1 Boqorradii 9:17
Markaasaa Sulaymaan dhisay Geser, iyo Beytxooroontii hoose,
Markaasaa Sulaymaan dhisay Geser, iyo Beytxooroontii hoose,
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
1¶ Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan guriga Rabbiga iyo gurigiisiiba dhisayay,
2ayuu Sulaymaan dhisay magaalooyinkii Xuuraam isaga siiyey, oo wuxuu halkaas dejiyey reer binu Israa'iil.
3¶ Oo haddana Sulaymaan wuxuu tegey Xamad Soobaah, wuuna ka adkaaday.
4Oo cidladiina ayuu Tadmor ka dhisay, oo weliba wuxuu Xamaad ka dhisay magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo dhan.
5Oo weliba wuxuu kaloo dhisay Beytxooroontii sare iyo Beytxooroontii hooseba, wuxuuna ka dhigay magaalooyin deyr leh oo ay derbiyo ku wareegsan yihiin oo irdo iyo qataarroba leh,
6iyo weliba Bacalad, iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa oo dhan, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem, iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.
15¶ Oo sababtii uu Sulaymaan shaqaalayaashii u doortay waxay ahayd inuu dhiso gurigii Rabbiga, iyo gurigii uu isagu lahaa, iyo Millo, iyo derbigii Yeruusaalem, iyo Xaasoor, iyo Megiddoo, iyo Geser.
16Waayo, Fircoon oo ahaa boqorkii Masar mar horuu tegey oo Geser qabsaday oo gubay, oo wuxuu laayay dadkii reer Kancaan oo magaalada degganaa, oo qayb ahaan ayuu u siiyey gabadhiisii Sulaymaan u dhaxday.
18iyo Bacalad, iyo Taamaar oo ku dhex tiil cidladii dalka,
19iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray ee uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.
10¶ Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan labadii guri dhisayay, kuwaasoo ahaa gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka,
11ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.)
1¶ Oo Sulaymaan markuu dhammeeyey dhismihii guriga Rabbiga, iyo gurigii boqorka, iyo kulli wixii uu damacsanaa oo uu ku faraxsanaa inuu sameeyo oo dhan,
2ayaa Rabbigu Sulaymaan mar labaad u muuqday, siduu markii hore Gibecoon ugu muuqday oo kale.
1¶ Markaasaa Sulaymaan bilaabay inuu gurigii Rabbiga Yeruusaalem ka dhiso oo ka dul dhiso Buur Moriyaah oo ahayd meeshii Rabbigu ugu muuqday aabbihiis Daa'uud, oo wuxuu wax ku diyaarshay meeshii Daa'uud doortay oo ahayd meeshii wax lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa.
3Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan iyo gurigii uu dhisay,
47Laakiinse Sulaymaan baa guri u dhisay.
16¶ Haddaba Sulaymaan shuqulkiisa oo dhammu diyaar buu u ahaa maalintii guriga Rabbiga aasaaskiisa la dhigay iyo ilaa maalintii la dhammeeyey. Oo sidaasaa guriga Rabbiga loo ebyey.
17¶ Markaasaa Sulaymaan wuxuu tegey xagga Cesyoon Geber iyo Eelood oo ku yaal xeebta badda ee dalka Edom.
17Markaasaa boqorkii amray, oo iyana waxay soo jareen dhagxan waaweyn oo qaali ah, inay dhagxan la qoray ka dhigaan aasaaskii guriga.
18Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.
24Oo gabadhiisana waxaa la odhan jiray She'eraah, oo iyadu waxay dhistay Beytxooroon tan hoose iyo tan sareba, iyo weliba Useen She'eraah.
1¶ Haddaba Sulaymaan wuxuu u qasdiyey inuu guri u dhiso Rabbiga magiciisa, iyo guri kale oo boqortooyadiisu leedahay.
3oo wuxuu dhanka galbeed ka maray soohdinta reer Yaafleetii iyo ilaa soohdinta Beytxooroonta hoose iyo tan iyo xataa Geser; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda.
6Oo kuwuu dhisay waxay ahaayeen Beytlaxam, iyo Ceetaam, iyo Teqooca,
7iyo Beytsuur, iyo Sookoo, iyo Cadullaam,
24Laakiinse gabadhii Fircoon waxay ka soo baxday magaaladii Daa'uud, oo gashay gurigeedii uu Sulaymaan iyada u dhisay; markaasuu haddana wuxuu dhisay Millo.
9Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado Ka samaystay qoryihii Lubnaan.
1¶ Oo Sulaymaan gurigiisana wuxuu dhisayay saddex iyo toban sannadood, oo gurigiisii oo dhanna wuu dhammeeyey.
14Sidaasaa Sulaymaan gurigii u dhisay oo u dhammeeyey.
7Markaasaa Sulaymaan wuxuu meel sare uga dhisay buurtii Yeruusaalem ku hor tiil Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Molokh oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon.
4Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan oo dhan, iyo gurigii uu dhisay,
4Oo haddana wuxuu magaalooyin ka dhisay dalka Yahuudah oo buuraha leh, oo kaynta dhexdeedana wuxuu ka dhisay qalcado iyo munaarado.
26¶ Markaasaa Boqor Sulaymaan doonniyo ku sameeyey Cesyoon Geber taasoo ku taal Eelood dhinaceeda ee ah xeebta Badda Cas ee ku taal dalka Edom.
10iyo Sorcaah, iyo Ayaaloon, iyo Xebroon, oo dhammaantood ku yaal dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin, waxayna wada ahaayeen magaalooyin deyr leh.
8Oo gurigiisii uu degi lahaana wuxuu ku yiil balbalada barxaddeeda kale, oo isku si baana loo dhisay. Oo guri balbaladan u eg ayuu u dhisay gabadhii Fircoon (oo Sulaymaan guursaday).
9Oo kuwanu dhammaantood waxay ahaayeen dhagxan qaali ah oo qiyaas loo qoray, oo kor iyo hoosba miinshaaro lagu gooyay tan iyo salka iyo baarka, oo dibadduna saasay ahayd tan iyo barxadda weyn.
12¶ Oo haddana Sulaymaan wuxuu Rabbiga qurbaanno la gubo ugu bixiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo uu isagu ka dhisay balbalada horteedii.
1¶ Markaasaa Sulaymaan xidhiidh la yeeshay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, oo soo kaxaystay Fircoon gabadhiisii, wuxuuna keenay magaaladii Daa'uud ilaa uu dhammeeyey dhismihii gurigiisa, iyo gurigii Ilaah, iyo derbigii Yeruusaalem ku wareegsanaa.
2Oo dadka ayaa ku allabaryi jiray meelaha sarsare oo keliya, maxaa yeelay, ilaa wakhtigaas ma uu jirin guri magaca Ilaah loo dhisay.
22iyo Beytcaraabaah, iyo Semaarayim, iyo Beytel,
6Markaasuu baxay oo reer Falastiin la dagaallamay, oo wuxuu dumiyey derbigii Gad, iyo derbigii Yabneh, iyo derbigii Ashdood, oo wuxuu magaalooyin ka dhisay waddankii reer Ashdood iyo reer Falastiin dhexdoodaba.
12Oo Yehooshaafaadna aad iyo aad buu u sii weynaaday, oo wuxuu dalka Yahuudah ka dhex dhisay qalcado iyo magaalooyin wax lagu kaydiyo.
44iyo Elteqeeh, iyo Gibbetoon, iyo Bacalad,
21kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay oo anay reer binu Israa'iil karin inay wada baabbi'iyaan, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.
27Tanu waxa weeye sababtii uu boqorkii gacanta ugu qaaday: Sulaymaan wuxuu dhisay Millo, oo uu hagaajiyey dildillaacii magaaladii aabbihiis Daa'uud.
11¶ Haddaba Sulaymaan sidaasuu u dhammeeyey gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wax alla wixii galay Sulaymaan qalbigiisa inuu u sameeyo gurigii Rabbiga iyo isaga gurigiisiiba dhammaan wuu ku liibaanay.
17Oo qabiilkii reer Benyaamiinna waxay ka heleen Gibecoon iyo agagaarkeedii, iyo Geeraa iyo agagaarkeedii,
27iyo Xasar Gaddaah, iyo Xeshmoon, iyo Beytfeled,
13Markaasaa Sulaymaan ka soo noqday meeshii sare oo Gibecoon ku tiil iyo teendhadii shirka, oo yimid Yeruusaalem, reer binu Israa'iil buuna boqor u noqday.