1 Samuu'eel 1:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba Xannaah waxay ka hadlaysay qalbigeeda, oo bushimaheeda keliya ayaa dhaqdhaqaaqayay, laakiinse codkeedii lama maqlin; sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu mooday inay sakhraantay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 24:42-45 : 42 Maantaan isha imid oo waxaan idhi, Rabbiyow, sayidkayga Ibraahim Ilaahiisow, haddaad haatan jidkayga aan ku socdo igu liibaanisid, 43 bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabadhii u soo baxda inay biyo dhaansato oo aan ku odhan doono, Waan ku baryayaaye, ashuunkaaga iga sii in yar oo biyo ah aan cabbee, 44 oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan u dhaamin doonaa, taasu ha noqoto tii Rabbigu u doortay wiilka sayidkayga. 45 Oo intaan hadalkii qalbigayga ka dhammaan ayaa Rebeqah soo baxday iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, markaasay ishii ku dhaadhacday, oo soo dhaansatay: anna waxaan ku idhi, Waan ku baryayaaye, i waraabi.
  • Nex 2:4 : 4 Markaasaa boqorkii wuxuu igu yidhi, Hadda maxaad iga baryaysaa? Kolkaasaan Ilaaha samada baryay.
  • Sab 25:1 : 1 Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
  • Sak 9:15 : 15 Rabbiga ciidammada ayaa daafici doona iyaga, oo way baabbi'in doonaan, oo waxay ku tuman doonaan dhagaxyada wadhafka, oo khamri bay cabbi doonaan oo waxay u qaylin doonaan sida iyagoo sakhraansan, oo waxay u buuxsami doonaan sida maddiibado, iyo sida rukummada meesha allabariga.
  • Fal 2:13 : 13 Qaar kalena waa ku qosleen oo waxay yidhaahdeen, Kuwan waxaa ka buuxa khamri cusub.
  • Room 8:26 : 26 ¶ Sidaasoo kalena Ruuxu wuxuu inaga caawimaa itaaldarradeenna, waayo, garan mayno wax inoo eg oo aynu ku tukanno, laakiin Ruuxa qudhiisu waa inoo duceeyaa isagoo ku taahaya taah aan sanqadhayn.
  • 1 Kor 13:7 : 7 Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Sam 1:1-12
    12 aayado
    87%

    1¶ Waxaa jiray nin reer Raamaatayim Soofiim ahaa oo degganaa dalkii buuraha lahaa ee reer Efrayim, magiciisana waxaa la odhan jiray Elqaanaah, oo wuxuu ahaa ina Yeroxaam, ina Eliihuu, ina Toohuu, ina Suuf, wuxuuna ahaa reer Efraad;

    2oo wuxuu lahaa laba naagood, middood magaceeda waxaa la odhan jiray Xannaah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Feninnaah. Feninnaah carruur bay lahayd, laakiinse Xannaah carruur ma lahayn.

    3Oo ninkaasu sannad ka sannad wuxuu ka bixi jiray magaaladiisa, oo wuxuu u tegi jiray inuu Rabbiga Ciidammada Shiiloh ku caabudo oo allabari u bixiyo. Oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas, ee Rabbiga wadaaddo u ahaana halkaasay joogeen.

    4Oo Elqaanaah maalintii uu allabariga bixiyey ayuu qayb siiyey naagtiisii Feninnaah iyo wiilasheedii iyo gabdhaheedii oo dhan,

    5laakiinse Xannaah wuxuu siiyey qayb labanlaab ah; maxaa yeelay, Xannaah wuu jeclaa, laakiinse Rabbigaa maxalkeedii xidhay.

    6Tii dhibi jirtay ayaa aad uga cadhaysiisay, si ay uga xanaajiso, maxaa yeelay, Rabbigaa maxalkeedii xidhay.

    7Oo intuu saas yeelayay sannad ka sannad, markii ay gurigii Rabbiga tagtay, ayay ka xanaajisay iyadii, taas daraaddeed way ooyday, oo waxba ma ay cunin.

    8Markaasaa ninkeedii Elqaanaah wuxuu iyadii ku yidhi, Xannaah, maxaad u ooyaysaa? Oo maxaad wax u cuni weyday? Oo maxaa qalbigaagu u xumaaday? Miyaanan anigu toban wiil kaaga wanaagsanayn?

