2 Samuu'eel 6:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu diiday inuu wado sanduuqii Rabbiga oo uu geeyo magaaladii Daa'uud; laakiinse Daa'uud sanduuqii buu gees ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 26:4-8 : 4 Oo Cobeed Edoomna wuxuu lahaa wiilal, oo curadkiisii wuxuu ahaa Shemacyaah, kii labaadna Yehoosaabaad, kii saddexaadna Yoo'aax, kii afraadna Saakaar, kii shanaadna Netaneel, 5 kii lixaadna Ammii'eel, kii toddobaadna Isaakaar, kii siddeedaadna Fecultay, waayo, Ilaah baa isaga barakeeyey. 6 Oo weliba wiilkiisii Shemacyaahna wiilal baa u dhashay, oo iyagaa u talin jiray reerkii aabbahood, waayo, waxay ahaayeen rag xoog badan. 7 Wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Cotnii, iyo Refa'eel, iyo Coobeed, iyo Elsaabaad, walaalahoodna oo ah Eliihuu iyo Semakiyaah waxay ahaayeen rag xoog badan. 8 Oo kulli intaasoo dhammu waxay ahaayeen reer Cobeed Edoom, oo iyaga iyo wiilashoodii iyo walaalahoodba waxay ahaayeen rag xoog iyo karti adeegidda u leh, waxayna ahaayeen laba iyo lixdan nin oo reer Cobeed Edoom wada ah.
  • 2 Sam 4:3 : 3 oo reer Bi'irodna waxay u carareen xagga Gitayim, oo halkaasay degganaayeen ilaa maantadan).
  • 2 Sam 15:19 : 19 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi Itay oo ahaa reer Gad, War adiguna maxaad noola socotaa? Noqo, oo boqorka la joog; waayo, adigu waxaad tahay qariib, iyo weliba mid waddankiisii laga soo masaafuriyey.
  • 2 Sam 18:2 : 2 Markaasaa Daa'uud dadkii diray, oo wuxuu u qaybiyey saddex meelood, kolkaasuu meel wuxuu u dhiibay Yoo'aab, meelna wuxuu u dhiibay Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay ee ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo meeshii kalena wuxuu u dhiibay Itay kii reer Gad. Markaasaa boqorkii wuxuu dadkii ku yidhi, Sida xaqiiqada ah aniga qudhayduna waan idin raacayaa.
  • 1 Taar 13:13-14 : 13 Sidaas daraaddeed Daa'uud sanduuqii ma geeyn magaaladiisii, laakiinse gees buu ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad. 14 Oo saddex bilood ayaa sanduuqii Ilaah gurigii Cobeed Edoom xaaskiisa la yiil, oo Rabbiguna wuu barakeeyey Cobeed Edoom reerkiisii iyo wixii uu haystay oo dhan.
  • 1 Taar 15:18 : 18 oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal.
  • 1 Taar 16:5 : 5 kuwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    9Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Kiidon ayaa Cuusaa gacanta fidiyey si uu u qabto sanduuqii, waayo, dibidii sidday ayaa turunturootay.

    10Markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday Cuusaa, wuuna dilay, maxaa yeelay, isagu wuxuu gacanta ku fidiyey sanduuqa, oo halkaasuu ku dhintay Ilaah hortiisa.

    11Oo Daa'uudna taas buu ka xumaaday, maxaa yeelay, Rabbigu degdeg buu u qabtay Cuusaa, oo meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Feres Cuusaa, oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa.

    12Oo Daa'uudna maalintaas wuu ka baqay Ilaah, oo wuxuu isyidhi, Sanduuqa Ilaah bal sidee baan magaaladayda u geeysanayaa?

    13Sidaas daraaddeed Daa'uud sanduuqii ma geeyn magaaladiisii, laakiinse gees buu ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad.

    14Oo saddex bilood ayaa sanduuqii Ilaah gurigii Cobeed Edoom xaaskiisa la yiil, oo Rabbiguna wuu barakeeyey Cobeed Edoom reerkiisii iyo wixii uu haystay oo dhan.

  • 85%

    11Oo saddex bilood ayaa sanduuqii Rabbigu gurigii Cobeed Edoom yiil; oo Rabbiguna wuu barakeeyey Cobeed Edoom iyo reerkiisii oo dhanba.

    12Markaasaa Daa'uud loo soo sheegay oo lagu yidhi, Rabbigu waa barakeeyey Cobeed Edoom reerkiisii, iyo wixii uu lahaa oo dhan, taasuna waa sanduuqa Ilaah aawadiis. Markaasaa Daa'uud tegey oo sanduuqii Ilaah ka soo qaaday gurigii Cobeed Edoom oo farax ku soo geliyey magaaladii Daa'uud.

    13Oo markii kuwii sanduuqa Rabbiga siday ay lix tallaabo socdeen wuxuu allabari u qalay dibi iyo nef kale oo shilis.

