1¶ Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan u sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Ilaah.
2¶ Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd.
3Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen boqorkii wakhtigii iidda ah bisha toddobaad.
4Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay kuwii reer Laawi sanduuqii axdiga soo qaadeen.
5Oo way keeneen sanduuqii axdiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan; oo intaas oo dhan waxaa soo qaaday wadaaddadii reer Laawi.
6Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.
7Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.