1 Samuu'eel 18:8
Saa'uulna aad buu u cadhooday, oo hadalkaas ayuu ka xumaaday, wuxuuna yidhi, Waxay Daa'uud ku sheegeen tobanyaal kun, laakiinse aniga waxay igu sheegeen kumanyaal; oo maxaa intaas ka badan oo uu heli lahaa boqortooyada mooyaane?
Saa'uulna aad buu u cadhooday, oo hadalkaas ayuu ka xumaaday, wuxuuna yidhi, Waxay Daa'uud ku sheegeen tobanyaal kun, laakiinse aniga waxay igu sheegeen kumanyaal; oo maxaa intaas ka badan oo uu heli lahaa boqortooyada mooyaane?
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
7Oo dumarkiina midba midda kalay gabay u celisay, iyagoo cayaaraya, oo waxay yidhaahdeen, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun.
5Kanu sow ma aha Daa'uud kii ay gabay isugu celceliyeen, iyagoo cayaaraya, oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?
9Oo Saa'uulna maalintaas dabadeed Daa'uud si xun buu u fiirin jiray.
11Kolkaasaa addoommadii Aakiish waxay isagii ku yidhaahdeen, War sow kanu ma aha Daa'uud boqorkii dalka? Oo sow midkoodba midka kale gabay uguma celin iyagoo cayaaraya oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?
21Markaasaa Saa'uul wuxuu isyidhi, Dabin ha ku noqotee, isaga waan siin iyada, si ay gacanta reer Falastiin isaga gees uga ahaato. Sidaas aawadeed Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu maanta waxaad mar labaad noqonaysaa wiilkii aan soddogga u ahaa.
22Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku amray oo ku yidhi, Daa'uud hoos ahaan ula hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, boqorku wuu kugu farxay, oo addoommadiisa oo dhammuna way ku jecel yihiin; haddaba sidaas daraaddeed boqorku soddog ha kuu noqdo.
23Oo addoommadii Saa'uulna erayadaas waxay u sheegeen Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Ma waxay idinla tahay inay fudud dahay inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa, anigoo ah nin miskiin ah oo weliba derejo yar?
24Oo Saa'uul addoommadiisiina way u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Daa'uud sidaasuu u hadlay.
25Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin.
7Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi addoommadiisii hareerahiisa taagnaa, Bal maqla hadda, kuwiinnan reer Benyaamiinow, wiilka Yesay miyuu midkiin kastaba siinayaa beero iyo beero canab ah, oo miyuu kulligiin idinka wada dhigi doonaa kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya?
8Ma saasaad kulligiin iigu heshiiseen, oo uu midkiinna iigu soo sheegi waayay markii wiilkaygu axdi la dhiganayay wiilka Yesay, oo uu midkiinna ii nixi waayay, wuuna iigu soo sheegi waayay in wiilkaygu igu kiciyey addoonkayga inuu i gaado sida maanta oo kale?
9Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War maxaad u maqashaa dadka warkiisa intay kugu yidhaahdaan, Daa'uud wuxuu doonayaa inuu wax ku yeelo?
12Oo Saa'uulna Daa'uud buu ka cabsanayay, maxaa yeelay, Rabbigaa isaga la jiray, wuuna ka tegey Saa'uul.
13Sidaas daraaddeed Saa'uul wuu iska fogeeyey isagii, oo wuxuu ka dhigay sirkaal kun u taliya; isaguna dadka hortiisuu ka bixi jiray, soona geli jiray.
13Kolkaasaa Saa'uul ku yidhi, Maxaad iigu heshiiseen, adiga iyo ina Yesay, oo maxaad u siisay kibista iyo seefta, oo Ilaahna wax ugu weyddiisay si uu iigu kaco inuu i gaado sida maanta oo kale?
17Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.
17Markaasaa Saa'uul gartay Daa'uud codkiisii oo yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Haah, kanu waa codkaygii, boqorow sayidkaygiiyow.
