1 Samuu'eel 18:19
Laakiinse wakhtigii Saa'uul gabadhiisii Meerab ahayd Daa'uud loo guurin lahaa, waxaa la siiyey oo loo guuriyey Cadrii'eel oo reer Mexolaad ahaa.
Laakiinse wakhtigii Saa'uul gabadhiisii Meerab ahayd Daa'uud loo guurin lahaa, waxaa la siiyey oo loo guuriyey Cadrii'eel oo reer Mexolaad ahaa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
16Laakiinse reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah oo dhanba Daa'uud aad bay u jeclaayeen; waayo, isagu hortooduu ka bixi jiray, soona geli jiray.
17¶ Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Bal eeg, gabadhayda weyn oo Meerab ah ayaan kuu siinayaa inaad guursato; laakiinse waa inaad ii xoog badnaato oo aad dagaallada Rabbigana dirirto. Waayo, Saa'uul wuxuu isyidhi, Yuusan gacantayda ku bixin, laakiinse gacanta reer Falastiin ha ku baxo.
18Markaasaa Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War yaan ahay, oo noloshaydu waa maxay, amase reer aabbahay xaggay ka joogaan reer binu Israa'iil, inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa?
20Oo gabadhii Saa'uul oo Miikaal ahayd ayaa Daa'uud jeclaatay. Markaasaa Saa'uul loo sheegay, oo taasuna isagii way ka farxisay.
21Markaasaa Saa'uul wuxuu isyidhi, Dabin ha ku noqotee, isaga waan siin iyada, si ay gacanta reer Falastiin isaga gees uga ahaato. Sidaas aawadeed Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu maanta waxaad mar labaad noqonaysaa wiilkii aan soddogga u ahaa.
22Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku amray oo ku yidhi, Daa'uud hoos ahaan ula hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, boqorku wuu kugu farxay, oo addoommadiisa oo dhammuna way ku jecel yihiin; haddaba sidaas daraaddeed boqorku soddog ha kuu noqdo.
23Oo addoommadii Saa'uulna erayadaas waxay u sheegeen Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Ma waxay idinla tahay inay fudud dahay inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa, anigoo ah nin miskiin ah oo weliba derejo yar?
24Oo Saa'uul addoommadiisiina way u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Daa'uud sidaasuu u hadlay.
25Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin.
26Oo addoommadiisiina markay Daa'uud erayadaas u soo sheegeen ayaa Daa'uud aad ugu farxay inuu ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Maalmahaasuna ma ay dhammaan;
27markaasaa Daa'uud kacay oo tegey isagii iyo raggiisiiba, oo waxay reer Falastiin ka soo laayeen laba boqol oo nin; markaasaa Daa'uud buuryadoodii keenay, oo boqorkii bay siiyeen tiradoodii oo dhan, si Daa'uud u noqdo wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Saa'uulna wuu siiyey gabadhiisii Miikaal inay naag u noqoto.
28Oo Saa'uulna wuu arkay wuuna ogaa in Rabbigu Daa'uud la jiro; oo Saa'uul gabadhiisii Miikaal ahaydna Daa'uud bay caashaqday.
29Saa'uulna aad buu uga sii cabsanayay Daa'uud; oo Saa'uulna had iyo goorba Daa'uud cadow buu u ahaa.
42Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo kacday, oo waxay fuushay dameer, iyadoo wadata shan gabdhood oo kuweed ah oo la socda; oo iyana wargeeyayaashii Daa'uud bay daba gashay, waxayna noqotay naagtiisii.
43Oo Daa'uud haddana Axiinocamtii reer Yesreceel buu guursaday, oo labadoodiiba waxay noqdeen naagihiisii.
44Haddaba Saa'uul gabadhiisii Miikaal ee Daa'uud naagtiisa ahayd wuxuu siiyey Faltii oo ahaa ina Layish, kaasoo ahaa reer Galliim.