    9Saas aawadeed Xannaah way kacday markii ay Shiiloh wax ku cuneen oo ay wax cabbeen dabadeed. Haddaba wadaadkii Ceelii ahaa wuxuu ku fadhiistay kursigiisii oo ag yiil macbudka Ilaah tiirkiisa.

    10Iyadu aad bay u murugootay, oo intay ooyday ayay Rabbiga bariday.

    11Markaasay nidar nidartay, oo waxay tidhi, Rabbiga Ciidammadow, haddaad fiirisid dhibta aan anoo addoontaada ah qabo, oo aad i soo xusuusatid, ee aadan i illoobin anoo addoontaada ah, laakiinse aad i siiso wiil, de markaas cimrigiisa oo dhan waan ku siinayaa, Rabbiyow, oo madaxiisana mandiil lama marin doono.

    12Oo intii ay Rabbiga hortiisa ku baryootamaysay ayuu Ceelii fiiriyey afkeedii.

  • 1 Sam 1:14-27
    14 aayado
    85%

    14Markaasaa Ceelii wuxuu iyadii ku yidhi, Ilaa gormaad sakhraamaysaa? Khamrigaaga iska fogee.

    15Markaasaa Xannaah u jawaabtay oo ku tidhi, Maya, sayidkaygiiyow, ee waxaan ahay naag ruuxeedu murugaysan yahay, oo ma aanan cabbin khamri iyo wax lagu sakhraamo toona, laakiinse naftaydaan Rabbiga ku baryayaa.

    16Anoo addoontaada ah ha igu tirin gabadh xun; waayo, welwelkayga iyo xanaaqayga batay aawadood ayaan ilaa haatan u hadlayay.

    17Markaasaa Ceelii u jawaabay oo yidhi, Nabad ku tag, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ha ku siiyo baryadaadii aad weyddiisatay.

    18Markaasay tidhi, Anoo addoontaada ah naxariis aan kaa helo. Sidaas daraaddeed naagtii way iska tagtay, oo wax bay cuntay, oo wejigeeduna mar dambe ma murugsanayn.

    19Markaasay aroor hore kaceen, oo Rabbiga caabudeen, dabadeedna way noqdeen, oo yimaadeen gurigoodii Raamaah ku yiil; markaasaa Elqaanaah u tegey naagtiisii Xannaah; oo Rabbiguna iyadii wuu xusuustay.

    20Oo markii wakhtigii la gaadhay ayay Xannaah uuraysatay, oo ay wiil dhashay; oo magiciisiina waxay u bixisay Samuu'eel, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, isagaan Rabbiga weyddiistay.

    21¶ Markaasaa ninkii Elqaanaah ahaa, iyo reerkiisii oo dhammuba waxay u tageen inay Rabbiga u bixiyaan allabarigii sannad walba joogtada u ahaa iyo nidarkiisii.

    22Laakiinse Xannaah ma ay tegin, waayo, waxay ninkeedii ku tidhi, Anigu tegi maayo ilaa wiilka naaska laga gudhiyo, dabadeedna waan keeni doonaa inuu Rabbiga hortiisa ka muuqdo, oo uu halkaas joogo weligiisba.

    23Markaasaa ninkeedii Elqaanaah ku yidhi, Wixii kula wanaagsan yeel; oo iska joog ilaa aad naaska ka gudhisid, laakiinse Rabbigu eraygiisa ha adkeeyo. Sidaas aawadeed naagtii way iska joogtay oo wiilkii bay nuujisay ilaa ay naaskii ka gudhisay.

    24Oo markay isagii naaska ka gudhisay ayay qaadatay oo la tagtay isagii, iyo saddex dibi, iyo eefaah bur ah, iyo qarbed khamri ah, oo waxay isagii keentay gurigii Rabbiga ee Shiiloh ku yiil, oo wiilkuna wuu yaraa.

    25Markaasay dibi qaleen, oo wiilkiina waxay u keeneen Ceelii.

    26Kolkaasay tidhi, Sayidkaygiiyow, waxaan ku dhaaranayaa naftaada nool, Sayidkaygiiyow, waxaan ahay naagtii halkan ku soo ag istaagtay, iyadoo Rabbiga baryaysa.

    27Waxaan ka baryay wiilkan, oo Rabbigu waa i siiyey baryadaydii aan weyddiistay isaga,

  • 1¶ Markaasaa Xannaah tukatay oo waxay tidhi: Qalbigaygu Ilaah buu ku faraxsan yahay, Geeskaygana Rabbigu kor buu u qaaday. Afkayguna wuxuu u faanaa cadaawayaashayda, Maxaa yeelay, waxaan ku reyreeyaa badbaadintaada.