18Oo haddana wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad ii eryanaysaa, anoo addoonkaaga ah? Waayo, maxaan sameeyey? Waase maxay xumaanta gacantayda ku jirtaa?
16Markii Daa'uud hadalkaas Saa'uul u dhammeeyey ayaa Saa'uulna wuxuu yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Saa'uulna codkiisii kor buu u qaaday oo ooyay.
17Kolkaasuu Daa'uud ku yidhi, Aad baad iiga qumman tahay, waayo, wanaag baad ii fashay, anse xumaan baan kuugu beddelay.
29Saa'uulna aad buu uga sii cabsanayay Daa'uud; oo Saa'uulna had iyo goorba Daa'uud cadow buu u ahaa.
30¶ Markaasaa waxaa soo baxay amiirradii reer Falastiin; oo sidii ay marar badan u soo bixi jireen, ayaa Daa'uud ka sii guul badnaa addoommadii Saa'uul oo dhan; oo sidaas aawadeed magiciisii aad iyo aad buu caan u noqday.
28Oo markuu ragga la hadlayay Elii'aab oo ahaa walaalkiisii ugu weynaa ayaa maqlay, oo Elii'aabna aad buu ugu cadhooday Daa'uud oo wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo dhaadhacday? Oo bal yaad uga soo kacday xayntii idaha ahayd oo cidlada joogtay? Anigu waan aqaan kibirkaaga, iyo xumaanta qalbigaaga ku jirta, waayo, waxaad u timid inaad dagaalka fiirsato.
29Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Bal maxaan haatan sameeyey? Sow hadal uun ma aha?
17¶ Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Bal eeg, gabadhayda weyn oo Meerab ah ayaan kuu siinayaa inaad guursato; laakiinse waa inaad ii xoog badnaato oo aad dagaallada Rabbigana dirirto. Waayo, Saa'uul wuxuu isyidhi, Yuusan gacantayda ku bixin, laakiinse gacanta reer Falastiin ha ku baxo.
18Markaasaa Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War yaan ahay, oo noloshaydu waa maxay, amase reer aabbahay xaggay ka joogaan reer binu Israa'iil, inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa?
1¶ Markaasaa Saa'uul la hadlay wiilkiisii Yoonaataan iyo addoommadiisii oo dhan, oo wuxuu ku amray inay Daa'uud dilaan.
31Oo erayadii Daa'uud ku hadlay markii la maqlay ayaa Saa'uul loo warramay, oo isna wuu u soo cid diray.
16Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Dhiiggaagu madaxaaga ha saarnaado; waayo, afkaagaa kugu marag furay, oo waxaad tidhi, Rabbiga kiisa subkan ayaan dilay.
17¶ Markaasaa Daa'uud baroortan ugu baroortay Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan,
6Oo Saa'uulna markuu maqlay hadalladaas ayaa Ruuxa Ilaah si xoog leh ugu soo degay, oo xanaaqiisiina aad iyo aad buu u kululaaday.
10taasoo ah inaan boqortooyada ka wareejiyo reer Saa'uul, iyo inaan carshiga Daa'uud u qotomiyo reer binu Israa'iil iyo reer binu Yahuudah, iyo tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac.
15Markaasuu ku yidhi, Waad og tahay inaan boqortooyada lahaa, oo ay dadkii dalka Israa'iil oo dhammu fiiro ii lahaayeen inaan boqor u noqdo, habase yeeshee boqortooyadii way rogmatay, oo waxaa yeeshay walaalkay, waayo, xagga Rabbiga buu ka helay.
30Markaasaa Saa'uul aad ugu cadhooday Yoonaataan, oo wuxuu ku yidhi, Kaagan naag qalloocan oo caasiyad ah inankeed ahow, war sow ma aan ogi inaad wiilka Yesay dooratay adoo ceeb u soo jiidaya naftaada iyo cawrada hooyadaa?
43Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay raggii reer Yahuudah ugu jawaabeen, War boqorka toban meelood baannu ku leennahay, oo weliba Daa'uud annagaa idinkaga xaq leh, haddaba maxaad noo quudhsateen oo aad hore noo weyddiin weydeen talo ku saabsan boqorkeenna soo celintiisa? Oo raggii reer Yahuudah erayadoodii way ka sii adkaayeen erayadii raggii reer binu Israa'iil.
6Laakiinse waxaasu Samuu'eel way la xumaayeen, markii ay ku yidhaahdeen, Na sii boqor na xukuma. Markaasaa Samuu'eel Rabbiga baryay.
10Kolkaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, bal maxaa inoo dhexeeya? Hadduu habaartamay, oo Rabbigu ku yidhi, Daa'uud soo habaar, bal yaa ninkan ku odhan kara, War maxaad saas u yeeshay?
14oo Rabbiga wax ma uu weyddiisan, oo sidaas aawadeed ayaa Rabbigu isaga u dilay, oo boqortooyadiina wuxuu u wareejiyey Daa'uud oo ahaa ina Yesay.
5Oo Daa'uudna meel alla meeshii Saa'uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa'uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa'uul oo dhanba.
4Markaasaa Saa'uul dadkii u yeedhay, oo Tela'iim buu ku tiriyey, oo waxay noqdeen laba boqol oo kun oo nin oo lug ah, iyo toban kun oo nin ee reer Yahuudah ah.
28Markaasaa Samuu'eel isagii ku yidhi, Maanta Rabbigu boqortooyadii reer binu Israa'iil buu kaa dillaaciyey, wuxuuna siiyey mid deriskaaga ah oo kaa sii wanaagsan.
25Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, waad barakaysan tahay. Hubaal xoog baad yeelan doontaa, waadna guulaysan doontaa. Dabadeedna Daa'uud waa iska tegey, Saa'uulna meeshiisuu ku noqday.
15Oo Saa'uulna markuu arkay in Daa'uud aad u guulaystay ayuu la yaabay.
14Laakiinse imminka boqortooyadaadu sii jiri mayso. Rabbigu wuxuu doontay nin ah siduu qalbigiisu doonayo, oo Rabbiguna isaguu u doortay inuu ahaado amiir dadkiisa u taliya, maxaa yeelay, adigu ma aadan xajin wixii Rabbigu kugu amray.
33Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu ma awoodid inaad la dirirto midkan reer Falastiin, waayo, waxaad tahay wiil yar, isna dagaalyahan buu ahaa tan iyo yaraantiisii.
38Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Madaxda reer binu Israa'iil oo dhammay, soo dhowaada, oo maanta dembiganu wuxuu ku jiray bal soo ogaada oo soo eega.
8¶ Oo haddana mar kale waxaa dhacay dagaal. Markaasaa Daa'uud baxay oo la diriray reer Falastiin, oo intuu aad u laayay ayay ka hor carareen.
22Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, maxaa inaga dhexeeya? Oo maxaadse maanta cadaawayaal iigu noqoteen? Maanta reer binu Israa'iil ma nin baa laga dilayaa? Oo miyaanan anigu maanta ogayn inaan ahay boqor reer binu Israa'iil u taliya?
21Markaasaa Saa'uul u jawaabay oo ku yidhi, War sow anigu ma ahi reer Benyaamiin oo u wada yar qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo weliba jilibkaygu sow ugama sii yara qabiilka reer Benyaamiin jilibyadiisa? Haddaba maxaad sidan iigula hadlaysaa?
11Waxaan ka qoomamoonayaa inaan Saa'uul boqor ka dhigay; waayo, lasocodkaygii dib buu uga noqday, oo mana uu oofin amarradaydii. Oo Samuu'eelna wuu cadhooday oo habeenkii oo dhan Rabbiguu u qaylinayay.