Sakaryaah 2:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaan dabadeed wuxuu ii soo diray quruumihii adiga ku dhacay, waayo, kii ku taabto wuxuu taabtaa ishiisa inankeeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 32:10 : 10 Wuxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan ah, Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan. Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey, Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda,
  • Yoox 14:26 : 26 laakiin Gargaaraha Ruuxa Quduuska ah oo Aabbuhu ku soo diri doono magacayga, wax kasta ayuu idin bari doonaa, wuxuuna idin xusuusin doonaa wax kasta oo aan idinku idhi.
  • Yoox 15:21-23 : 21 Laakiin waxyaalahaas oo dhan waxay idiinku samayn doonaan magacayga aawadii, maxaa yeelay, waxaanay garanayn kii i soo diray. 22 Haddaanan iman oo aanan la hadlin, dembi ma ay lahaadeen, laakiin hadda dembigooda marmarsiinyo uma haystaan. 23 Kii i neceb, waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay.
  • Sab 17:8 : 8 Ii dhawr sida isha inankeeda, Oo igu qari hooska baalashaada.
  • Sab 105:13-15 : 13 Oo iyagu quruunba quruun bay uga bexeen, Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen. 14 Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo, Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay, 15 Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan, Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
  • Ish 48:15-16 : 15 Aniga qudhayda ayaa sidaas ku hadlay, oo isagaan u yeedhay oo keenay, oo jidkiisuu ku barwaaqoobi doonaa. 16 Warroy ii soo dhowaada oo waxan maqla. Tan iyo bilowgii si qarsoodi ah uma aan hadlin. Tan iyo waagii ay waxanu dheceen, anigu halkaasaan joogay, oo haatanna waxaa i soo diray Sayidka Rabbiga ah iyo Ruuxiisa.
  • Ish 60:7-9 : 7 Adhyaha reer Qedaar oo dhammuna adigay kugu soo wada ururi doonaan, oo wananka Nebayodna waxay noqon doonaan wax laguugu adeego, meeshayda allabariga dusheeda way iman doonaan, iyagoo la aqbalo, oo gurigayga ammaanta leh waan ammaani doonaa. 8 Waa kuwee kuwan u duulaya sida daruur oo kale, iyo sida qoolleyo buulalkooda u duulaya? 9 Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay. 10 Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay. 11 Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay. 12 Waayo, quruuntii iyo boqortooyadii aan kuu adeeginuba way halligmi doonaan, hubaal quruumahaas waa la wada baabbi'in doonaa. 13 Waxaa kuu iman doonta quruxdii Lubnaan, taasoo ah geedaha la yidhaahdo beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuurba si ay u qurxiyaan meeshayda quduuska ah, oo meesha cagahayga waxaan ka dhigi doonaa mid ammaan badan. 14 Oo kuwii ku dhibi jiray wiilashooda ayaa kuu iman doona iyagoo ku hor foororsanaya, kuwii ku quudhsan jiray oo dhammuna cagahaaga hortooday ku wada sujuudi doonaan, oo waxay kugu magacaabi doonaan, Magaaladii Rabbiga, oo ah Siyoontii Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
  • Yer 50:17-18 : 17 Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday. 18 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale.
  • Yer 51:34-35 : 34 Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa i baabbi'iyey, wuu i burbursaday, oo weel madhan buu iga dhigay, wuuna i liqay sidii bahal weyn oo kale, oo wuxuu calooshiisa ka buuxsaday cuntadaydii macaanayd, oo dibadduu ii xooray. 35 Kan Siyoon degganu wuxuu odhan doonaa, Dulmigii aniga iyo jidhkayga lagu sameeyey Baabuloon ha saarnaado. Yeruusaalem waxay odhan doontaa, Dhiiggaygu dadka dalka Kalday deggan ha saarnaado.
  • Yex 25:6-7 : 6 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya, 7 oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.
  • Yex 25:12 : 12 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Edom aarsasho buu dadka Yahuudah kula macaamilooday, oo si weyn ayuu u xumeeyey, oo iyaga wuu ka aar goostay,
