah sarreen la tumay, iyo labaatan kun oo kor oo ah shaciir, iyo labaatan kun oo bad oo khamri ah, iyo labaatan kun oo bad oo saliid ah.
25¶ Oo boqorka khasnadihiisana waxaa u talinayay Casmaawed ina Cadii'eel, oo guryihii wax lagu kaydiyey ee beeraha ku yiil, iyo kuwii ku yiil magaalooyinka, iyo tuulooyinka, iyo qalcadahaba waxaa u talinayay Yoonaataan ina Cusiyaah.
11Sulaymaan beercanab buu Bacal Hamoon ku lahaa; Oo beercanabkii wuxuu ka kireeyey kuwa dhawra, Oo midkood kastaaba wuxuu midhaheeda uga keeni jiray kun xabbadood oo lacag ah.
14¶ Sulaymaanna wuxuu urursaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah, oo wuxuu lahaa kun iyo afar boqol oo gaadhifaras, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.
23Waayo, waxaa jiray amar iyaga ku saabsan oo boqorka ka yimid, oo kuwii gabayaaga ahaa waxaa loo xukumay sooryo rukun ah siday maalin walba ugu baahnaayeen.
12Oo iridjoogayaasha kooxahooduna intaasay ka koobnaayeen, waxayna ahaayeen rag madax ah, oo sida walaalahood hawl madax ka ah inay guriga Rabbiga ka dhex adeegaan.
15Oo sirkaalkii laba iyo tobnaad ee bishii laba iyo tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Xelday oo ahaa reer Netofaah, oo ka ahaa reer Cotnii'eel, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.
26waayo, afarta iridjooge oo sare oo ahaa reer Laawi waxay ku jireen jagooyin joogto ah, oo waxay u talin jireen qolalka, iyo khasnadihii guriga Ilaah.
20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.
19Oo kuwanu waxay ahaayeen intii boqorka u adeegi jirtay, oo ayan ku jirin kuwii uu boqorku fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah ku yiil oo dhan.
5Boqorkiina wuxuu rukun uga dhigay iyagii in ka mid ah cuntadiisii wanaagsanayd iyo khamrigii uu cabbi jiray, oo wuxuu amray in intii saddex sannadood ah la quudiyo si ay dabadeed boqorka isu hor taagaan.