1 Boqorradii 2:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu ku yidhi, Waad og tahay inaan boqortooyada lahaa, oo ay dadkii dalka Israa'iil oo dhammu fiiro ii lahaayeen inaan boqor u noqdo, habase yeeshee boqortooyadii way rogmatay, oo waxaa yeeshay walaalkay, waayo, xagga Rabbiga buu ka helay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 1:5 : 5 ¶ Markaasaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay isweyneeyey, oo yidhi, Anigaa boqor noqon doona; oo wuxuu diyaarsaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah, iyo konton nin oo hortiisa orodda.
  • 1 Boq 1:25 : 25 Waayo, isagu maantuu tegey, oo qalay dibi iyo neefaf shishilis, iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilma boqor oo dhan, iyo saraakiishii ciidanka, iyo wadaadka Aabyaataar ah, oo bal eeg, iyana hortiisay wax ku cunayaan, oo wax ku cabbayaan, oo waxay leeyihiin, Boqor Adoniiyaah ha noolaado.
  • 1 Taar 22:9-9 : 9 Oo bal eeg, waxaa kuu dhalan doona wiil, kaasoo ahaan doona nin nasasho, oo waxaan ka nasin doonaa cadaawayaashiisa ku wareegsan oo dhan, oo isaga magiciisu wuxuu ahaan doonaa Sulaymaan, oo wakhtigiisa waxaan reer binu Israa'iil siin doonaa nabad iyo xasilloonaan. 10 Oo guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo wuxuu ahaan doonaa wiilkaygii, oo anna waxaan u ahaan doonaa aabbihiis, oo waxaan carshiga boqortooyadiisa u xoogayn doonaa inuu weligiis u taliyo reer binu Israa'iil.
  • 1 Taar 28:5-7 : 5 Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo. 6 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis. 7 Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.
  • Maah 21:30 : 30 Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.
  • Yer 27:5-8 : 5 Anigu dhulka, iyo dadka iyo xayawaanka dhulka joogaba waxaan ku sameeyey xooggayga weyn iyo gacantayda fidsan, oo waxaan siiyaa kii ila qumman. 6 Oo haatan dalalkan oo dhan waxaan siiyey addoonkayga Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey inay u adeegaan. 7 Oo quruumaha oo dhammuna way u wada adeegi doonaan isaga, iyo wiilkiisa, iyo wiilka wiilkiisa, ilaa wakhtiga dalkiisu yimaado, oo dabadeedna quruumo badan iyo boqorro waaweyn ayaa isaga addoonsan doona. 8 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.
  • Daan 2:22 : 22 Wuu muujiyaa waxyaalaha fog iyo qarsoodigaba; wuuna yaqaan waxa gudcurka ku jira, nuurkuna isaguu la joogaa.
  • 2 Sam 7:12 : 12 Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad la seexato awowayaashaa, farcankaaga kaa dambeeya oo kaa soo bixi doona ayaan sara kicin doonaa, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.
  • 2 Sam 12:24 : 24 Markaasaa Daa'uud qalbi qabowjiiyey naagtiisii Batshebac, oo intuu u tegey ayuu la seexday, markaasay wiil u dhashay, oo wuxuu magiciisii u bixiyey Sulaymaan. Kolkaasaa Rabbigu isagii jeclaaday,
  • 2 Sam 15:6 : 6 Oo reer binu Israa'iil kii boqorka xukun ugu yimid oo dhan Absaaloom sidaasuu ku samayn jiray dhammaantood; oo sidaasuu Absaaloom qalbiga uga xaday dadkii reer binu Israa'iil.
  • 2 Sam 15:13 : 13 ¶ Oo markaasaa Daa'uud waxaa u yimid wargeeye; isagoo leh, Dadkii reer binu Israa'iil qalbigoodii wuxuu raacay Absaaloom.
  • 2 Sam 16:18 : 18 Xuushayna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Saas ma aha; laakiinse kii Rabbiga, iyo dadkan, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu doorteen ayaa i lahaanaya, oo isagaan la joogayaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 75%

    21Markaasay tidhi, Abiishag tan reer Shuuneem ha la siiyo walaalkaa Adoniiyaah ha guursadee.

    22Kolkaasaa Boqor Sulaymaan hooyadiis ugu jawaabay, Abiishag tan reer Shuuneem maxaad Adoniiyaah ugu doonaysaa? Haddaba boqortooyadana u doon, waayo, isagu waa walaalkay iga weyn, u doon isaga, iyo wadaadka Aabyaataar, iyo Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay.

  • 75%

    16Haddaba wax baan ku weyddiisanayaa, hana ii diidin. Iyana waxay tidhi, Bal ii sheeg.

