1 Samuu'eel 9:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markay soo fuulayeen jiirtii magaalada waxay la kulmeen gabdho aroor u soo baxaya, kolkaasay ku yidhaahdeen, Wax arkihii halkan ma joogaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 24:11 : 11 Awrtiina wuxuu tu'iyey meel magaalada dibaddeeda ah oo ceelka biyaha agtiisa ah kolkay galabtii ahayd, marka dumarku biyo dhaansiga u soo baxaan.
  • Bax 2:16 : 16 Haddaba wadaadkii Midyaan wuxuu lahaa toddoba gabdhood. Intay ceelkii yimaadeen ayay dhaamiyeen oo berkedihii biyo ka buuxiyeen inay waraabiyaan idihii aabbahood.
  • Xaak 5:11 : 11 Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.
  • Bil 24:18-20 : 18 Markaasay tidhi, Cab, sayidkaygiiyow. Oo intay dhaqsatay ayay ashuunkeedii dejisay oo gacanta ku qabatay, wayna waraabisay. 19 Oo markii ay waraabisay ka dib ayay ku tidhi, Awrtaadana waan u dhaamin doonaa, ilaa ay wabxaan. 20 Oo intay dhaqsatay ayay biyihii ashuunkeedii ku shubtay berkeddii, oo mar kalay ceelkii ku orodday inay soo dhaamiso, wayna u dhaamisay awrtiisii oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    12Oo markaasay ugu jawaabeen, Wuu joogaa, oo wuu idinka horreeyaa, haddaba dhaqsada, waayo, isagu maantuu magaalada yimid, maxaa yeelay, dadku maantay allabari ku bixinayaan meesha sare.

    13Oo markaad magaalada gashaan, isla markaasba waad helaysaan isaga intuusan meesha sare tegin inuu wax ku cuno, waayo, dadku wax cuni maayaan ilaa uu yimaado, maxaa yeelay, isagaa allabariga ku duceeya; dabadeedna kuwii loo yeedhay way cunaan. Haddaba sidaas daraaddeed kaca, waayo, hadda waad helaysaan isagii.

    14Markaasay magaaladii u kaceen, oo markay magaaladii soo galeen, bal eeg, waxaa iyagii ka soo hor baxay Samuu'eel oo u socda meeshii sare.

    15¶ Haddaba Rabbigu wax buu Samuu'eel u muujiyey maalin ka horraysay intaan Saa'uul iman, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1 Sam 9:3-10
    8 aayado
    83%

    3Qiish oo ahaa Saa'uul aabbihiis ayaa dameerihiisii ka lumeen. Markaasaa Qiish wuxuu wiilkiisii Saa'uul ku yidhi, midiidinnada midkood kaxee, oo kac, oo dameerihii doondoon.

    4Markaasuu dhex maray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo haddana wuxuu dhex maray dalkii reer Shaalishaah, laakiinse dameerihii ma ay helin. Markaasay haddana dhex mareen dalkii reer Shacaliim, oo halkaasna ma ay joogin. Oo haddana wuxuu dhex maray dalkii reer Benyaamiin, laakiinse halkaasna kama ay helin.

    5Oo markay yimaadeen dalkii reer Suuf, Saa'uul wuxuu midiidinkiisii la socday ku yidhi, Ina keen aan noqonnee, waayo, waaba intaasoo aabbahay dameerihii ka hawo go'aa oo innaga inaga fikiraaye.

    6Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, magaaladan waxaa jooga nin Ilaah, oo isna waxaa weeyaan nin aad loo ciseeyo, oo wax alla wixii uu yidhaahdaaba run bay noqdaan, haddaba bal ina keen aynu u tagnee; mindhaa wax waa inooga sheegi karaa jidka aan mari doonno.

    7Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, War haddaynu u tagno maxaan u geeynaa ninka? Waayo, kibistii weelasheenna waa ka dhammaatay, oo ma hayno hadiyad aan u geeyno ninka Ilaah. Bal maxaynu haysannaa?

    8Markaasaa midiidinkii mar kale u jawaabay Saa'uul, oo ku yidhi, Bal eeg, gacanta waxaan ku hayaa rubuc sheqel lacag ah, haddaba kaasaan ninka Ilaah siinayaa inuu jidkeenna inoo sheego aawadeed.

    9(Waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda markii nin Ilaah wax weyddiisanayo, sidan buu odhan jiray, Ina keena aan wax arkaha u tagnee, waayo, haatan kan la yidhaahdo, Nebi, waagii hore waxaa la odhan jiray, Wax arke.)

    10Markaasaa Saa'uul wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Wax wanaagsan baad tidhi, haddaba ina keen aan tagnee. Sidaas daraaddeed waxay galeen magaaladii ninka Ilaah joogay.

  • 77%

    17Oo Samuu'eelna wuxuu arkay Saa'uul, Rabbiguna wuxuu isaga ku yidhi, Bal eeg, waa kaas ninkii aan kuu sheegay! Kan qudhiisa ayaa dadkayga u talin doona.

    18Markaasaa Saa'uul u soo dhowaaday Samuu'eel oo iridda jooga, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg wax arkaha gurigiisu meeshuu yahay.

    19Oo Samuu'eelna wuu u jawaabay Saa'uul oo ku yidhi, Wax arkuhu waa aniga, meesha sare hortay taga, waayo, idinku maanta anigaad wax ila cunaysaan, oo subaxdiina waan ku dirayaa, oo kulli waxa qalbigaaga ku jira oo dhanna waan kuu sheegi doonaa.

  • 77%

    22Markaasaa isagiina Raamaah tegey, oo wuxuu yimid ceelka weyn oo ku yaal Sekuu, dabadeedna dadkii buu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Samuu'eel iyo Daa'uud xaggee bay joogaan? Oo waxaa lagu yidhi, Waxay joogaan Naayood oo Raamaah ku taal.

    23Markaasuu wuxuu tegey Naayood oo Raamaah ku taal; markaasaa isagiina waxaa ku soo degay ruuxii Ilaah, oo wuu sii socday, oo sidii nebi buu wax u sheegay tan iyo ilaa uu yimid Naayood oo Raamaah ku taal.

  • 73%

    25Oo markay ka soo degeen meeshii sare, oo ay magaaladii soo galeen, wuxuu Saa'uul kula sheekaystay guri dushiis.

    26Oo waxay kaceen aroor hore, oo markii waagu soo kaahay, Samuu'eel ayaa Saa'uul gurigii dushiisa uga yeedhay, oo ku yidhi, Kac aan ku diree. Markaasaa Saa'uul kacay, oo isaga iyo Samuu'eelba dibadday u baxeen.

    27Oo markay ka sii dhaadhacayeen magaalada darafkeeda, Samuu'eel ayaa Saa'uul ku yidhi, Midiidinka u sheeg inuu inaga sii hor maro, (markaasuu isna ka hor maray,) laakiinse adigu istaag haatan, aan erayga Ilaah ku maqashiiyee.

  • 72%

    10¶ Oo markay buurtii yimaadeen waxaa la kulmay guuto nebiyo ah, oo Ruuxii Ilaahna si xoog leh ayuu ugu soo degay isagii, markaasuu dhexdoodii wax ka sii sheegay.

    11Oo kuwii mar hore isaga yiqiin oo dhammu, markay arkeen inuu nebiyada wax la sii sheegayo, ayaa dadkii midba kan kale ku yidhi, War waa maxay waxan ku dhacay wiilkii Qiish? Saa'uulna ma nebiyaduu ka mid yahay?

  • 1 Sam 11:4-5
    2 aayado
    72%

    4Markaasaa wargeeyayaashii waxay yimaadeen Gibecaahdii Saa'uul, oo erayadan ayay dadkii u sheegeen. Kolkaasaa dadkii oo dhammu codkoodii kor u qaadeen oo wada ooyeen.

    5Oo bal eeg, waxaa yimid Saa'uul oo dibiyadii duurka ka keenay, oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa ku dhacay dadka oo ay la ooyayaan? Markaasay u sheegeen hadalladii nimankii reer Yaabeesh.

  • 14Oo ninkii Ilaah wuu daba galay, oo helay isagoo geed hoos fadhiya; kolkaasuu ku yidhi, War ma waxaad tahay ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ahay.

  • 5Oo taas dabadeedna waxaad iman doontaa buurta Ilaah, meeshaasoo ay joogaan ciidankii Falastiin, oo waxay noqon doontaa markaad magaalada timaadid inaad la kulmi doonto guuto nebiyo ah ee ka soo degaysa meesha sare iyagoo horta ku sita shareerad, iyo daf, iyo biibiile, iyo kataarad, oo iyana wax bay sii sheegi doonaan.

  • 70%

    22Sidaas daraaddeed Rabbiga wax kalay sii weyddiiyeen, Weli ma waxaa jira nin kaloo halkan imanaya? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Bal eega, alaabta dhexdeeda ayuu ku dhuuntaye.

    23Oo intay ordeen ayay halkaas ka soo kexeeyeen, oo markuu dadkii soo dhex joogsaday, wuu ka dheeraa dadkii oo dhan garbihiisa iyo waxa ka sarreeyaba.

  • 17Markaasuu indhihiisii kor u qaaday, oo wuxuu jidkii magaalada ku arkay ninkii socotada ahaa. Markaasaa odaygii yidhi, Xaggee baad u socotaa? Oo xaggee baad ka timid?

