1 Samuu'eel 13:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo reer Falastiinna waxay isu soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan, oo waxayna ahaayeen soddon kun oo gaadhifardood, iyo lix kun oo fardooley ah, iyo dad ah sida cammuudda taal badda xeebteeda. Oo intay soo dhowaadeen ayay degeen Mikmaash, oo bari ka xigta Beytaawen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 11:4 : 4 Kolkaasay baxeen, iyagii iyo ciidammadoodii oo la jirayba, oo waxay ahaayeen dad badan, oo tiradoodu waxay ahayd sida cammuudda taal badda xeebteeda, waxayna wateen fardo iyo gaadhifardood aad u badan.
  • 1 Sam 14:23 : 23 Sidaasuu Rabbigu maalintaas u badbaadiyey reer binu Israa'iil; oo dagaalkiina wuxuu u sii gudbay xagga Beytaawen.
  • Yash 18:12 : 12 Oo soohdintoodu xagga waaxda woqooyi waxay ka bilaabatay Webi Urdun; oo soohdintu waxay u baxday Yerixoo dhinaceeda woqooyi, oo waxay dhex martay dalka buuraha leh xaggiisa galbeed; oo dhammaadkeedii wuxuu u baxay cidladii Beytaawen.
  • Xaak 7:12 : 12 Oo reer Midyaan iyo reer Camaaleq iyo reer barigii oo dhammu waxay ku jireen dooxadii, iyagoo u faro badan sida ayax oo kale, oo geelooduna tiro ma lahayn, oo waxay la faro le'ekaayeen cammuudda badda xeebteeda taal.
  • Bil 22:17 : 17 inaan barako ku barakayn doono, oo aan farcankaaga u tarmin doono sida xiddigaha cirka, iyo sida cammuudda taal badda xeebteeda; oo uu farcankaaguna hantiyi doono cadaawayaashiisa iriddooda;
  • Yash 7:2 : 2 ¶ Oo Yashuuca wuxuu niman ka diray Yerixoo oo u diray Aacii, taasoo ku tiil Beytaawen dhinaceeda, oo xagga bari ka jirtay Beytel. Oo intuu la hadlay wuxuu iyagii ku yidhi, Bal taga oo dalka soo basaasa. Oo nimankii intay tageen ayay Aacii soo basaaseen.
  • 2 Taar 1:9 : 9 Haddaba Rabbiyow Ilaahow, ballankaagii aad aabbahay Daa'uud u ballanqaadday ha dhismo, waayo, waxaad boqor iiga dhigtay dad tiradiisu tahay sida ciidda dhulka.
  • Ish 48:19 : 19 oo farcankiinnuna wuxuu ahaan lahaa sidii cammuudda oo kale, oo carruurtiinnuna waxay ahaan lahayd sidii ciidda oo kale. Magacooda lama gooyeen oo hortaydana lagama baabbi'iyeen.
  • Yer 15:8 : 8 Tiradii carmalladooda waan ka sii badiyey cammuudda badaha, oo barbaarrada hooyooyinkood waxaan hadhkii ku soo daayay baabbi'iye. Waxaan si kedis ah ugu dejiyey cidhiidhi iyo cabsi.
  • Hos 4:15 : 15 Dadka Israa'iilow, in kastoo aad dhillowdaan, yaan dadka Yahuudah isla dembigaas ku eedaysnaan, oo Gilgaal ha imanina, oo Beytaawen ha tegin, hana ku dhaaranina Rabbiga noloshiisa.
  • Hos 5:8 : 8 ¶ War buunka Gibecaah ka afuufa, turumbadana Raamaah, oo Beytaawen ka dhawaaqa. Reer Benyaamiinow, waa laydin daba socdaa.
  • Hos 10:5 : 5 Dadka dalka Samaariya degganu aad bay u cabsan doonaan sanamyada weylaha ah ee Beytaawen aawadood, waayo, dadkiisa iyo weliba wadaaddadii ku rayrayn jiray way u barooran doonaan sanamka, waana sharaftiisii aawadeed, maxaa yeelay, way ka tagtay.
  • Room 9:27 : 27 ¶ Oo Isayos wuxuu ku qayliyey wax Israa'iil ku saabsan isagoo leh, In kastoo tirada reer binu Israa'iil noqoto sida cammuudda badda, intii hadhay waa badbaadi doontaa,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Sam 4:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Oo hadalkii Samuu'eelna wuxuu soo gaadhay reer binu Israa'iil oo dhan.

    2¶ Oo reer Falastiinna waxay weerar isugu soo diyaariyeen reer binu Israa'iil; oo markii ay dagaalkii isugu yimaadeenna reer binu Israa'iil waa la jebiyey reer Falastiin hortooda; oo waxay ciidankii berrinka joogay ka laayeen afar kun oo nin.

