2 Taariikhdii 35:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kuwii reer Laawi oo dadka Israa'iil oo dhan wax bari jiray ee Rabbiga aawadiis quduus u ahaa wuxuu ku yidhi, Sanduuqa quduuska ah waxaad gelisaan gurigii uu dhisay Sulaymaan oo uu dhalay boqorkii reer binu Israa'iil oo Daa'uud ahaa, hadda ka dib culaab dambe garbihiinna saarnaan mayso, haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dadkiisa reer binu Israa'iil u adeega.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 33:10 : 10 Waxay reer Yacquub bari doonaan xukummadaada, Reer binu Israa'iilna sharcigaaga. Hortaada waxay soo dhigi doonaan foox, Oo meeshaada allabarigana waxay saari doonaan allabari dhan oo la gubo.
  • 1 Taar 23:26 : 26 Weliba reer Laawina mar dambe uma baahan doonaan inay qaadaan taambuugga iyo weelashiisa lagaga adeego oo dhan.
  • 2 Taar 5:7 : 7 Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.
  • 2 Taar 17:8-9 : 8 oo wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam. 9 Oo iyana dalka Yahuudah ayay dadka wax ku bareen iyagoo wata kitaabkii sharciga Rabbiga, oo waxay ku dhex wareegeen magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan, oo dadkiina wax bay bareen.
  • 2 Taar 30:22 : 22 Oo Xisqiyaahna wuxuu dhiirrigeliyey kuwii reer Laawi oo hawsha Rabbiga aad u yiqiin. Oo toddobadii maalmood ee iiddu socotayba wax bay cunayeen, iyagoo qurbaanno nabaadiino bixinaya, oo Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood u mahadnaqaya.
  • Mal 2:7 : 7 Waayo, bushimaha wadaadka waxaa waajib ku ah inay aqoonta dhawraan, oo waxaa ku habboon in sharciga afkiisa laga doono, waayo, isagu waa wargeeyihii Rabbiga ciidammada.
  • 2 Kor 4:5 : 5 Waayo, annaga qudhayadu idinkuma wacdinno wax nagu saabsan, laakiin waxaannu idinku wacdinnaa wax ku saabsan Ciise Masiix oo Rabbiga ah, iyo annagoo ah addoommadiinna Ciise aawadiis.
  • Tir 4:15-49 : 15 Oo Haaruun iyo wiilashiisu markay dhammeeyaan inay dedaan meesha quduuska ah iyo alaabta meesha quduuska ah oo dhan, oo ay dadkii xeradu guurayaan, reer Qohaad ha yimaadeen oo ha qaadeen; laakiinse iyagu waa inaanay taaban waxyaalaha quduuska ah si aanay u dhiman. Waxyaalahaasu waa waxa teendhada shirka ku jira oo ay tahay in reer Qohaad qaadaan. 16 Oo wadaadka Haaruun ah wiilkiisa Elecaasaar ahuna waa inuu u taliyaa saliidda laambadda, iyo fooxa udgoon, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo saliidda lagu subkado, iyo shuqulka taambuugga oo dhan, iyo waxa ku jira oo dhan, kuwaasoo ah meesha quduuska ah iyo alaabteedaba. 17 ¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi, 18 Reer Qohaad qolooyinkooda ha ka gooynina reer Laawi dhexdooda, 19 laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda, 20 laakiinse iyagu waa inaanay xataa daqiiqad u gelin inay waxyaalaha quduuska ah arkaan, yaanay dhimane. 21 ¶ Oo haddana Rabbigu Muusuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 22 Reer Gershoonna qolo qolo iyo reer reer u soo tiri. 23 Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, kulli inta hawsha gasha si ay shuqulka teendhada shirka u sameeyaan. 24 Tanu waa hawshii qolooyinka reer Gershoon oo ah adeegidda iyo waxqaadkaba. 25 Iyagu waa inay qaadaan daahyada taambuugga, iyo teendhada shirka, iyo dedkeeda, iyo dedka ah haragga adhidibadeedka oo kor saaran, iyo ilxidhka iridda teendhada shirka, 26 iyo daahyada barxadda, iyo ilxidhka iridda barxadda ku ag taal taambuugga iyo meesha allabariga ee ku wareegsan, iyo xadhkahooda, iyo alaabta hawshooda oo dhan, oo wax alla wixii iyaga lagu sameeyo oo dhan, xaggooda waa inay kaga adeegaan. 27 Oo reer Gershoon waa inay amarka Haaruun iyo wiilashiisa ku qabtaan waxa ay qaadaan iyo shuqulka ay qabtaan oo dhan; oo idinku waa inaad ku amartaan waxay qaadayaan. 28 Oo tanuna waa qolooyinka reer Gershoon hawshooda ku saabsan teendhada shirka; oo shuqulkooduna waa inuu ka hooseeyaa gacanta Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah. 29 ¶ Oo reer Meraariina waa inaad qolo qolo iyo reer reer u soo tirisaa. 