1 Tessaloniika 5:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Joogsila'aanna tukada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 12:12 : 12 Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta,
  • Kol 4:2 : 2 ¶ Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahadnaqaya.
  • Luuk 18:1 : 1 ¶ Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh,
  • Ef 6:18 : 18 Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.
  • Luuk 21:36 : 36 Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.
  • 1 But 4:7 : 7 ¶ Haddaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    18Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.

    19Ruuxa ha deminina.

  • 83%

    15Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.

    16Had iyo goorba farxa.

  • 2¶ Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahadnaqaya.

  • 16ma joojiyo inaan Ilaah idiinku mahadnaqo. Baryadayda ayaan idinku soo xusuusanayaa,

  • Ef 5:19-20
    2 aayado
    76%

    19Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya.

    20Mar kasta Ilaaha Aabbaha ah wax walba mahad ugu naqa magaca Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 25¶ Walaalayaalow, noo soo duceeya.

  • 18Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.

  • Fil 4:4-7
    4 aayado
    73%

    4¶ Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa.

    5Qabownimadiinna dadka oo dhammu ha ogaado, waayo, Rabbigu waa soo dhow yahay.

    6Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto.

    7Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta ka sarraysa ayaa waxay qalbiyadiinna iyo fikirradiinna ku dhawri doontaa Ciise Masiix.

  • 12Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta,

  • 4¶ Had iyo goorba Ilaahay baan kuugu mahadnaqaa, anigoo baryadayda kugu xusuusanaya,

  • 1¶ Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh,

  • Fil 1:3-4
    2 aayado
    71%

    3¶ Mar kastoo aan idin xusuustaba Ilaahay baan u mahadnaqaa,

    4oo kol kasta markaan kulligiin idiin duceeyo, waxaan idiin soo duceeyaa anigoo faraxsan

  • 5Sidaas darteed Butros xabsigaa lagu hayay; laakiin kiniisadda baa Ilaah aad iyo aad ugu bariday isaga.

  • 1 Tes 1:2-3
    2 aayado
    71%

    2¶ Had iyo goorba Ilaah baannu idiinku mahadnaqnaa kulligiin, annagoo baryadayada idinku xusuusanayna.

    3Waxaannu joogsila'aan Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiis ku xusuusannaa shuqulka rumaysadkiinna iyo hawsha jacaylkiinna iyo dulqaadashada rajadiinna ee ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 5Waayo, tii carmal run ah oo cidlootay, waxay rajo ku leedahay Ilaah, habeen iyo maalinna baryada iyo tukashada way sii waddaa.

  • 17Sidaas daraaddeed nacasyo ha ahaanina, laakiinse garta waxa ay doonista Rabbigu tahay.

  • 8¶ Taas daraaddeed waxaan doonayaa in raggu meel walba ku tukado iyagoo gacmo quduus ah kor u qaadaya oo aan cadho iyo muran lahayn.

  • 17Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed ugu horraysta waxaan kugu waaninayaa inaad Ilaah u baridid, oo aad u tukatid, oo aad u ducaysid, oo aad u mahadnaqdid dadka oo dhan,

  • 9Waayo, Ilaah, kan aan ruuxayga ugu adeego xagga injiilka Wiilkiisa, ayaa markhaati iiga ah sidaan maalin walbaba joogsila'aan baryadayda idiinku xusuusto,

  • 7¶ Haddaba wax walba dhammaadkoodu wuu dhow yahay, sidaas daraaddeed digtoonaada, oo tukashada u feeyignaada.

  • 3¶ Waxaannu ku mahadnaqnaa Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix, annagoo had iyo goorba idiin soo ducaynayna.

  • 23Oo haddana aniga xaggayga, Ilaah ha iga fogeeyo inaan Rabbiga ku dembaabo, taasoo ah anoo joojinaya inaan idiin duceeyo; laakiinse waxaan idin barayaa jidka wanaagsan oo qumman.

  • Yuud 1:20-21
    2 aayado
    68%

    20Laakiinse, gacaliyayaalow, nafsaddiinna ku dul dhisa rumaysadkiinna aad quduuska u ah, oo Ruuxa Quduuska ah ku tukada,

    21nafsaddiinna ku haya jacaylka Ilaah, idinkoo sugaya naxariista Rabbigeenna Ciise Masiix oo idin geeynaysa nolosha weligeed ah.

  • 15Ilaah baa mahad leh hadiyaddiisa aan la sheegi karin aawadeed.

  • 15Oo nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada.

  • 7Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis.

  • 11Sababtaas daraaddeed mar walba waannu idiin ducaynaa in Ilaaheen idinka dhigo kuwa istaahila yeedhistiisa oo uu xoog ku dhammeeyo doonis kasta oo wanaag ah iyo shuqulka rumaysadka,

  • 1 Tes 3:9-10
    2 aayado
    68%

    9Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin?

    10Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna.

  • 23¶ Ilaaha nabadda qudhiisu quduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.

  • 17Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn.

  • 15oo haddaynu og nahay inuu inaga maqlo wax alla wixii aynu ka barinno, waxaynu og nahay inaynu leennahay waxyaalihii aynu isaga ka barinnay.

  • 15Haddaba xaggiisa aynu had iyo goor Ilaah ugu bixinno allabariga ammaanta, kaas waxaa weeye dibnaha magiciisa qirta midhahooda.

  • 9¶ Sababtaas daraaddeed tan iyo maalintii aannu taas maqalnay ma aannu joojin inaannu idiin soo ducayno. Waxaannu Ilaah idiin baryaynaa inay idinka buuxsanto aqoonta doonistiisa xagga xigmadda iyo waxgarashada Ruuxa oo dhan,

  • 9¶ Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.

  • 5waayo, waxaa quduus lagaga dhigaa ereyga Ilaah iyo ducada.

  • 4Annaguse waxaannu ku sii adkaysan doonnaa tukasho iyo shuqulka ereyga.

  • 17qalbiyadiinna ha dhiirrigeliyo oo ha ku xoogeeyo shuqul iyo hadal walba oo wanaagsan.

  • 3¶ Waxaan ku mahadnaqayaa Ilaaha aan qalbi daahir ah ugu adeego siday awowayaashay ugu adeegi jireen, anigoo habeen iyo maalinba joogsila'aan baryadayda kugu xusuusanaya.

  • 1¶ Jacaylka walaalnimadu ha sii jiro.