Bilowgii 29:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasuu wax fiiriyey, oo wuxuu arkay ceel berrinka ku dhex yaal, oo waxaa joogay saddex qaybood oo ido ah oo agtiisa jiifjiifa, maxaa yeelay, ceelkaasay idaha ka waraabin jireen. Dhagaxa ceelka afkiisa saarnaana aad buu u weynaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 2:15-16 : 15 Haddaba markii Fircoon waxaas maqlay, ayuu wuxuu doondoonay inuu Muuse nafta ka qaado. Laakiinse Muuse waa ka cararay Fircoon hortiisii, oo wuxuu degay dalka Midyaan, oo ceel buu ag fadhiistay. 16 Haddaba wadaadkii Midyaan wuxuu lahaa toddoba gabdhood. Intay ceelkii yimaadeen ayay dhaamiyeen oo berkedihii biyo ka buuxiyeen inay waraabiyaan idihii aabbahood.
  • Bil 24:11 : 11 Awrtiina wuxuu tu'iyey meel magaalada dibaddeeda ah oo ceelka biyaha agtiisa ah kolkay galabtii ahayd, marka dumarku biyo dhaansiga u soo baxaan.
  • Bil 24:13 : 13 Bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabdhaha dadka magaaladuna waxay u soo baxayaan inay biyo dhaansadaan.
  • Sab 23:2 : 2 Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis, Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
  • Hees 1:6-7 : 6 Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis. Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday, Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah, Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn. 7 Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid; Waayo, bal maxaan u ahaanayaa Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?
  • Ish 49:10 : 10 Ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan, oo kulaylka iyo qorraxdu kuma ay dhici doonaan, waayo, ka iyaga u naxariista ayaa hor kici doona, oo wuxuu ku hoggaamin doonaa ilo biya ah agtood.
  • Yoox 4:6 : 6 Waxaana meeshaas jiray ceelkii Yacquub. Haddaba Ciise oo sodcaal ku soo daalay, wuxuu fadhiistay ceelka agtiisa. Saacaddiina waxay ku qiyaasnayd lixda.
  • Yoox 4:14 : 14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah.
  • Muj 7:17 : 17 waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 29:3-4
    2 aayado
    93%

    3Oo halkaasaa idaha oo dhan lagu soo ururin jiray: kolkaasay dhagaxa ceelka afkiisa ka rogi jireen, oo idaha ka waraabin jireen, markaasay mar labaad dhagaxa ceelka afkiisa saari jireen oo ku celin jireen meeshiisii.

    4Markaasaa Yacquub ku yidhi, Walaalahayow, xaggaad ka timaadeen? Iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid Haaraan.

  • Bil 29:6-11
    6 aayado
    83%

    6Markaasuu ku yidhi, Ma nabad qabaa? Iyana waxay yidhaahdeen, Haah, wuu nabad qabaa. Waa taas gabadhiisii Raaxeel idaha soo kaxaynaysa.

    7Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Bal eega, weli waa maalin weyn, mana aha goortii xoolaha la soo wada ururin lahaa. Idaha waraabiya, oo kaxeeya oo daajiya.

    8Iyana waxay yidhaahdeen, Ma yeeli karno taas, jeeray idoyowga oo dhammu isu yimaadaan, oo dhagaxa ceelka afkiisa laga rogo; markaasaannu idaha waraabinaynaa.

    9Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay.

    10Oo Yacquub markuu arkay Raaxeel oo ahayd gabadhii abtigiis Laabaan, iyo idihii abtigiis Laabaan, ayuu u dhowaaday, oo dhagaxii ka rogay ceelka afkiisa, oo uu waraabiyey idihii abtigiis Laabaan.

    11Markaasuu Yacquub Raaxeel dhunkaday, wuuna qayliyey oo ooyay.

  • 1¶ Yacquubna sodcaalkiisii buu iska sii watay, oo wuxuu yimid dalkii reer bari.

  • Bil 28:11-12
    2 aayado
    73%

    11Oo meel buu gaadhay oo halkaasuu habeenkii oo dhan joogay, maxaa yeelay, qorraxdu way dhacday, markaasuu qaaday mid ka mid ah dhagxantii meeshaas, oo barkaday, halkaasuuna jiifsaday si uu u seexdo.

    12Wuuna riyooday, oo riyadiisii wuxuu ku arkay sallaan dhulka qotoma oo caaraddiisiina samada gaadhay, wuxuuna arkay malaa'igihii Ilaah oo ku koraya, kuna soo degaya.

  • 19Markaasaa addoommadii Isxaaq dooxadii qodeen, oo waxay ka heleen ceel durdur ah.

  • Bil 30:38-39
    2 aayado
    73%

    38Markaasuu dhengedihii uu diiray adhigii hor dhigay oo ku riday dararkii berkedaha oo adhigu ka cabbi jiray; wayna rimeen markay soo arooreen.

    39Adhigiina dhengedihii hortooda ayuu ku rimay, wuxuuna dhalay maqal xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro leh.

  • 12Oo waxay tidhi, Haatan indhahaaga kor u taag, oo arag, orgida adhiga ku boodda oo dhammu waxay wada leeyihiin xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro, maxaa yeelay, waxaan wada arkay waxa Laabaan kugu sameeyo oo dhan.

  • 32Oo isla maalintaas ayay addoommadii Isxaaq yimaadeen, oo ay uga warrameen ceelkii ay qodeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Biyaannu helnay.

  • Bil 24:29-30
    2 aayado
    72%

    29Rebeqahna waxay lahayd walaal magiciisa la yidhaahdo Laabaan. Markaasaa Laabaan dibadda u baxay oo wuxuu ku orday ninkii isha joogay.

    30Markuu arkay sangeliskii, iyo dugaagadihii gacmihii walaashiis ku jiray, oo uu maqlay hadalkii walaashiis Rebeqah, iyadoo leh, Sidan buu ninkii iila hadlay, ayuu u yimid ninkii oo bal eeg, wuxuu ag istaagay awrtii isha joogtay.

  • 30Markaasuu yidhi, Toddobadan sabeenood waa inaad iga guddoontid inay markhaati ii noqoto inaan anigu ceelkan qoday.

  • 10Wakhtigii adhigii rimay ayaan indhahayga kor u taagay, oo aan riyo ku arkay orgidii adhiga ku boodday inay wada lahaayeen xariijimo, iyo dhibicyo iyo barbaro.

  • Bil 24:13-14
    2 aayado
    71%

    13Bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabdhaha dadka magaaladuna waxay u soo baxayaan inay biyo dhaansadaan.

    14Gabadhii aan ku odhan doono, Ashuunkaaga deji, waan ku baryayaaye, aan ka cabbee, oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa, taasu ha noqoto tii aad u dooratay addoonkaaga Isxaaq, oo taas baan ku ogaan doonaa inaad sayidkayga u roonaatay.

  • 19Markaasaa Ilaah indhaheedii furay, oo waxay aragtay ceel biyo ah; kolkaasay tagtay, oo sibraarkii biyo ka soo buuxisay, oo wiilkii waraabisay.

  • 43bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabadhii u soo baxda inay biyo dhaansato oo aan ku odhan doono, Waan ku baryayaaye, ashuunkaaga iga sii in yar oo biyo ah aan cabbee,

  • Bil 31:45-46
    2 aayado
    71%

    45Markaasaa Yacquub dhagax soo qaaday, oo sidii tiir u qotomiyey.

    46Yacquubna wuxuu walaalihiis ku yidhi, Dhagaxyo soo ururiya; kolkaasay dhagaxyo soo gureen, oo meel taalleeyeen; kolkaasay taallada agteedii wax ku cuneen.

  • Bil 37:14-15
    2 aayado
    71%

    14Oo wuxuu ku yidhi isagii, Bal tag oo soo arag in walaalahaa iyo adhigiiba nabad qabaan iyo in kale, oo haddana ii war keen. Sidaas daraaddeed isagii wuxuu ka diray dooxadii Xebroon, oo wuxuu tegey Shekem.

    15Markaasaa nin helay isagoo duurka wareegaya; ninkiina wax buu weyddiiyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaad doondoonaysaa?

  • 19Markaasay waxay yidhaahdeen, Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey.

  • 18Yacquubna aroor horuu kacay, oo wuxuu qaaday dhagaxii uu barkaday, oo sidii tiir buu u qotomiyey, kolkaasuu saliid ku dul shubay.

  • 45Oo intaan hadalkii qalbigayga ka dhammaan ayaa Rebeqah soo baxday iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, markaasay ishii ku dhaadhacday, oo soo dhaansatay: anna waxaan ku idhi, Waan ku baryayaaye, i waraabi.

  • 15Ceelashii addoommada aabbihiis qodeen oo dhan waagii aabbihiis Ibraahim noolaa ayay reer Falastiin hore u awdeen oo ciid uga buuxiyeen.

  • 11Awrtiina wuxuu tu'iyey meel magaalada dibaddeeda ah oo ceelka biyaha agtiisa ah kolkay galabtii ahayd, marka dumarku biyo dhaansiga u soo baxaan.

  • 4Yacquubna wuxuu u cid diray oo u yeedhay Raaxeel iyo Lee'ah inay yimaadaan berrinkii adhigiisu joogay,

  • Bil 30:41-42
    2 aayado
    69%

    41Markii adhiga intiisii xoogga lahayd rintay ayaa Yacquub dhengedihii adhiga indhihiisa hor dhigay intuu dararkii ku riday, inay dhengedihii ku dhex rimaan;

    42laakiinse adhiga qaarkii caatada ahaa, uma uu dhex gelin jirin; sidaas daraaddeed intii caatada ahayd waxaa lahaa Laabaan, intii xoogga lahaydna waxaa lahaa Yacquub.

  • 29Oo isna wuxuu ku yidhi, Waad og tahay sidii aan kuugu adeegay, iyo sidii xoolahaagii aan daaqi jiray xaalkoodu ahaa.

  • 31Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

  • 2Yacquubna wuxuu fiiriyey wejigii Laabaan, oo wuxuu arkay inuusan sidii hore u ahayn.

  • 16Gabadhuna waa suurad quruxsanayd, waxayna ahayd bikrad aan ninna u tegin. Waxay tagtay ishii biyaha ahayd xaggeeda, oo intay ashuunkeedii soo buuxsatay, ayay soo baxday.

  • 22Kolkaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu qoday ceel kale; kaasna kulama ay diririn; magiciisiina wuxuu u bixiyey Rexobod, oo wuxuu yidhi, Haatan Rabbigu meel buu noo banneeyey, oo dalka waannu ku badnaynaa.

  • 36Oo wuxuu Yacquub ka fogaaday intii saddex maalmood loo socdo, Yacquubna wuxuu daajin jiray Laabaan adhigiisii intii ka hadhay.