13Markaasuu yidhi, Waa hagaag; heshiis baan kula dhiganayaa, laakiinse wax baan kaa doonayaa, taasuna waxaa weeyaan, markaad ii timaadid waa inaadan i hor iman adoo marka hore Miikaal oo ah ina Saa'uul i soo hor taaga mooyaane.
14Oo Daa'uudna wargeeyayaal buu u diray Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, isagoo leh, Ii keen naagtaydii Miikaal, oo aan ku guursaday boqol buuryo oo reer Falastiin.
15Markaasaa Iishboshed rag u diray oo iyadii ka soo kexeeyey ninkeedii, kaasoo ahaa Faltii'eel ina Layish.
8Laakiinse boqorkii wuxuu soo qabtay labadii wiil ee Risfaah ina Ayah, oo ay u dhashay Saa'uul, kuwaas oo ahaa Armonii iyo Mefiiboshed, iyo shantii wiil ee Miikaal ina Saa'uul, oo ay u dhashay Cadrii'eel ina Barsillay kii reer Mexolaad;
40Oo addoommadii Daa'uudna markay Abiigayil ugu yimaadeen Karmel, intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Daa'uud baa noogu kaa soo diray inuu ku guursado.
49¶ Haddaba Saa'uul wiilashiisii waxay ahaayeen Yoonaataan iyo Yishwii, iyo Melkiishuuca; oo labadiisii gabdhoodna magacyadoodii waxay ahaayeen Meerab iyo Miikaal; tii curadda ahayd magaceedu wuxuu ahaa Meerab, tii yaraydna magaceeda waxaa la odhan jiray Miikaal.
50Oo naagtii Saa'uul magaceeduna wuxuu ahaa Axiino'am, oo waxay ahayd ina Axiimacas; oo sirkaalkii ciidankiisana magiciisu wuxuu ahaa Abneer, wuxuuna ahaa ina Neer, kaasoo ahaa Saa'uul adeerkiis.
11Markaasaa Saa'uul rag u diray Daa'uud gurigiisii, oo wuxuu ku yidhi, Dhawra oo subaxdii isaga dila. Markaasaa Miikaal oo Daa'uud naagtiisii ahayd ayaa warkii u sheegtay, oo ku tidhi, Haddaadan caawa naftaada la baxsan, berri waa lagu dilayaa.
12Haddaba Miikaal waxay Daa'uud ka dejisay daaqaddii; oo isna intuu tegey ayuu cararay, waana baxsaday.
17Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Miikaal ku yidhi, Naa maxaad saas iigu khiyaanaysay oo cadowgayga u sii daysay inuu baxsado? Miikaalna waxay Saa'uul ugu jawaabtay, Wuxuu igu yidhi, I sii daa, yaanan ku diline.
18¶ Haddaba Daa'uud wuu cararay oo wuu baxsaday, oo wuxuu Samuu'eel ugu yimid Raamaah, oo u sheegay kulli wixii Saa'uul ku sameeyey oo dhan. Markaasaa isaga iyo Samuu'eel waxay tageen oo degeen Naayood.
18¶ Oo Rexabcaam wuxuu guursaday Maxalad oo ay dhaleen Yeriimood ina Daa'uud iyo Abiixayil oo ahayd ina Elii'aab ina Yesay,
23Oo Miikaal oo ahayd ina Saa'uulna ilaa maalintii ay dhimatay ilmo ma dhalin.
20Markaasaa Daa'uud u noqday inuu reerkiisii u duceeyo. Oo Miikaal oo ahayd ina Saa'uul ayaa u soo baxday inay Daa'uud ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Boqorka reer binu Israa'iil qurux badnaa maanta, kaasoo maanta isku hor qaawiyey gabdhihii addoommadiisa sida waxmatarayaasha midkood isugu qaawiyo oo kale!
21Markaasay tidhi, Abiishag tan reer Shuuneem ha la siiyo walaalkaa Adoniiyaah ha guursadee.