30 Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, mid kasta oo hawsha gala si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo. 31 Oo tanuna waa hawsha ay teendhada shirka ku leeyihiin ee ah waxa loo amray inay qaadaan: looxyada taambuugga, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, 32 iyo tiirarka barxadda ku wareegsan, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda, iyo xadhkahooda, iyo alaabtooda oo dhan, iyo hawshooda oo dhan. Oo magac magac waa inaad ugu amartaan alaabta ay qaadayaan. 33 Taasu waa hawshii qolooyinka reer Meraarii, sida ay tahay dhammaan hawshooda ku saabsan teendhada shirka, oo waxay ka hoosaysaa gacantii Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah. 34 ¶ Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii shirku waxay reer Qohaad u tiriyeen qolo qolo iyo reer reer, 35 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd, ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo. 36 Oo kuwoodii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol iyo konton. 37 Kuwanu waa kuwii qolooyinkii reer Qohaad ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay. 38 ¶ Oo kuwii reer Gershoon ee qolo qolo iyo reer reer loo soo tiriyey, 39 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo, 40 xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon. 41 Oo kuwanuna waa kuwii qolooyinkii reer Gershoon, ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay amarkii Rabbiga ku tiriyeen. 42 ¶ Oo kuwii qolooyinka reer Meraarii ee qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey, 43 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo hawsha geli jiray si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo, 44 xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol. 45 Kuwanu waa kuwii qolooyinka reer Meraarii oo la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay. 46 ¶ Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen, 47 intii soddon sannadood jirtay iyo intii ka sii weynayd xataa ilaa tan iyo konton jirka, mid kasta oo u geli jiray si uu shuqulka hawsha u sameeyo, iyo si uu alaabta teendhada shirka u qaado, 48 xataa kuwoodii la tiriyey waxay ahaayeen siddeed kun iyo shan boqol iyo siddeetan. 49 Oo sidii amarka Rabbigu ahaa ayaa loogu tiriyey gacantii Muuse, mid walba sidii hawshiisu ahayd iyo sidii waxqaadkiisu ahaa, oo isagii sidaasuu iyagii u tiriyey sidii Rabbigu Muuse ugu amray.
  • Tir 8:19 : 19 Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa'iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa'iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa'iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa'iil markii reer binu Israa'iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah.
  • Tir 16:9-9 : 9 Ma idinla yar tahay in Ilaaha reer binu Israa'iil idiinka soocay shirka reer binu Israa'iil inuu idin soo dhowaysto si aad u samaysaan hawsha taambuugga Rabbiga oo aad shirka hortiisa istaagtaan oo u adeegtaan, 10 iyo inuu weliba idinka iyo walaalihiinna reer Laawi oo dhanba soo dhowaystay? Oo haddana ma waxaad doonaysaan wadaadnimada?
  • 2 Taar 34:14 : 14 ¶ Oo markay soo bixiyeen lacagtii guriga Rabbiga la geliyey ayaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa helay kitaabkii sharcigii Rabbiga oo Muuse loo sii dhiibay.
  • Nex 8:7-8 : 7 Oo weliba waxaa kaloo dadkii sharciga garansiiyey Yeeshuuca, iyo Baanii, iyo Sheereebyaah, iyo Yaamiin, iyo Caquub, iyo Shabbetay, iyo Hoodiyaah, iyo Macaseeyaah, iyo Qeliitaa, iyo Casaryaah, iyo Yoosaabaad, iyo Xaanaan, iyo Felaayaah, iyo kuwii reer Laawi, oo dadkiina meeshoodii ayay istaageen. 8 Oo kitaabkii sharciga Ilaah si bayaan ah ayaa loo akhriyey, waana la micneeyey si dadku u garto waxa la akhriyey.
  • 2 Taar 8:11 : 11 Markaasaa Sulaymaan gabadhii Fircoon ka soo kaxeeyey magaaladii Daa'uud oo wuxuu keenay gurigii uu iyada u dhisay, waayo, wuxuu yidhi, Naagtaydu degganaan mayso gurigii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, meelihii sanduuqa Rabbigu yimid waa wada quduus.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey.