  • Yex 25:15 : 15 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Falastiin aarsashay kula macaamiloodeen oo iyagoo qalbiga ka quudhsanaya ayay ka aarsadeen si ay cadownimo weligeed ah ugu baabbi'iyaan,
  • Yex 26:2 : 2 Wiilka Aadamow, Reer Turos wuxuu Yeruusaalem ku yidhi, Ahaa, tii dadyowgii iriddiisa ahaan jirtay way jabtay, oo anigay ii soo jeedday, oo haddana waan buuxsanaan doonaa, waayo, iyadu haatan waa cidla.
  • Yex 35:5 : 5 Weligaa had iyo goorba nacayb baad reer binu Israa'iil u qabtay, oo waagii masiibadoodii iyo waagii ay xumaantu dhammaatay ayaad reer binu Israa'iil xooggii seefta u gacangelisay,
  • Yoel 3:2-8 : 2 ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen. 3 Oo iyagu dadkaygii way u saami riteen, oo wiil bay dhillo kiro u siiyeen, oo gabadhna waxay ku iibiyeen khamri ay cabbaan. 4 Haddaba Turos, iyo Siidoon, iyo kulli gobollada Falastiin oo dhammow, bal maxaad iga doonaysaan? Ma abaalgud baad ii siinaysaan? Oo haddaad ii abaalguddaan, intaan dhaqsado ayaan degdeg abaalgudkiinna madaxiinna ugu soo celin doonaa. 5 Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna, 6 oo weliba dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemna waxaad ka iibiseen dadka Gariigta ah, si aad iyaga dalkooda uga fogaysaan aawadeed. 7 Haddaba bal ogaada, iyagii waxaan ka soo kicin doonaa meeshii aad ka iibiseen, oo abaalgudkiinnana waxaan ku soo celin doonaa madaxiinna, 8 oo wiilashiinna iyo gabdhihiinnaba waxaan ka iibin doonaa dadka Yahuudah, oo waxay ka sii iibin doonaan dadka reer Shebaa oo ah quruun aad u fog, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.
  • Aam 1:3-5 : 3 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Dimishaq sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay reer Gilecaad kula tunteen alaab bir ah oo hadhuudh lagula tunto. 4 Laakiinse dab baan u soo diri doonaa guriga Xasaa'eel, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Benhadad. 5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Qataarkii albaabka Dimishaq waan jebin doonaa, oo waxaan dooxada Aawen ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ceeden ka gooyn doonaa, oo dadka Suuriyana maxaabiis ahaan baa loogu kaxaysan doona Qiir.
  • Aam 1:9 : 9 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Turos sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu dadkii oo dhan ayay u gacangeliyeen reer Edom, oo soo mana ay xusuusan axdigii walaalnimada.
  • Aam 1:11 : 11 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Edom sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu walaalahood bay seef ku eryadeen, oo way iska xooreen naxariis oo dhan, oo xanaaqoodiina had iyo goorba bay la qarxeen, oo cadho bay la gubanayeen weligoodba.
  • Aam 1:13 : 13 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex amase afar xadgudub oo ay reer Cammoon sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay dooxeen naagihii uurka lahaa oo reer Gilecaad si ay xudduudkooda u ballaadhsadaan aawadeed.
  • Coba 1:10-16 : 10 Xumaantii aad walaalihiin reer Yacquub ku samayseen aawadeed ayaa ceebu idiinku degi doonta, oo weligiin baad go'naan doontaan. 11 Waayo, wakhtigii aad ag taagnaydeen oo iska fiirinayseen, markay shisheeyayaashu maalkooda qaadanayeen, oo dadka qalaad irdihooda soo gelayeen, oo ay Yeruusaalem saamiga u ridanayeen, xataa idinku iyagoo kalaad ahaydeen. 12 Laakiinse ha fiirina wakhtiga walaalihiin cidhiidhiga ku jiraan, oo ha ku farxina wakhtiga reer Yahuudah baabba'ooda, oo hana u faanina wakhtiga cidhiidhiga. 13 Iridda dadkayga ha soo gelina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo weliba dhibkooda ha fiirsanina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo maalkoodana far ha saarina wakhtiga ay belaayaysan yihiin. 14 Oo meesha jidadka isku gooyaana ha u istaagina si aad u laysaan kuwooda soo fakaday, oo kuwooda wakhtigii cidhiidhiga ka hadhayna cadowgooda ha u gacangelina. 15 Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa. 16 Oo sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin.
  • Miik 4:11 : 11 Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.
  • Miik 5:6 : 6 ¶ Oo dalka Ashuur seef baa lagu dumin doonaa, oo dalka reer Nimrod waa laga dumin doonaa irdaha laga galo, oo isagu wuxuu inaga samatabbixin doonaa kan reer Ashuur markuu dalkeenna soo galo iyo markuu soohdinteenna dhex maro.
  • Miik 7:10 : 10 Dabadeedna waxaa arki doonta tan cadowgayga ah, oo aad bay u ceeboobi doontaa tan igu lahayd, Meeh Rabbiga Ilaahaaga ah? Indhahaygu way fiirin doonaan iyada, oo haatan waxaa iyada loogu tuman doonaa sidii dhoobada jidadka dhex taal.
  • Xab 2:8 : 8 Quruumo badan baad dhacday, haddaba sidaas daraaddeed dadyowga intooda hadhay oo dhammu aday ku dhici doonaan, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.
  • 2 Boq 24:2 : 2 Markaasaa Rabbigu u soo diray guutooyin reer Kaldayiin ah, iyo guutooyin reer Suuriya ah, iyo guutooyin reer Moo'aab ah, iyo guutooyin reer Cammoon ah, oo wuxuu iyaga u soo diray inay dalka Yahuudah baabbi'iyaan sidii Rabbigu uga hadlay nebiyadii addoommadiisa ahaa.
  • 2 Tes 1:6 : 6 Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba,
  • 1 Yoox 4:9-9 : 9 Ilaah baa Wiilkiisa keliya oo dhashay dunida u soo diray si aynu ugu noolaanno isaga, oo taasaa jacaylka Ilaah laynoogu muujiyey. 10 Oo taas jacayl baa ku jira, mana aha inaynu Ilaah jeclayn, laakiinse isagaa ina jeclaaday, oo wuxuu Wiilkiisa u soo diray si uu kafaaraggudka dembiyadeenna u noqdo.
  • 1 Yoox 4:14 : 14 Innagu waynu aragnay oo waxaynu markhaati u furaynaa in Aabbuhu Wiilka soo diray si uu Badbaadiyaha dunida u noqdo.
  • Bil 20:6 : 6 Oo Ilaah wuxuu ku yidhi isaga intuu riyoonayay, Haah, waan ogahay inaad waxan daacadnimada qalbigaaga ku samaysay, anna waan kaa celiyey inaad igu dembaabto: sidaas daraaddeed kuuma aan oggolaan inaad iyada taabato.
  • Yoox 17:18 : 18 Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray.
  • Fal 9:4 : 4 Markaasuu dhulka ku dhacay, oo wuxuu maqlay cod isaga ku leh, Sawlosow, Sawlosow, maxaad ii silcinaysaa?
  • Xab 2:17 : 17 Waayo, waxaa ku dabooli doona dulmigii Lubnaan lagu sameeyey, iyo halligaaddii ku dhacday xayawaankii iyaga ka cabsiiyey, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.
  • Saf 2:8 : 8 ¶ Anigu waan maqlay caydii reer Moo'aab iyo canaantii reer Cammoon oo ay dadkayga ku caayeen, iyo inay iska sii weyneeyeen soohdintooda.
  • Sak 1:15-16 : 15 Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii. 16 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.
  • Sak 2:4-5 : 4 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Orod, oo la hadal ninkaas dhallinyarada ah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yeruusaalem waxaa loo degi doonaa sidii tuulooyin aan deyr lahayn, sababtuna waa dadka tirobadnaantiisa iyo xoolaha iyada dhex jooga daraaddood. 5 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan iyada u noqon doonaa deyr dab ah oo iyada ku wareegsan, oo waxaan iyada u noqon doonaa ammaanta dhexdeeda joogta.
  • Sak 2:9 : 9 Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray.
  • Sak 2:11 : 11 Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.
  • Mal 3:1 : 1 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo dirayaa wargeeyahayga, oo isna jidka ayuu hortayda ku sii diyaargarayn doonaa. Oo Sayidka aad doondoonaysaanna dhaqsiyuu macbudkiisa u iman doonaa, oo bal eega, wargeeyihii axdiga oo aad ku faraxdaanna wuu imanayaa.
  • Mat 25:40 : 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
  • Mat 25:45 : 45 Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen.
  • Yoox 14:23-24 : 23 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa. 24 Kii aan i jeclayn, ereygayga ma xajiyo: ereygaad maqlaysaanna kayga ma aha, laakiin waxaa leh Aabbaha i soo diray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 2:9-11
    3 aayado
    82%

    9Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray.

    10Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.

    11Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.

  • 7Siyoonay, tan dadka Baabuloon la joogtoy, baxso.

  • Sak 8:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,

    2Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaan ugu qiirooday qiiro aad u weyn, oo waxaan iyada ugu qiirooday cadho weyn.

  • 14¶ Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.

  • 8Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 8Quruumo badan baad dhacday, haddaba sidaas daraaddeed dadyowga intooda hadhay oo dhammu aday ku dhici doonaan, taasuna waa dhiiggii dadka daraaddiis, iyo dulmigii lagu sameeyey dalka iyo magaalada iyo inta dhex deggan oo dhanba.

  • Sak 1:14-15
    2 aayado
    71%

    14Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn.

    15Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii.

  • 1¶ Bal eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono.

  • 5Oo indhihiinnuna way arki doonaan, oo idinku waxaad odhan doontaan, Rabbigu ha laga weyneeyo soohdinta dalka Israa'iil shishadeeda.

  • 7sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan.

  • Sak 4:8-10
    3 aayado
    70%

    8Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi,

    9Serubaabel gacmihiisa ayaa dhigay gurigan aasaaskiisa, oo weliba gacmihiisaa dhammayn doona, oo waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadu ii soo kaa diray.

    10Waayo, bal yaa quudhsaday maalinta waxyaalaha yaryar? Waayo, iyagu way rayrayn doonaan, oo waxay arki doonaan xadhigga miisaanka oo ku jira gacanta Serubaabel, waana toddobadan oo ah indhihii Rabbiga. Iyagu dhulka oo dhan ayay hore iyo dibba u fiiriyaan.

  • 16Oo sidaas daraaddeed kuwa ku baabbi'iya oo dhan waa la wada baabbi'in doonaa, oo cadaawayaashaada oo dhanna midkood kastaba maxaabiis ahaan ayaa loo kaxaysan doonaa, oo kuwa ku kala boobana waa la kala boobi doonaa, oo kuwa ku dhacana waxaan ka yeeli doonaa in iyagana la dhaco.

  • 12Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruumaha oo dhammu waxay idiinku yeedhi doonaan, Kuwa barakaysan, waayo, idinku waxaad ahaan doontaan dal aad u faraxsan.

  • 9¶ Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Kuwa dadka Israa'iil ee hadhay waxaa loo wada xaabxaabi doonaa sida geedcanab oo kale, Sida mid canab guranaya oo kale gacanta dambiisha ku soo celiya.

  • 9Markaasaa Rabbigu gacanta soo fidiyey, oo afkayguu taabtay, kolkaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, Anigu erayadaydii ayaan afka kuugu riday.

  • 2Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.

  • 16Oo erayadaydii ayaan afkaaga geliyey, hooskii gacantaydana waan kugu daboolay si aan samooyinka u kala bixiyo, oo aan aasaaska dhulka u dhigo, oo aan reer Siyoonna ugu idhaahdo, Dadkayga baad tihiin.

  • 24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 6Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?

  • 11Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.

  • Xag 2:7-8
    2 aayado
    70%

    7Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.

    8Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh.

  • 7Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.

  • 4Wakhtigaas waxaa laydinku qaadi doonaa masaal, waxaa lagu barooran doonaa baroor aad u weyn, oo waxaa la odhan doonaa, Annaga waa nala wada baabbi'iyey. Isagu waa beddelaa qaybtii dadkayga. Bal sidee buu iiga wareejiyaa! Oo beerahayagiina wuxuu u qaybiyaa caasiyiinta.

  • 3Reer binu Israa'iil wuxuu Rabbiga u ahaa quduus, iyo midhihii ugu horreeyey ee beergooyskiisii, oo kuwii isaga cunay oo dhammu eed bay lahaayeen, oo masiibo baa iyaga ku soo degtay, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 5Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,

  • 23Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.

  • 5Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, col baan kula ahay, oo gogaradahaagana waan kaa feydi doonaa oo wejigaan kuu saari doonaa, oo waxaan quruumaha tusi doonaa cawradaada, boqortooyooyinkana ceebtaada.

  • 15Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?

  • 11Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.

  • 14Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Sidii waagii ay awowayaashiin iiga xanaajiyeen oo aan ugu fikiray inaan iyaga wax xun ku sameeyo, oo aanan taas uga soo noqon,

  • 18Qalbigoodii Sayidkuu ugu qayliyey. Derbiga magaalada Siyoonow, habeen iyo maalinba ilmadaadu ha u qulqusho sida webi oo kale. Nafsaddaada nasasho ha siin, oo yaan ishaadu joogsan.

  • 8¶ Sayidku wuxuu eray u soo diray dadka Yacquub wuxuuna ku kor dhacay dadka Israa'iil.

  • 7Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dhalaalin doonaa, waanan tijaabin doonaa, waayo, bal maxaa kaloo aan sameeyaa, dadkayga dartiis?

  • 4Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.

  • 4Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay,

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

  • 18¶ Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,

  • 15Waayo, bal eeg, waxaan kaa dhigay mid quruumaha dhexdooda ku yar, oo dadka dhexdiisana lagu quudhsado.

  • 8¶ Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.

  • 12¶ Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba.

  • 9Dumarkii dadkayga waxaad ka saartaan guryahoodii wacnaa, oo carruurtoodii yaryaraydna waxaad weligiin ka qaadataan ammaantaydii.

  • 8Waayo, Yeruusaalem waa duntay, oo dadka Yahuudahna waa dheceen, maxaa yeelay, hadalkooda iyo falimahooduba waxay col ku yihiin Rabbiga, oo indhihiisa ammaanta leh ayay ka cadhaysiiyaan.