Bilowgii 33:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waan ku baryayaaye, guddoon hadiyaddayda laguu keenay; maxaa yeelay, Ilaah baa ii roonaaday, oo haddana wax igu filan baan haystaa. Aad buuna u baryay, kolkaasuu guddoomay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 25:27 : 27 Haddaba sayidkaygiiyow, hadiyaddan anoo addoontaada ah aan kuu keenay, ha la siiyo ragga dhallinyarada ah oo kula socda.
  • Fil 4:18 : 18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh.
  • 2 Boq 5:23 : 23 Markaasaa Nacamaan yidhi, Oggolow oo qaad laba talanti oo lacag ah. Wuuna ku sii adkeeyey, oo labadii talanti wuxuu ugu xidhay laba kiish, oo wuxuu ugu sii daray laba iskujoog oo dhar ah, oo weliba wuxuu u saaray laba midiidinnadiisii ah, oo iyana intay u qaadeen ayay hortiisa socdeen.
  • Luuk 14:23 : 23 Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo.
  • Room 8:31-32 : 31 ¶ Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah? 32 Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?
  • 1 Kor 3:21 : 21 Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax walba idinkaa leh,
  • 2 Kor 6:10 : 10 sida kuwo la calool xumeeyey, laakiin weli had iyo goorba farxa, sida masaakiin, laakiin dad badan hodansiiya, sida kuwo aan waxba haysanin laakiin wax walba leh.
  • 2 Kor 9:5-6 : 5 Taas aawadeed waxaan u maleeyey inay dhaanto inaan walaalaha ka baryo inay hortay idiin yimaadaan, inay hore diyaar uga sii dhigaan deeqda aad ballanqaaddeen, inay taasi diyaar u ahaato deeq ahaan, mana aha qasab ahaan. 6 ¶ Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa.
  • Fil 4:11-12 : 11 Ka hadli maayo baahi, waayo, waxaan bartay inaan raalli ku ahaado hadba xaaladdii aan ku jiro. 12 Waxaan aqaan saboolnimada, oo weliba waxaan aqaanna barwaaqada. Meel kasta iyo wax walba waxaan ku bartay dhergidda iyo gaajadaba, barwaaqada iyo baahidaba.
  • 1 Tim 4:8 : 8 waayo, jidhka waxbariddiisu wax yar bay tartaa, laakiinse cibaadaysigu si walba waxtar buu u leeyahay isagoo ballan u leh nolosha haatan joogta iyo tan imanaysaba.
  • 1 Sam 30:26 : 26 ¶ Oo Daa'uudna markuu Siiqlag yimid ayuu boolidii qaarkeed odayaashii dalkii Yahuudah u diray, iyo xataa saaxiibbadiis, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, tanu waa hadiyad ka mid ah boolidii aan cadaawayaashii Rabbiga ka soo dhacay,
  • 2 Boq 2:17 : 17 Oo way ku sii adkeeyeen ilaa uu xishooday, kolkaasuu yidhi, Dira. Sidaas daraaddeed waxay direen konton nin; oo waxay isagii doondoonayeen saddex maalmood, laakiinse sooma ay helin.
  • 2 Boq 5:15-16 : 15 Markaasuu ninkii Ilaah ku noqday, oo isagii iyo kooxdiisii oo dhammuba, intay yimaadeen ayay hortiisii soo istaageen; oo isna wuxuu yidhi, Bal eeg, haatan waan ogahay inaan dunida oo dhan Ilaah lagu arag dalka Israa'iil mooyaane, haddaba sidaas daraaddeed waxaan kaa baryayaa inaad qaadato hadiyaddayda anoo addoonkaaga ah. 16 Laakiinse Eliishaa wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga aan hor taagnahaye inaanan waxba kaa qaadanayn. Oo isna wuu ku sii cadaadiyey inuu qaato, laakiinse Eliishaa wuu diiday.
  • Bil 30:43 : 43 Ninkiina aad buu u xoolo batay, wuxuuna lahaa adhi badan, iyo naago addoommo ah, iyo niman addoommo ah, iyo geel, iyo dameerro.
  • Bil 32:13-20 : 13 Habeenkaasna halkaas buu ku baryay, oo walaalkiis Ceesaw ayuu hadiyad uga qaaday wixii uu lahaa, 14 taas oo ah laba tiro oo riyo ah, iyo labaatan orgi, iyo laba tiro oo sabeeno ah iyo labaatan wan, 15 iyo soddon halaad oo irmaan iyo nirgahoodii, iyo afartan sac iyo toban dibi, iyo labaatan dameerood iyo toban qayl. 16 Markaasuu xoolihii u dhiibay gacantii addoommadiisa, iyadoo goosan waluba goonidiisa yahay; oo wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Iga sii hor gudba, xoolahana goosan waluba goosanka kale cabbaar ha ka dambeeyo. 17 Oo kii ugu horreeyey ayuu amray oo wuxuu ku yidhi, Markii walaalkay Ceesaw kaa hor yimaado, oo ku weyddiiyo, isagoo ku leh, Yaa ku leh? Oo xaggee baad ku socotaa? Kuwan kaa horreeyana yaa leh? 18 waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa leh addoonkaagii Yacquub; oo waa hadiyad loo soo diray sayidkayga Ceesaw; oo isagiina wuu naga dambeeyaa. 19 Sidaasuu ku amray kii labaad, iyo kii saddexaad, iyo kuwii goosannada daba socday oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Sidaas waa inaad ula hadashaan Ceesaw markaad aragtaan; 20 oo waxaad ku tidhaahdaan, Weliba addoonkaagii Yacquub waa naga dambeeyaa. Oo wuxuu yidhi, Hadiyadda iga horraysa ayaan ku cadho tirayaa isaga, dabadeedna wejigiisaan arki doonaa; oo mindhaa wuu i aqbali doonaa.
  • Bil 33:9 : 9 Ceesawna wuxuu yidhi, Walaalkayow, wax igu filan baan haystaa; ee iska hayso waxaaga.
  • Yash 15:19 : 19 Kolkaasay ku tidhi, Hadiyad i sii, waayo, waxaad i siisay dalka Koonfureed, weliba i sii ilo biyo ah. Markaasuu siiyey ilihii sare iyo ilihii hoose.
  • Xaak 1:15 : 15 Markaasay ku tidhi, Ii ducee, oo waxaad i siisaa ilo biyo ah, maxaa yeelay, waxaad i siisay dalkii koonfureed. Kolkaasaa Kaaleeb wuxuu siiyey ilihii sare iyo kuwii hooseba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 33:8-10
    3 aayado
    84%

