Heeskii Sarreeyey 8:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sulaymaan beercanab buu Bacal Hamoon ku lahaa; Oo beercanabkii wuxuu ka kireeyey kuwa dhawra, Oo midkood kastaaba wuxuu midhaheeda uga keeni jiray kun xabbadood oo lacag ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Wacd 2:4 : 4 Waxaan samaystay shuqullo waaweyn, guryana waan dhistay, beero canab ahna waan beertay.
  • Ish 7:23 : 23 ¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in meel kasta oo ay ku yiilleen kun geed oo canab ah oo kun xabbadood oo lacag ah lagu qiimeeyo, ay noqoto meel ay ka soo baxaan yamaarug iyo qodxan.
  • Mat 21:33-43 : 33 ¶ Maqla masaal kale. Waxaa jiri jiray nin oday reer u ah, oo beer canab ah beertay, oo ood ku heeraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey. 34 Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerreydii inay midhihiisii u soo qaadaan. 35 Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen. 36 Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen. 37 Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan. 38 Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee. 39 Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. 40 Haddaba sayidkii beerta canabka ah goortuu yimaado, muxuu beerreydaas ku samayn doonaa? 41 Waxay ku yidhaahdeen, Nimankaas belaayada ah si baas buu u baabbi'in doonaa; beerta canabka ahna wuxuu u kiraysan doonaa beerrey kale, kuwa isaga siin doona midhihiisa xilligooda. 42 Markaasaa Ciise ku yidhi iyaga, Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka. Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga? 43 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya.
  • Mark 12:1 : 1 ¶ Markaasuu wuxuu bilaabay inuu masaallo kula hadlo iyaga. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo ood ku heraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey.
  • Luuk 20:9-9 : 9 ¶ Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerrey ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa. 10 Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inay isaga siiyaan midhaha beerta, laakiin beerreydii ayaa garaacday oo waxla'aan ku dirtay. 11 Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen. 12 Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen. 13 Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay, malaha way maamuusi doonaan. 14 Laakiin beerreydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno. 15 Markaasay beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu iyaga ku samayn doonaa? 16 Wuu iman doonaa oo beerreydaas dili doonaa, oo dad kale ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. Goortay taas maqleen waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon. 17 Laakiin wuu eegay oo ku yidhi, Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka? 18 Mid kasta oo dhagaxaas ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, laakiin kan uu ku dhoco, wuu burburin doonaa.
  • Hees 1:6 : 6 Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis. Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday, Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah, Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn.
  • Hees 7:12 : 12 Aynu aroor hore beercanabyada tagnee, Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale; Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.
  • Ish 5:1-7 : 1 ¶ Aan gacaliyahayga ugu gabyo gacaliyahayga gabaygiisa oo ku saabsan beertiisa canabka ah. Gacaliyahaygu wuxuu beer canab ah ku lahaa kur barwaaqaysan. 2 Oo wuxuu hareereheeda ka qoday god, oo dagaxyadii ku jirayna wuu ka saaray, markaasuu ku dhex beeray geedcanabka ugu wanaagsan, oo dhexdeedana wuxuu ka dhisay munaarad, oo weliba wuxuu dhexdeeda ka sameeyey god macsareed, oo wuxuu ka sugayay in midho canab ka soo baxaan, laakiinse waxaa ka soo baxay kuwa xunxun. 3 Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan. 4 Bal maxaa kaloo beertayda loo samayn karay oo aanan u samayn? Maxayse markaan ka sugayay inay midho canab ka soo baxaan kuwa xunxun uga soo baxeen? 5 Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa, 6 oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn. 7 Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.
  • Bil 20:16 : 16 Saarahna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, walaalkaa waxaan siiyey kun xabbadood oo lacag ah, waana u indhadabool kuwa kula jooga oo dhan; oo xagga wax kasta waa lagaa xaq mariyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12Beercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal, Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun, Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol.

  • Ish 5:1-4
    4 aayado
    72%

    1¶ Aan gacaliyahayga ugu gabyo gacaliyahayga gabaygiisa oo ku saabsan beertiisa canabka ah. Gacaliyahaygu wuxuu beer canab ah ku lahaa kur barwaaqaysan.

    2Oo wuxuu hareereheeda ka qoday god, oo dagaxyadii ku jirayna wuu ka saaray, markaasuu ku dhex beeray geedcanabka ugu wanaagsan, oo dhexdeedana wuxuu ka dhisay munaarad, oo weliba wuxuu dhexdeeda ka sameeyey god macsareed, oo wuxuu ka sugayay in midho canab ka soo baxaan, laakiinse waxaa ka soo baxay kuwa xunxun.

    3Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan.

    4Bal maxaa kaloo beertayda loo samayn karay oo aanan u samayn? Maxayse markaan ka sugayay inay midho canab ka soo baxaan kuwa xunxun uga soo baxeen?

  • 71%

    15Oo boqorku wuxuu lacag iyo dahabba Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale. Oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale.

    16Oo Sulaymaan farduhuu haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.

  • 71%

    27Oo boqorku wuxuu lacag Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale, oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale.

    28Fardihii Sulaymaan haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey, iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey.

    29Oo gaadhifaras wuxuu Masar kaga soo bixi jiray lix boqol oo sheqel oo lacag ah, farasna boqol iyo konton sheqel; oo saasoo kalay ugu wada keeni jireen boqorradii reer Xeed oo dhan iyo boqorradii reer Suuriyaba.

  • 23¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in meel kasta oo ay ku yiilleen kun geed oo canab ah oo kun xabbadood oo lacag ah lagu qiimeeyo, ay noqoto meel ay ka soo baxaan yamaarug iyo qodxan.

