1 Timoteyos 5:2
habrahana sida hooyooyin oo kale u waani, naagaha dhallintayarna sida walaalo oo kale, adigoo daahir ah.
habrahana sida hooyooyin oo kale u waani, naagaha dhallintayarna sida walaalo oo kale, adigoo daahir ah.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
1¶ Nin waayeel ah ha canaanan, laakiin u waani sida aabbe oo kale; dhallinyaradana u waani sida walaalo oo kale;
3¶ Maamuus carmallada runta ah oo nimankoodii ka dhinteen,
4laakiin haddii naag carmal ahu carruur leedahay ama carruurteedu ay carruur leedahay, iyagu marka hore ha barteen inay dadkooda si cibaado leh kula macaamiloodaan, waalidkoodna u cawilceliyaan, waayo taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaah aqbali karo.
5Waayo, tii carmal run ah oo cidlootay, waxay rajo ku leedahay Ilaah, habeen iyo maalinna baryada iyo tukashada way sii waddaa.
13Waxay kaloo weliba bartaan inay caajisiin noqdaan, iyagoo iska wareegaya oo guriba guri uga baxaya; caajisiin oo keliyana ma ahaye, weliba way warsheeko badan yihiin, oo axwaalka dadka kalena way faraggeliyaan, iyagoo ku hadlaya waxyaalo aan waajib ku ahayn.
14Haddaba waxaan doonayaa inay carmallada dhallintayaru guursadaan, oo carruur dhalaan, oo gurigooda u taliyaan, oo ayan cadowga isu jebin inuu caayo.
1¶ Laakiinse adigu ku hadal waxyaalaha ku habboon cilmiga runta ah.
2Odayaashu waa inay feejignaadaan oo dhug yeeshaan oo digtoonaadaan oo ay si run ah ugu socdaan iimaanka iyo jacaylka iyo dulqaadashada.
3Sidaas oo kalena habruhu waa inay asluub quduus ah lahaadaan, oo ayan noqon kuwa wax xanta, oo ayan khamri badan addoommo u noqon, laakiinse ay noqdaan kuwo wax wanaagsan dadka bara.
4Oo waa inay naagaha dhallintayar baraan inay jeclaadaan nimankooda iyo carruurtooda,
5oo ay digtoonaadaan, oo ay daahir noqdaan, oo ay gurigooda ka shaqeeyaan, oo ay wanaagsanaadaan, iyagoo nimankooda ka dambeeya, si aan ereyga Ilaah loo caayin.
6Ragga dhallinyarada ahna sidaas oo kale ku waani inay digtoonaadaan.
7Wax walba nafsaddaada masaal ahaan u tus xagga shuqullada wanaagsan; oo cilmigaagana ku tus qummanaan, iyo dhuglahaan,
9Ha la qoro carmal aan lixdan sannadood ka yarayn oo nin keliya naag u ahaan jirtay,
10oo loogu marag furay inay shuqullo wanaagsan samaysay, hadday carruur korisay, hadday shisheeyaha marti soori jirtay, hadday quduusiinta cagaha u maydhay, hadday kuwii dhibaataysnaa u gargaartay, hadday shuqul kasta oo wanaagsan aad ugu dadaashay.
11Laakiinse carmallada dhallintayar diid, waayo, markay qooqaan ayay ka jeestaan Masiixa, oo waxay doonayaan inay guursadaan.
9Sidaas oo kalena naaguhu waa inay, iyagoo xishoonaya oo digtoon, isku sharraxaan dhar qof xishood leh ku habboon, oo ayan isku sharraxin timo tidcan, iyo dahab ama luul ama dhar qaali ah.
10Laakiinse ha isku sharraxeen shuqullo wanaagsan oo u eg dumarka cibaadada qira.
11Naagtu aamusnaan wax ha ku barato iyadoo isdambaysiinaysa.
5Waayo, sidaasoo kalaa waagii hore dumarkii quduuska ahaa oo Ilaah wax ka rajayn jiray ay isu qurxin jireen, iyagoo nimankoodii ka dambeeya.
6Saarahba sidaasoo kalay Ibraahim u addeeci jirtay, oo ay ugu yeedhi jirtay, Sayidow; oo idinna haddii aad wanaag fashaan oo aydnaan ka cabsan wixii argaggax leh waxaad tihiin carruurteeda.