    8Markaasuu yidhi, Maxaad ula jeeddaa kooxahan iga hor yimid oo dhan? Isna wuxuu yidhi, Inaad raalli iga noqotid, sayidkaygiiyow.

    9Ceesawna wuxuu yidhi, Walaalkayow, wax igu filan baan haystaa; ee iska hayso waxaaga.

    10Yacquubna wuxuu yidhi, Maya, waan ku baryayaaye, haddii aad haatan raalli iga tahay, de hadiyaddayda gacantayda ka guddoon; waayo, wejigaaga waxaan u arkay sidii wejigii Ilaah loo arko, oo adna waad igu faraxday.

  • 15Markaasaa Ceesaw ku yidhi, Haddaba aan dadka ila jira qaar kaaga tago. Isna wuxuu yidhi, Maxaa looga baahan yahay? Raalli iga ahow, sayidkaygiiyow.

  • Bil 27:33-38
    6 aayado
    79%

    33Markaasuu Isxaaq aad iyo aad u gariiray, oo yidhi, De yuu ahaa haddaba kii intuu hilib ugaadheed soo qaaday, ii keenay, oo aan kulli cunay intaadan iman ka hor, oo aan u duceeyey? Kaasu wuu ducaysnaan doonaa.

    34Ceesawna markuu maqlay hadalkii aabbihiis ayuu ku dhawaaqay dhawaaq aad iyo aad u weyn oo daran, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, anigana ii ducee.

    35Isna wuxuu yidhi, Walaalkaa baa khiyaano iila yimid oo ducadaadii qaatay.

    36Oo wuxuu yidhi, Miyaanay ku habboonayn in magiciisa loo bixiyo Yacquub? Waayo, labadan goor buu i khiyaaneeyey. Curadnimadaydii buu qaatay; haatanna wuxuu qaatay ducadaydii. Oo wuxuu yidhi, Miyaadan duco ii reebin?

    37Isxaaqna wuu jawaabay oo wuxuu Ceesaw ku yidhi, Bal eeg, waxaan isaga ka dhigay sayidkaagii, walaalihiis oo dhanna waxaan u siiyey isaga inay addoommo u noqdaan, hadhuudh iyo khamrina waan u ballanqaaday, ee maxaan haddaba adiga kuu sameeyaa, wiilkaygiiyow?

    38Ceesawna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, ducadaadu ma mid keliya baa? Ii ducee anigana sidoo kale, Aabbow. Markaasuu Ceesaw aad u qayliyey oo ooyay.

  • 12Oo wuxuu yidhi, Sodcaalkeenna aan iska sii soconno, oo ina keena, oo anna waan kaa hor marayaa.

  • 13Habeenkaasna halkaas buu ku baryay, oo walaalkiis Ceesaw ayuu hadiyad uga qaaday wixii uu lahaa,

  • Bil 30:30-31
    2 aayado
    75%

    30Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?

    31Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

  • 5Markaasuu Ceesaw indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay dumarkii iyo carruurtii; oo wuxuu ku yidhi, Waa ayo kuwan kula socdaa? Isna wuxuu yidhi, Waa carruurtii Ilaah intuu ii roonaaday i siiyey anoo ah addoonkaaga.

  • 25Markaasuu ku yidhi. Bal ii soo dhowee, aan cunee wiilkayga hilibkiisa ugaadheed, si aan kuugu duceeyo. Kolkaasuu u soo dhoweeyey, oo isna wuu cunay: oo wuxuu kaloo u keenay khamri, wuuna cabbay.

  • Bil 27:19-20
    2 aayado
    74%

    19Yacquubna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waxaan ahay curadkaagii Ceesaw. Waan sameeyey sidii aad iigu amartay. Haddaba waan ku baryayaaye, kac oo fadhiiso oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.

    20Isxaaqna wuxuu wiilkiisii ku yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee baad dhaqso ugu soo heshay? Isna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaahaaga ayaa ii keenay.

  • 7Hilib ugaadheed ii keen, oo ii samee hilib macaan, aan cunee, oo aan kuugu duceeyee Rabbiga hortiis intaanan dhimane.

  • Bil 27:30-31
    2 aayado
    74%

    30Markii Isxaaq dhammeeyey ducadii uu Yacquub u ducaynayay, Yacquubna ka tegey aabbihiis, ayaa walaalkiis Ceesaw ka yimid ugaadhsigii.

    31Oo isna hilib macaan buu sameeyey, oo u keenay aabbihiis; oo wuxuu ku yidhi aabbihiis, Aabbow kac, oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.

  • 20oo waxaad ku tidhaahdaan, Weliba addoonkaagii Yacquub waa naga dambeeyaa. Oo wuxuu yidhi, Hadiyadda iga horraysa ayaan ku cadho tirayaa isaga, dabadeedna wejigiisaan arki doonaa; oo mindhaa wuu i aqbali doonaa.

  • 10adna aabbahaa waad u geeyn doontaa inuu cuno, si uu kuugu duceeyo intuusan dhiman.

  • Bil 25:30-31
    2 aayado
    73%

    30Markaasaa Ceesaw wuxuu Yacquub ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii aan cunee fuudkaas cas, waayo, waan daalanahay. Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Edom.

    31Yacquubna wuxuu yidhi, Maanta iga iibi curadnimadaada.

  • Bil 30:27-28
    2 aayado
    72%

    27Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Haddaad raalli iga tahay, joog, waayo, waxaan faal ku gartay in Rabbigu daraaddaa ii barakeeyey.

    28Oo wuxuu yidhi, Mushahaaradaada ii sheeg, oo waan ku siin doonaa.

  • 6Ceesawna wuxuu arkay in Isxaaq u duceeyey Yacquub oo u diray Fadan Araam, inuu halkaas naag ka guursado, iyo inuu markuu u duceeyey amray, oo ku yidhi, Waa inaadan naag ka guursan gabdhaha reer Kancaan;

  • 11Waan ku baryayaaye, Iga samatabbixi gacanta walaalkay ee ah gacanta Ceesaw; waayo, isagaan ka baqayaa waaba intaasoo uu yimaadaa oo dilaa aniga iyo hooyooyinka iyo carruurta la socotaba.

  • 29Yacquubna wuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg magacaaga. Oo wuxuu yidhi, Bal maxaad u haybsanaysaa magacayga? Halkaasuuna ku barakeeyey.

  • 9Sidaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey.

  • 4oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

  • 32Oo adhyihiinna iyo lo'diinnaba kaxaysta, sidaad u tidhaahdeen, iina soo duceeya.