1 Samuu'eel 6:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay kuwii reer Laawi soo dejiyeen sanduuqii Rabbiga, iyo sanduuqii isaga la jirayba ee alaabta dahabka ahu ku jirtay, oo waxay kor saareen dhagaxii weynaa; oo isla maalintaas ayaa dadkii reer Beytshemesh Rabbiga u bixiyeen qurbaanno la gubo iyo allabaryo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 3:3 : 3 oo waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Sam 6:7-14
    8 aayado
    85%

    7Haddaba sidaas daraaddeed qaata oo diyaariya gaadhi cusub, iyo laba sac oo irmaan ee aan weligood harqood la saarin, oo sacaha gaadhiga ku xidha, weylahoodana ka soo celiya oo guriga keena;

    8markaas qaada sanduuqa Rabbiga oo saara gaadhiga, oo dahabka aad ugu celinaysaan qurbaankii xadgudubka aawadiisna intaad sanduuq ku riddaan dhinaciisa saara, oo markaas iska dira ha tagee.

    9Oo bal eega, haddii uu aado xagga xuduudkiisa iyo ilaa Beytshemesh, de markaas isagaa xumaantan weyn inagu sameeyey; haddii kalese waxaannu ogaanaynaa inaanay gacantiisii ahayn waxa ina laayay, ee uu ahaa wax iskaga keen dhacay.

    10Oo dadkiina sidii bay yeeleen, oo waxay soo wateen laba sac oo irmaan, oo waxay ku xidheen gaadhigii, oo weylahoodiina waxay ku xereeyeen guriga;

    11oo sanduuqii Rabbiga iyo sanduuqii ay ku jireen jiirarkii dahabka ahaa iyo taswiirtii kasoobaxyada waxay saareen gaadhigii.

    12Sacihiina waxay qaadeen jidkii toosnaa oo Beytshemesh, oo waxay tageen xagga jidkii weynaa iyagoo sii bunaaxinaya intii ay sii socdeen, oo midig iyo bidix toona uma ay leexan, oo madaxdii reer Falastiinna way daba socdeen ilaa soohdintii Beytshemesh.

    13Oo kuwii reer Beytshemeshna waxay dooxada ka goosanayeen sarreenkoodii; oo intay indhahoodii kor u qaadeen ayay arkeen sanduuqii, oo way ku reyreeyeen inay arkaan.

    14Oo gaadhigiina wuxuu soo galay beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh, oo wuxuu istaagay meel dhagax weynu ku yiil; oo intay qoryihii gaadhiga jeexjeexeen ayay sacihiina Rabbiga ugu bixiyeen qurbaan la gubo aawadiis.

  • 79%

    12Markaasaa Daa'uud loo soo sheegay oo lagu yidhi, Rabbigu waa barakeeyey Cobeed Edoom reerkiisii, iyo wixii uu lahaa oo dhan, taasuna waa sanduuqa Ilaah aawadiis. Markaasaa Daa'uud tegey oo sanduuqii Ilaah ka soo qaaday gurigii Cobeed Edoom oo farax ku soo geliyey magaaladii Daa'uud.

    13Oo markii kuwii sanduuqa Rabbiga siday ay lix tallaabo socdeen wuxuu allabari u qalay dibi iyo nef kale oo shilis.

  • 79%

    16Oo shantii madaxda ahayd oo reer Falastiinna markay arkeen ayay isla maalintaas Ceqroon ku noqdeen.

    17¶ Oo kuwanu waa kasoobaxyadii dahabka ahaa ee reer Falastiin Rabbiga ugu celiyeen qurbaan xadgudub aawadiis; Ashdood aawadeed mid baa loo celiyey, Gaasa aawadeedna mid, Ashqeloon aawadeedna mid, Gad aawadeedna mid, Ceqroon aawadeedna mid;

    18oo jiirarkii dahabka ahaana waxay tiro le'ekaayeen magaalooyinkii reer Falastiin oo shantii madaxda ahayd lahaayeen oo dhan, oo waa laga wada bixiyey magaalooyinkii deyrka lahaa iyo tuulooyinkii duurka ku yiilba iyo ilaa xataa dhagaxii weynaa ee ay dul saareen sanduuqii Rabbiga, kaasoo xataa ilaa maantadan la joogo dhex yaal beertii Yashuuca kii reer Beytshemesh.

