Baxniintii 32:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay subaxdii dambe aroor hore keceen, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo, oo waxay keeneen qurbaanno nabaadiino, markaasay dadkii u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo ay u keceen inay cayaaraan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 10:7 : 7 Oo kuwa sanamka caabuda ha ahaanina siday qaarkood u ahaayeen. Sida qoran, Dadku waxay u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo waxay u kaceen inay cayaaraan.
  • Tir 25:2 : 2 waayo, dadkii bay ugu yeedheen allabaryadii ilaahyadooda, markaasay dadkii wax cuneen, oo waxay u sujuudeen ilaahyadoodii.
  • Xaak 16:23-25 : 23 ¶ Markaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen. 24 Oo dadkiina markay isagii arkeen ayay ilaahood ammaaneen; waayo, waxay yidhaahdeen, Ilaaheen wuxuu gacanteenna soo geliyey kii ahaa cadowgeennii iyo kii dalkeenna baabbi'in jiray oo layn jiray kuwo badan oo inaga mid ah. 25 Oo markii qalbigoodii farxay ayay yidhaahdeen, Samsoon u yeedha ha noo cayaaree. Markaasay Samsoon xabsigii uga yeedheen, oo hortooduu ku cayaaray. Kolkaasay waxay isagii taageen tiirarkii dhexdooda.
  • Aam 2:8 : 8 Oo meel kasta oo allabariba agteed waxay ku jiifsadaan dhar rahmad loo qaatay, oo guriga Ilaahoodna waxay ku dhex cabbaan khamrigii kuwa la ganaaxay.
  • Aam 8:10 : 10 Iidihiinnana waan u beddeli doonaa tacsi, oo gabayadiinna oo dhanna baroorasho baan u beddeli doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa in qof kasta joonyad xidho oo madax kastana la xiiro, oo waxaan ka dhigi doonaa sidii baroorasho wiil madi ah loogu baroorto, oo dhammaadkeedana sidii maalin qadhaadh.
  • Fal 7:41-42 : 41 Markaasay waxay wakhtigaas sameeyeen weyl, oo sanamkii waxay u keeneen allabari, oo waxay ku farxeen shuqulkii gacmahoodu sameeyeen. 42 Laakiin Ilaah baa ka jeestay, oo wuxuu faraha uga qaaday inay u adeegaan guutada samada; sida ay ugu qoran tahay kitaabka nebiyada, Bal reer binu Israa'iilow, afartankii sannadood oo aad cidlada joogteen, Ma anigaad i siiseen xoolo qalan iyo allabaryo?
  • Muj 11:10 : 10 Oo kuwa dhulka degganuna way ku farxi doonaan oo rayrayn doonaan, oo midkoodba midka kale wuxuu u diri doonaa hadiyado; maxaa yeelay, labadan nebi waxay saxariiriyeen kuwa dhulka deggan.
  • Bax 24:4-5 : 4 Markaasaa Muuse wuxuu qoray ereyadii Rabbiga oo dhan, kolkaasuu aroor hore kacay, oo buurta hoosteedii wuxuu ka dhisay meel allabari iyo laba iyo toban tiir, sidii laba iyo tobankii qolo oo reer binu Israa'iil ay ahaayeen. 5 Kolkaasuu wuxuu diray raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabaryo la gubo iyo qurbaanno nabaadiino oo dibiyo ah.
  • Bax 32:17-19 : 17 Oo markii Yashuuca maqlay qayladii ay dadku ku qaylinayeen ayuu Muuse ku yidhi, War xeradii qaylo colaadeed baa ka yeedhaysa. 18 Markaasuu ku yidhi, Kaasu ma aha codka kuwa guulaysta, mana aha codka kuwa laga adkaado, laakiinse waxaan maqlayaa kuwa gabyaya codkood. 19 ¶ Oo markuu xeradii ku soo dhowaaday wuxuu arkay weyshii iyo cayaartii; markaasaa Muuse aad u cadhooday, looxyadiina gacmihiisa wuu ka tuuray, oo wuxuu ku jejebiyey buurta hoosteedii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 5Oo Haaruun markuu arkay ayuu meel allabari ka hor dhisay, markaasaa Haaruun ogeysiis ku dhawaaqay, oo wuxuu yidhi, Berri waa iiddii Rabbiga.

  • 7Oo kuwa sanamka caabuda ha ahaanina siday qaarkood u ahaayeen. Sida qoran, Dadku waxay u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo waxay u kaceen inay cayaaraan.

  • Tir 25:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay iska degeen Shitiim, markaasay dadkii bilaabeen inay ka dhillaystaan gabdhihii reer Moo'aab,

    2waayo, dadkii bay ugu yeedheen allabaryadii ilaahyadooda, markaasay dadkii wax cuneen, oo waxay u sujuudeen ilaahyadoodii.