    17Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, iila hadal Boqor Sulaymaan inuu i siiyo Abiishag tan reer Shuuneem aan guursadee, (waayo, Maya, ku odhan maayo.)

  • 17Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.

  • 20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.

  • 14Oo weliba wuxuu iyadii ku yidhi, Muraad baan kaa leeyahay, iyana waxay tidhi, Bal ii sheeg.

  • 28Markaasaa Samuu'eel isagii ku yidhi, Maanta Rabbigu boqortooyadii reer binu Israa'iil buu kaa dillaaciyey, wuxuuna siiyey mid deriskaaga ah oo kaa sii wanaagsan.

  • 20Oo hadda bal eeg, hubaal waan ogahay inaad boqor noqonaysid, iyo in boqortooyada reer binu Israa'iil gacantaada ku dhismi doonto.

  • 72%

    4Habase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan.

    5Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.

  • 2 Sam 14:6-7
    2 aayado
    72%

    6Oo anoo addoontaadii ahuna waxaan lahaa laba wiil, oo labadoodii ayaa ku diriray duurka, oo wax kala qabtaana lama jirin; markaasaa midkood kii kale wax ku dhuftay, wuuna dilay.

    7Oo bal eeg, anoo addoontaada ah waxaa igu kacay reerkii oo dhan, oo waxay igu yidhaahdeen, Noo keen kii walaalkiis dilay, aannu walaalkiis oo uu nafta ka qaaday daraaddiis u dilnee, oo aannu kan dhaxalka lehna dilnee; oo saasna waxay u bakhtiin doonaan dhuxushii ii hadhay, oo ninkaygana dhulka uguma ay reebi doonaan magac iyo wax u hadha toona.

  • 35Laakiinse boqortooyada waxaan ka qaadayaa wiilkiisa oo adigaan ku siinayaa toban qabiil.

  • 24Markaasaa Naataan wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, ma waxaad tidhi, Aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona Adoniiyaah, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa?

  • 13Haddaba tag oo u gal Boqor Daa'uud, oo waxaad ku tidhaahdaa, Boqorow, sayidkaygiiyow, miyaadan anoo addoontaada ah iigu dhaaran oo odhan, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa? Haddaba Adoniiyaah muxuu boqor u noqday?

  • 35Dabadeedna waa inaad soo raacdaan isaga, oo isna waa inuu yimaado, oo carshigayga ku fadhiisto; waayo, meeshaydii isagaa boqor ka noqon doona, oo waxaan ka dhigay amiir u taliya dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

  • 37Oo waan ku qaadan doonaa, oo waxaad boqor u ahaan doontaa siday naftaadu doonayso, oo dalka Israa'iilna boqor baad ka noqon doontaa.

  • 8Markaasaa Sulaymaan Ilaah ku yidhi, Aabbahay Daa'uud si weyn baad ugu naxariisatay, anigana boqor baad igaga dhigtay meeshiisii.

  • 1 Boq 2:4-5
    2 aayado
    71%

    4inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.

    5Oo weliba waad og tahay wixii uu Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay igu sameeyey, ee uu ku sameeyey labadii sirkaal oo ciidanka dalka Israa'iil, kuwaasoo ahaa Abneer ina Neer, iyo Camaasaa ina Yeter, ee uu labadaba dilay, iyo inuu wakhtiga nabadda dhiiggii dagaalka daadiyey, oo uu dhiiggii dagaalkana mariyey dhex-xidhkiisa dhexda ugu xidhnaa, iyo kabahiisa cagaha ugu jiray.

  • 27Ma adaa waxan sameeyey, boqorow, sayidkaygiiyow, adoo aan weli addoommadaada ogeysiin kii carshiga ku fadhiisan lahaa dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

  • 4Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil ugu jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waa sidaad u tidhi, oo aniga iyo waxayga oo dhanba adigaa iska leh.

  • 70%

    28Waayo, reerka aabbahay oo dhammu waxay ahaayeen sida dad dhintay oo kale xaggaaga boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse anoo addoonkaaga ah waxaad i dhex fadhiisisay kuwa wax ka cuna miiskaaga. Haddaba weli xaqee baan u leeyahay inaan mar dambe kuu qayshado, boqorow?

    29Boqorkiina wuxuu ku yidhi, War maxaad weli uga sii hadlaysaa axwaalahaaga? Waxaan ku leeyahay, Adiga iyo Siibaa dhulka qaybsada.

  • 70%

    17Markaasay ku tidhi, Sayidow, anoo addoontaada ah waxaad iigu dhaaratay magaca Rabbiga Ilaahaaga ah, adoo leh, Hubaal dabaday waxaa boqor ahaan doona wiilkaaga Sulaymaan, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa.

    18Oo haddaba bal eeg, waxaa boqor ah Adoniiyaah, oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, taas ma ogid!

  • 8Saa'uulna aad buu u cadhooday, oo hadalkaas ayuu ka xumaaday, wuxuuna yidhi, Waxay Daa'uud ku sheegeen tobanyaal kun, laakiinse aniga waxay igu sheegeen kumanyaal; oo maxaa intaas ka badan oo uu heli lahaa boqortooyada mooyaane?

  • 10taasoo ah inaan boqortooyada ka wareejiyo reer Saa'uul, iyo inaan carshiga Daa'uud u qotomiyo reer binu Israa'iil iyo reer binu Yahuudah, iyo tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac.

  • 8oo boqortooyadiina intaan reerkii Daa'uud ka soo xoogay ayaan ku siiyey, oo weliba ma aadan ahaan sidii addoonkaygii Daa'uud, kii amarradaydii xajiyey, oo qalbigiisa oo dhanna igu raacay inuu sameeyo wixii hortayda ku qummanaa oo keliya,

  • 11Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis ayaan boqortooyada kaaga xoogayaa, oo waxaan siinayaa addoonkaaga, maxaa yeelay, ma aadan xajin axdigaygii iyo qaynuunnadaydii aan kugu amray.

  • 19Haddaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.

  • 26Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu qalbiga iska yidhi, Haddaba boqortooyadu waxay u noqon doontaa reerkii Daa'uud;

  • 10Haddaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro?

  • 2Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:)

  • 30Oo markii Rabbigu kuu sameeyo wanaaggii uu kaaga hadlay oo dhan ee uu amiir kaaga dhigo reer binu Israa'iil oo dhan, sayidkaygiiyow,

  • 3Markaasaa boqorkii ku yidhi, Meeh wiilkii sayidkaagu? Siibaana boqorkii buu ku yidhi, Yeruusaalem buu ku hadhay, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil maantay ii soo celin doonaan boqortooyadii aabbahay.

  • 13Oo weliba boqortooyada oo dhan ka wada xoogi maayo, laakiinse qabiil ayaan wiilkaaga siinayaa, addoonkayga Daa'uud aawadiis iyo Yeruusaalem oo aan doortay aawadeed.

  • 44Weliba boqorkii wuxuu Shimcii ku yidhi, Waad wada og tahay sharka qalbigaaga ku jira oo aad aabbahay Daa'uud ku samaysay. Sidaas daraaddeed Rabbigu sharkaagii wuxuu ku soo celin doonaa madaxaaga.

  • 5War, miyeydnaan ogayn in Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu Daa'uud weligiis siiyey boqortooyada reer binu Israa'iil u talisa oo wuxuu isaga iyo wiilashiisana ku siiyey axdi cusbo leh?

  • 4Oo Absaaloom wuxuu kaloo yidhi, Way, bal maa aniga dalka xaakin la iiga dhigo, si nin alla ninkii dacwo ama muraad lihi iigu yimaado oo aan caddaalad ugu xukumo!

  • 12War idinku walaalahay baad tihiin, oo waxaad kaloo tihiin laftayda iyo luddayda; haddaba maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?

  • 31Kolkaasuu Yaaraabcaam ku yidhi, Toban meelood qaado, waayo, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ah wuxuu leeyahay, Boqortooyada waan ka xoogayaa Sulaymaan, oo toban qabiil ayaan ku siinayaa,

  • 17Markaasaa Saa'uul gartay Daa'uud codkiisii oo yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Haah, kanu waa codkaygii, boqorow sayidkaygiiyow.

  • 6Oo markaas nin wuxuu soo qaban doonaa walaalkiis oo jooga gurigii aabbihiis, oo wuxuu ku odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay dhar, haddaba taliye noo noqo oo waxan burburka ahuna ha kaa hooseeyo.

  • 8gurigii sayidkaagana waan ku siiyey, naagihii sayidkaagana laabtaadaan ku jiifiyey; dalkii Israa'iil iyo dalkii Yahuudahna waan ku siiyey; oo haddii intaasu kugu yaraydna waxaan kuugu dari lahaa waxyaalo kaloo ka sii badan.

  • 43Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay raggii reer Yahuudah ugu jawaabeen, War boqorka toban meelood baannu ku leennahay, oo weliba Daa'uud annagaa idinkaga xaq leh, haddaba maxaad noo quudhsateen oo aad hore noo weyddiin weydeen talo ku saabsan boqorkeenna soo celintiisa? Oo raggii reer Yahuudah erayadoodii way ka sii adkaayeen erayadii raggii reer binu Israa'iil.

  • 5¶ Markaasaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay isweyneeyey, oo yidhi, Anigaa boqor noqon doona; oo wuxuu diyaarsaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah, iyo konton nin oo hortiisa orodda.

  • 3La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqor u ah, iyo reer binu Israa'iilka dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin deggan oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa,