Maahmaahyadii 8:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Midhahaygu way ka sii wanaagsan yihiin dahab, haah, oo xataa dahab aad u wanaagsan way ka sii wanaagsan yihiin, Oo waxa ii kordhaana way ka sii wanaagsan yihiin lacag la doortay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 3:14 : 14 Waayo, baayacmushtarigeedu waa ka sii wanaagsan yahay baayacmushtariga lacagta, Oo faa'iidadeeduna waa ka sii wanaagsan tahay dahabka saafiga ah.
  • Maah 8:10 : 10 Edbintayda qaata, lacagse ha qaadanina, Oo aqoontana ka hor doorta dahabka saafiga ah.
  • Maah 10:20 : 20 Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay, Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.
  • Wacd 7:12 : 12 Waayo, xigmaddu waxay wax u daafacdaa sida lacagtu wax u daafacdo oo kale, laakiinse aqoonta faa'iidadeedu waa in xigmaddu ay nabadgeliso kuwa iyada haysta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18Anigaa iska leh taajirnimo iyo sharaf. Iyo weliba maal raagaya iyo xaqnimoba.

  • Maah 3:14-18
    5 aayado
    79%

    14Waayo, baayacmushtarigeedu waa ka sii wanaagsan yahay baayacmushtariga lacagta, Oo faa'iidadeeduna waa ka sii wanaagsan tahay dahabka saafiga ah.

    15Way ka sii qaalisan tahay luulka, Oo waxaad jeclaan kartid oo dhanna iyada lalama simo.

    16Gacanteeda midig waxaa ku jira cimri dheeri; Gacanteeda bidixna waxaa ku jira hodonnimo iyo sharaf.

    17Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.

    18Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.

  • Maah 8:20-21
    2 aayado
    78%

    20Anigu waxaan ku socdaa jidka xaqnimada, Iyo waddooyinka garta dhexdooda,

    21Si aan kuwa i jecel uga dhigo inay maal dhaxlaan, Oo aan khasnadahooda ugu buuxiyo.

  • Maah 8:10-11
    2 aayado
    77%

    10Edbintayda qaata, lacagse ha qaadanina, Oo aqoontana ka hor doorta dahabka saafiga ah.

    11Waayo, xigmaddu waa ka sii wanaagsan tahay luulka, Oo wax alla waxa la damci karo oo dhanna iyada lalama simi karo.

  • 16In xigmad la helaa intee bay ka sii wanaagsan tahay in dahab la helo! In waxgarasho la helaana waa laga doortaa in lacag la helo.

  • 1Magac wanaagsan baa laga doortaa maal badan, Oo nimcana waa ka wanaagsan tahay lacag iyo dahab.

  • 10Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah, Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.

  • Hees 8:11-12
    2 aayado
    72%

    11Sulaymaan beercanab buu Bacal Hamoon ku lahaa; Oo beercanabkii wuxuu ka kireeyey kuwa dhawra, Oo midkood kastaaba wuxuu midhaheeda uga keeni jiray kun xabbadood oo lacag ah.

    12Beercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal, Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun, Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol.

  • 8Wax yar oo xaqnimo la jirto Ayaa ka wanaagsan wax badan oo kordha oo xaqdarro la jirto.

  • 12Waxaan dadka ka dhigi doonaa wax dhif ah oo ka qaalisan dahabka wanaagsan, oo binu-aadmigana waxaan ka dhigi doonaa wax aan badnayn sida dahabka saafiga ah ee Oofir.

  • 14Talo iyo xigmad anigaa iska leh, Oo waxaan ahay waxgarasho, xoogna waan leeyahay.

  • 70%

    24Haddaan dahab rajo ka dhigtay, Oo aan dahabka saafiga ah ku idhi, Kalsoonidayda baad tahay,

    25Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis, Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood,

  • 15Iyo amiirradii dahabka lahaan jiray, Oo guryahooda lacagta ka buuxsaday;

  • Wacd 2:8-9
    2 aayado
    70%

    8Oo weliba waxaan kaloo soo urursaday lacag, iyo dahab, iyo khasnado khaas ah oo ay boqorro iyo gobollo leeyihiin. Oo waxaan yeeshay niman ii gabya iyo naago ii gabya, iyo waxyaalaha ay binu-aadmigu ku farxaan iyo dumar badan.

    9Sidaasaan u weynaa oo uga maal badnaa kuwii Yeruusaalem iiga horreeyey oo dhan, oo weliba xigmaddaydiina way igu hadhay.

  • 72Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay Kumanyaal dahab iyo lacag ah.

  • 127Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.

  • 1Hubaal lacagtu waxay leedahay god laga qodo, Oo dahabkuna wuxuu leeyahay meel lagu safeeyo.

  • 15Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.

  • 4Xigmaddaada iyo waxgarashadaada ayaad maalka ku heshay, oo khasnadahaagana waxaad ku buuxsatay dahab iyo lacag.

  • 17Dahab iyo madarad toona uma qalmi karaan, Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah.

  • 11Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ah Oo lacag laga taagay.

  • 6I maqla, waayo, waxaan ku hadlayaa waxyaalo wanaagsan, Oo waxaan bushimaha u kala qaadayaa waxyaalo qumman.

  • 31Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay, Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.

  • 15Dahab laguma heli karo, Lacagna looma miisaamo.

  • 19Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono, Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono.

  • 9Rabbiga ku murwee maalkaaga Iyo midhaha ugu horreeya waxa kuu kordha oo dhan;

  • 11Hadalkii si hagaagsan loogu hadlaa Wuxuu la mid yahay tufaaxyo dahab ah oo lagu dhex sameeyey taswiiro lacag ah.

  • 4Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale, Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon,

  • 10¶ Kii lacag jecelu lacag kama dhergi doono, oo kii maal badan jeceluna faa'iido kama dhergi doono, taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 14Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.

  • 20Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay, Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.

  • 19Taajirnimadaada iyo xoogga itaalkaaga oo dhammu Miyey kugu filan yihiin inay dhibaato kaa saaraan?

  • 68%

    24Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda, Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,

    25Oo Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad, Iyo lacag qiime badan.

  • 8Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh.

  • 4Lacagta wasakhda ka qaad, Oo dabadeedna waxaa lacagshubaha uga soo bixi doona weel.

  • 22Lacagtaadii wasakh bay noqotay, khamrigaagiina waxaa ku qasmay biyo.

  • 16Qalbigaygaan la hadlay, oo waxaan ku idhi, Bal eeg, anigu waxaan helay xigmad ka sii badan tii kuwii hortaydii Yeruusaalem u talin jiray oo dhan, oo qalbigaygu aad buu u arkay xigmad badan iyo aqoon dheer.

  • 17waaba intaasoo aad qalbiga iska tidhaahdaan, Xooggayaga iyo itaalka gacantayada ayaannu maalkan ku helnay.

  • 10Laakiinse wuu yaqaan jidkaan maro, Oo markuu i tijaabiyo waxaan u soo bixi doonaa sida dahab oo kale.

  • 3Sida geedka tufaaxa ahu uu dhirta duurka ku dhex yahay, Ayuu gacaliyahayguna wiilasha ku dhex yahay. Hooskiisaan fadhiistay anigoo aad u faraxsan, Oo midhihiisuna way ila dhadhan macaanaayeen.