Bilowgii 30:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo isna wuxuu ku yidhi, Waad og tahay sidii aan kuugu adeegay, iyo sidii xoolahaagii aan daaqi jiray xaalkoodu ahaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 31:6 : 6 Idinkuna waad og tihiin inaan aabbihiin xooggayga oo dhan ugu adeegay.
  • Bil 31:38-40 : 38 Labaatan sannadood baan kula joogay; laxahaaga iyo riyahaaguna dhicis ma dhalin, wananka idahaagiina ma aan cunin. 39 Kuwii dugaagu ka cunayna kuuma aan keenin; laakiinse anaa kuu magdhabay, anaad i weyddiisan jirtay, ha ahaadeen wixii maalin lagaa xado ama wixii habeen lagaa xado ee. 40 Maalintii kulayl baa i dili jiray, habeenkiina dhaxan; hurdadiina waa iga tagtay. Oo sidaasaan ahaan jiray.
  • Mat 24:45 : 45 ¶ Haddaba yuu yahay addoonka aaminka ah oo caqliga leh, kan sayidkiisu dadka gurigiisa u sarreeysiiyey inuu cuntada siiyo wakhtigeeda?
  • Ef 6:5-8 : 5 ¶ Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale. 6 Ha ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ahaada sida addoommada Masiixa, idinkoo doonista Ilaah xagga qalbiga ka samaynaya. 7 Niyo wanaagsan ku adeega sida idinkoo Rabbiga u adeegaya oo aan dad u adeegin, 8 idinkoo garanaya wax kasta oo wanaagsan oo mid kasta sameeyo inuu Rabbiga isla waxaas ka helayo hadduu yahay addoon iyo hadduu yahay xorba.
  • Kol 3:22-25 : 22 Addoommadow, wax kastaba ku addeeca kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah; hana ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ku adeega qalbi daacad ah, idinkoo Rabbiga ka cabsanaya. 23 Wax alla wixii aad samaysaanba, xagga qalbiga ka sameeya, sidii idinkoo Rabbiga u samaynaya oo aan dad aawadiis u samaynayn, 24 idinkoo garanaya inaad xagga Rabbiga ka heli doontaan abaalgudkii dhaxalka. Waxaad u adeegtaan Rabbiga Masiixa ah. 25 Waayo, kii xumaan falaa wuxuu dib u heli doonaa xumaantuu falay, waayo, dadka looma kala eexdo.
  • Titus 2:9-9 : 9 Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin, 10 oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.
  • 1 But 2:15 : 15 Waayo, Ilaah doonistiisu waxa weeye inaad samafalid ku aamusiisaan jaahilnimada nacasyada,
  • 1 But 2:18 : 18 ¶ Midiidinyadow, ka cabsada oo ka dambeeya sayidyadiinna, mana aha kuwa wanaagsan oo idiin roon oo keliya, laakiinse xataa kuwa qalloocan.
  • Bil 30:5 : 5 Bilhahna way uuraysatay, oo Yacquub wiil bay u dhashay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 30:30-31
    2 aayado
    87%

    30Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?

    31Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

  • Bil 30:26-28
    3 aayado
    84%

    26I sii naagahayga iyo carruurtayda aan daraaddood kuugu adeegay, oo aan iska tago; waayo waad og tahay adeegiddii aan kuu adeegi jiray.

    27Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Haddaad raalli iga tahay, joog, waayo, waxaan faal ku gartay in Rabbigu daraaddaa ii barakeeyey.

    28Oo wuxuu yidhi, Mushahaaradaada ii sheeg, oo waan ku siin doonaa.

  • Bil 31:5-9
    5 aayado
    82%

    5oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan arkay wejigii aabbihiin inuusan sidii hore ii ahayn, laakiinse Ilaaha aabbahay baa ila jiray.

    6Idinkuna waad og tihiin inaan aabbihiin xooggayga oo dhan ugu adeegay.

    7Laakiin aabbihiin wuu i khiyaaneeyey, oo toban goor buu mushahaaradaydii beddelay; Ilaahse uma oggolaan inuu wax i yeelo.

    8Hadduu yidhi, Kuwa dhibicyada lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax dhibicyo leh bay dhaleen; hadduu yidhina, Kuwa xariijimaha lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax xariijimo leh bay dhaleen.

    9Sidaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey.

  • Bil 29:14-15
    2 aayado
    80%

    14¶ Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Hubaal waxaad tahay laftayda iyo jidhkayga. Wuxuuna la joogay isagii intii bil ah.

    15Markaasaa Laabaan Yacquub ku yidhi, Walaalkayga aad tahay aawadeed ma habboon tahay inaad mushahaarola'aan iigu shaqaysid? Bal ii sheeg, mushahaaradaadu maxay ahaan doontaa?

  • Bil 31:41-43
    3 aayado
    78%

    41Labaatan sannadood baan gurigaaga joogay; afar iyo toban sannadood waxaan kuugu shaqeeyey labadaada gabdhood aawadood, lix sannadoodna adhigaaga aawadiis. Mushahaaradaydiina waxaad beddeshay toban goor.

    42Ilaaha aabbahay, oo ah Ilaaha Ibraahim, iyo kan Isxaaq ka cabsado, haddii uusan ila jirin, hubaal haatan waxaad i diri lahayd anoo faro madhan. Ilaah wuxuu arkay dhibaatadaydii iyo hawshii gacmahayga, kolkaasuu xalay ku canaantay.

    43Laabaanna wuu u jawaabay oo wuxuu Yacquub ku yidhi, Gabdhuhu waa gabdhahayga, carruurtuna waa carruurtayda, adhiguna waa adhigayga, oo waxa aad aragto oo dhammuna waa waxayga, haddaba maxaan maanta ku samayn karaa gabdhahaygan, ama carruurtooda ay dhaleen?