    14Oo Daa'uudna Rabbiga hortiisuu xooggiisii oo dhan ugu cayaaray, wuxuuna guntanaa eefod dhar wanaagsan laga sameeyey.

    15Sidaasay Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu u soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyagoo qaylinaya oo buunna ka dhawaajinaya.

  • 9Oo Daa'uudna Rabbiga wuu ka baqay maalintaas, oo wuxuu isyidhi, Sanduuqa Rabbigu sidee buu iigu imanayaa?

  • 25Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo odayaashii reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyeyba waxay u tageen inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan gurigii Cobeed Edoom iyagoo faraxsan.

  • 79%

    1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu magaaladii Daa'uud ka dhistay guryo, oo sanduuqii Ilaahna meel buu u hagaajiyey, teendhona buu u dhisay.

    2Markaasaa Daa'uud yidhi, Waa inaan ninna qaadin sanduuqa Ilaah reer Laawi mooyaane, waayo, Rabbigu iyaguu u doortay inay qaadaan sanduuqa Ilaah, iyo inay isaga u adeegaan weligood.

    3Oo Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan wuxuu ku soo wada ururiyey Yeruusaalem in sanduuqii Rabbiga la keeno meeshiisii uu u hagaajiyey.

  • 2 Sam 6:2-4
    3 aayado
    78%

    2Dabadeedna Daa'uud baa kacay, oo la tegey dadkii isaga la jiray ee ka yimid Bacale Yahuudah oo dhan, inay xaggaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah, kaasoo lagu magacaabo Magaca, waxa weeye Magaca Rabbiga ciidanka ee dhex fadhiya keruubiimta.

    3Oo sanduuqii Ilaah gaadhi cusub bay saareen, iyagoo ka soo bixiyey gurigii Abiinaadaab oo buurta ku yiil; markaasaa gaadhigii cusbaa waxaa waday Abiinaadaab wiilashiisii oo ahaa Cuusaah iyo Axiyoo.

    4Oo sidaasay uga soo bixiyeen gurigii Abiinaadaab, oo buurta ku yiil, iyagoo wada sanduuqii Ilaah; oo Axiyoo ayaa sanduuqii hor maray.

  • 4Laakiinse sanduuqii axdiga Ilaah Daa'uud baa ka soo qaaday Qiryad Yecaariim oo wuxuu keenay meeshii Daa'uud u diyaariyey, waayo, isagu Yeruusaalem ayuu teendho uga dhisay.

  • 77%

    5Markaasuu Daa'uud soo wada shiriyey reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ka soo ururiyey tan iyo Shiixoor oo ah durdurka Masar iyo xataa tan iyo meesha Xamaad laga galo in sanduuqii Ilaah Qiryad Yecaariim laga soo qaado.

    6Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Bacalaah, oo ah Qiryad Yecaariim, oo ay reer Yahuudah iska leeyihiin, inay halkaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah oo ah meesha Rabbiga Keruubiimta kala dhex fadhiya magiciisa lagu baryo.

    7Oo sanduuqii Ilaah gaadhi cusub bay saareen, markay ka soo bixiyeen gurigii Abiinaadaab, oo gaadhigiina waxaa waday Cuusaa iyo Axiyoo.

  • 17Sanduuqii Rabbigana gudahay soo geliyeen oo meeshiisii bay dhigeen, taasoo ahayd teendhadii Daa'uud u dhisay badhtankeeda; kolkaasaa Daa'uud Rabbiga hortiisa ku bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

  • 6Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Naakoon ayaa Cuusaah gacanta ku fidiyey sanduuqii Ilaah, wuuna qabtay; maxaa yeelay, dibidii sidday ayaa turunturootay.

  • 1 Sam 5:7-8
    2 aayado
    75%

    7Oo dadkii reer Ashdood markay arkeen inay saas tahay ayay yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waa inaanu ina dhex oollin; waayo, gacantiisii aad bay inoogu adag tahay, innaga iyo ilaaheenna Daagoonba.

    8Sidaas daraaddeed waxay u cid dirteen oo soo urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, War maxaynu ku samaynaa sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil ha lagu soo wareejiyo Gad. Oo iyana sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil halkaasay ku soo wareejiyeen.

  • 29Sidaas daraaddeed Saadooq iyo Aabyaataar sanduuqii Ilaah bay qaadeen, waxayna mar kale ku celiyeen Yeruusaalem, oo iyana halkaasay iska sii joogeen.

  • 1¶ Oo sanduuqii Rabbiguna wuxuu waddankii reer Falastiin yiil toddoba bilood.

  • 1¶ Oo iyana sanduuqii Ilaah gudahay soo geliyeen, oo dhex dhigeen teendhadii Daa'uud u dhisay, oo waxay Ilaah hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

  • 1 Sam 5:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Haddaba reer Falastiin way qaateen sanduuqii Ilaah, oo waxay ka keeneen Ebenceser, oo geeyeen Ashdood.

