Bilowgii 30:33

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo sidaasay xaqnimadaydu iigu jawaabi doontaa hadda ka dib, goortaad timaadid oo ka hadlaysid mushahaaradayda ku hor taal. Mid kasta oo aan dhibicyo ama barbaro lahayn oo riyaha ku jira, iyo mid kasta oo aan madoobayn oo idaha ku jira, haddii layga helo, waxaa lagu tirin doonaa wax la soo xaday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 31:37 : 37 Waxaad baadhay alaabtayda oo dhan, ee maxaad ka heshay oo ah alaabtii gurigaaga? Halkan soo hor dhig walaalahayga iyo walaalahaaga, inay labadeenna inoo kala gar naqaan.
  • Bax 13:14 : 14 Oo dabadeedto markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Waxanu waa maxay? waa inaad ku tidhaahdaa isaga, Gacan xoog badan baa Rabbigu nagaga soo bixiyey Masar oo ahaa gurigii addoonsiga;
  • 1 Sam 26:23 : 23 Oo Rabbiguna nin walba wuu ka abaalmarin doonaa xaqnimadiisa iyo aaminnimadiisa, waayo, Rabbigu maanta gacantayduu kugu soo riday, aniguse ma aan doonaynin inaan gacantayda u qaado Rabbiga kiisa subkan.
  • 2 Sam 22:21 : 21 Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd; Oo sida ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
  • Sab 37:6 : 6 Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.
  • Ish 59:12 : 12 ¶ Waayo, Rabbiyow, xadgudubyadayadii hortaaday ku bateen, oo waxaa nagu marag fura dembiyadayada, waayo, xadgudubyadayadu way nala jiraan, oo xumaatooyinkayagana waannu og nahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 30:27-32
    6 aayado
    87%

    27Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Haddaad raalli iga tahay, joog, waayo, waxaan faal ku gartay in Rabbigu daraaddaa ii barakeeyey.

    28Oo wuxuu yidhi, Mushahaaradaada ii sheeg, oo waan ku siin doonaa.

    29Oo isna wuxuu ku yidhi, Waad og tahay sidii aan kuugu adeegay, iyo sidii xoolahaagii aan daaqi jiray xaalkoodu ahaa.

    30Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?

    31Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

    32Maanta adhigaaga oo dhan waan dhex mari doonaa, oo waxaan ka sooci doonaa mid kasta oo dhibicyo iyo barbaro leh, iyo mid kasta oo madow oo idaha ku dhex jira, iyo inta barbaraha iyo dhibicyada leh oo riyaha ku jirta; oo waxaasu waxay noqon doonaan mushahaaradayda.

  • Bil 30:34-36
    3 aayado
    82%

    34Laabaanna wuxuu yidhi, Waa hagaag, sidaad tidhi ha noqoto.

    35Oo maalintaasuu wada soocay orgidii xariijimaha iyo barbaraha lahayd, iyo riyihii dhibicyada iyo barbaraha lahaa oo dhan, mid kasta oo caddaani ku jirto, iyo kuwa madmadow oo idaha ku jira oo dhan, oo wuxuu gacanta u geliyey wiilashiisii;

    36Oo wuxuu Yacquub ka fogaaday intii saddex maalmood loo socdo, Yacquubna wuxuu daajin jiray Laabaan adhigiisii intii ka hadhay.

  • Bil 31:8-10
    3 aayado
    79%

    8Hadduu yidhi, Kuwa dhibicyada lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax dhibicyo leh bay dhaleen; hadduu yidhina, Kuwa xariijimaha lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax xariijimo leh bay dhaleen.

    9Sidaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey.

    10Wakhtigii adhigii rimay ayaan indhahayga kor u taagay, oo aan riyo ku arkay orgidii adhiga ku boodday inay wada lahaayeen xariijimo, iyo dhibicyo iyo barbaro.

  • 12Oo waxay tidhi, Haatan indhahaaga kor u taag, oo arag, orgida adhiga ku boodda oo dhammu waxay wada leeyihiin xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro, maxaa yeelay, waxaan wada arkay waxa Laabaan kugu sameeyo oo dhan.

  • Bil 30:38-42
    5 aayado
    76%

    38Markaasuu dhengedihii uu diiray adhigii hor dhigay oo ku riday dararkii berkedaha oo adhigu ka cabbi jiray; wayna rimeen markay soo arooreen.

    39Adhigiina dhengedihii hortooda ayuu ku rimay, wuxuuna dhalay maqal xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro leh.