  • 69%

    20Oo Ceeliina waa u duceeyey Elqaanaah iyo afadiisiiba, oo wuxuu ku yidhi, Daynkii Rabbiga la siiyey aawadiis Rabbigu naagtan farcan ha kaa siiyo. Oo iyana waxay tageen xaggii gurigoodii.

    21Oo Rabbigu waa soo booqday Xannaah, oo way uuraysatay, oo waxay dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu ku koray Rabbiga hortiisa.

    22¶ Oo Ceeliina aad buu u gaboobay; oo wuxuuna maqlay wixii ay wiilashiisu reer binu Israa'iil oo dhan ku sameeyeen, iyo inay la seexdeen dumarkii ka adeegi jiray iridda teendhada shirka.

  • 69%

    13Oo markuu yimid, bal eeg, Ceelii wuxuu ku fadhiyey kursigiisii waddada dhankeeda yiil, isagoo wax fiirinaya; waayo, qalbigiisu wuxuu u dhibbanaa sanduuqii Ilaah aawadiis. Oo markii ninkii soo galay magaaladii, oo uu u warramay, ayaa magaaladii oo dhammu qaylisay.

    14Oo Ceeliina markuu maqlay dhawaaqii qaylada ayuu yidhi, Buuqan sawaxankiisu waa maxay micnihiisu? Markaasaa ninkii intuu soo dhaqsaday ayuu Ceelii u yimid oo u warramay.

  • 14Iyadu waa inaanay cunin wax ka soo baxa geedcanab, oo yaanay cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna yaanay cunin; oo kulli wixii aan ku amray oo dhan ha dhawrto.

  • Xaak 13:3-4
    2 aayado
    67%

    3Markaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil.

    4Haddaba sidaas daraaddeed iska jir, oo waan ku baryayaaye ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna ha cunin;

  • 11¶ Markaasaa Elqaanaah wuxuu tegey Raamaah iyo xaggii gurigiisii. Oo wiilkiina wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray wadaadkii Ceelii hortiisa.

  • 1 Sam 3:1-2
    2 aayado
    66%

    1¶ Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray Ceelii hortiisa. Oo wakhtigaasna erayga Rabbigu wax aan marar badan la helin buu ahaa, oo muuqasho bayaan ahna lama muujin.

    2Oo wakhtigaas markii Ceelii jiifsaday meeshiisii, (haddaba indhihiisii way arag darnaayeen oo waxba ma uu arki karin)

  • 66%

    15Markaasaa Samuu'eel iska jiifsaday ilaa subaxdii, oo dabadeedna wuxuu furay gurigii Rabbiga albaabbadiisii. Oo Samuu'eelna waa ka cabsaday inuu Ceelii muujintii u sheego.

    16Markaasaa Ceelii Samuu'eel u yeedhay, oo ku yidhi, Wiilkaygii Samuu'eelow, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan.

  • 41Oo waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah.

  • 24¶ Maalmahaas dabadeed afadiisa Elisabed ayaa uuraysatay, oo shan bilood ayay isqarisay iyadoo leh.

  • 7laakiinse wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil; oo haddaba ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo; wax aan nadiif ahaynna ha cunin; waayo, ilmuhu markuu dhasho iyo ilaa maalinta dhimashadiisa wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay.

  • 9Sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Tag oo iska jiifso, oo waxay ahaan doontaa, hadduu kuu yeedho inaad ku tidhaahdid, Rabbiyow ila hadal, waayo anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye. Sidaas aawadeed Samuu'eel waa tegey oo meeshiisuu jiifsaday.

  • 15waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Quduuskaa.

  • 36Bal eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad.

  • 18Oo Nimco, markay aragtay inay aad iyo aad ugu adkaysatay inay raacdo ayay hadalkii ka daysay.

  • 13Laakiin malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa.

  • 6Oo hadday nin leedahay iyadoo ay kor saaran yihiin nidarradeedii iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay,

  • 16Oo isna wuxuu yidhi, Markii wakhtigu soo wareego xilligan oo kale wiil baad laabta ku qabsan doontaa, oo iyana waxay tidhi, Maya sayidkaygiiyow, oo adigu nin yahow Ilaah anoo addoontaada ah been ha ii sheegin.