Bilowgii 27:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rebeqahna way maqashay markii Isxaaq la hadlay wiilkiisii Ceesaw. Ceesawna duurkuu u kacay inuu ugaadh soo dilo oo uu keeno.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 27:6-10
    5 aayado
    89%

    6Markaasay Rebeqah la hadashay wiilkeedii Yacquub, oo tidhi, Waxaan maqlay aabbahaa oo la hadlaya walaalkaa Ceesaw, isagoo leh,

    7Hilib ugaadheed ii keen, oo ii samee hilib macaan, aan cunee, oo aan kuugu duceeyee Rabbiga hortiis intaanan dhimane.

    8Haddaba sidaas daraaddeed, wiilkaygiiyow, codkayga u addeec sida aan kuugu amro.

    9Bal adhiga u kac, oo iiga keen laba waxar oo wanwanaagsan, oo waxaan aabbahaa uga samayn hilib macaan, oo ah kan uu jecel yahay,

    10adna aabbahaa waad u geeyn doontaa inuu cuno, si uu kuugu duceeyo intuusan dhiman.

  • Bil 27:30-33
    4 aayado
    83%

    30Markii Isxaaq dhammeeyey ducadii uu Yacquub u ducaynayay, Yacquubna ka tegey aabbihiis, ayaa walaalkiis Ceesaw ka yimid ugaadhsigii.

    31Oo isna hilib macaan buu sameeyey, oo u keenay aabbihiis; oo wuxuu ku yidhi aabbihiis, Aabbow kac, oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.

    32Markaasaa aabbihiis Isxaaq ku yidhi, Kumaad tahay? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay wiilkaaga ah curadkaaga Ceesaw.

    33Markaasuu Isxaaq aad iyo aad u gariiray, oo yidhi, De yuu ahaa haddaba kii intuu hilib ugaadheed soo qaaday, ii keenay, oo aan kulli cunay intaadan iman ka hor, oo aan u duceeyey? Kaasu wuu ducaysnaan doonaa.

  • Bil 25:27-29
    3 aayado
    83%

    27Wiilashiina way koreen: oo Ceesaw wuxuu ahaa nin ugaadhsiga aad u yaqaan, wuxuuna ahaa nin duurgal ah; Yacquubna wuxuu ahaa nin aamusan oo teendhooyin degi jiray.

    28Isxaaqna wuu jeclaa Ceesaw, maxaa yeelay, wuxuu cuni jiray hilibkiisii ugaadha; Rebeqahna waxay jeclayd Yacquub.

    29Yacquub wuxuu karsaday fuud; markaasaa waxaa duurka ka yimid Ceesaw, wuuna daalanaa.

  • Bil 27:19-22
    4 aayado
    81%

    19Yacquubna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waxaan ahay curadkaagii Ceesaw. Waan sameeyey sidii aad iigu amartay. Haddaba waan ku baryayaaye, kac oo fadhiiso oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.

    20Isxaaqna wuxuu wiilkiisii ku yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee baad dhaqso ugu soo heshay? Isna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaahaaga ayaa ii keenay.

    21Isxaaqna wuxuu Yacquub ku yidhi, Soo dhowow, waan ku baryayaaye, aan ku taabtee, wiilkaygiiyow, bal inaad tahay wiilkaygii Ceesaw iyo in kale.

    22Yacquubna waa u dhowaaday aabbihiis Isxaaq; markaasuu taabtay oo yidhi, Codku waa codkii Yacquub, gacmuhuse waa gacmihii Ceesaw.

  • Bil 27:3-4
    2 aayado
    80%

    3Sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, qaado hubkaaga, gabooyahaaga iyo qaansadaada, oo duurka u bax, oo hilib ugaadheed ii keen;

    4oo ii samee hilib macaan, oo ah kan aan jeclahay, oo ii keen, aan cunee, inay naftaydu kuu ducayso intaanan dhiman.

  • 25Markaasuu ku yidhi. Bal ii soo dhowee, aan cunee wiilkayga hilibkiisa ugaadheed, si aan kuugu duceeyo. Kolkaasuu u soo dhoweeyey, oo isna wuu cunay: oo wuxuu kaloo u keenay khamri, wuuna cabbay.

  • Bil 27:14-15
    2 aayado
    79%

    14Markaasuu tegey, oo soo kaxeeyey, oo u keenay hooyadiis, hooyadiisna waxay samaysay hilib macaan, oo ah sidii kii aabbihiis jeclaa.

    15Markaasaa Rebeqah waxay soo qaadday dharkii wanaagsanaa oo wiilkeedii weynaa oo ahaa Ceesaw, oo ay guriga ku haysay, oo waxay u xidhay wiilkeedii yaraa oo ahaa Yacquub;

  • Bil 27:41-42
    2 aayado
    79%

    41¶ Ceesawna wuxuu Yacquub u nebcaaday ducadii aabbihiis ugu duceeyey aawadeed. Ceesawna wuxuu isku yidhi, Maalmihii aabbahay loo barooran lahaa waa dhow yihiin; dabadeedna waan dili doonaa walaalkay Yacquub.

    42Rebeqahna waxaa loo sheegay hadalkii wiilkeedii weynaa oo ahaa Ceesaw; markaasay intay u cid dirtay u yeedhay wiilkeedii yaraa oo ahaa Yacquub, oo waxay ku tidhi isagii, Bal eeg, walaalkaa Ceesaw wuxuu isku qalbi qabowjiyaa talajirka uu ku talo jiro inuu ku dilo.

  • 1¶ Markii Isxaaq gaboobay, oo ay indhihiisii u arag darnaayeen si uusan waxba arki karin, ayuu u yeedhay wiilkiisii weynaa oo Ceesaw ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu yidhi, Waa i kan.

  • 17Markaasay hilibkii macaanaa iyo kibistii ay diyaarisay u dhiibtay wiilkeedii Yacquub.

  • 37Isxaaqna wuu jawaabay oo wuxuu Ceesaw ku yidhi, Bal eeg, waxaan isaga ka dhigay sayidkaagii, walaalihiis oo dhanna waxaan u siiyey isaga inay addoommo u noqdaan, hadhuudh iyo khamrina waan u ballanqaaday, ee maxaan haddaba adiga kuu sameeyaa, wiilkaygiiyow?