Markos 1:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Aroortii hore intaan weli waagii beryin ayuu kacay oo wuxuu tegey meel cidla ah, halkaasuuna ku soo tukanayay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 22:39-46 : 39 ¶ Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday. 40 Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin. 41 Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday, 42 isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto. 43 Markaasaa waxaa samada kaga muuqatay malaa'ig isaga xoogaynaysa. 44 Isagoo aad u xanuunsan ayuu dadaal ku tukaday, dhididkiisuna wuxuu noqday sida dhibicyo dhiig ah oo dhulka ku dhacaya. 45 Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda. 46 Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.
  • Ef 6:18 : 18 Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.
  • Fil 2:5 : 5 ¶ Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.
  • Cib 5:7 : 7 Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.
  • Yoox 6:15 : 15 ¶ Ciise wuxuu gartay inay imanayaan inay qabtaan oo boqor ka dhigaan, sidaas daraaddeed ayuu mar kale keligiis buurta u baxay.
  • Mark 6:46-48 : 46 Goortuu kala diray, ayuu buurta tegey inuu ku tukado. 47 Goortii makhribkii la gaadhay, doonnidii waxay joogtay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay. 48 Wuxuu arkay iyagoo wadidda ku dhibtoonaya, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtigii gaadhka afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda, wuuna iska dhaafi lahaa.
  • Luuk 4:42-43 : 42 ¶ Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin. 43 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Waa inaan magaalooyinka kalena injiilka boqortooyada Ilaah ku wacdiyo, waayo, sidaa darteeda waa la ii soo diray.
  • Luuk 5:16 : 16 Markaasuu, intuu ku noqday meelo cidla ah, ku tukaday.
  • Luuk 6:12 : 12 ¶ Maalmahaas waxaa dhacay inuu buurta u baxay inuu tukado. Habeenkii oo dhan wuxuu waday inuu Ilaah u tukado.
  • Sab 5:3 : 3 Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
  • Mat 14:23 : 23 Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay.
  • Sab 109:4 : 4 Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
  • Yoox 4:34 : 34 Ciise wuxuu ku yidhi, Cuntadaydu waa inaan sameeyo doonistii kii i soo diray oo aan shuqulkiisa dhammeeyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 16Markaasuu, intuu ku noqday meelo cidla ah, ku tukaday.

  • 23Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay.

  • 12¶ Maalmahaas waxaa dhacay inuu buurta u baxay inuu tukado. Habeenkii oo dhan wuxuu waday inuu Ilaah u tukado.

  • 42¶ Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin.

  • Mark 6:46-47
    2 aayado
    80%

    46Goortuu kala diray, ayuu buurta tegey inuu ku tukado.

    47Goortii makhribkii la gaadhay, doonnidii waxay joogtay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay.

  • Mark 1:32-34
    3 aayado
    78%

    32¶ Makhribkii goortay qorraxdii dhacday, waxay u keeneen kuwa buka oo dhan iyo kuwa jinniyo qaba.

    33Markaasaa dadkii magaalada oo dhan albaabka ku soo ururay.

    34Oo wuxuu bogsiiyey dad badan oo cudurro kala cayncayn ah qabay, dadkana jinniyo badan buu ka saaray, oo uma oggolaanin jinniyadu inay hadlaan, waayo, isagay garanayeen.

  • 36Markaasaa Simoon iyo kuwii la jiray ka daba tageen.

  • 77%

    39¶ Markaasuu baxay oo Buur Saytuun tegey sidii caadadiisu ahayd, xertiina waa raacday.

    40Markuu meeshii joogay ayuu ku yidhi, Tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

    41Markaasuu intii dhagax la tuuro ka durkay, wuuna jilba joogsaday oo tukaday,

  • 76%

    37¶ Maalin walba ayuu macbudka wax ku bari jiray, habeen walbana dibadda ayuu u bixi jiray, oo wuxuu baryi jiray buurta la odhan jiray Buur Saytuun.

    38Dadka oo dhammuna aroortii ayay macbudka ugu iman jireen inay dhegaystaan.

  • 76%

    45Goortuu tukashadiisii ka soo kacay, ayuu xertii u yimid oo wuxuu arkay iyagoo caloolxumo la hurda.

    46Markaasuu ku yidhi, Maxaad u huruddaan? Kaca oo tukada inaydnaan jirrabaadda gelin.

  • 39Mar kale ayuu tegey oo tukaday isagoo hadalkii oo kale ku hadlaya.