  • 76%

    1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu magaaladii Daa'uud ka dhistay guryo, oo sanduuqii Ilaahna meel buu u hagaajiyey, teendhona buu u dhisay.

    2Markaasaa Daa'uud yidhi, Waa inaan ninna qaadin sanduuqa Ilaah reer Laawi mooyaane, waayo, Rabbigu iyaguu u doortay inay qaadaan sanduuqa Ilaah, iyo inay isaga u adeegaan weligood.

    3Oo Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan wuxuu ku soo wada ururiyey Yeruusaalem in sanduuqii Rabbiga la keeno meeshiisii uu u hagaajiyey.

  • 4Isu diyaariya sida reerihiinna iyo kooxihiinnu yihiin si waafaqsan qorniinkii uu qoray Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil, iyo si waafaqsan qorniinkii wiilkiisa Sulaymaan.

  • 76%

    14Haddaba sidaas daraaddeed ayaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen inay soo qaadaan sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    15Markaasaa reer Laawi garbaha ku qaadeen sanduuqii Ilaah iyagoo ulihiisii ku sida, sidii Muuse amray oo uu eraygii Rabbigu ahaa.

  • 3oo waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga.

  • 19Haddaba qalbigiinna iyo naftiinna u jeediya inaad Rabbiga Ilaahiinna ah doondoontaan, oo sidaas daraaddeed kaca oo dhisa meesha quduuska ah oo Rabbiga Ilaahiinna ah, in sanduuqii axdiga Rabbiga iyo weelashii Ilaah oo quduuska ahaa la soo geliyo guriga loo dhisayo magaca Rabbiga.

  • 2Oo wadaaddadiina ayuu shuqulkoodii loo amray u kala qaybiyey, oo adeegiddii gurigii Rabbiga ayuu ku dhiirrigeliyey.

  • 25ayaa Muuse amray reer Laawi oo qaadi jiray sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi iyagii,

  • 1 Boq 8:3-4
    2 aayado
    73%

    3Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay wadaaddadii sanduuqii soo qaadeen.

    4Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan.

  • 26Weliba reer Laawina mar dambe uma baahan doonaan inay qaadaan taambuugga iyo weelashiisa lagaga adeego oo dhan.

  • 2 Taar 5:4-5
    2 aayado
    72%

    4Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay kuwii reer Laawi sanduuqii axdiga soo qaadeen.

    5Oo way keeneen sanduuqii axdiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan; oo intaas oo dhan waxaa soo qaaday wadaaddadii reer Laawi.

  • 2 Taar 5:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan u sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Ilaah.

    2¶ Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd.

  • 11Oo halkaasna waxaan dhigay sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu reer binu Israa'iil la dhigtay.

  • 31Oo iyana waxay u talin doonaan sanduuqa, iyo miiska, iyo laambadda, iyo meelaha allabariga, iyo weelasha meesha quduuska ah oo ay ku adeegaan, iyo daaha, iyo hawsha oo dhan.

  • 1¶ Markaasaa waxaa yimid dadkii reer Qiryad Yecaariim, oo waxay qaateen sanduuqii Rabbiga, oo waxay soo geliyeen gurigii Abiinaadaab ee buurta ku yiil, oo waxay quduus ka dhigeen wiilkiisii Elecaasaar inuu hayo sanduuqii Rabbiga.

  • 1¶ Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd.

  • 5Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.

  • 7Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.

  • 25Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo odayaashii reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyeyba waxay u tageen inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan gurigii Cobeed Edoom iyagoo faraxsan.

  • 6Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda.

  • 6¶ Markaasuu wiilkiisii Sulaymaan u yeedhay oo wuxuu ku amray inuu guri u dhiso Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 21Oo halkaasna meel baan uga sameeyey sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu awowayaasheen la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar.

  • 4Laakiinse sanduuqii axdiga Ilaah Daa'uud baa ka soo qaaday Qiryad Yecaariim oo wuxuu keenay meeshii Daa'uud u diyaariyey, waayo, isagu Yeruusaalem ayuu teendho uga dhisay.

  • 10Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu diiday inuu wado sanduuqii Rabbiga oo uu geeyo magaaladii Daa'uud; laakiinse Daa'uud sanduuqii buu gees ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad.

