Bilowgii 26:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Diyaafad buuna u sameeyey, wayna cuneen oo cabbeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 19:3 : 3 Aad buuna u baryay; xaggiisayna u soo leexdeen, oo gurigiisii bay galeen; diyaafad buuna u sameeyey, kibis aan khamiir lahaynna wuu u dubay, wayna cuneen.
  • Bil 21:8 : 8 ¶ Wiilkiina wuu koray, naaskiina waa laga gudhiyey. Ibraahimna diyaafad weyn buu sameeyey maalintii Isxaaq naaska laga gudhiyey.
  • Bil 31:54 : 54 Yacquubna allabari buu buurtii ku bixiyey, walaalihiisna wuxuu ugu yeedhay inay wax cunaan; cuntadiina way cuneen, habeenkii oo dhanna buurtay joogeen.
  • Room 12:18 : 18 Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.
  • Cib 12:14 : 14 ¶ Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.
  • 1 But 4:9 : 9 Ismartiqaada gunuunacla'aan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 31Kolkaasay aroor hore kaceen, oo isu dhaardhaarteen: markaasaa Isxaaq iska diray, iyana nabad bay kaga ambabbaxeen.

  • 54Markaasay wax cuneen oo wax cabbeen, isaga iyo raggii la jirayba, habeenkii oo dhanna halkaasay joogeen. Aroortii bay kaceen oo wuxuu yidhi, Xagga sayidkaygii ii dira.

  • Xaak 19:4-6
    3 aayado
    79%

    4Markaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen.

    5Oo maalintii afraad aroor hore ayay tooseen, oo wuxuuna u kacay inuu tago. Markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ku yidhi wiilkii uu soddogga u ahaa, Bal nafta ugu raaxee wuxoogaa cunto ah, dabadeedna waad tegaysaaye.

    6Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.

  • Bil 26:28-29
    2 aayado
    78%

    28Oo waxay yidhaahdeen, Caddaan baannu u aragnay in Rabbigu kula jiro; oo waxaannu nidhi, Annaga iyo adiga dhaaru ha inoo dhexayso oo aynu axdi dhiganno,

    29inaadan wax na yeelayn, sidii annana aannan kuu taaban, oo aannan waxba kuugu samayn wanaag mooyaane, oo aannu nabad kuugu dirnay. Adigu hadda waxaad tahay kan Rabbigu barakeeyey.

  • 8Kolkaasuu u qaaday subag, iyo caano, iyo dibigii uu diyaariyey, oo hortooduu dhigay; isna dhinacooduu istaagay geedkii hoostiisii; iyana way cuneen.

  • 3Aad buuna u baryay; xaggiisayna u soo leexdeen, oo gurigiisii bay galeen; diyaafad buuna u sameeyey, kibis aan khamiir lahaynna wuu u dubay, wayna cuneen.

  • 34Markaasaa hortiisa waxaa iyagii looga qaaday dhawr qaybood oo cunto ah, laakiinse intii Benyaamiin shan jeer bay ka weynayd kuwa kale intoodii. Kolkaasay wax cabbeen oo ay la farxeen isagii.

  • 21Markaasuu gurigiisii geliyey, oo dameerihii cuntuu siiyey; oo iyana intay cago maydheen ayay wax cuneen oo cabbeen.

  • 54Yacquubna allabari buu buurtii ku bixiyey, walaalihiisna wuxuu ugu yeedhay inay wax cunaan; cuntadiina way cuneen, habeenkii oo dhanna buurtay joogeen.

  • 22Markaasuu Laabaan soo ururiyey nimankii meeshaas joogay oo dhan, oo wuxuu sameeyey diyaafad.

  • 25Markaasuu ku yidhi. Bal ii soo dhowee, aan cunee wiilkayga hilibkiisa ugaadheed, si aan kuugu duceeyo. Kolkaasuu u soo dhoweeyey, oo isna wuu cunay: oo wuxuu kaloo u keenay khamri, wuuna cabbay.

  • 25Dabadeedna waxay soo hor dhigtay Saa'uul iyo addoommadiisii, wayna cuneen. Kolkaasay kaceen, oo isla habeenkii bay tageen.

  • 5oo waxaan idiin keeni doonaa wuxoogaa cunto ah, ee raaxaysta; waayo, waxaad u timaadeen addoonkiinna; markaas ka dib waad tegi doontaan. Oo waxay ku yidhaahdeen, Yeel sidaad tidhi.

  • 25Markaasay diyaariyeen hadiyaddii intuusan Yuusuf duhurkii iman; waayo, waxay maqleen inay halkaas wax ka cuni doonaan.

  • 31Oo isna hilib macaan buu sameeyey, oo u keenay aabbihiis; oo wuxuu ku yidhi aabbihiis, Aabbow kac, oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.

  • 39Oo iyana halkaasay Daa'uud la joogeen intii saddex maalmood ah, iyagoo wax cunaya oo wax cabbaya, waayo, walaalahood baa sooryo u diyaariyey.

  • 30Waxaa dhacay kolkuu cunto ula fadhiistay inuu kibista qaaday, oo barakeeyey, oo intuu kala jejebiyey ayuu siiyey.

  • 36Markaasay wada dhiirranaadeen dhammaantood, oo iyagiina wax bay cuneen.

  • 33Cuntona waa la hor dhigay inuu cuno: laakiinse wuxuu yidhi, Cuni maayo ilaa aan sheego farriintayda. Kolkaasuu yidhi, Sheeg.

  • 6Markaasay subaxdii dambe aroor hore keceen, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo, oo waxay keeneen qurbaanno nabaadiino, markaasay dadkii u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo ay u keceen inay cayaaraan.

  • 20Saas aawadeed Abneer wuxuu Daa'uud ugu yimid Xebroon, labaatan nin baana la socday. Oo Daa'uudna diyaafad ayuu Abneer iyo raggii la socdayba u sameeyey.

  • 44Sidaas daraaddeed hortoodii buu dhigay, oo iyana way cuneen oo weliba wax bay u reebeen sidii erayga Rabbigu ahaa.

  • 16Oo markii Yuusuf arkay Benyaamiin oo iyaga la jira ayuu wakiilkii gurigiisa ku yidhi, Nimanka guriga soo geli, dabadeedna neef qal oo diyaari, waayo, duhurka nimanku anigay ila qadayn doonaan.

  • 23Kolkaasuu koobkii qaaday oo mahadnaqay oo siiyey iyaga, oo kulli way ka wada cabbeen.

  • 11Oo odayaashii reer binu Israa'iilna far ma uu saarin, oo Ilaah bay arkeen, waxna way cuneen oo cabbeen.

  • 16Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.

  • 27Kolkaasuu koobkii qaaday oo mahadnaqay oo siiyey iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Kulligiin ka cabba.

  • 46Yacquubna wuxuu walaalihiis ku yidhi, Dhagaxyo soo ururiya; kolkaasay dhagaxyo soo gureen, oo meel taalleeyeen; kolkaasay taallada agteedii wax ku cuneen.

  • 23Markaasuu wuxuu iyagii u diyaariyey cunto badan, oo markay wax cuneen oo wax cabbeen ayuu iska diray, oo sayidkoodii bay u tageen. Oo guutooyinkii reer Suuriyana mar dambe ma soo gelin dalkii Israa'iil.

  • Mat 26:19-20
    2 aayado
    71%

    19Xertii waa samaysay sida Ciise ku amray oo cashada Iidda Kormariddii ayay diyaargareeyeen.

    20Goortii makhribkii la gaadhay, laba-iyo-tobankii xerta ahaa ayuu cunto ula fadhiistay,

  • 19Sidaas daraaddeed wuu la noqday, oo gurigiisii buu kibis ka cunay, biyona ka cabbay.

  • 17Markaasay hilibkii macaanaa iyo kibistii ay diyaarisay u dhiibtay wiilkeedii Yacquub.

  • 37Isxaaqna wuu jawaabay oo wuxuu Ceesaw ku yidhi, Bal eeg, waxaan isaga ka dhigay sayidkaagii, walaalihiis oo dhanna waxaan u siiyey isaga inay addoommo u noqdaan, hadhuudh iyo khamrina waan u ballanqaaday, ee maxaan haddaba adiga kuu sameeyaa, wiilkaygiiyow?