  • 69%

    13Oo markuu dhammeeyey waxsheegiddii ayuu yimid meeshii sare.

    14¶ Markaasaa Saa'uul adeerkiis wuxuu ku yidhi isagii iyo midiidinkiisiiba, War xaggee baad tagteen? Markaasuu yidhi, Dameerihii baannu doonnay, oo markaannu ogaannay inaan la helin ayaannu Samuu'eel u nimid.

  • 19Saa'uulna waa loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Daa'uud wuxuu joogaa Naayood oo Raamaah ku taal.

  • 19Markaasaa Eliishaa wuxuu iyagii ku yidhi, War jidkanu ma aha jidkii, magaaladanuna ma aha magaaladii. Haddaba i soo raaca oo waxaan idiin geeynayaa ninkaad doonaysaan. Oo isna wuxuu u hor kacay xagga Samaariya.

  • 13Oo isna wuxuu ku yidhi, Tag oo soo arag meeshuu joogo si aan isaga ugu cid diro ha la soo qabtee. Oo waxaa loo sheegay oo lagu yidhi, War wuxuu joogaa Dotaan.

  • 6Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, wuxuu ku yidhi, Markaan si lamafilaan ah Buur Gilboca u soo gaadhay, waxaan arkay Saa'uul oo ku tiirsan warankiisii, gaadhifardoodkii iyo fardooleydiina aad bay u eryanayeen.

  • 11Oo imminka waxaad leedahay, Tag, oo sayidkaagii u sheeg in Eliiyaah halkan joogo.

  • 14Isna wuxuu ku yidhi, Muxuu u eg yahay? Markaasay tidhi, Waxaa soo baxaya nin oday ah oo huwis huwan. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ogaaday inuu kaasu Samuu'eel yahay, wejiguuna dhulka saaray, wuuna u sujuuday.

  • 23Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa maxaad maanta ugu tegaysaa? Maanta bil cusub ma aha, sabtina ma aha. Oo iyana waxay tidhi, War way hagaagi doontaa.

  • 25Saas daraaddeed way tagtay, oo waxay ninkii Ilaah ugu timid Buur Karmel. Oo markii ninkii Ilaah iyadii meel fog ka arkay ayuu midiidinkii Geexasii ku yidhi, Bal eeg waxaa soo socota tii reer Shuuneem.

  • 2Maanta markaad iga tagto, waxaad laba nin ka heli doontaa qabriga Raaxeel agtiisa, kaasoo ku yaal soohdinta reer Benyaamiinka Selsax ku jira, oo waxay kugu odhan doonaan, Dameerihii aad soo doontay waa la helay, oo bal eeg, aabbahaa dameerihii wuu ka dan baxay, oo adiga aawadaa buu ka fikirayaa, oo wuxuu yidhi, Maxaan wiilkaygii u sameeyaa?

  • 12Markaasaa Samuu'eel aroor hore kacay, oo wuxuu damcay inuu Saa'uul ka hor tago; oo waxaa Samuu'eel loo sheegay oo lagu yidhi, Saa'uul baa yimid Karmel, oo bal eeg, halkaas tiir xusuus ah ayuu ka taagtay, oo intuu wareegay ayuu gudbay, oo Gilgaal ku dhaadhacay.

  • 2Oo Samuu'eelna wuxuu yidhi, Sidee baan u tegi karaa? Waayo, haddii Saa'uul taas maqlo wuu i dili doonaa. Oo Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Waxaad kaxaysataa qaalin lo' ah, oo waxaad tidhaahdaa, Waxaan u imid inaan Rabbiga allabari u bixiyo.

  • 4Sidaas daraaddeed ninkii dhallinyarada ahaa oo nebiga ahaa wuxuu tegey Raamod Gilecaad.

  • 7Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Ninkii idinka hor yimid oo waxakan idiin sheegay nin caynkee ah buu ahaa?

  • 11Dabadeedna naagtii waxay tidhi, Haddaba yaan kuu soo kiciyaa? Wuxuu isna ku yidhi, Samuu'eel ii soo kici.

  • 12Markaasuu kacay oo baxay, oo wuxuu tegey Samaariya. Oo markuu gaadhay gurigii adhijirrada ee jidka ku yiil

  • 11Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa.

  • 12Markaasaa aabbahood ku yidhi, Jidkee buu qaaday? Oo wiilashiisuna way arkeen jidkii ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid qaaday.

  • 10Sidaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee.

  • 10Oo markuu dhammeeyey bixintii uu bixinayay allabariga la gubo, waxaa yimid Samuu'eel; markaasaa Saa'uul u baxay inuu ka hor tago oo soo salaamo.