Bilowgii 30:38

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu dhengedihii uu diiray adhigii hor dhigay oo ku riday dararkii berkedaha oo adhigu ka cabbi jiray; wayna rimeen markay soo arooreen.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 30:39-43
    5 aayado
    90%

    39Adhigiina dhengedihii hortooda ayuu ku rimay, wuxuuna dhalay maqal xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro leh.

    40Markaasuu Yacquub naylihii ka soocay oo wuxuu adhigii u jeediyey xagga kuwii xariijimaha lahaa iyo intii madmadoobayd oo dhan ee adhigii Laabaan; markaasuu gooni u soocay goosankiisii, kumana uu darin adhigii Laabaan.

    41Markii adhiga intiisii xoogga lahayd rintay ayaa Yacquub dhengedihii adhiga indhihiisa hor dhigay intuu dararkii ku riday, inay dhengedihii ku dhex rimaan;

    42laakiinse adhiga qaarkii caatada ahaa, uma uu dhex gelin jirin; sidaas daraaddeed intii caatada ahayd waxaa lahaa Laabaan, intii xoogga lahaydna waxaa lahaa Yacquub.

    43Ninkiina aad buu u xoolo batay, wuxuuna lahaa adhi badan, iyo naago addoommo ah, iyo niman addoommo ah, iyo geel, iyo dameerro.

  • Bil 30:30-37
    8 aayado
    85%

    30Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?

    31Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

    32Maanta adhigaaga oo dhan waan dhex mari doonaa, oo waxaan ka sooci doonaa mid kasta oo dhibicyo iyo barbaro leh, iyo mid kasta oo madow oo idaha ku dhex jira, iyo inta barbaraha iyo dhibicyada leh oo riyaha ku jirta; oo waxaasu waxay noqon doonaan mushahaaradayda.

    33Oo sidaasay xaqnimadaydu iigu jawaabi doontaa hadda ka dib, goortaad timaadid oo ka hadlaysid mushahaaradayda ku hor taal. Mid kasta oo aan dhibicyo ama barbaro lahayn oo riyaha ku jira, iyo mid kasta oo aan madoobayn oo idaha ku jira, haddii layga helo, waxaa lagu tirin doonaa wax la soo xaday.

    34Laabaanna wuxuu yidhi, Waa hagaag, sidaad tidhi ha noqoto.

    35Oo maalintaasuu wada soocay orgidii xariijimaha iyo barbaraha lahayd, iyo riyihii dhibicyada iyo barbaraha lahaa oo dhan, mid kasta oo caddaani ku jirto, iyo kuwa madmadow oo idaha ku jira oo dhan, oo wuxuu gacanta u geliyey wiilashiisii;

    36Oo wuxuu Yacquub ka fogaaday intii saddex maalmood loo socdo, Yacquubna wuxuu daajin jiray Laabaan adhigiisii intii ka hadhay.

    37Yacquubna wuxuu qaatay dhengedo qoyan oo ah geedihii la odhan jiray libneh iyo yicib iyo carmon, kolkaasuu diiray oo xariijimo cadcad ku sameeyey.

  • Bil 31:8-10
    3 aayado
    80%

    8Hadduu yidhi, Kuwa dhibicyada lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax dhibicyo leh bay dhaleen; hadduu yidhina, Kuwa xariijimaha lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax xariijimo leh bay dhaleen.

    9Sidaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey.

    10Wakhtigii adhigii rimay ayaan indhahayga kor u taagay, oo aan riyo ku arkay orgidii adhiga ku boodday inay wada lahaayeen xariijimo, iyo dhibicyo iyo barbaro.

  • 12Oo waxay tidhi, Haatan indhahaaga kor u taag, oo arag, orgida adhiga ku boodda oo dhammu waxay wada leeyihiin xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro, maxaa yeelay, waxaan wada arkay waxa Laabaan kugu sameeyo oo dhan.

  • Bil 29:6-10
    5 aayado
    74%

    6Markaasuu ku yidhi, Ma nabad qabaa? Iyana waxay yidhaahdeen, Haah, wuu nabad qabaa. Waa taas gabadhiisii Raaxeel idaha soo kaxaynaysa.

    7Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Bal eega, weli waa maalin weyn, mana aha goortii xoolaha la soo wada ururin lahaa. Idaha waraabiya, oo kaxeeya oo daajiya.

    8Iyana waxay yidhaahdeen, Ma yeeli karno taas, jeeray idoyowga oo dhammu isu yimaadaan, oo dhagaxa ceelka afkiisa laga rogo; markaasaannu idaha waraabinaynaa.

    9Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay.

    10Oo Yacquub markuu arkay Raaxeel oo ahayd gabadhii abtigiis Laabaan, iyo idihii abtigiis Laabaan, ayuu u dhowaaday, oo dhagaxii ka rogay ceelka afkiisa, oo uu waraabiyey idihii abtigiis Laabaan.

  • Bil 29:2-3
    2 aayado
    74%

    2Kolkaasuu wax fiiriyey, oo wuxuu arkay ceel berrinka ku dhex yaal, oo waxaa joogay saddex qaybood oo ido ah oo agtiisa jiifjiifa, maxaa yeelay, ceelkaasay idaha ka waraabin jireen. Dhagaxa ceelka afkiisa saarnaana aad buu u weynaa.

    3Oo halkaasaa idaha oo dhan lagu soo ururin jiray: kolkaasay dhagaxa ceelka afkiisa ka rogi jireen, oo idaha ka waraabin jireen, markaasay mar labaad dhagaxa ceelka afkiisa saari jireen oo ku celin jireen meeshiisii.

  • Bil 38:17-18
    2 aayado
    71%

    17Markaasuu wuxuu ku yidhi, Waxaan adhiga kaaga soo diri doonaa waxar. Iyana waxay tidhi, Rahaamad ma i siinaysaa intaad ii soo diraysid?

    18Isna wuxuu yidhi, Maxaan rahaamad kuu siiyaa? Kolkaasay tidhi, I sii kaatunkaaga iyo xadhiggaaga, iyo ushaada aad gacanta ku haysatid. Kolkaasuu siiyey, oo uu u tegey iyadii, oo iyana xaggiisay ka uuraysatay.

  • 4Yacquubna wuxuu u cid diray oo u yeedhay Raaxeel iyo Lee'ah inay yimaadaan berrinkii adhigiisu joogay,

  • Bil 32:14-16
    3 aayado
    69%

    14taas oo ah laba tiro oo riyo ah, iyo labaatan orgi, iyo laba tiro oo sabeeno ah iyo labaatan wan,

    15iyo soddon halaad oo irmaan iyo nirgahoodii, iyo afartan sac iyo toban dibi, iyo labaatan dameerood iyo toban qayl.

    16Markaasuu xoolihii u dhiibay gacantii addoommadiisa, iyadoo goosan waluba goonidiisa yahay; oo wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Iga sii hor gudba, xoolahana goosan waluba goosanka kale cabbaar ha ka dambeeyo.

  • Bil 30:2-5
    4 aayado
    69%

    2Markaasaa Yacquub aad ugu cadhooday Raaxeel; oo wuxuu ku yidhi, Ma anigaa ku jira meeshii Ilaaha midhihii maxalka kuu diiday?

    3Markaasay tidhi, Bal eeg addoontayda Bilhah, u tag iyada, inay jilbahayga ku dul dhasho, oo aan anna carruur ku helo iyada.

    4Markaasay isagii siisay addoonteedii Bilhah inuu naag ka dhigto; Yacquubna wuu u tegey iyadii.

    5Bilhahna way uuraysatay, oo Yacquub wiil bay u dhashay.

  • 38Oo sidii bay noqotay, waayo, markuu toosay subaxdii dambe, oo tuujiyey dhogorta, wuxuu ka maroojiyey koob muuggiis oo biyo ah.

  • 27Oo bal eeg, markii ay foolatay mataano baa ku jiray maxalkeeda.

  • Bil 19:33-34
    2 aayado
    68%

    33Oo habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen, oo tii curadda ahayd baa u tagtay oo la jiifsatay aabbeheed; mana uu ogayn markay la jiifsatay, iyo markay ka kacday toona.

    34Oo waxay noqotay in maalintii dambe ay tii curadda ahayd ku tidhi tii yarayd, Bal eeg, xalayto aabbahay baan la jiifsaday: caawana aynu khamri cabsiinno; oo adigu u tag oo la jiifso isaga, aynu aabbeheen farcan kala hadhnee.

  • 12¶ Markaasaa walaalihiis tageen, inay adhigii aabbahood soo daajiyaan Shekem.

  • 71Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.

  • 7Bilhah oo ahayd addoontii Raaxeel mar kalay uuraysatay, oo waxay Yacquub u dhashay wiil labaad.

  • 18wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan.

  • 30Markuu arkay sangeliskii, iyo dugaagadihii gacmihii walaashiis ku jiray, oo uu maqlay hadalkii walaashiis Rebeqah, iyadoo leh, Sidan buu ninkii iila hadlay, ayuu u yimid ninkii oo bal eeg, wuxuu ag istaagay awrtii isha joogtay.

  • 38Labaatan sannadood baan kula joogay; laxahaaga iyo riyahaaguna dhicis ma dhalin, wananka idahaagiina ma aan cunin.