    40Markaasuu Yacquub naylihii ka soocay oo wuxuu adhigii u jeediyey xagga kuwii xariijimaha lahaa iyo intii madmadoobayd oo dhan ee adhigii Laabaan; markaasuu gooni u soocay goosankiisii, kumana uu darin adhigii Laabaan.

    41Markii adhiga intiisii xoogga lahayd rintay ayaa Yacquub dhengedihii adhiga indhihiisa hor dhigay intuu dararkii ku riday, inay dhengedihii ku dhex rimaan;

    42laakiinse adhiga qaarkii caatada ahaa, uma uu dhex gelin jirin; sidaas daraaddeed intii caatada ahayd waxaa lahaa Laabaan, intii xoogga lahaydna waxaa lahaa Yacquub.

  • Bil 31:42-43
    2 aayado
    74%

    42Ilaaha aabbahay, oo ah Ilaaha Ibraahim, iyo kan Isxaaq ka cabsado, haddii uusan ila jirin, hubaal haatan waxaad i diri lahayd anoo faro madhan. Ilaah wuxuu arkay dhibaatadaydii iyo hawshii gacmahayga, kolkaasuu xalay ku canaantay.

    43Laabaanna wuu u jawaabay oo wuxuu Yacquub ku yidhi, Gabdhuhu waa gabdhahayga, carruurtuna waa carruurtayda, adhiguna waa adhigayga, oo waxa aad aragto oo dhammuna waa waxayga, haddaba maxaan maanta ku samayn karaa gabdhahaygan, ama carruurtooda ay dhaleen?

  • Bil 31:36-39
    4 aayado
    74%

    36Yacquubna wuu cadhooday, oo Laabaan wuu la murmay; Yacquubna wuu u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay xadgudubkaygu? Waa maxay dembigayga aad aawadiis aad iigu soo raacdaysatay?

    37Waxaad baadhay alaabtayda oo dhan, ee maxaad ka heshay oo ah alaabtii gurigaaga? Halkan soo hor dhig walaalahayga iyo walaalahaaga, inay labadeenna inoo kala gar naqaan.

    38Labaatan sannadood baan kula joogay; laxahaaga iyo riyahaaguna dhicis ma dhalin, wananka idahaagiina ma aan cunin.

    39Kuwii dugaagu ka cunayna kuuma aan keenin; laakiinse anaa kuu magdhabay, anaad i weyddiisan jirtay, ha ahaadeen wixii maalin lagaa xado ama wixii habeen lagaa xado ee.

  • 15Markaasaa Laabaan Yacquub ku yidhi, Walaalkayga aad tahay aawadeed ma habboon tahay inaad mushahaarola'aan iigu shaqaysid? Bal ii sheeg, mushahaaradaadu maxay ahaan doontaa?

  • Bil 31:32-33
    2 aayado
    71%

    32Qofkii aad ilaahyadaadii ka hesho waa inuusan noolaan. Walaalahayo hortooda ku fiiri wixii aan kaa haysto, oo iska qaado. Waayo, Yacquub ma uu ogayn inay Raaxeel soo xadday.

    33Laabaanna wuxuu galay teendhadii Yacquub, iyo teendhadii Lee'ah, iyo teendhadii labada addoommood, laakiinse ma uu helin. Oo intuu ka baxay teendhadii Lee'ah ayuu galay teendhadii Raaxeel.

  • 20Hadduusan uurka iiga ducayn, Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga,

  • 1¶ Wuxuu maqlay hadalkii Laabaan wiilashiisii, iyagoo leh, Yacquub baa wixii aabbeheen oo dhan wada qaatay, oo xoolahan oo dhan wuxuu ku helay wixii aabbeheen.

  • 22Sidaas daraaddeed adhigayga waan badbaadin doonaa, oo mar dambena wax la dhaco siima uu ahaan doono, oo waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo.

  • 26Baraarku waa kuu dhar, Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.

  • 17Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adhigaygow, bal eega, anigu waxaan kala xukumi doonaa ido iyo riyo, iyo xataa wanan iyo orgiyoba.

  • 19Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa.

  • 30Oo haatan waad tagtay, maxaa yeelay, aad baad ugu hilowday gurigii aabbahaa, laakiinse maxaad ilaahyadayda iiga soo xadday?

  • 24Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Iyo sidii nadiifsanaanta gacmahaygu ay ku ahayd indhihiisa hortooda.