29Dadyowgu ha kuu adeegeen, Quruumuhuna ha kuu sujuudeen. Walaalahaa sayid u noqo, Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen. Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa, Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa.
30Markii Isxaaq dhammeeyey ducadii uu Yacquub u ducaynayay, Yacquubna ka tegey aabbihiis, ayaa walaalkiis Ceesaw ka yimid ugaadhsigii.
31Oo isna hilib macaan buu sameeyey, oo u keenay aabbihiis; oo wuxuu ku yidhi aabbihiis, Aabbow kac, oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.
32Markaasaa aabbihiis Isxaaq ku yidhi, Kumaad tahay? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay wiilkaaga ah curadkaaga Ceesaw.
33Markaasuu Isxaaq aad iyo aad u gariiray, oo yidhi, De yuu ahaa haddaba kii intuu hilib ugaadheed soo qaaday, ii keenay, oo aan kulli cunay intaadan iman ka hor, oo aan u duceeyey? Kaasu wuu ducaysnaan doonaa.
34Ceesawna markuu maqlay hadalkii aabbihiis ayuu ku dhawaaqay dhawaaq aad iyo aad u weyn oo daran, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, anigana ii ducee.
35Isna wuxuu yidhi, Walaalkaa baa khiyaano iila yimid oo ducadaadii qaatay.
36Oo wuxuu yidhi, Miyaanay ku habboonayn in magiciisa loo bixiyo Yacquub? Waayo, labadan goor buu i khiyaaneeyey. Curadnimadaydii buu qaatay; haatanna wuxuu qaatay ducadaydii. Oo wuxuu yidhi, Miyaadan duco ii reebin?