  • 1 Sam 29:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Haddaba reer Falastiin waxay ciidammadoodii oo dhan ku soo ururiyeen Afeeq, oo reer binu Israa'iilna waxay soo ag degeen ishii ku tiil Yesreceel.

    2Oo saraakiishii reer Falastiinna way soo gudbeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun, oo Daa'uud iyo raggiisiina iyagoo Aakiish la socda ayay soo daba galeen.

  • 1 Sam 17:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Haddaba reer Falastiin waxay soo wada ururiyeen ciidammadoodii oo dagaal isu diyaariyey, oo waxay dhammaantood ku soo wada urureen Sokoh, oo ay reer Yahuudah leeyihiin, oo waxay soo degeen Efes Dammiim oo u dhexaysa Sokoh iyo Caseeqaah.

    2Markaasay Saa'uul iyo raggii reer binu Israa'iilna isa soo wada urursadeen, oo waxay soo degeen dooxada Eelaah, oo isu diyaariyeen inay la dagaallamaan reer Falastiin.

    3Oo reer Falastiin waxay soo istaageen buur dhinac ah, reer binu Israa'iilna waxay soo istaageen buur dhinacii kale ah; oo waxaana labada qolo u dhexaysay dooxo.

  • 23¶ Oo ciidankii reer Falastiinna waxay u soo baxeen marinkii Mikmaash.

  • 6Oo dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inay cidhiidhi ku jiraan, (waayo, dadku way dhibaataysnaayeen) markaasaa dadkii waxay ku dhuunteen godad, iyo kayn, iyo dhagaxyo dhexdooda, iyo boholo, iyo hogag.

  • 76%

    15¶ Markaasaa Samuu'eel kacay, wuuna ka baxay Gilgaal, oo xagga Gibecaahda reer Benyaamiin buu tegey. Oo Saa'uulna markaasuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo waxay noqdeen in ku dhow lix boqol oo nin.

    16¶ Kolkaasaa Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii iyaga la jirayba waxay iska joogeen Gebacdii reer Benyaamiin, laakiinse reer Falastiin waxay degganaayeen Mikmaash.

    17Markaasaa xeradii reer Falastiin waxaa ka soo baxay kuwo wax dhaca oo saddex guuto ah, oo guuto waxay u leexatay xagga waddada Cofraah iyo xagga dalka reer Shuucaal;

    18oo guuto kalena waxay u leexatay xagga waddada Beytxooroon, oo guutadii hadhayna waxay u leexatay xagga waddada soohdinta kor ka soo dhawrta dooxada Seboyim iyo xagga cidlada.

  • 7Oo reer Falastiinna markay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah ku urursan yihiin ayaa madaxdii reer Falastiin u kaceen inay ku soo duulaan reer binu Israa'iil. Oo reer binu Israa'iilna markay taas maqleen ayay aad uga cabsadeen reer Falastiin.

  • 21Oo reer binu Israa'iil iyo reer Falastiin dagaal bay isugu soo diyaariyeen, iyadoo ciidanba ciidanka kale ka gees yahay.

  • 4Kolkaasay baxeen, iyagii iyo ciidammadoodii oo la jirayba, oo waxay ahaayeen dad badan, oo tiradoodu waxay ahayd sida cammuudda taal badda xeebteeda, waxayna wateen fardo iyo gaadhifardood aad u badan.

  • 4Oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay maqleen in Saa'uul wax ku dhuftay xeradii ciidanka reer Falastiin, iyo weliba in reer Falastiin ay karheen reer binu Israa'iil. Oo dadkiina dhammaantood waxay Saa'uul ugu soo urureen Gilgaal.

  • 4Oo reer Falastiinna way isa soo wada urursadeen, oo Shuuneem soo degeen; Saa'uulna wuxuu soo wada urursaday reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana waxay soo degeen Gilboca.

  • 1 Sam 4:9-10
    2 aayado
    75%

    9Reer Falastiinow, xoog yeesha, oo raganimo isgeliya, yeydnan Cibraaniyada addoommo u noqone, sidii ay idiinku ahaayeen oo kale. Haddaba raganimo isgeliya oo dirira.

    10Markaasay reer Falastiin dirireen, reer binu Israa'iilna waa la jebiyey, oo midkood waliba wuxuu ku cararay teendhadiisii. Oo maalintaas waxaa la laayay dad aad u badan; waayo, reer binu Israa'iil waxaa ka le'day soddon kun oo nin oo lug ah.

  • 2Markaasaa Saa'uul wuxuu reer binu Israa'iil ka dhex doortay saddex kun oo nin; oo laba kun waxay Saa'uul la joogeen Mikmaash iyo buurtii Beytel, oo kunna wuxuu Yoonaataan la joogay Gibecaahdii reer Benyaamiin; oo dadka intiisii kalena nin walba wuxuu u diray inuu teendhadiisii tago.

  • 1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

  • 74%

    10Oo intii Samuu'eel allabariga la gubo bixinayay ayaa reer Falastiin soo dhowaadeen inay la diriraan reer binu Israa'iil; laakiinse Rabbigu maalintaas wuxuu reer Falastiin ku soo daayay onkod weyn, wuuna baabbi'iyey, oo reer binu Israa'iil hortooday ku jabeen.

    11Kolkaasay raggii reer binu Israa'iil intay Misfaah ka soo baxeen reer Falastiin eryadeen, wayna laynayeen ilaa ay Beytkaar hoosteeda yimaadeen.

  • 1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

  • 19Haddaba Saa'uul, iyo iyagii, iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu, waxay joogeen dooxadii Eelaah, iyagoo reer Falastiin la diriraya.

  • 9¶ Markaasay reer Falastiin intay tageen degeen dhulka Yahuudah, oo waxay ku dhex firdheen Lexii.

  • 1¶ Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.

  • 7Sidaasay u soo kiraysteen laba iyo soddon kun oo gaadhifaras, iyo boqorkii Macakaah iyo dadkiisii, kuwaasoo yimid oo Meedebaa horteeda degay. Oo reer Cammoonna waxay iska soo wada urursadeen magaalooyinkoodii, oo dagaal bay u soo baxeen.

  • 13Haddana reer Falastiin mar kalay dooxadii ku soo firdheen.

  • 13Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.

  • 72%

    20Markaasaa Saa'uul iyo dadkii la jiray oo dhammuba isa soo wada urursadeen, oo waxay yimaadeen goobtii dagaalka. Oo bal eeg, nin walba seeftiisii waxay ku dhacday saaxiibkiis, oo waxaa jiray baabba' aad u weyn.

    21Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan.

    22Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.

  • 9Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.

  • 3tan iyo Shiixoorta ku taal Masar horteeda, iyo xataa tan iyo soohdinta Ceqroon ee xagga woqooyi, ee loo tiriyo reer Kancaan, iyo shanta amiir ee reer Falastiin oo u taliya reer Gaasa, iyo reer Ashdood, iyo reer Ashqeloon, iyo reer Gad, iyo reer Ceqroon,

  • 18Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.

  • 52Markaasay raggii reer binu Israa'iil iyo raggii reer Yahuudah kaceen oo qayliyeen oo waxay eryadeen reer Falastiin, tan iyo dooxadii iyo ilaa irdaha Ceqroon. Oo dhaawicii reer Falastiinna waxay ku dhaceen jidka Shacarayim, iyo tan iyo Gad iyo ilaa Ceqroon.

  • 34Oo waxaa Gibecaah hor yimid toban kun oo nin oo laga soo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, oo dagaalkiina aad iyo aad buu u sii kululaaday; laakiinse ma ay ogayn in belaayo ku soo dhow dahay.

  • 71%

    17Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu ka soo gudbay Webi Urdun ayuu Xeelaam yimid. Markaasaa reer Suuriya isugu soo diyaariyeen inay Daa'uud la dagaallamaan, wayna la dirireen.

    18Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba boqol oo gaadhifaras raggoodii iyo afartan kun oo fardooley ah, oo wuxuu dilay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidankooda, halkaasuuna ku dhintay.

  • 71%

    10Oo kii reer Falastiin wuxuu yidhi, Ciidammada reer binu Israa'iilow, car, maanta ii soo dira nin ila dirira.

    11Oo Saa'uul iyo reer binu Israa'iil oo dhammu markay maqleen erayadii reer Falastiin way nexeen, aad bayna u cabsadeen.

  • 4Markaasaa Saa'uul dadkii u yeedhay, oo Tela'iim buu ku tiriyey, oo waxay noqdeen laba boqol oo kun oo nin oo lug ah, iyo toban kun oo nin ee reer Yahuudah ah.

  • 3oo wuxuu kaxaystay kun iyo laba boqol oo gaadhifaras iyo lixdan kun oo fardooley ah, oo dadkii isaga Masar kala soo baxayna tiro ma ay lahayn, waxayna ahaayeen reer Luubiim iyo reer Sukiyiim iyo reer Itoobiya.

  • 2Markaasaa dadka madaxdiisii oo dhan ee ka socda qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaa isa soo dhex taagay dadka Ilaah shirkiisii, kuwaasoo ahaa afar boqol oo kun oo nin oo lug ah oo wada seefqaad ah.

  • 12Oo reer Midyaan iyo reer Camaaleq iyo reer barigii oo dhammu waxay ku jireen dooxadii, iyagoo u faro badan sida ayax oo kale, oo geelooduna tiro ma lahayn, oo waxay la faro le'ekaayeen cammuudda badda xeebteeda taal.

  • 31Oo maalintaas waxay reer Falastiin ku laayeen ilaa Mikmaash iyo tan iyo Ayaaloon; oo dadkuna aad bay u itaal darnaayeen.

  • 14Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.