    2Markaasay reer Falastiin sanduuqii Ilaah qaateen, oo intay geliyeen gurigii Daagoon ayay ag qotomiyeen Daagoon.

  • 30Laakiinse Daa'uud meeshaas ma uu hor tegi karin inuu Ilaah wax soo weyddiisto, maxaa yeelay, wuxuu ka baqayay seeftii malagga Rabbiga.

  • 1¶ Markaasaa waxaa yimid dadkii reer Qiryad Yecaariim, oo waxay qaateen sanduuqii Rabbiga, oo waxay soo geliyeen gurigii Abiinaadaab ee buurta ku yiil, oo waxay quduus ka dhigeen wiilkiisii Elecaasaar inuu hayo sanduuqii Rabbiga.

  • 1 Sam 6:8-10
    3 aayado
    73%

    8markaas qaada sanduuqa Rabbiga oo saara gaadhiga, oo dahabka aad ugu celinaysaan qurbaankii xadgudubka aawadiisna intaad sanduuq ku riddaan dhinaciisa saara, oo markaas iska dira ha tagee.

    9Oo bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay.

    10Oo dadkiina sidii bay yeeleen, oo waxay soo wateen laba sac oo irmaan, oo waxay ku xidheen gaadhigii, oo weylahoodiina waxay ku xereeyeen guriga;

  • 54Markaasaa Daa'uud madaxii kii reer Falastiin qaaday, oo Yeruusaalem keenay, laakiinse hubkiisii teendhadiisuu dhigay.

  • 3Oo weliba aynu sanduuqii Ilaaheenna mar kale soo ceshanno, waayo, isagii waynu iska daynay wakhtigii Saa'uul noolaa.

  • 72%

    24Oo bal eeg, Saadooqna waa yimid, isagoo ay la socdaan reer Laawi oo dhan, oo sida sanduuqii axdiga Ilaah, markaasay sanduuqii Ilaah dhigeen, oo Aabyaataarna kor buu tegey, ilaa dadkii oo dhammu ay magaaladii ka soo gudbeen.

    25Markaasaa boqorkii wuxuu Saadooq ku yidhi, Sanduuqa Ilaah qaad oo magaaladii ku celi. Hadduu Rabbigu raalli iga yahay, mar kaluu i soo celin doonaa, oo wuu i tusi doonaa isaga iyo rugta Ilaahba.

  • 10Sidaas daraaddeed waxay sanduuqii Ilaah u direen xagga Ceqroon. Oo markii sanduuqii Ilaah Ceqroon yimid ayay reer Ceqroon wada qayliyeen, oo yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waxay inoogu keeneen inay ina laayaan innaga iyo dadkeennaba.

  • 1¶ Oo waxay noqotay markii Daa'uud gurigiisii degay, in Daa'uud Nebi Naataan ku yidhi, Bal eeg, anigu waxaan degganahay guri qori kedar ah laga sameeyey, laakiinse sanduuqii axdiga Rabbigu wuxuu yaal daahyo hoostood.

  • 18Markaasaa Saa'uul wuxuu Axiiyaah ku yidhi, Sanduuqii Ilaah halkan keen. Waayo, waagaas sanduuqa Ilaah wuxuu la jiray reer binu Israa'iil.

  • 7Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, oo sidaas daraaddeed waxaa loo bixiyey magaaladii Daa'uud.

  • 15Markaasaa reer Laawi garbaha ku qaadeen sanduuqii Ilaah iyagoo ulihiisii ku sida, sidii Muuse amray oo uu eraygii Rabbigu ahaa.

  • 21Oo waxay wargeeysyo u direen dadkii degganaa Qiryad Yecaariim, oo waxayna ku yidhaahdeen, Reer Falastiin haddana way soo celiyeen sanduuqii Rabbiga, haddaba idinku kaalaya oo qaata.

  • 15Markaasay kuwii reer Laawi soo dejiyeen sanduuqii Rabbiga, iyo sanduuqii isaga la jirayba ee alaabta dahabka ahu ku jirtay, oo waxay kor saareen dhagaxii weynaa; oo isla maalintaas ayaa dadkii reer Beytshemesh Rabbiga u bixiyeen qurbaanno la gubo iyo allabaryo.

  • 10¶ Markaasaa Daa'uud kacay, oo maalintaas wuxuu u cararay cabsi uu Saa'uul ka qabay aawadeed, oo wuxuu u tegey Aakiish oo boqorkii Gad ahaa.

  • 13Oo kuwii reer Beytshemeshna waxay dooxada ka goosanayeen sarreenkoodii; oo intay indhahoodii kor u qaadeen ayay arkeen sanduuqii, oo way ku reyreeyeen inay arkaan.