Xaggay 2:8
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
6Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba.
7Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.
5Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,
28Oo markaasaan ku idhi, Idinku Rabbigaad quduus u tihiin oo weelashuna waa quduus, oo lacagta iyo dahabka waa qurbaan ikhtiyaar loogu bixiyey Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin.
7Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.
8Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurta fuula, oo alwaax ka keena, oo guriga dhisa, oo anna waan ku farxi doonaa, oo kolkaasaan ammaanmi doonaa.
9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad filanayseen wax badan, laakiinse waxay noqdeen in yar, oo markaad intaas gurigii keenteenna anigu waan afuufay. Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, gurigaygii baa dunsan oo idinkana midkiin kastaaba wuxuu u ordaa gurigiisa.
19Laakiinse lacagta, iyo dahabka, iyo alaabta naxaasta iyo birta ah oo dhammu waxay quduus u yihiin Rabbiga, oo iyaga waa in la soo geliyaa khasnadda Rabbiga.
8Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaan dabadeed wuxuu ii soo diray quruumihii adiga ku dhacay, waayo, kii ku taabto wuxuu taabtaa ishiisa inankeeda.
9Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray.
10Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.
17Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintii aan saas sameeyo waxay ii noqon doonaan kuwaygii, iyo xataa khasnad khaas ah, oo waan u tudhi doonaa sida nin ugu tudho wiilkiisa u adeega.
1¶ Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,
2Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaan ugu qiirooday qiiro aad u weyn, oo waxaan iyada ugu qiirooday cadho weyn.
3Lacagtaada iyo dahabkaaga anigaa iska leh, oo naagahaaga, iyo carruurtaada, xataa kuwa ugu fiican anigaa iska leh.
16Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh.
19Lacagtooda jidadkay ku xoori doonaan, oo dahabkooduna wuxuu noqon doonaa sida wasakh oo kale. Maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooduba ma ay samatabbixin kari doonaan. Naftooda ma ay dhergin doonaan, oo calooshoodana kama ay buuxin doonaan, maxaa yeelay, kuwaasu waxay ahaayeen dhagaxii turunturada ee xumaantooda.
9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.
4Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan soo bixin doonaa, oo wuxuu soo geli doonaa guriga tuugga, iyo guriga kan magacayga beenta ugu dhaarta, oo wuxuu iska joogi doonaa gurigiisa dhexdiisa, oo alwaaxdiisa iyo dhagaxyadiisaba wuu wada baabbi'in doonaa.
5iyo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya?
18¶ Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,
18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.
3Oo weliba anigu aad baan u jeclahay guriga Ilaahayga, oo taas daraaddeed waxaan guriga Ilaahayga siinayaa khasnad mulkigayga ah oo dahab iyo lacag ah, taasoo aan ku jirin wixii aan u diyaariyey gurigii quduuska ah,
5Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga ciidammada.
14Haddaba bal eeg, anoo dhibaataysan waxaan guriga Rabbiga u diyaarshay boqol kun oo talanti oo dahab ah, iyo kun kun oo talanti oo lacag ah, iyo naxaas iyo bir aan miisaan lahayn, waayo, aad bay u badan yihiin, oo weliba waxaan kaloo diyaariyey alwaax iyo dhagxan, oo adiguna intaas wax baad ku sii dari karaysaa.
15Markaasaa Xisqiyaah wuxuu isagii siiyey kulli lacagtii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorka oo dhanba.
21Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba,
11Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.
8Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi,
9Serubaabel gacmihiisa ayaa dhigay gurigan aasaaskiisa, oo weliba gacmihiisaa dhammayn doona, oo waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadu ii soo kaa diray.
13Haddaba sidaas daraaddeed maalinta Rabbiga xanaaqiisa kululu iman doono ayaan samooyinka gariirin doonaa, dhulkuna meeshiisuu kaga dhaqaaqi doonaa cadhada Rabbiga ciidammada.
10Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag.
17Meeshii naxaasta dahab baan ka keeni doonaa, meeshii birtana lacag baan ka keeni doonaa, meeshii qorigana naxaas baan ka keeni doonaa, oo meeshii dhagaxantana bir baan ka keeni doonaa, oo saraakiishaadana waxaan ka dhigi doonaa kuwa nabdeed, oo kuwa kuu taliyana waxaan ka dhigi doonaa kuwa xaqa ah.
16iyo kulli lacagta iyo dahabka aad ka heli doonto gobolka Baabuloon oo dhan, iyo qurbaanka dadku ikhtiyaarka u bixiyo, iyo kan wadaaddadu ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaahooda oo Yeruusaalem ku yaal aawadiis,
1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Samadu waa carshigayga, dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto. Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Oo maxay tahay meeshaan ku nastaa?
1Hubaal lacagtu waxay leedahay god laga qodo, Oo dahabkuna wuxuu leeyahay meel lagu safeeyo.
6Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?
11Gurigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay.
3Haddaba sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ii soo noqda, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay, oo anna waan idiin soo noqonayaa, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.
14iyo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah,
8Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.
5Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.
26Waxaan iyaga u miisaamay oo gacanta u geliyey lix boqol iyo konton talanti oo lacag ah, iyo weelal lacag ah oo iyana boqol talanti ah, iyo boqol talanti oo dahab ah,
15Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.
7Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa lacag iyo dahab, oo khasnadahooduna dhammaad ma leh, oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa fardo, oo gaadhifardoodyadooduna innaba dhammaad ma leh.
24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.
18Oo lacagta iyo dahabka intooda kale ku sameeya wax alla wixii adiga iyo walaalahaa idinla wanaagsan oo sida Ilaahiin doonayo ah.
2Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo wuxuu leeyahay, Dadkanu waxay yidhaahdaan, Wakhtigii weli lama gaadhin, wakhtigii guriga Rabbiga la dhisi lahaa weli lama gaadhin.