1 Samuu'eel 30:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo Daa'uudna markuu Siiqlag yimid ayuu boolidii qaarkeed odayaashii dalkii Yahuudah u diray, iyo xataa saaxiibbadiis, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, tanu waa hadiyad ka mid ah boolidii aan cadaawayaashii Rabbiga ka soo dhacay,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 25:27 : 27 Haddaba sayidkaygiiyow, hadiyaddan anoo addoontaada ah aan kuu keenay, ha la siiyo ragga dhallinyarada ah oo kula socda.
  • 2 Boq 5:15 : 15 Markaasuu ninkii Ilaah ku noqday, oo isagii iyo kooxdiisii oo dhammuba, intay yimaadeen ayay hortiisii soo istaageen; oo isna wuxuu yidhi, Bal eeg, haatan waan ogahay inaan dunida oo dhan Ilaah lagu arag dalka Israa'iil mooyaane, haddaba sidaas daraaddeed waxaan kaa baryayaa inaad qaadato hadiyaddayda anoo addoonkaaga ah.
  • 1 Taar 12:1-9 : 1 ¶ Haddaba intanu waa kuwii Daa'uud ugu yimid Siiqlag, intuu weli ka dhumanayay Saa'uul ina Qiish, oo iyagu waxay ku jireen ragga xoogga badan oo la dagaal galay. 2 Oo iyagu qaansooyin bay siteen, oo gacanta midigta iyo tan bidixdaba dhagaxyo way ku wadhfin kareen, fallaadhona qaansooyin way kaga gani kareen, oo iyagu waxay ahaayeen reer Benyaamiin oo Saa'uul walaalihiis ah. 3 Oo waxaa madax ahaa Axiiceser, dabadeedna Yoo'aash, oo ahaa ina Shemaacaah oo ahaa reer Gibecaad, iyo Yesii'eel iyo Feled oo ahaa wiilashii Casmaawed, iyo Beraakaah, iyo Yeehuu oo ahaa reer Canaatood, 4 iyo Yishmacyaah oo ahaa reer Gibecoon oo ahaa nin xoog badan oo soddonka ka mid ahaa, oo weliba soddonka ka wada sarreeyey, iyo Yeremyaah, iyo Yaxasii'eel, iyo Yooxaanaan, iyo Yoosaabaad oo ahaa reer Gedeeraad, 5 iyo Elcuusay, iyo Yeriimood, iyo Becalyaah, iyo Shemaryaah, iyo Shefatyaah oo ahaa reer Xaruuf, 6 iyo Elqaanaah, iyo Yishiyaah, iyo Casareel, iyo Yooceser, iyo Yaashaabcaam oo ahaa reer Qorax, 7 iyo Yooceelaah iyo Sebadyaah oo ahaa wiilashii Yeroxaam oo ahaa reer Gedoor. 8 Oo waxaa reer Gaad Daa'uud isaga soocay oo ugu tegey dhufayskii cidlada ku yiil rag xoog badan oo ah rag dagaal loo tababbaray, oo gaashaan iyo waran qaadan karay, oo wejigooduna wuxuu ahaa sida weji libaax oo kale, oo waxay u dheereeyeen sida cawsha buuraha joogta. 9 Oo iyaga waxaa madax ahaa Ceser, Cobadyaahna wuxuu ahaa kii labaad, Elii'aabna kii saddexaad, 10 Mishmannaahna kii afraad, Yeremyaahna kii shanaad, 11 Catayna kii lixaad, Elii'eelna kii toddobaad, 12 Yooxaanaanna kii siddeedaad, Elsaabaadna kii sagaalaad, 13 Yeremyaahna kii tobnaad, Makbannayna kii kow iyo tobnaad. 14 Kuwaas oo ahaa reer Gaad waxay ahaayeen saraakiishii ciidanka, oo kii iyaga ugu yaraa wuxuu u dhigmaa boqol nin, kii ugu weynaana kun nin. 15 Oo kuwaasu waxay ahaayeen kuwii bishii kowaad ka gudbay Webi Urdun oo buuxdhaafay oo qararka oo dhan ka daatay, oo iyagu waxay kala eryeen dadkii dooxooyinka degganaa oo dhan, xagga bari, iyo xagga galbeedba.
  • Sab 35:27 : 27 Kuwa xaqnimadayda jecelu farxad ha ku dhawaaqeen, oo ha farxeen, Oo had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo, Waayo, isagu wuxuu ku farxaa barwaaqada addoonkiisa.
  • Sab 68:18 : 18 Adigu kor baad u baxday, oo waxaad qabatay oo kaxaysay kuwii maxaabiista ahaan jiray. Oo waxaad hadiyado ka qaadatay dadka dhexdiisa, Iyo xataa caasiyiintaba, in Rabbiga Ilaah ahu halkaas joogo aawadeed.
  • Maah 18:16-24 : 16 Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn. 17 Kii dacwaddiisa u hor mara, mid xaq ah baa la moodaa, Laakiinse deriskiisaa ka daba yimaada oo imtixaama isaga. 18 Saamigu wuxuu joojiyaa murammo, Oo wuxuu kala kaxeeyaa kuwa xoogga badan. 19 In walaal la xumeeyey la soo celiyo waa ka sii adag tahay in magaalo xoog leh la qabsado, Oo murammona waa ka xoog badan yihiin qalcad biraheeda. 20 Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa, Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha. 21 Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka, Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa. 22 Ku alla kii afo helaa wuxuu helaa wax wanaagsan, Oo Rabbigana raallinimuu ka helaa. 23 Miskiinku baryootan buu ku hadlaa, Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa. 24 Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.
  • Ish 32:8 : 8 Laakiinse deeqsigu wuxuu hindisaa waxyaalo deeqsinimo ah, oo wuxuu ku sii adkaan doonaa waxyaalo deeqsinimo ah.
  • 2 Kor 9:5 : 5 Taas aawadeed waxaan u maleeyey inay dhaanto inaan walaalaha ka baryo inay hortay idiin yimaadaan, inay hore diyaar uga sii dhigaan deeqda aad ballanqaaddeen, inay taasi diyaar u ahaato deeq ahaan, mana aha qasab ahaan.
  • Bil 33:11 : 11 Waan ku baryayaaye, guddoon hadiyaddayda laguu keenay; maxaa yeelay, Ilaah baa ii roonaaday, oo haddana wax igu filan baan haystaa. Aad buuna u baryay, kolkaasuu guddoomay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 27oo wuxuu u wada diray kuwii Beytel joogay, iyo kuwii Raamod tii koonfureed joogay, iyo xataa kuwii Yatiir joogay,