27Oo markii baroortii dhammaatay ayaa Daa'uud u soo cid diray iyadii oo gurigiisii soo gashaday, oo iyana waxay noqotay naagtiisii, wiilna way u dhashay. Laakiinse wixii Daa'uud sameeyey ayaa Rabbigu ka xumaaday.
3¶ Oo Daa'uudna naago kale buu Yeruusaalem ku guursaday, oo wuxuu dhalay wiilal iyo gabdho kale.
14Oo markii Saa'uul rag u soo diray inay Daa'uud soo kexeeyaan ayay ku tidhi, Wuu bukaa.
15Markaasaa Saa'uul raggii soo diray inay Daa'uud soo arkaan, oo wuxuu ku yidhi, Isagoo sariirta ku jiifa ii keena aan dilee.
57Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin.
58Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Inanyahow, ina ayaad tahay? Oo Daa'uudna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay wiilkii addoonkaaga Yesay ee reer Beytlaxam.
3Oo Daa'uudna Aakiish buu la joogi jiray Gad, isagii iyo raggiisiiba, oo nin waluba reerkiisii wuu watay, oo xataa Daa'uud wuu watay labadiisii naagood, kuwaasoo ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel iyo Abiigayil tii reer Karmel oo Naabaal u dhaxday.
6¶ Intii ay reer Saa'uul iyo reer Daa'uud dagaallamayeen ayaa Abneer aad ugu xoogaystay reerkii Saa'uul.
7Haddaba Saa'uul wuxuu lahaa naag addoon ah oo magaceedana la odhan jiray Risfaah, waxayna ahayd ina Ayah; oo Iishboshed wuxuu Abneer ku yidhi, War maxaad ugu tagtay addoontii aabbahay?
5Oo Daa'uud labadiisii naagood ee ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo ahayd reer Karmel oo Naabaalna u dhaxdayba, waa lala tegey iyagoo maxaabiis ah.
19Sidaas daraaddeed Saa'uul wargeeyayaal buu u diray Yesay oo ku yidhi, Wiilkaaga Daa'uud oo idaha ilaalinaya ii soo dir.
25Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War ma aragteen ninkan soo baxay? Hubaal wuxuu u soo baxay inuu reer binu Israa'iil careeyo; oo waxay noqon doontaa in ninkii isaga dila uu boqorku taajir ka dhigi doono oo maal badan siin doono; gabadhiisuuna siin doonaa, oo reerka aabbihiisna ku dhex xorayn doonaa reer binu Israa'iil.
31Oo erayadii Daa'uud ku hadlay markii la maqlay ayaa Saa'uul loo warramay, oo isna wuu u soo cid diray.
29Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu uu magaaladii Daa'uud imanayay ayay Miikaal oo ahayd ina Saa'uul daaqadda ka eegtay, oo kolkay aragtay Boqor Daa'uud oo cayaaraya ayay qalbiga ka quudhsatay.
14Markaasaa Axiimeleg wuxuu boqorkii ugu jawaabay, Bal yaa addoommadaada ka mid ah oo sida Daa'uud aamin u ah, kaasoo boqorku soddog u yahay, oo weliba shirkaaga ka qayb gala, oo reerkaagana sharaf ku leh?
16Oo markuu sanduuqii Rabbigu soo galay magaaladii Daa'uud ayaa Miikaal oo ahayd ina Saa'uul dariishadda wax ka fiirisay, oo waxay aragtay Boqor Daa'uud oo boodboodaya oo Rabbiga hortiisa ku cayaaraya; markaasay quudhsatay.
21Markaasaa Daa'uud Saa'uul u yimid, oo hortiisuu soo istaagay, oo isna aad buu u jeclaaday Daa'uud, oo wuxuu Saa'uul u noqday kii hubka u siday.
13¶ Oo Daa'uudna weliba Yeruusaalem ayuu ka guursaday addoommo iyo naago kale markuu Xebroon ka yimid dabadeed, oo weliba waxaa Daa'uud u dhashay wiilal iyo gabdho.
5Oo Daa'uudna meel alla meeshii Saa'uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa'uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa'uul oo dhanba.