  • 4Oo waxay noqotay maalintii dambe inay dadkii aroor hore kaceen oo ay halkaas ka dhiseen meel allabari, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

  • Bax 32:7-8
    2 aayado
    73%

    7¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Kac oo hoos u deg, waayo, dadkaagii aad dalkii Masar ka soo bixisay, way iskharribeen,

    8oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.

  • 30Diyaafad buuna u sameeyey, wayna cuneen oo cabbeen.

  • Fal 7:41-42
    2 aayado
    71%

    41Markaasay waxay wakhtigaas sameeyeen weyl, oo sanamkii waxay u keeneen allabari, oo waxay ku farxeen shuqulkii gacmahoodu sameeyeen.

    42Laakiin Ilaah baa ka jeestay, oo wuxuu faraha uga qaaday inay u adeegaan guutada samada; sida ay ugu qoran tahay kitaabka nebiyada, Bal reer binu Israa'iilow, afartankii sannadood oo aad cidlada joogteen, Ma anigaad i siiseen xoolo qalan iyo allabaryo?

  • 7Oo waa inaad qurbaanno nabaadiino sadqaysaan, oo aad halkaas ku cuntaan, oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku faraxdaan.

  • Bax 32:20-21
    2 aayado
    71%

    20Markaasuu weyshii ay samaysteen qaaday, dab buuna ku gubay oo daqiijiyey, oo intuu biyaha ku dul daadiyey ayuu reer binu Israa'iil cabsiiyey.

    21Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War maxaa dadkanu kugu sameeyey oo aad dembi weyn ugu keentay?

  • 5Kolkaasuu wuxuu diray raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabaryo la gubo iyo qurbaanno nabaadiino oo dibiyo ah.

  • 30¶ Oo waxaa dhacday, in Muuse maalintii dambe dadkii ku yidhi, Idinku dembi weyn baad samayseen, oo haatan waxaan kor ugu tegayaa Rabbiga; mindhaa dembigiinna aawadiis ayaan u kafaaro gudi doonaaye.

  • 39¶ Kuwaas waa inaad Rabbiga u bixisaan iidihiinna xilligooda, kuwaasoo ayan ku jirin nidarradiinna iyo qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah, kuwaasu waa qurbaannadiinna la gubo, iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah, iyo qurbaannadiinna cabniinka ah, iyo qurbaannadiinna nabaadiinada.

  • 70%

    12Oo iyana meel bay dhigeen qurbaannadii la gubayay inay sidii qaybihii reerihii dadku ay kala ahaayeen Rabbiga wax ugu bixiyaan si waafaqsan waxa ku qoran kitaabkii Muuse. Oo dibidiina sidaasoo kalay u galeen.

    13Oo sidii qaynuunku ahaa ayay neefafkii Kormaridda dab ugu dubeen, oo qurbaannadii quduuska ahaana waxay ku kariyeen dheryo iyo digsiyo iyo weelal kale oo waaweyn, oo intay qaadeen ayay haddiiba u geeyeen dadkii oo dhan.

    14Oo dabadeedna wax bay u diyaariyeen nafsaddoodii iyo wadaaddadii, maxaa yeelay, wadaaddadii reer Haaruun waxay ilaa habeenkii bixinayeen qurbaannada la gubo iyo baruurtaba, sidaas daraaddeed kuwii reer Laawi wax bay u diyaariyeen nafsaddoodii iyo wadaaddadii reer Haaruunba.

  • 25¶ Oo markii Muuse arkay in dadkii layska sii daayay, waayo, Haaruun baa sii daayay oo ku kashifay cadaawayaashooda hortooda,

  • 28Oo weliba waxay isku dareen Bacal Fecoor, Oo waxay cuneen allabarigii kuwii dhintay.

  • Tir 6:16-17
    2 aayado
    69%

    16Oo markaas wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa keenaa, oo waa inuu bixiyaa qurbaankiisa dembiga iyo qurbaankiisa la gubo.

    17Oo waa inuu Rabbiga allabari ah qurbaanno nabaadiino ugu bixiyaa wanka iyo dambiisha kibista aan khamiirka lahayn. Oo weliba wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ah.

  • 38Oo cunay baruurtii allabaryadooda, Oo cabbay khamrigii qurbaankoodii cabniinka ahaa? Haddaba ha soo kaceen, oo ha idin caawiyeen, Oo iyagu ha idin daafaceen.