  • 75%

    19Oo waxba kama maqnayn iyagii, wax yar iyo wax weyn toona, ama wiilal iyo gabdho toona, ama booli iyo wixii ay la tageen oo dhan toona; oo Daa'uudna wuu soo wada celiyey kulligood.

    20Markaasaa Daa'uud kaxaystay idihii iyo lo'dii oo dhan, oo waxay ku hor kexeeyeen xoolihii kale, oo yidhaahdeen, Intanu waa boolidii Daa'uud.

    21Oo Daa'uudna wuxuu u yimid labadii boqol oo nin oo intay daaleen Daa'uud raaci kari weyday, oo ay durdurkii Besoor agtiisa kaga tageen, oo iyana waxay u soo baxeen inay ka hor tagaan Daa'uud iyo dadkii la jiray; oo Daa'uudna markuu dadkii u soo dhowaaday ayuu nabdaadiyey.

    22Markaasay raggii sharka lahaa ee waxmatarayaasha ahaa oo Daa'uud raacay oo dhammuba waxay ugu jawaabeen, Maalkii aannu soo dhacsannay iyaga waxba ka siin mayno, maxaa yeelay, nama ay raacin, laakiinse nin kasta waxaannu siinaynaa naagtiisii iyo carruurtiisii, ee ha kaxaysteen oo ha iska tageen.

    23Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Walaalahayow, waa inaydnaan saas ku samayn wixii Rabbigu ina siiyey, kaasoo ah kii ina badbaadiyey, oo weliba inoo soo gacangeliyey colkii ina soo weeraray.

  • 1¶ Oo maalintii saddexaad intaanay Daa'uud iyo raggiisii Siiqlag iman ayaa reer Camaaleq soo dhaceen xagga koonfureed, iyo Siiqlag, oo waxay weerareen Siiqlag, wayna gubeen;

  • 6Maalintaasaa Aakiish siiyey Siiqlag, oo sidaas aawadeed Siiqlag ilaa maanta waxaa iska leh boqorrada dalka Yahuudah.

  • 73%

    14Oo waxaannu soo dhacnay reer Kereetiim xaggooda Koonfureed, iyo dalka ay leeyihiin reer Yahuudah, iyo xagga Koonfureed oo reer Kaaleeb; oo Siiqlagna waan gubnay.

    15Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.

    16Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.

  • 27Maalkii boolida ahaa oo dagaalka lagu soo dhacay waxay quduus uga dhigeen si loogu cusboonaysiiyo gurigii Rabbiga.

  • 1¶ Dhimashadii Saa'uul dabadeed, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Camaaleq oo uu Daa'uud laba maalmood Siiqlag sii joogay

  • 10markii mid ii soo sheegay inuu Saa'uul dhintay, isagoo u malaynaya inuu war wanaagsan ii sido, waan qabtay oo Siiqlag baan ku dilay, taasuna waxay ahayd abaalgudkii aan warkiisii ka siiyey.

  • 71%

    11oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu quduuska ka dhigay oo uu ka soo dhacay quruumihii uu jebiyey oo dhan;

    12kuwaas oo ahaa reer Suuriya, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq, iyo dhicii uu boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser ina Rexob ka helay.

  • 11Oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu ka soo dhacay quruumihii oo dhan, kuwaasoo ahaa reer Edom, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq.

  • 1¶ Haddaba intanu waa kuwii Daa'uud ugu yimid Siiqlag, intuu weli ka dhumanayay Saa'uul ina Qiish, oo iyagu waxay ku jireen ragga xoogga badan oo la dagaal galay.

  • 4Oo Daa'uudna raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, maanta waa maalintii Rabbigu kugu yidhi, Cadowgaaga gacantaadaan ku soo ridi doonaa, oo waxaad ku samayn doontaa wixii kula wanaagsan. Markaasaa Daa'uud kacay, oo hoos ahaan ayuu aayar u gooyay Saa'uul darafkii khamiiskiisa.

  • 5¶ Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray dadkii reer Yaabeesh Gilecaad, oo ku yidhi, Rabbigu ha idin barakeeyo, waayo, waad u roonaateen oo aasteen sayidkiinnii Saa'uul ahaa.

  • 70%

    16Oo waxaa dhufayska Daa'uud ugu yimid reer Benyaamiin iyo reer Yahuudah qaarkooda.

    17Markaasaa Daa'uud u baxay inuu iyaga ka hor tago, oo intuu jawaabay ayuu ku yidhi, Haddaad nabdoon iigu timaadeen inaad i caawisaan qalbigaygu wuu idinla jiri doonaa, laakiinse haddaad iigu timaadeen inaad cadaawayaashayda ii gacangelisaan, Ilaahii awowayaasheen taas ha fiiriyo oo ha canaanto, maxaa yeelay, gacmahayga wax xumaan ahu kuma jiraan.

  • 1 Sam 27:8-9
    2 aayado
    69%

    8Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii u keceen inay weeraraan reer Geshuur, iyo reer Geser, iyo reer Camaaleq, waayo, quruumahaas ayaa waagii hore dalka degganaa, oo waxay degganaayeen ilaa Shuur iyo xataa tan iyo dalka Masar.

    9Markaasaa Daa'uud dalkii weeraray, oo nololna kuma uu dayn nin iyo naag toona, wuxuuna la tegey idihii, iyo dibidii, iyo dameerrihii, iyo geelii, iyo dharkii, dabadeedna wuu soo noqday, oo Aakiish u yimid.

  • 31iyo kuwii Xebroon joogay, oo xataa wuu u wada diray kuwii joogay meelihii Daa'uud iyo raggiisu ku noqnoqon jireen oo dhan.

  • 2 Sam 8:6-7
    2 aayado
    69%

    6Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.

    7Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadadceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem.

  • 57Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin.

  • 54Markaasaa Daa'uud madaxii kii reer Falastiin qaaday, oo Yeruusaalem keenay, laakiinse hubkiisii teendhadiisuu dhigay.

