Ishacyaah 1:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Lacagtaadii wasakh bay noqotay, khamrigaagiina waxaa ku qasmay biyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 6:28-30 : 28 Iyagu waa caasiyiin fallaagoobay, oo xan bay la ordaan oo iyagu waa naxaas iyo bir, oo kulligoodna waa kuwa wax kharriba. 29 Buufinkii aad buu wax u buufiyaa, oo laxaamaddiina dabkaa baabba'saday, oo lacag shubihiina waxtarla'aan buu wax u sii dhalaalinayaa, waayo, sharrowyadii weli ma soocna. 30 Waxaa iyaga loogu yeedhi doonaa, Lacag la nacay, waayo, Rabbigu iyaguu nacay.
  • Bar 4:1-2 : 1 Dahabkii sidee buu u dhalaal beelay! Dahabkii ugu wada saafiyaysnaase sidee buu u beddelmay! Dhagxantii meesha quduuska ahna waxaa lagu daadshay rukunka jid kasta. 2 Wiilashii Siyoon ee qaaliga ahaa oo dahabka saafiga ah la mid ahaa Sidee baa loogu tiriyey dheryo dhoobo ah oo uu dheryasameeyuhu gacmaha ku sameeyey oo kale!
  • Yex 22:18-22 : 18 Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil wasakh bay ii noqdeen, oo kulligood waa naxaas iyo qasacad iyo bir iyo laxaamad foornada ku dhex jira, oo xataa waa wasakhda lacagta. 19 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku soo ururin doonaa Yeruusaalem gudaheeda, maxaa yeelay, kulligiin wasakh baad noqoteen. 20 Sida lacag, iyo naxaas, iyo bir, iyo laxaamad, iyo qasacad loo soo ururiyo, oo foornada loogu dhex rido in dabka lagu afuufo si loo dhalaaliyo aawadeed, sidaas oo kalaan idinku soo wada ururin doonaa xanaaqayga iyo cadhadayda, oo halkaasaan idinku ridi doonaa oo aan idinku dhalaalin doonaa. 21 Hubaal waan idin soo ururin doonaa oo waxaan idinku soo afuufi doonaa dabka cadhadayda, oo idinkuna dhexdiisaad ku dhalaali doontaan. 22 Sida lacagta foornada dhexdeeda loogu dhalaaliyo ayaad dhexdeeda ugu wada dhalaali doontaan, oo waxaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan cadhadaydii idinku kor shubay.
  • Hos 4:18 : 18 Cabniinkoodii waa dhanaanaaday. Had iyo goorba way sinaystaan. Taliyayaashooduna aad bay ceebta u jecel, yihiin.
  • Hos 6:4 : 4 ¶ Reer Efrayimow, bal maxaan idinku sameeyaa? Dadka Yahuudahow, bal maxaan idinku sameeyaa? Waayo, wanaaggiinnu waa sida daruurta subaxnimo, iyo sida sayaxa aroor hore baabba'a.
  • 2 Kor 2:17 : 17 Waayo, innagu la mid ma nihin kuwa badan ee ereyga Ilaah ka baayacmushtara, laakiin sida kuwa daacadda ah iyo kuwa Ilaah ayaynu Masiix ugu hadallaa Ilaah hortiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 23Amiirradaadii way caasiyoobeen, oo waxay u wehel yeeleen tuugag, oo mid walubana wuxuu jecel yahay laaluush, oo wuxuu daba ordaa abaalgudyo. Agoonta gartooda uma qaadaan, oo dacwada carmalkuna hortooda ma timaado.

  • 21¶ Magaaladii aaminka ahayd oo caddaaladdu ka buuxday, sidee bay dhillo u noqotay! Waxaa ku jiri jirtay xaqnimo, haatanse waxaa jooga gacankudhiiglayaal!

  • 1Dahabkii sidee buu u dhalaal beelay! Dahabkii ugu wada saafiyaysnaase sidee buu u beddelmay! Dhagxantii meesha quduuska ahna waxaa lagu daadshay rukunka jid kasta.