  • Bil 31:37-38
    2 aayado
    77%

    37Waxaad baadhay alaabtayda oo dhan, ee maxaad ka heshay oo ah alaabtii gurigaaga? Halkan soo hor dhig walaalahayga iyo walaalahaaga, inay labadeenna inoo kala gar naqaan.

    38Labaatan sannadood baan kula joogay; laxahaaga iyo riyahaaguna dhicis ma dhalin, wananka idahaagiina ma aan cunin.

  • 8Markaasuu yidhi, Maxaad ula jeeddaa kooxahan iga hor yimid oo dhan? Isna wuxuu yidhi, Inaad raalli iga noqotid, sayidkaygiiyow.

  • Bil 32:4-5
    2 aayado
    76%

    4Wuuna amray, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaan sayidkayga Ceesaw, Addoonkaagii Yacquub wuxuu yidhi, Waxaan qariib ahaan ula degay Laabaan, oo ilaa haatanna waan la joogay,

    5oo waxaan haystaa dibiyo, iyo dameerro, iyo adhi, iyo niman addoommo ah iyo naago addoommo ah; oo waxaan kuugu soo cid diray inaan kuu sheego, sayidkaygiiyow, inaad raalli iga noqotid.

  • 13Markaasuu ku yidhi isagii, Sayidkaygiiyow, waad og tahay in carruurtu ay tabar daranyihiin, adhiga iyo lo'dana waa la nuugaa; oo haddii maalin keliya aad loo sii kaxeeyo, de adhigu waa wada dhimanayaa.

  • Bil 24:34-35
    2 aayado
    75%

    34Markaasuu yidhi, Waxaan ahay Ibraahim addoonkiisa.

    35Rabbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro.

  • 12Oo waxay tidhi, Haatan indhahaaga kor u taag, oo arag, orgida adhiga ku boodda oo dhammu waxay wada leeyihiin xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro, maxaa yeelay, waxaan wada arkay waxa Laabaan kugu sameeyo oo dhan.

  • 37Isxaaqna wuu jawaabay oo wuxuu Ceesaw ku yidhi, Bal eeg, waxaan isaga ka dhigay sayidkaagii, walaalihiis oo dhanna waxaan u siiyey isaga inay addoommo u noqdaan, hadhuudh iyo khamrina waan u ballanqaaday, ee maxaan haddaba adiga kuu sameeyaa, wiilkaygiiyow?

  • Bil 44:32-33
    2 aayado
    74%

    32Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow.

    33Haddaba sidaas daraaddeed, waan ku baryayaaye, aniga oo ah addoonkaagii, aan wiilka meeshiisii kuu joogo oo aan addoon kuu noqdo, sayidkaygiiyow; wiilkuna walaalihiis ha iska raaco.

  • Bil 29:5-6
    2 aayado
    74%

    5Markaasuu ku yidhi, Ma taqaaniin Laabaan oo ah ina Naaxoor? Markaasay ku yidhaahdeen, Waannu naqaan.

    6Markaasuu ku yidhi, Ma nabad qabaa? Iyana waxay yidhaahdeen, Haah, wuu nabad qabaa. Waa taas gabadhiisii Raaxeel idaha soo kaxaynaysa.

  • 9Yacquubna wuxuu yidhi, Awowgay Ibraahim Ilaahiisiiyow, Aabbahay Isxaaq Ilaahiisiiyow, Ku noqo dalkaagii, iyo xigaalkaagii, oo anna wanaag baan kuu samayn doonaa, Rabbigii igu yidhiyow:

  • 27Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.

  • 20oo waxaad ku tidhaahdaan, Weliba addoonkaagii Yacquub waa naga dambeeyaa. Oo wuxuu yidhi, Hadiyadda iga horraysa ayaan ku cadho tirayaa isaga, dabadeedna wejigiisaan arki doonaa; oo mindhaa wuu i aqbali doonaa.

  • 49Haddaba haddaad sayidkayga ula macaamiloonaysaan si raxmad leh oo daacad ah, ii sheega: haddii kalese ii sheega, inaan u leexdo xagga midigta ama xagga bidixda.

  • Bil 30:33-34
    2 aayado
    73%

    33Oo sidaasay xaqnimadaydu iigu jawaabi doontaa hadda ka dib, goortaad timaadid oo ka hadlaysid mushahaaradayda ku hor taal. Mid kasta oo aan dhibicyo ama barbaro lahayn oo riyaha ku jira, iyo mid kasta oo aan madoobayn oo idaha ku jira, haddii layga helo, waxaa lagu tirin doonaa wax la soo xaday.

    34Laabaanna wuxuu yidhi, Waa hagaag, sidaad tidhi ha noqoto.

  • Bil 31:29-30
    2 aayado
    73%

    29De xoog aan wax kugu yeelo waan leeyahay, laakiinse Ilaaha aabbahaa baa xalay ila hadlay, oo wuxuu igu yidhi, Iska jir oo Yacquub ha kula hadlin xumaan iyo wanaag toona.

    30Oo haatan waad tagtay, maxaa yeelay, aad baad ugu hilowday gurigii aabbahaa, laakiinse maxaad ilaahyadayda iiga soo xadday?

  • 18waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa leh addoonkaagii Yacquub; oo waa hadiyad loo soo diray sayidkayga Ceesaw; oo isagiina wuu naga dambeeyaa.

  • 19Laabaanna wuxuu yidhi, Waa wanaagsan tahay inaan adiga ku siiyo intii aan iyada nin kale siin lahaa, ee ila joog.