    19Oo isna wuu laayay dadkii Beytshemesh, maxaa yeelay, waxay dhugteen sanduuqii Rabbiga gudihiisa, oo wuxuu dadkii ka laayay konton kun iyo toddobaatan nin, oo dadkiina way baroorteen, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu laayay dad aad u badan.

    20Markaasaa dadkii Beytshemesh waxay yidhaahdeen, Bal yaa awooda inuu hor istaago Rabbiga ah Ilaahan quduuska ah? Oo bal yuu nooga tegayaa?

    21Oo waxay wargeeysyo u direen dadkii degganaa Qiryad Yecaariim, oo waxayna ku yidhaahdeen, Reer Falastiin haddana way soo celiyeen sanduuqii Rabbiga, haddaba idinku kaalaya oo qaata.

  • 1 Sam 6:1-3
    3 aayado
    76%

    1¶ Oo sanduuqii Rabbiguna wuxuu waddankii reer Falastiin yiil toddoba bilood.

    2Markaas reer Falastiin waxay u yeedheen wadaaddadii iyo kuwii wax sheegi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Sanduuqa Rabbiga maxaannu ku samaynaa? Bal noo sheega waxaannu ugu dirno meeshiisii.

    3Kolkaasay iyana waxay yidhaahdeen, Haddaad diraysaan sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil, isagoo madhan ha dirina; laakiinse si walba qurbaan xadgudub u celiya; oo dabadeedna waad bogsan doontaan, oo waxaad ogaan doontaan sababta gacantiisu idinkaga dhaqaaqi weyday.

  • 76%

    25Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo odayaashii reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyeyba waxay u tageen inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan gurigii Cobeed Edoom iyagoo faraxsan.

    26Oo markii Ilaah caawiyey kuwii reer Laawi oo qaaday sanduuqii axdiga Rabbiga ayay toddoba dibi iyo toddoba wan ku allabaryeen.

  • 17Sanduuqii Rabbigana gudahay soo geliyeen oo meeshiisii bay dhigeen, taasoo ahayd teendhadii Daa'uud u dhisay badhtankeeda; kolkaasaa Daa'uud Rabbiga hortiisa ku bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

  • 1¶ Oo iyana sanduuqii Ilaah gudahay soo geliyeen, oo dhex dhigeen teendhadii Daa'uud u dhisay, oo waxay Ilaah hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

  • 75%

    14Haddaba sidaas daraaddeed ayaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi isdaahiriyeen inay soo qaadaan sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    15Markaasaa reer Laawi garbaha ku qaadeen sanduuqii Ilaah iyagoo ulihiisii ku sida, sidii Muuse amray oo uu eraygii Rabbigu ahaa.

  • 6Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Naakoon ayaa Cuusaah gacanta ku fidiyey sanduuqii Ilaah, wuuna qabtay; maxaa yeelay, dibidii sidday ayaa turunturootay.

  • 1¶ Markaasaa waxaa yimid dadkii reer Qiryad Yecaariim, oo waxay qaateen sanduuqii Rabbiga, oo waxay soo geliyeen gurigii Abiinaadaab ee buurta ku yiil, oo waxay quduus ka dhigeen wiilkiisii Elecaasaar inuu hayo sanduuqii Rabbiga.

  • 15Sidaasay Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu u soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyagoo qaylinaya oo buunna ka dhawaajinaya.

  • 2 Sam 6:2-4
    3 aayado
    73%

    2Dabadeedna Daa'uud baa kacay, oo la tegey dadkii isaga la jiray ee ka yimid Bacale Yahuudah oo dhan, inay xaggaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah, kaasoo lagu magacaabo Magaca, waxa weeye Magaca Rabbiga ciidanka ee dhex fadhiya keruubiimta.

