Luukos 18:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Kol 4:2 : 2 ¶ Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahadnaqaya.
  • 1 Tes 5:17 : 17 Joogsila'aanna tukada.
  • Room 12:12 : 12 Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta,
  • Ef 6:18 : 18 Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.
  • Fil 4:6 : 6 Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto.
  • Sab 55:16-17 : 16 Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona. 17 Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa, Oo isna codkayguu maqli doonaa.
  • Luuk 21:36 : 36 Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.
  • Luuk 11:5-9 : 5 ¶ Wuxuuna ku yidhi, Kiinnee baa saaxiib leh oo saqdadhexe u tegaya oo ku odhanaya, Saaxiibow, saddex kibsood i amaahi, 6 waayo, saaxiibkay ayaa safar iiga yimid, oo waxaan hor dhigo ma hayo. 7 Kaasaana gudaha ka jawaabaya oo odhanaya, Ha i dhibin. Albaabka waa la xidhay; carruurtayduna sariirtay ila jiiftaa; umana kici karo inaan wax ku siiyo. 8 Waxaan idinku leeyahay, In kastoo aanu kici doonin oo aanu siin doonin saaxiibnimadiisa aawadeed, weliba baryo badnaantiisa aawadeed ayuu u kici doonaa oo u siin doonaa in alla intuu u baahan yahay. 9 Waxaan idinku leeyahay, Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa.
  • Yer 29:12 : 12 Oo markaasaad ii yeedhan doontaan, waanad i soo baryi doontaan, oo aniguna waan idin maqli doonaa.
  • Sab 86:3 : 3 Sayidow, ii naxariiso, Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.
  • Sab 102:17 : 17 Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii, Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.
  • Gal 6:9 : 9 Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin.
  • 2 Kor 4:1 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed sida lanoogu naxariistay, annagoo haysanna adeegiddan, qalbi jabi mayno;
  • Bil 32:24-26 : 24 Markaasuu Yacquub keligiis hadhay, nin baana la legdamayay isaga ilaa markii waagu beryayay. 25 Oo markuu arkay inuusan ka adkaanayn ayuu taabtay godkii bowdadiisa, bowdadii Yacquubna way murkacatay, intuu la legdamayay isagii. 26 Markaasuu yidhi, I sii daa, maxaa yeelay, waagii waa beryayaa. Isna wuxuu yidhi, Ku sii dayn maayo inaad i barakaysid mooyaane.
  • Ayuub 27:8-9 : 8 In kastoo uu faa'iido helo, cibaadalaawaha rajadiisu waa maxay, Markii Ilaah naftiisa qaado? 9 Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa, Markii dhib ku yimaado? 10 Miyuu Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doonaa? Oo miyuu goor kasta Ilaah baryi doonaa?
  • Sab 27:13 : 13 Waan itaal darnaan lahaa haddaanan rumaysnayn Inaan wanaagga Rabbiga ku arkayo dalka kuwa nool.
  • Sab 65:2 : 2 Kaaga baryootanka maqlow, Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.
  • Sab 142:5-7 : 5 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga, Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay. 6 Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin. 7 Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahadnaqo, Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona, Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa.
  • Yoon 2:7 : 7 Markii naftaydu itaal darnaatay ayaan ku xusuustay, Rabbiyow; Oo baryadaydii adigay kuu timid, oo waxay kuugu soo gashay macbudkaaga quduuskaa.
  • Cib 12:3-5 : 3 ¶ Haddaba ka fiirsada kii u adkaystay hadalkii ka geesta ahaa oo dembilayaasha inaydnaan daalin oo aanay nafihiinnu itaal beelin. 4 Idinkoo dembi la dagaallamaya weli iskama aydnaan celin ilaa dhiig idinka daato. 5 Waxaad illowdeen waanada idiinla hadasha sida wiilal oo kale. Wiilkaygiiyow, ha fududaysan Rabbiga edbintiisa, Hana itaal beelin kolkuu ku canaanto.
  • Kol 4:12 : 12 Waxaa kaloo idin soo salaamaya Ebafras, oo idinka mid ah, oo ah addoonkii Ciise Masiix. Kol kastaba baryadiisa ayuu idiinku dadaalaa inaad istaagtaan, idinkoo kaamil ah oo aad u huba doonista Ilaah oo dhan.
  • Bil 32:9-9 : 9 Yacquubna wuxuu yidhi, Awowgay Ibraahim Ilaahiisiiyow, Aabbahay Isxaaq Ilaahiisiiyow, Ku noqo dalkaagii, iyo xigaalkaagii, oo anna wanaag baan kuu samayn doonaa, Rabbigii igu yidhiyow: 10 Ma aan istaahilo waxa ugu wada yar ee ka mid ah naxariistaada iyo daacadnimadaada ee aad addoonkaaga tustay, waayo, ushaydaan kaga soo gudbay webigan Urdun, haatanna waxaan noqday laba kooxood. 11 Waan ku baryayaaye, Iga samatabbixi gacanta walaalkay ee ah gacanta Ceesaw; waayo, isagaan ka baqayaa waaba intaasoo uu yimaadaa oo dilaa aniga iyo hooyooyinka iyo carruurta la socotaba. 12 Waxaad igu tidhi, Hubaal wanaag baan kuu samayn doonaa, farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida cammuudda badda, taas oo aan la tirin karin farabadnaan aawadeed.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 18:2-10
    9 aayado
    77%

    2Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin.

