1 Samuu'eel 17:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba Saa'uul, iyo iyagii, iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu, waxay joogeen dooxadii Eelaah, iyagoo reer Falastiin la diriraya.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Sam 17:1-3
    3 aayado
    91%

    1¶ Haddaba reer Falastiin waxay soo wada ururiyeen ciidammadoodii oo dagaal isu diyaariyey, oo waxay dhammaantood ku soo wada urureen Sokoh, oo ay reer Yahuudah leeyihiin, oo waxay soo degeen Efes Dammiim oo u dhexaysa Sokoh iyo Caseeqaah.

    2Markaasay Saa'uul iyo raggii reer binu Israa'iilna isa soo wada urursadeen, oo waxay soo degeen dooxada Eelaah, oo isu diyaariyeen inay la dagaallamaan reer Falastiin.

    3Oo reer Falastiin waxay soo istaageen buur dhinac ah, reer binu Israa'iilna waxay soo istaageen buur dhinacii kale ah; oo waxaana labada qolo u dhexaysay dooxo.

  • 82%

    20Markaasaa Daa'uud aroor hore kacay, oo wuxuu idihii kaga tegey mid dhawra; dabadeedna intuu tegey ayuu qaaday wixii Yesay ku amray. Markaasuu yimid meeshii gaadhifardoodku tubnaa, intii ciidankii goobta dagaalka u baxayay ay dirirta u qaylinayeen.

    21Oo reer binu Israa'iil iyo reer Falastiin dagaal bay isugu soo diyaariyeen, iyadoo ciidanba ciidanka kale ka gees yahay.

  • 81%

    8Oo intuu soo istaagay ayuu ku qayliyey ciidammadii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, War maxaad ugu soo baxdeen oo aad dagaal isugu soo diyaariseen? Sow anigu ma ihi reer Falastiin, idinna ma ihidin addoommadii Saa'uul? Haddaba nin iska soo doorta, oo isna ha ii soo dhaadhaco.

    9Oo hadduu awoodo inuu ila diriro oo i dilo, markaas waxaan idiin noqonaynaa addoommadiinnii; laakiinse haddaan ka adkaado oo dilo isaga, markaas waxaad noo noqonaysaan addoommo oo waad noo adeegaysaan.

    10Oo kii reer Falastiin wuxuu yidhi, Ciidammada reer binu Israa'iilow, car, maanta ii soo dira nin ila dirira.

    11Oo Saa'uul iyo reer binu Israa'iil oo dhammu markay maqleen erayadii reer Falastiin way nexeen, aad bayna u cabsadeen.

  • 1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

  • 1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

  • 79%

    50Sidaasuu Daa'uud kii reer Falastiin kaga adkaaday wadhaf iyo dhagax, oo wuu ku dhuftay, wuuna dilay; laakiinse Daa'uud gacanta seefu uguma jirin.

    51Markaasaa Daa'uud orday oo ag istaagay kii reer Falastiin, oo wuxuu ka qaatay seeftiisii, oo galkii ka soo bixiyey, oo intuu ku bireeyey ayuu madaxiina kaga gooyay. Oo kuwii reer Falastiinna markay arkeen in tiirrigoodii dhintay ayay carareen.

    52Markaasay raggii reer binu Israa'iil iyo raggii reer Yahuudah kaceen oo qayliyeen oo waxay eryadeen reer Falastiin, tan iyo dooxadii iyo ilaa irdaha Ceqroon. Oo dhaawicii reer Falastiinna waxay ku dhaceen jidka Shacarayim, iyo tan iyo Gad iyo ilaa Ceqroon.

  • 41Oo ninkii reer Falastiinna Daa'uud buu u soo dhowaaday; ninkii gaashaanka u sidayna wuu hor socday.

  • 78%

    23Oo intuu walaalihiis la hadlayay, bal eeg, waxaa soo baxay tiirrigii reer Falastiin ee Gad ka yimid, ee magiciisa Goli'ad la odhan jiray, isagoo ka soo dhex baxay safafkii reer Falastiin, oo wuxuu ku hadlay erayadiisii hore oo kale; Daa'uudna taas wuu maqlay.

    24Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu markii ay ninkii arkeen ayay ka carareen, aad bayna uga cabsadeen.

    25Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War ma aragteen ninkan soo baxay? Hubaal wuxuu u soo baxay inuu reer binu Israa'iil careeyo; oo waxay noqon doontaa in ninkii isaga dila uu boqorku taajir ka dhigi doono oo maal badan siin doono; gabadhiisuuna siin doonaa, oo reerka aabbihiisna ku dhex xorayn doonaa reer binu Israa'iil.

    26Markaasaa Daa'uud raggii dhinaciisa taagnaa la hadlay, oo ku yidhi, Ninkii dila midkan reer Falastiin, oo ceebta ka qaada reer binu Israa'iil, maxaa lagu samayn doonaa? Oo bal yuu yahay buuryoqabkan reer Falastiin ee Ilaaha nool ciidammadiisa caraysan karaa?