  • 17Sanduuqii Rabbigana gudahay soo geliyeen oo meeshiisii bay dhigeen, taasoo ahayd teendhadii Daa'uud u dhisay badhtankeeda; kolkaasaa Daa'uud Rabbiga hortiisa ku bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

  • 4¶ Oo kuwii reer Laawi qaarkoodna wuxuu u doortay inay ka adeegaan sanduuqa Rabbiga hortiisa, iyo inay xusuustaan oo ku mahadnaqaan oo ammaanaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

  • 32wayna ilaalin jireen teendhada shirka, iyo meesha quduuska ah, iyo reer Haaruun oo iyaga walaalahood ah, oo saasay uga adeegi jireen guriga Rabbiga.

  • 10Haddaba iska jir, waayo, Rabbigu wuxuu kuu doortay inaad meesha quduuska ah guri u dhistid. Xoog yeelo oo samee.

  • 31¶ Kuwanuna waa kuwii Daa'uud u sarraysiiyey hawshii gabayga oo gurigii Rabbiga ku dhex jirtay markii sanduuqii axdiga meeshaas la dhigay dabadeed.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas markaad tarantaan oo aad dalka dhexdiisa ku badataan, waxay noqon doontaa inaan mar dambe la odhan, Sanduuqii axdiga Rabbiga, oo lagamana fikiri doono, lamana soo xusuusan doono, lamana soo booqan doono, oo mar dambena lama samayn doono.

  • 13Sidaas daraaddeed Daa'uud sanduuqii ma geeyn magaaladiisii, laakiinse gees buu ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad.

  • 69%

    6Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Bacalaah, oo ah Qiryad Yecaariim, oo ay reer Yahuudah iska leeyihiin, inay halkaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah oo ah meesha Rabbiga Keruubiimta kala dhex fadhiya magiciisa lagu baryo.

    7Oo sanduuqii Ilaah gaadhi cusub bay saareen, markay ka soo bixiyeen gurigii Abiinaadaab, oo gaadhigiina waxaa waday Cuusaa iyo Axiyoo.

  • 2Dabadeedna Daa'uud baa kacay, oo la tegey dadkii isaga la jiray ee ka yimid Bacale Yahuudah oo dhan, inay xaggaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah, kaasoo lagu magacaabo Magaca, waxa weeye Magaca Rabbiga ciidanka ee dhex fadhiya keruubiimta.

  • 5Oo inaan mar dambe cadho ku dhicin reer binu Israa'iil idiinku waa inaad dhawrtaan hawsha meesha quduuska ah iyo hawsha meesha allabariga.

  • 50laakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan.

  • 25Oo kuwii reer Laawina wuxuu soo taagay gurigii Rabbiga gudihiisa iyagoo haysta suxuun laysku garaaco iyo shareerado iyo kataarado, siduu ahaa amarkii Daa'uud iyo amarkii Gaad oo ahaa waxarkihii boqorka, iyo amarkii Nebi Naataan, waayo, amarku wuxuu ka yimid Rabbiga xaggiisa, oo nebiyadiisii buu u soo dhiibay.

  • 3Oo waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa.

  • 41Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso oo gal meeshaada nasashada, adiga iyo sanduuqa xooggaaguba. Rabbiyow, Ilaahow, wadaaddadaadu badbaado ha huwaadeen, oo quduusiintaaduna wanaag ha ku farxeen.

  • 27Oo Daa'uudna wuxuu xidhnaa dhar aad u wanaagsan, isaga iyo kuwii reer Laawi oo sanduuqa qaaday oo dhan, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo Kenanyaah oo ahaa madaxdii gabayga oo la jiray nimankii gabayaaga ahaa, oo Daa'uudna wuxuu qabay eefod maro wanaagsan ah.

  • 2Markaasaa Boqor Daa'uud cagaha isku taagay, oo wuxuu yidhi, Walaalahay iyo dadkaygiiyow, i maqla. Aniga waxaa qalbigayga ku jirtay inaan guri nasasho u dhiso sanduuqa axdiga Rabbiga iyo meel uu Ilaaheennu cago saaro, oo dhismihiina alaab baan u diyaariyey.

  • 3Oo weliba aynu sanduuqii Ilaaheenna mar kale soo ceshanno, waayo, isagii waynu iska daynay wakhtigii Saa'uul noolaa.