    3Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii.

    4Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn,

    5weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin.

    6Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi.

    7Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?

    8Waxaan idinku leeyahay, Dhaqsoba wuu u xaq siin doonaa; hase ahaatee goortuu Wiilka Aadanahu yimaado, markaas rumaysad ma ka heli doonaa dhulka?

    9¶ Masaalkan ayuu kula hadlay qaar ismoodayay inay xaq yihiin oo kuwa kale quudhsaday.

    10Laba nin ayaa tegey inay macbudka ku tukadaan; mid Farrisi buu ahaa, kan kalena cashuurqaade.

  • 72%

    44Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya.

    45Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda.

    46Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

  • 12¶ Maalmahaas waxaa dhacay inuu buurta u baxay inuu tukado. Habeenkii oo dhan wuxuu waday inuu Ilaah u tukado.

  • Luuk 11:7-9
    3 aayado
    72%

    7Kaasaana gudaha ka jawaabaya oo odhanaya, Ha i dhibin. Albaabka waa la xidhay; carruurtayduna sariirtay ila jiiftaa; umana kici karo inaan wax ku siiyo.

    8Waxaan idinku leeyahay, In kastoo aanu kici doonin oo aanu siin doonin saaxiibnimadiisa aawadeed, weliba baryo badnaantiisa aawadeed ayuu u kici doonaa oo u siin doonaa in alla intuu u baahan yahay.

    9Waxaan idinku leeyahay, Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa.

  • 72%

    37Markaasuu yimid oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Simoonow, ma huruddaa? Miyaad kari wayday inaad saacad keliya soo jeeddo?

    38Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.

    39Mar kale ayuu tegey oo tukaday isagoo hadalkii oo kale ku hadlaya.

  • 36Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.

  • 18Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.

  • 17Joogsila'aanna tukada.

  • 71%

    40Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

    41Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,

  • 1¶ Meel buu ku tukanayay, oo goortuu dhammeeyey, mid xertiisa ka mid ah ayaa ku yidhi, Sayidow, na bar si loo tukado, sida Yooxanaa xertiisa u baray.

  • Mat 26:40-41
    2 aayado
    70%

    40Xertii ayuu u yimid, oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Waa sidee? Miyaad kari weydeen inaad saacad keliya ila soo jeeddaan?

    41Soo jeeda oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. Ruuxu waa diyaar, laakiin jidhku waa itaal daranyahay.

  • Mat 6:7-8
    2 aayado
    70%

    7Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis.

    8Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.

  • 5¶ Wuxuuna ku yidhi, Kiinnee baa saaxiib leh oo saqdadhexe u tegaya oo ku odhanaya, Saaxiibow, saddex kibsood i amaahi,

  • 38Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.

  • 21Laakiin caynkan waxba kuma soo baxo tukasho iyo soon maahee.

  • 9Oo wanaagfalidda yeynan ka daalin, waayo, wakhtigeeda ayaynu wax ka goosan doonnaa haddaynan ka qalbi jabin.

  • 18¶ Haddaba wuxuu yidhi, Boqortooyada Ilaah maxay u eg tahay oo maxaan u ekaysiiyaa?

  • 2¶ Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahadnaqaya.

  • 3¶ Markaasuu masaalkan kula hadlay, oo ku yidhi,

  • 33Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay.

  • 35Waxoogaa ayuu hore u socday oo dhulkuu ku dhacay, wuxuuna tukaday in hadday suurtowdo saacaddu ay dhaafto.

  • 12Rajada ku farxa, dhibta u dulqaata, tukashada wadiddeeda ku sii adkaysta,

  • 18¶ Haddaba maqla masaalkii beerreyga.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 18Barya inaan waxaasu noqon wakhtiga qabowga.

  • 36waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda.

  • 11¶ Goortay waxaas maqleen, masaal buu ku daray oo ku hadlay, waayo, wuxuu ku dhowaa Yeruusaalem, waxayna u maleeyeen boqortooyada Ilaah inay markiiba soo muuqan doonto.

  • 9¶ Markaasaa xertiisii weyddiisay oo ku tidhi, Muxuu yahay masaalkan?

  • 16Markaasuu, intuu ku noqday meelo cidla ah, ku tukaday.

  • 1¶ Ciise ayaa u jawaabay oo mar kale masaallo kula hadlay, oo wuxuu yidhi,

  • 9¶ Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerrey ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa.

  • 35¶ Aroortii hore intaan weli waagii beryin ayuu kacay oo wuxuu tegey meel cidla ah, halkaasuuna ku soo tukanayay.

  • 13Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh.