Bilowgii 31:45

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Yacquub dhagax soo qaaday, oo sidii tiir u qotomiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 28:18-22 : 18 Yacquubna aroor horuu kacay, oo wuxuu qaaday dhagaxii uu barkaday, oo sidii tiir buu u qotomiyey, kolkaasuu saliid ku dul shubay. 19 Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Beytel: laakiinse markii hore magaalada magaceedu wuxuu ahaa Luus. 20 Yacquubna nidar buu nidray, oo wuxuu yidhi, Haddii Ilaah ila jiro, oo uu jidkan aan socdo igu dhawro, oo uu i siiyo wax aan cuno, iyo dhar aan xidho, 21 oo aan aniga oo nabad qaba ku soo noqdo gurigii aabbahay, markaas Rabbigu wuxuu ii noqon doonaa Ilaah, 22 oo dhagaxan aan sidii tiir u qotomiyey, wuxuu noqon doonaa guriga Ilaah: oo wax alla wixii aad i siisidna hubaal meel tobnaadka adigaan ku siin doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 31:46-48
    3 aayado
    83%

    46Yacquubna wuxuu walaalihiis ku yidhi, Dhagaxyo soo ururiya; kolkaasay dhagaxyo soo gureen, oo meel taalleeyeen; kolkaasay taallada agteedii wax ku cuneen.

    47Laabaanna wuxuu meeshaas u bixiyey Yegar Sahaduta; Yacquubse wuxuu u bixiyey Galceed.

    48Laabaanna wuxuu yidhi, Maanta taalladanu waa markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga. Sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Galceed, iyo Misfaah,

  • Bil 35:13-15
    3 aayado
    82%

    13Ilaahna kor buu uga tegey isagii iyo meeshii uu kula hadlayba.

    14Yacquubna meeshii uu kula hadlay isaga wuxuu ka taagay tiir, kaas oo ahaa tiir dhagax ah; wuxuuna ku dul shubay qurbaan cabniin ah, saliidna wuu ku dul shubay.

    15Yacquubna meeshii Ilaah kula hadlay isaga magaceedii wuxuu u bixiyey Beytel.

  • Bil 28:17-18
    2 aayado
    82%

    17Wuuna cabsaday, oo wuxuu yidhi, Meeshanu cabsi badanaa! Tanu meel kale ma aha, gurigii Ilaah mooyaane, tanuna waa iriddii samada.

    18Yacquubna aroor horuu kacay, oo wuxuu qaaday dhagaxii uu barkaday, oo sidii tiir buu u qotomiyey, kolkaasuu saliid ku dul shubay.

  • Bil 31:51-53
    3 aayado
    79%

    51Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Bal eeg taalladan, oo bal fiiri tiirka aan ina dhex dhigay aniga iyo adiga.

    52Taalladanu markaati ha ka noqoto, tiirkuna markhaati ha ka noqdo, inaanan taalladan kuugu soo dhaafayn inaan wax ku yeelo, adna aadan taalladan iyo tiirkan iigu soo dhaafayn inaad wax i yeeshid.

    53Kan ah Ilaaha Ibraahim, iyo Ilaaha Naaxoor, iyo Ilaaha aabbahood, ha ina kala xukumo innaga. Yacquubna wuxuu ku dhaartay Kan aabbihiis Isxaaq ka cabsado.

  • 20Yacquubna tiir buu ka taagay qabrigeedii; waana isla tiirka ka taagan qabrigii Raaxeel ilaa maanta.

  • Bil 28:11-12
    2 aayado
    78%

    11Oo meel buu gaadhay oo halkaasuu habeenkii oo dhan joogay, maxaa yeelay, qorraxdu way dhacday, markaasuu qaaday mid ka mid ah dhagxantii meeshaas, oo barkaday, halkaasuuna jiifsaday si uu u seexdo.

    12Wuuna riyooday, oo riyadiisii wuxuu ku arkay sallaan dhulka qotoma oo caaraddiisiina samada gaadhay, wuxuuna arkay malaa'igihii Ilaah oo ku koraya, kuna soo degaya.

  • 44Haddaba kaalay, aan aniga iyo adigu axdi dhigannee, hana noqdo markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga.

  • 73%

    26Markaasaa Yashuuca erayadan ku qoray kitaabkii sharcigii Ilaah; oo dhagax weyn buu qaaday, oo wuxuu hoos qotonshay geedkii ku ag yiil taambuugga quduuskaa oo Rabbiga.

    27Yashuucana wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Bal ogaada, dhagaxanaa inagu marag furi doonee; waayo, wuxuu maqlay erayadii Rabbiga oo uu inagula hadlay oo dhan; sidaas daraaddeed wuxuu idinku noqon doonaa marag, si aydnaan Ilaahiinna u inkirin.

  • Bil 29:2-3
    2 aayado
    72%

    2Kolkaasuu wax fiiriyey, oo wuxuu arkay ceel berrinka ku dhex yaal, oo waxaa joogay saddex qaybood oo ido ah oo agtiisa jiifjiifa, maxaa yeelay, ceelkaasay idaha ka waraabin jireen. Dhagaxa ceelka afkiisa saarnaana aad buu u weynaa.

    3Oo halkaasaa idaha oo dhan lagu soo ururin jiray: kolkaasay dhagaxa ceelka afkiisa ka rogi jireen, oo idaha ka waraabin jireen, markaasay mar labaad dhagaxa ceelka afkiisa saari jireen oo ku celin jireen meeshiisii.

  • 1¶ Oo Ilaah wuxuu Yacquub ku yidhi, Kac oo xagga Beytel tag, oo halkaas deg; oo meel allabari halkaas uga samee Ilaahii kuu muuqday markii aad walaalkaa Ceesaw ka cararaysay.

  • 31Oo wuxuu Eliiyaah soo qaaday laba iyo toban dhagax oo ka dhigan intii qabiilooyinkii wiilashii Yacquub tiradoodu ahayd, kaasoo eraygii Rabbigu u yimid oo ku yidhi, Magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil.

  • 20Halkaasna wuxuu ka taagay meel allabari, wuxuuna u bixiyey El-elohe-Israa'iil.

  • 21Oo tiirarkiina wuxuu qotomiyey balbaladii macbudka; oo tiirkii midigta ahaa intuu qotomiyey ayuu magiciisii u bixiyey Yaakiin, tiirkii bidixda ahaana intuu qotomiyey ayuu u bixiyey Bocas.

  • 20Oo laba iyo tobankii dhagax oo ay ka soo qaadeen Webi Urdun dhexdiisa ayuu Yashuuca qotomiyey Gilgaal.

  • 22oo dhagaxan aan sidii tiir u qotomiyey, wuxuu noqon doonaa guriga Ilaah: oo wax alla wixii aad i siisidna hubaal meel tobnaadka adigaan ku siin doonaa.

  • 3oo ina kiciya, aynu Beytel tagnee, oo anna halkaas meel allabari baan uga samayn doonaa Ilaahii ii jawaabay maalintii aan dhibtoonayay oo ila jiray jidkii aan maray.

  • 10Oo Yacquub markuu arkay Raaxeel oo ahayd gabadhii abtigiis Laabaan, iyo idihii abtigiis Laabaan, ayuu u dhowaaday, oo dhagaxii ka rogay ceelka afkiisa, oo uu waraabiyey idihii abtigiis Laabaan.

  • Yash 4:8-9
    2 aayado
    69%

    8Oo reer binu Israa'iil waxay yeeleen sidii Yashuuca ku amray, oo waxay Webi Urdun dhexdiisa ka qaadeen laba iyo toban dhagax, oo ah intii qabiilooyinka reer binu Israa'iil tiradoodu ahayd sidii Rabbigu u sheegay Yashuuca, oo waxay u gudbiyeen meeshii ay ku dhaxeen, oo halkaasay dhigeen.

    9Oo Yashuuca wuxuu laba iyo toban dhagax qotomiyey Webi Urdun dhexdiisa, taasoo ah meeshii wadaaddada sida sanduuqa axdiga ay cagahoodu istaageen; oo ilaa maantadan weli meeshii bay jiraan.

  • 4Oo markaad Webi Urdun ka gudubtaan, waa inaad Buur Ceebaal ku qotomisaan dhagaxyada aan maanta idinkaga amrayo, oo iyaga waa inaad nuurad ku malaastaan.

  • 25Laabaanna wuu soo gaadhay Yacquub. Haddaba Yacquub teendhadiisii wuxuu ka dhistay buurta; Laabaanna walaalihiis buu kala dhistay buurtii Gilecaad.

  • 7Markaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, wuxuuna meeshii u bixiyey Elbeytel, maxaa yeelay, Ilaah baa halkaas ugu muuqday isaga, markuu ka cararay walaalkiis.

  • 13Waxaan ahay Ilaaha Beytel, meeshii aad tiirka ku subagtay, oo aad nidarka iigu nidartay. Haddaba kac, oo dalkan ka bax, oo ku noqo dalkii aad ku dhalatay.

  • 17Markaasuu tiirarkii qotomiyey macbudka hortiisa, mid dhanka midigta, kii kalena dhanka bidixda, oo kii dhanka midigta ahaa magiciisii wuxuu u bixiyey Yaakiin, kii dhanka bidixda ahaana wuxuu u bixiyey Bocas.

  • 6in taasu idiin ahaato calaamo idin dhex taal, oo wakhtiga soo socda markii carruurtiinnu idin weyddiiyaan, oo idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan dhagaxyadan?

  • 2Oo maalintii aad Webi Urdun uga gudubtaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaad dhagaxyo waaweyn qotomisaan oo aad nuurad ku malaastaan,

  • 17Markaasuu Yacquub kacay, carruurtiisii iyo naagihiisiina wuxuu fuushiiyey awrtii;