  • 28Waayo, markaan dalka keenay, kaasoo aan gacanta ugu qaaday oo aan ugu dhaartay inaan iyaga siin doono ayay arkeen kur kasta oo dheer iyo geed kasta oo weyn, oo waxay halkaas ku bixiyeen allabaryadoodii, oo qurbaankoodii iga cadhaysiiyey ayay halkaas ku soo bixiyeen, oo weliba halkaasay caraftoodii udgoonayd ku sameeyeen, oo halkaasay qurbaannadoodii cabniinka ku daadiyeen.

  • 12Markaasay dadkii oo dhammu iska tageen inay wax cunaan, oo wax cabbaan, oo ay qaybo diraan, oo ay aad u farxaan, maxaa yeelay, waxay garteen erayadii loo caddeeyey.

  • 40Markaasaa aroor hore kaceen, oo buurta dhaladeeday fuuleen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waa na kan, waanan u kacaynaa meeshii Rabbigu noo ballanqaaday, maxaa yeelay, waannu dembaabnay.

  • 37¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.

  • 21¶ Oo subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey.

  • 8Oo meel kasta oo allabariba agteed waxay ku jiifsadaan dhar rahmad loo qaatay, oo guriga Ilaahoodna waxay ku dhex cabbaan khamrigii kuwa la ganaaxay.

  • 18Oo xataa markay samaysteen weyl dahab la shubay ah, oo ay isku yidhaahdeen, Kanu waa Ilaahaagii kaa soo bixiyey dalkii Masar; oo ay aad kaaga dhirfiyeen,

  • 16Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waad dhiman doontaa oo awowayaashaa la seexan doontaa, oo dadkanuna way kici doonaan oo sida naagi ninkeeda ka dhillowday ayay u raaci doonaan ilaahyada qalaad ee dalka, kuwaasoo ay dhex joogayaan, oo aniga way iga tegi doonaan oo axdigaygii aan iyaga la dhigtayna way jebin doonaan.

  • 19Markaasaa Haaruun la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, maantadan ayay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaankoodii dembiga iyo qurbaankoodii la gubayay, oo aniga waxaa igu dhacay wax sidan oo kale ah, oo maanta haddaan cuno qurbaankii dembiga, taasu Rabbiga hortiisa ma ku wanaagsanaan lahayd?

  • 6oo ayan ku jirin qurbaanka la gubo ee bisha cusub, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, sidii qaynuunkoodu ahaa, kuwaasoo wada ah caraf udgoon ee ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

  • 12Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu qaaday qurbaan la gubo iyo allabaryo. Markaasaa waxaa yimid Haaruun iyo waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan inay Ilaah hortiisa kibis kula cunaan Muuse soddoggiis.

  • 11¶ Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!

  • 18Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 22Markaasaa Haaruun gacmihiisii ku soo taagay dadka xaggiisii, oo wuu u duceeyey iyagii; markaasuu ka soo degtay bixintii uu bixinayay qurbaankii dembiga, iyo qurbaankii la gubayay, iyo qurbaannadii nabaadiinada.

  • 30Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 11Oo odayaashii reer binu Israa'iilna far ma uu saarin, oo Ilaah bay arkeen, waxna way cuneen oo cabbeen.

  • 13Oo bal eega, waxaa jira farxad iyo rayrayn, dibi la qalo iyo ido la gowraco, hilib la cuno iyo khamri la cabbo, oo waxaa la yidhaahdaa, Aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonaaye.

  • Laaw 9:4-5
    2 aayado
    67%

    4Oo dibi iyo wanna waxaad u keentaan qurbaanno nabaadiino in Rabbiga hortiisa allabari ahaan loogu bixiyo, iyo qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray, waayo, maanta ayaa Rabbigu idiin muuqan doonaa.

    5Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen.

  • 17Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.

  • 12Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Kac oo halkan dhaqso uga deg, waayo, dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisay way iskharribeen, oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen sanam la shubay.

  • 3Markaasay Muuse ka guddoomeen wixii la bixiyey oo dhan, oo ay reer binu Israa'iil u keeneen shuqulka adeegidda meesha quduuska ah, inay ka sameeyaan. Oo haddana waxay weliba subax walba u keeni jireen waxay raalli ka yihiin.

  • 5Oo maalmihii ay diyaafaddii hayn jireen markay dhammaadaan ayaa Ayuub carruurtiisii u cid diri jiray oo daahirin jiray, oo intuu aroor hore kaco ayuu intay ahaayeen oo dhan u bixin jiray qurbaanno la gubo, waayo, Ayuub wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo wiilashaydu ay dembaabeen, oo ay qalbigooda Ilaah wax xun kaga sheegeen. Oo Ayuubna sidaasuu yeeli jiray had iyo goorba.

  • 5Oo markaad allabari qurbaanno nabaadiino ah Rabbiga u bixinaysaan waa inaad bixisaan si laydiin aqbalo.

  • 33Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.

  • 2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.