7Nimankow, idinkuna sidaas oo kale afooyinkiinna aqoon kula dhaqma sidii iyagoo ah weel tabardaran, oo iyaga maamuusa sida kuwa idinla dhaxla nimcada nolosha, si aan baryadiinna loo hor joogsan.
8¶ Ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Kulligiin isku maan ahaada, oo isu jixinjixa, oo sida walaalo isu jeclaada, oo isu naxariista, oo is-hoosaysiiya.
16Haddii naag rumaysanu ay leedahay carmallo ha u gargaarto iyaga, oo kiniisadda yaan la culaysin, si ay u gargaarto kuwa carmallada runta ah.
17¶ Waayeellada si wanaagsan wax ugu taliya ha lagu tiriyo kuwo istaahila in labanlaab loo maamuuso, khusuusan kuwa ku hawshooda waxwacdinta iyo waxbaridda.
5Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.
12Ninna yuusan quudhsan dhallinyaronimadaada, laakiinse kuwa rumaystay masaal ugu noqo xagga hadalka, iyo xagga dabiicadda, iyo xagga jacaylka, iyo xagga rumaysadka, iyo xagga daahirsanaantaba.
11Sidaas oo kale dumarkuna waa inay digtoonaadaan oo ayan ahaan kuwa wax xanta. Waa inay feeyignaadaan, oo ay wax walba aamin ku ahaadaan.
22Haddaba ka fogow damacyada xunxun ee dhallinyaronimada, laakiinse xaqnimo, iyo rumaysad, iyo jacayl, iyo nabad la raac kuwa Rabbiga uga yeedha qalbi daahir ah.
1¶ Sidaas oo kalena, dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya in xataa haddii qaar uusan erayga addeecin ay erayga la'aantiis ku soo hanuunsamaan dabiicadda afooyinkooda,
2markay arkaan dabiicaddiinna daahirsan ee cabsida leh.
3Isqurxintiinnu yaanay ahaan tan dibadda ah, oo ah timo tidcan, iyo dahab layska lulo, amase dhar la xidho,
1¶ Anigoo anba oday la ah oo marag ka ah waxyaalihii Masiixu ku xanuunsaday oo weliba ka qayb qaadanaya ammaanta la muujin doono, waxaan ku waaninayaa odayaasha idinku dhex jira:
5¶ Sababtaas daraaddeed ayaan Kereetee kaaga dhex tegey inaad hagaajisid waxyaalaha hadhay iyo inaad waayeello magaalo walba ka dooratid sidaan kuugu amray,
6hadduu mid waliba yahay nin aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo leh carruur rumaysan, oo aan rabshad iyo caasinimo lagu dacwaynin.
22Sidaad naftiinna u daahiriseen markaad addeecdeen runta xagga jacaylka walaalnimada oo aan iska yeelyeel ahayn, aad iyo aad qalbiga isaga jeclaada.
22¶ Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan.
1¶ Haddaba ahaada kuwo ku dayda Ilaah idinkoo ah sida carruur la jecel yahay.
7Waxyaalahan ku amar inay ceeb la'aadaan.
1¶ Meel walba waxaa laga maqlay in dhexdiinna ay sino ku jirto, sinada caynkaas ahna xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ma qabaan, taasoo ah inuu midkiin naagtii aabbihii haysto.
5¶ Gacaliyow, aaminnimaad ku samaysaa shuqul kasta oo aad u samaysid walaalaha iyo shisheeyahaba.
7cibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl.
2Sidaas daraaddeed hoggaamiyaha kiniisaddu waa inuu ahaado mid aan ceeb lahayn, oo naag keliya qaba, oo feeyigan, oo digtoon, oo sharaf leh, oo martida soo dhoweeya, oo ku wanaagsan waxbaridda;
2oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada,
13oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.
34¶ Dumarku markay kiniisadaha joogaan ha aamuseen, waayo, looma fasixin inay hadlaan; laakiin ha dambeeyeen, sida uu sharcigu leeyahay.
7Laakiin dhexdiinna waxaannu idiinku roonayn sida mid carruurteeda nuujisa ay iyaga u dhaqaalayso.
2Qaynuunkii kowaad oo ballan la jiraa waa kan, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus
22Ninna gacmaha degdeg ha u saarin, dad kale dembiyadoodana ha ka qayb gelin. Nafsaddaada daahirsanaan ku dhawr.
4in midkiin kastaaba garto siduu weelkiisa ugu hayn lahaa quduusnaan iyo maamuus,