    3Oo sanduuqii Ilaah gaadhi cusub bay saareen, iyagoo ka soo bixiyey gurigii Abiinaadaab oo buurta ku yiil; markaasaa gaadhigii cusbaa waxaa waday Abiinaadaab wiilashiisii oo ahaa Cuusaah iyo Axiyoo.

    4Oo sidaasay uga soo bixiyeen gurigii Abiinaadaab, oo buurta ku yiil, iyagoo wada sanduuqii Ilaah; oo Axiyoo ayaa sanduuqii hor maray.

  • 2 Taar 5:4-5
    2 aayado
    72%

    4Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay kuwii reer Laawi sanduuqii axdiga soo qaadeen.

    5Oo way keeneen sanduuqii axdiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan; oo intaas oo dhan waxaa soo qaaday wadaaddadii reer Laawi.

  • 12oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey.

  • 1 Sam 5:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Haddaba reer Falastiin way qaateen sanduuqii Ilaah, oo waxay ka keeneen Ebenceser, oo geeyeen Ashdood.

    2Markaasay reer Falastiin sanduuqii Ilaah qaateen, oo intay geliyeen gurigii Daagoon ayay ag qotomiyeen Daagoon.

  • 1 Boq 8:3-4
    2 aayado
    71%

    3Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay wadaaddadii sanduuqii soo qaadeen.

    4Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan.

  • 3Oo markay dadkii xeradii yimaadeen ayay odayaashii reer binu Israa'iil yidhaahdeen, Maanta maxaa Rabbigu inoogu laayay reer Falastiin hortooda? Haddaba sanduuqii axdiga Rabbiga aynu Shiiloh ka soo qaadanno oo dhexdeenna ha yimaado, inuu inaga badbaadiyo gacanta cadaawayaasheenna.

  • 9Oo markay yimaadeen meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Kiidon ayaa Cuusaa gacanta fidiyey si uu u qabto sanduuqii, waayo, dibidii sidday ayaa turunturootay.

  • 71%

    6Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Bacalaah, oo ah Qiryad Yecaariim, oo ay reer Yahuudah iska leeyihiin, inay halkaas ka soo qaadaan sanduuqii Ilaah oo ah meesha Rabbiga Keruubiimta kala dhex fadhiya magiciisa lagu baryo.

    7Oo sanduuqii Ilaah gaadhi cusub bay saareen, markay ka soo bixiyeen gurigii Abiinaadaab, oo gaadhigiina waxaa waday Cuusaa iyo Axiyoo.

  • 11Oo halkaasna waxaan dhigay sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu reer binu Israa'iil la dhigtay.

  • 10Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu diiday inuu wado sanduuqii Rabbiga oo uu geeyo magaaladii Daa'uud; laakiinse Daa'uud sanduuqii buu gees ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad.

  • 6Oo reer Falastiinna markay maqleen dhawaaqii qaylada ayay yidhaahdeen, Dhawaaqa qaylada weyn ee xeradii Cibraaniyadii ka baxaya micnihiisu waa maxay? Markaasay garteen inuu sanduuqii Rabbigu xeradii dhex yimid.

  • 28Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.

  • 2Markaasaa Daa'uud yidhi, Waa inaan ninna qaadin sanduuqa Ilaah reer Laawi mooyaane, waayo, Rabbigu iyaguu u doortay inay qaadaan sanduuqa Ilaah, iyo inay isaga u adeegaan weligood.

  • 24Markaasay magaaladii iyo wixii ku jirayba dab ku gubeen, oo waxay keliyahoo khasnaddii Rabbiga geliyeen lacagtii iyo dahabkii, iyo alaabtii naxaasta iyo birta ahayd.

  • 8Sidaas daraaddeed waxay u cid dirteen oo soo urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, War maxaynu ku samaynaa sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil ha lagu soo wareejiyo Gad. Oo iyana sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil halkaasay ku soo wareejiyeen.

  • 12¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wadaaddadiina waxay kor u qaadeen sanduuqii Rabbiga.