  • 35Waxoogaa ayuu hore u socday oo dhulkuu ku dhacay, wuxuuna tukaday in hadday suurtowdo saacaddu ay dhaafto.

  • 1¶ Ciisese wuxuu u baxay Buur Saytuun.

  • Mark 1:38-39
    2 aayado
    75%

    38Wuxuu ku yidhi, Aan tagno magaalooyinka inoo dhow, inaan halkaasna wax ku wacdiyo; waayo, taas aawadeed ayaan u imid.

    39Wuxuu galay sunagogyadoodii Galili ku yiil oo dhan; dadkana ayuu ka wacdiyey, jinniyadiina ayuu dadka ka saaray.

  • 19¶ Mar alla markii qorraxdu dhacday ayay magaalada ka baxeen.

  • 28¶ Abbaaraha siddeed maalmood hadalladan dabadood waxaa dhacay inuu waday Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, oo buurtuu fuulay inuu ku tukado,

  • Mark 6:31-32
    2 aayado
    74%

    31Markaasuu iyaga ku yidhi, Keligiin kaalaya cidlada, waxoogaana ku nasta. Waayo, kuwii imanayay iyo kuwii tegayay way badnaayeen, nefis ay wax ku cunaanna ma lahayn.

    32Kolkaasay keli ahaantooda doonni raaceen oo meel cidla' ah tageen.

  • 7¶ Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,

  • 32¶ Markaasay yimaadeen meel Getsemane la odhan jiray, wuxuuna xertiisii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan soo tukanayo.

  • 35¶ Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee.

  • 44Wuu iska daayay oo haddana ka tegey, oo mar saddexaad ayuu tukaday isagoo haddana hadalkii oo kale ku hadlaya.

  • 35¶ Goortii maalintii hore u badatay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, haddana maalintii horay u badatay.

  • 37Markaasuu yimid oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Simoonow, ma huruddaa? Miyaad kari wayday inaad saacad keliya soo jeeddo?

  • Mat 14:13-14
    2 aayado
    73%

    13¶ Ciise goortuu taas maqlay, ayuu halkaas doonni kaga soo noqday, oo meel cidla ah ayuu keligiis tegey. Dadkii badnaana goortay warkaas maqleen, ayay magaalooyinka lug kaga soo raaceen.

    14Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.

  • 21¶ Markaasay Kafarna'um galeen, oo markiiba sabtida wuxuu galay sunagogga oo dadka wax baray.

  • 3Markaasuu fuulay doonniyihii middood oo Simoon lahaa, wuxuuna ka baryay inuu in yar dhulka ka durkiyo. Markaasuu fadhiistay oo dadkii wax ka dhex baray doonnidii.

  • 18¶ Intuu keli ahaan u tukanayay, ayaa xertiisii la joogtay, markaasuu weyddiiyey isagoo leh, Dadkii badnaa yay igu sheegaan?

  • 12Goortii maalintii dhammaanaysay laba-iyo-tobankii ayaa yimid iyagoo ku leh, Dadka badan dir si ay u tagaan tuulooyinka iyo beeraha ku wareegsan, oo ay ugu hoydaan oo cunto uga helaan, waayo, meeshan cidlada ah ayaynu joognaa.

  • 22¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen.

  • 45Laakiin wuu baxay oo bilaabay inuu aad u naadiyo oo warka faafiyo, taas aawadeed kol dambe Ciise magaaladuu bayaan u geli kari waayay, laakiin wuxuu joogay dibadda ee meelo cidla ah, meel kastana waa looga yimid.

  • 16¶ Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday.

  • 1¶ Maalintaas Ciise ayaa guriga ka baxay oo fadhiistay badda agteeda,

  • 29¶ Markaasaa Ciise halkaas ka tegey, oo wuxuu u soo dhowaaday badda Galili, oo buurtuu fuulay oo halkaasuu fadhiistay.

  • 17Markaasay bilaabeen inay baryaan inuu soohdintooda ka noqdo.

  • 1¶ Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid.

  • 13¶ Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray.

  • 36¶ Markaasaa Ciise la yimid iyaga meel Getsemane la odhan jiray, oo wuxuu xertii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan halkaas tegayo oo ku soo tukanayo.

  • 1¶ Meel buu ku tukanayay, oo goortuu dhammeeyey, mid xertiisa ka mid ah ayaa ku yidhi, Sayidow, na bar si loo tukado, sida Yooxanaa xertiisa u baray.

  • 40Xertii ayuu u yimid, oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Waa sidee? Miyaad kari weydeen inaad saacad keliya ila soo jeeddaan?

  • 25Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda.