12Haddaba Miikaal waxay Daa'uud ka dejisay daaqaddii; oo isna intuu tegey ayuu cararay, waana baxsaday.
13Markaasaa Miikaal waxay soo qaadday sanam oo sariirtay saartay, oo waxay madaxa u dhigtay barkin dhogor riyood ah, waxayna ku dedday dhar.
14Oo markii Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo kexeeyaan ayay ku tidhi, Wuu bukaa.
15Markaasaa Saa'uul raggii soo diray inay Daa'uud soo arkaan, oo wuxuu ku yidhi, Isagoo sariirta ku jiifa ii keena aan dilee.
16Oo raggiina markay gurigiisii soo galeen ayay arkeen sanamkii oo sariirta saaran oo barkin dhogor riyood ahu madaxa u taal.
17Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Miikaal ku yidhi, Naa maxaad saas iigu khiyaanaysay oo cadowgayga u sii daysay inuu baxsado? Miikaalna waxay Saa'uul ugu jawaabtay, Wuxuu igu yidhi, I sii daa, yaanan ku diline.
18¶ Haddaba Daa'uud wuu cararay oo wuu baxsaday, oo wuxuu Samuu'eel ugu yimid Raamaah, oo u sheegay kulli wixii Saa'uul ku sameeyey oo dhan. Markaasaa isaga iyo Samuu'eel waxay tageen oo degeen Naayood.
19Saa'uulna waa loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Daa'uud wuxuu joogaa Naayood oo Raamaah ku taal.