  • 37Oo Daa'uud wuxuu haddana yidhi, Rabbiga iga samatabbixiyey ciddiyihii libaaxa iyo ciddiyihii orsada ayaa haddana iga samatabbixin doona gacanta midkan reer Falastiin. Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, Rabbigu ha kula jiree.

  • 78%

    31Oo erayadii Daa'uud ku hadlay markii la maqlay ayaa Saa'uul loo warramay, oo isna wuu u soo cid diray.

    32Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Ninna yuusan u cabsan isaga aawadiis; anoo addoonkaaga ah ayaan u tegi doonaa oo la diriri doonaa midkan reer Falastiin.

    33Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu ma awoodid inaad la dirirto midkan reer Falastiin, waayo, waxaad tahay wiil yar, isna dagaalyahan buu ahaa tan iyo yaraantiisii.

    34Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Anoo addoonkaaga ah waxaan hayn jiray idaha aabbahay, oo haddii libaax ama orso yimaado, oo idaha nayl yar ka qaato,

  • 77%

    20Markaasaa Saa'uul iyo dadkii la jiray oo dhammuba isa soo wada urursadeen, oo waxay yimaadeen goobtii dagaalka. Oo bal eeg, nin walba seeftiisii waxay ku dhacday saaxiibkiis, oo waxaa jiray baabba' aad u weyn.

    21Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan.

    22Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.

  • 77%

    8¶ Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil oo dhan ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan, oo Daa'uudna taas wuu maqlay, oo isna iyagii ayuu ku baxay.

    9Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.

  • 8¶ Oo haddana mar kale waxaa dhacay dagaal. Markaasaa Daa'uud baxay oo la diriray reer Falastiin, oo intuu aad u laayay ayay ka hor carareen.

  • 52¶ Oo intii Saa'uul noolaa oo dhan dagaal kulul oo reer Falastiin ka gees ah ayaa jiray. Oo Saa'uulna markuu arko nin xoog leh, amase nin daran wuu qaadan jiray.

  • 76%

    47iyo si uu shirkan oo dhammu u ogaado inaan Rabbigu wax ku badbaadin seef iyo waran; waayo, dagaalka Rabbigaa leh, oo gacantayaduu idinku soo ridi doonaa.

    48Oo markii kii reer Falastiin soo kacay oo uu u soo dhowaaday inuu Daa'uud ka hor tago, ayaa Daa'uud soo dhaqsaday oo ku soo orday xaggii ciidanka inuu ka hor tago kii reer Falastiin.

  • 16Oo kii reer Falastiinna wuu soo dhowaan jiray subax iyo fiidba, oo wuxuu ismuujiyey afartan maalmood.

  • 4Oo reer Falastiinna way isa soo wada urursadeen, oo Shuuneem soo degeen; Saa'uulna wuxuu soo wada urursaday reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana waxay soo degeen Gilboca.

  • 1¶ Oo hadalkii Samuu'eelna wuxuu soo gaadhay reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 1¶ Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.

  • 45Markaasuu Daa'uud kii reer Falastiin ku yidhi, Adigu waxaad ii soo qaadatay seef iyo waran iyo hoto; aniguse waxaan kuula imid magaca Rabbiga ciidammada, kaasoo ah Ilaaha ciidammada reer binu Israa'iil ee aad caraysiisay.

  • 15¶ Oo haddana reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, markaasaa Daa'uud dhaadhacay isaga iyo addoommadiisii la socdayba, oo waxay la dirireen reer Falastiin; laakiinse Daa'uud wuu taag gabay.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.

  • 8Markaasaa Saa'uul dadkiisii oo dhan dagaal ugu yeedhay inay Qeciilaah ku dhaadhacaan, oo ay Daa'uud iyo raggiisaba hareereeyaan.

  • 1¶ Haddaba reer Falastiin waxay ciidammadoodii oo dhan ku soo ururiyeen Afeeq, oo reer binu Israa'iilna waxay soo ag degeen ishii ku tiil Yesreceel.

  • 5Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba Qeciilaah tageen, oo reer Falastiin la dirireen, oo waxay ka soo dhaceen lo'doodii, dad faro badanna way laayeen. Sidaasuu Daa'uud dadkii Qeciilaah degganaa u badbaadiyey.

  • 4Oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay maqleen in Saa'uul wax ku dhuftay xeradii ciidanka reer Falastiin, iyo weliba in reer Falastiin ay karheen reer binu Israa'iil. Oo dadkiina dhammaantood waxay Saa'uul ugu soo urureen Gilgaal.

  • 75%

    17¶ Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan; oo Daa'uudna taas wuu maqlay, markaasuu dhufayskii hoos ugu dhaadhacay.

    18Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.

  • 3Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno?

  • 8Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo wiilashiisii oo Buur Gilboca ku dhintay.

  • 57Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin.

  • 13Oo isagu wuxuu Daa'uud la joogay Fasdammiim, oo halkaasna waxaa dagaal ugu soo ururay reer Falastiin, meeshaas oo ahayd dhul beero ah oo shaciir ka buuxo, oo dadkiina way ka carareen reer Falastiin hortooda.