  • 21Haddaba Daa'uud wuxuu markaa ka hor yidhi, Hubaal waxtarla'aan baan u dhawrayay waxa ninkanu cidlada ku haysto oo dhan, si aan waxba uga maqnaan waxa uu leeyahay oo dhan, oo wanaaggii aan u falay shar buu iigu beddelay.

  • 69%

    6Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.

    7Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadarceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem.

  • 29Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.

  • 16Oo Daa'uudna wuxuu yeelay sidii Ilaah ku amray, oo waxay ciidankii reer Falastiin ku laynayeen ilaa Gibecoon iyo tan iyo Geser.

  • 68%

    19Sidaas daraaddeed Saa'uul wargeeyayaal buu u diray Yesay oo ku yidhi, Wiilkaaga Daa'uud oo idaha ilaalinaya ii soo dir.

    20Markaasaa Yesay wuxuu soo kexeeyey dameer ku raran kibis iyo sibraar khamri ah, iyo orgi yar, oo Saa'uul buu u diray. Wuxuuna ugu sii dhiibay wiilkiisii Daa'uud.

  • 32Markaasaa Daa'uud wuxuu Abiigayil ku yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo maanta kuu soo diray inaad iga hor timaadid.

  • 11¶ Markaasaa boqorkii u cid diray wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, oo wuxuu ku yidhi, Odayaasha dalka Yahuudah la hadla oo ku dhaha, Waxaa boqorka u yimid hadalkii reer binu Israa'iil oo dhan oo leh, Boqorka gurigiisa ha lagu soo celiyo, laakiinse maxaad idinku dadka uga hadheen si aad boqorka gurigiisii ugu soo celisaan?

  • 2Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Hadday idinla wanaagsan tahay iyo hadday tahay tan Rabbiga Ilaaheenna ah aynu meel kasta ugu cid dirno walaalaheenna ku hadhay dalka Israa'iil oo dhan, kuwaasoo ah kuwa wadaaddada iyo reer Laawi ay la dhex joogaan magaalooyinkooda agagaarka leh, si ay iyaguna inoogu soo ururaan.

  • 3Oo Daa'uud iyo raggiisiina markay magaaladii yimaadeen, waxay arkeen iyadoo la gubay, oo naagahoodii iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba loola wada tegey maxaabiis ahaan.

  • 17¶ Markaasaa Yesay wuxuu wiilkiisii Daa'uud ku yidhi, Waxaad walaalahaa u qaaddaa eefaah hadhuudhkan duban ah, iyo tobankan xabbadood ee kibista ah, oo haddiiba xeradii u qaad oo walaalahaa u gee,

  • 2Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen.

  • 1 Sam 23:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.

    2Sidaas daraaddeed Daa'uud Rabbiguu wax weyddiistay oo yidhi, Miyaan tagaa oo kuwan reer Falastiin soo laayaa? Oo Rabbiguna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, oo reer Falastiin soo laa, oo reer Qeciilaah soo badbaadi.

  • 10Markaasaa Daa'uud yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, hubaal anoo addoonkaaga ah waxaan maqlay in Saa'uul doonayo inuu Qeciilaah yimaado, oo uu magaaladana daraadday u baabbi'iyo.

  • 2Oo Daa'uudna markuu dhammeeyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaannadii nabaadiinada ee uu bixinayay ayuu dadkii ugu duceeyey magicii Rabbiga.

  • 25Maalintaas intay ka bilaabanto ilaa maantadan la joogo, wuxuu taas uga dhigay reer binu Israa'iil, qaynuun iyo amar.

  • 5Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba Qeciilaah tageen, oo reer Falastiin la dirireen, oo waxay ka soo dhaceen lo'doodii, dad faro badanna way laayeen. Sidaasuu Daa'uud dadkii Qeciilaah degganaa u badbaadiyey.

  • 12Sidaas daraaddeed Daa'uud raggiisii dhallinyarada ahaa way jeesteen oo dib bay u noqdeen, oo intay Daa'uud u yimaadeen ayay erayadan oo dhan u sheegeen.

  • 8Oo taas bal raggaaga dhallinyarada ah weyddii, oo way kuu sheegi doonaan. Taas aawadeed ragga dhallinyarada ah raalli ka ahow, waayo, maalin wanaagsan baannu kuu nimid, haddaba waan ku baryayaaye wax alla wixii gacantaada ku jira soo sii addoommadaada iyo anoo ah inankaaga Daa'uud.