  • 25Oo haddana gacantayda waan ku saari doonaa, oo wasakhdaadana aad baan kaaga nadiifin doonaa, waxaaga aan saafi ahayn oo dhanna waan kaa bixin doonaa.

  • Yex 22:18-19
    2 aayado
    75%

    18Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil wasakh bay ii noqdeen, oo kulligood waa naxaas iyo qasacad iyo bir iyo laxaamad foornada ku dhex jira, oo xataa waa wasakhda lacagta.

    19Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku soo ururin doonaa Yeruusaalem gudaheeda, maxaa yeelay, kulligiin wasakh baad noqoteen.

  • Ish 51:21-22
    2 aayado
    74%

    21Haddaba taada dhibaataysan oo ku sakhraantay wax aan khamri ahaynay, bal waxan maqal:

    22Sayidkaaga Rabbiga ah oo ah Ilaahaaga dacwada dadkiisa u muddaca wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan gacantaada ka bixiyey koobka lagu dhacdhaco, kaasoo ah koobka cadhadayda. Adigu mar dambe innaba ma aad cabbi doontid.

  • 30Waxaa iyaga loogu yeedhi doonaa, Lacag la nacay, waayo, Rabbigu iyaguu nacay.

  • 4Lacagta wasakhda ka qaad, Oo dabadeedna waxaa lacagshubaha uga soo bixi doona weel.

  • 5Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,

  • 5Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay.

  • 19Lacagtooda jidadkay ku xoori doonaan, oo dahabkooduna wuxuu noqon doonaa sida wasakh oo kale. Maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooduba ma ay samatabbixin kari doonaan. Naftooda ma ay dhergin doonaan, oo calooshoodana kama ay buuxin doonaan, maxaa yeelay, kuwaasu waxay ahaayeen dhagaxii turunturada ee xumaantooda.

  • 11Jidadka waxaa looga ooyayaa khamri la waayay aawadeed, farxaddii oo dhammuna way madoobaatay, oo rayrayntiina dalkay ka dhammaatay.

  • 11Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.

  • 22Sida lacagta foornada dhexdeeda loogu dhalaaliyo ayaad dhexdeeda ugu wada dhalaali doontaan, oo waxaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan cadhadaydii idinku kor shubay.

  • 16Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah, Oo dembiga sida biyo u cabbaa!

  • 4Nebiyadeedu waa kuwo fudud oo khiyaano badan, oo wadaaddadeediina meeshii quduuska ahayd ayay nijaaseeyeen, oo sharcigiina si xun bay u dhaafeen.

  • 15¶ Waxaa iska hoogay kaaga deriskiisa khamri cabsiiya, oo cadho ugu shuba, oo weliba u sakhraamiya si uu cawradooda u fiirsada aawadeed!

  • 18Cabniinkoodii waa dhanaanaaday. Had iyo goorba way sinaystaan. Taliyayaashooduna aad bay ceebta u jecel, yihiin.

  • 7Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.

  • 17Oo weliba waxaad qaadatay waxyaalahaagii quruxdasanaa oo dahabkayga iyo lacagtayda ahaa oo aan ku siiyey, oo waxaad ka samaysatay sanamyo nimeed, oo iyagii baad la dhillowday.

  • 10Sara joogsada oo taga, waayo, tanu ma aha nasashadiinna, maxaa yeelay, waxaa jirta wasakh wax ku baabbi'inaysa baabba' xoog badan.

  • 7Dalkiinnii waa cidla, magaalooyinkiinniina waa la gubay, oo waddankiinniina shisheeyayaal baa hortiinna ku cunay, waana cidla, sidii wax ay shisheeyayaal afgembiyeen.

  • 22¶ Hoog waxaa leh kuwa u xoogga badan inay khamri cabbaan, iyo dadka u itaalka weyn inay qasaan wax lagu sakhraamo,

  • 15¶ Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.

  • 10Amiirrada dalka Yahuudah waxay la mid yihiin kuwa durkiya calaamada soohdinta. Cadhadayda ayaan ugu dul shubi doonaa sida biyaha oo kale.

  • Yac 5:2-3
    2 aayado
    71%

    2Duunyadiinnii way qudhuntay, dharkiinniina aboor baa cunay.

    3Dahabkiinnii iyo lacagtiinniiba way mirdheen, miridhkooduna markhaati buu idinku noqon doonaa, wuxuuna jidhkiinna u cuni doonaa sida dabka oo kale. Maal baad u urursateen maalmaha ugu dambeeya.

  • 8Waayo, miisaskii oo dhan waxaa ka buuxsamay mantag iyo wasakh, oo xataa meel keliya oo nadiifsan lama arko.

  • Yex 24:11-12
    2 aayado
    71%

    11Markaas digsiga oo madhan dhuxusha shidan saar si uu u kululaado, oo ay naxaastiisu u gubato, oo ay wasakhdiisu gudihiisa ugu dhalaasho oo uu miridhkiisuna u baabba'o.

    12Iyadu si aan waxba tarayn ayay isu daalisay, oo miridhkeeda badanna iyada kama uu baxo, oo miridhkeeda dabka kagama baxo.

  • 7Dhexdaaday aabbe iyo hooyo ku fududaysteen, oo dhexdaaday shisheeyaha ku dulmeen, oo dhexdaaday agoonta iyo carmalka ku dhibeen.

  • 11Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan.

  • 27Amiirradeeda dhex joogaa waa sida yeey xoog wax ku qabsata oo kale inay dhiig daadiyaan, iyo inay nafo dad halligaan, si ay faa'iido daacadla'aan ugu helaan aawadeed.

  • 11Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda, Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.

  • 18Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.

  • 1¶ Waxaa iska hoogtay magaalada caasiyowday oo nijaasowday oo wax dulunta!

  • 4Biyahayagii lacag baannu ku cabnay, Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.

  • 17Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.

  • 2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • 22Oo weliba waxaad nijaasayn doontaan sanamyadiinna la qoray oo lacagta lagu dahaadhay, iyo sanamyadiinna la shubay oo dahabka lagu dahaadhay, oo waxaad iyagu u xoori doontaan sida wax wasakhaysan, oo waxaad ku odhan doontaan, Ordoo iska baxa!

  • 11Kuwiinna Makteesh degganow, qayliya, waayo, dadkii reer Kancaan oo dhammu waa dhammaaday, oo kuwii lacagta ku rarnaa oo dhammu waa baabba'.

  • 12Dhexdaada ayay laaluush ku qaataan si ay dhiig u daadiyaan aawadeed, oo waxaad qaadataa korsaar iyo ribo, oo si hunguri weyn iyo dulmi ah ayaad uga faa'iidaysataa deriskaaga, oo aniga waad i illowday, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 14Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.

  • 5Maalinta boqorkayaga amiirradu way isku bukaysiiyeen kulaylka khamriga, isagu wuxuu gacanta u taagay kuwo wax quudhsada.

  • 12Miyaa fardo dhagaxa ku ordi doonaan? Miyaase mid halkaas dibi ku beerjeexi doonaa? Laakiin, idinku garsooriddii waxaad u beddesheen xammeeti, oo midhihii xaqnimadana waxaad u beddesheen dacar.

  • 7Taswiiraheeda xardhan oo dhan waa la wada burburin doonaa, oo kirooyinkeeda oo dhanna dab baa lagu gubi doonaa, oo sanamyadeeda oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, waayo, iyadu waxay ku soo urursatay dhillo kiradeed, oo kulligoodna waxay dib ugu noqon doonaan dhillo kiradeed.

  • 3Sidaas daraaddeed tiixyadii waa la joojiyey, oo roobkii dambena waa la waayay, weliba waxaad yeelatay dhillo jaaheed, oo inaad xishootana waad diidday.