  • 71%

    14Oo wuxuu idinka qaadan doonaa beerihiinna, iyo beerihiinna canabka ah, iyo beerihiinna saytuunka ah, iyo xataa meelaha ugu wada wanaagsan, oo wuxuu siin doonaa midiidinnadiisa.

    15Oo wuxuu idinka qaadan doonaa iniinihiinna toban meelood oo meel iyo beerihiinna canabka ah, markaasuu siin doonaa saraakiishiisa, iyo midiidinnadiisa.

  • Mark 12:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Markaasuu wuxuu bilaabay inuu masaallo kula hadlo iyaga. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo ood ku heraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey.

    2Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inuu beerreydii midhihii beerta ka soo qaado.

  • 27Oo boqorku wuxuu lacag Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale, oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale.

  • 70%

    12Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, iyo weliba wax ka sii badan wixii ay boqorka u keentay. Markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyada iyo addoommadeediiba.

    13¶ Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah,

    14oo intaasu kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaashu, oo boqorradii dalka Carabta iyo taliyayaashii waddanka oo dhammuna waxay Sulaymaan u keeni jireen dahab iyo lacag.

    15Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan oo waaweyn oo dahab la tumay ah, oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab la tumay ah.

  • 19Midhahaygu way ka sii wanaagsan yihiin dahab, haah, oo xataa dahab aad u wanaagsan way ka sii wanaagsan yihiin, Oo waxa ii kordhaana way ka sii wanaagsan yihiin lacag la doortay.

  • 10Oo bal eeg, anigu addoommadaada alwaaxda jaraya waxaan siin doonaa labaatan kun oo kor oo ah sarreen la tumay, iyo labaatan kun oo kor oo ah shaciir, iyo labaatan kun oo bad oo khamri ah, iyo labaatan kun oo bad oo saliid ah.

  • 21Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab; gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah, oo midna lagama samayn lacag, waayo, wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.

  • 69%

    13Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, oo ayan ku jirin wixii uu Sulaymaan u siiyey sharafta boqornimadiisa, markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyadii iyo addoommadeediiba.

    14¶ Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah,

    15oo intaasuna kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaasha, iyo boqorradii dalka Carabta oo dhan, iyo taliyayaashii waddanka.

    16Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan waaweyn oo dahab la tumay ah; oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab ah.

  • 25Oo wakhtigii Sulaymaan oo dhan dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna ammaan bay ku degganaayeen, oo nin waluba wuxuu hoos fadhiyey geedkiisii canabka ahaa iyo geedkiisii berdaha ahaa marka laga bilaabo Daan iyo xataa ilaa Bi'ir Shebac.

  • 15Oo Sulaymaanna wuxuu lahaa toddobaatan kun oo xammaal iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jari jiray.

  • Mat 21:33-34
    2 aayado
    68%

    33¶ Maqla masaal kale. Waxaa jiri jiray nin oday reer u ah, oo beer canab ah beertay, oo ood ku heeraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey.

    34Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerreydii inay midhihiisii u soo qaadaan.

  • Wacd 2:4-5
    2 aayado
    68%

    4Waxaan samaystay shuqullo waaweyn, guryana waan dhistay, beero canab ahna waan beertay.

    5Waxaan samaystay beero iyo firdows, oo waxaan ku dhex beeray geed midho cayn kastaba leh.

  • 25Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo.

  • 10Oo weliba toban tacab oo beer canab ahu waxay dhali doonaan qiyaas bad la yidhaahdo oo keliya, oo xomeer muggiis oo iniino ahuna wuxuu dhali doonaa in eefaah qaadi karo.

  • 11Sulaymaanna wuxuu Xiiraam siiyey labaatan kun oo kor oo sarreen ah oo reerkiisu quuto, iyo labaatan kor oo saliid saafiya ah; oo Sulaymaan intaasuu sannad kasta siin jiray Xiiraam.

  • Xaak 9:12-13
    2 aayado
    68%

    12Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedcanab, Kaalay oo boqor noo noqo.

    13Markaasaa geedcanabkii wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan ka tagaa khamrigayga ka farxiya Ilaah iyo dadkaba, oo miyaan u kacaa inaan hore iyo dib uga lulmado geedaha dushooda?

  • 11Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis ayaan boqortooyada kaaga xoogayaa, oo waxaan siinayaa addoonkaaga, maxaa yeelay, ma aadan xajin axdigaygii iyo qaynuunnadaydii aan kugu amray.

  • 10Anigu waxaan ahay derbi, oo naasahayguna waa sida munaaradaha oo kale. Oo markaas waxaan hortiisa ku ahaa sidii mid nabad heshay.

  • 9Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo boqoraddii Shebaa uunsigii ay Boqor Sulaymaan siisay oo kale ma jirin.

  • 10Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; uma iman uunsi dambe oo u badan sidii kii boqoradda Shebaa ay siisay Boqor Sulaymaan.

  • 15Haddaba sarreenkii iyo shaciirkii, iyo saliiddii iyo khamrigii aad ka hadashay noo soo dir, sayidkaygiiyow.

  • 9Dhulka faa'iidadiisu kulli way ka dhexaysaa, waayo, boqorka qudhiisaba waxaa looga adeegaa beerta.

  • 2Oo goortuu shaqaalayaal maalintii kula heshiiyey dinaar, ayuu beertiisii canabka ahayd u diray iyagii.

  • 20Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab, gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah; wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn.

  • 11ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.)

  • 8Waxaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.

  • 28Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

  • 7Waxaan soo iibsaday addoommo rag iyo dumarba ah, oo waxaan lahaa addoommo gurigayga ku dhashay, weliba waxaan lahaa hanti aad u badan oo ishkin iyo adhiba leh, oo waan ka sii hodansanaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan.