2 Taariikhdii 12:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba Boqor Rexabcaam wuxuu ku xoogaystay Yeruusaalem oo xukumay, oo Rexabcaam markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo afartan sannadood, oo toddoba iyo toban sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem oo ahayd magaaladii Rabbigu ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan inuu magiciisa halkaas dhigo; oo hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 14:21 : 21 ¶ Oo Rexabcaam ina Sulaymaanna boqor buu ka ahaa dalka Yahuudah. Oo markuu Rexabcaam boqor noqday wuxuu jiray kow iyo afartan sannadood, oo toddoba iyo toban sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem oo ahayd magaaladii Rabbigu ka doortay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan inuu magiciisa halkaas dhigo. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon.
  • 2 Taar 6:6 : 6 Laakiinse Yeruusaalem baan u doortay si magacaygu halkaas ugu jiro, oo Daa'uudna baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo.
  • Sharc 12:5 : 5 Laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu qabiilooyinkiinna oo dhan ka dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo, taasoo ah rugtiisa, waa inaad doontaan, oo halkaas waa inaad timaadaan.
  • Sharc 12:11 : 11 de markaas meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo in magiciisu ku jiro waa inaad wada keentaan wixii aan idinku amrayo oo dhan, kuwaas oo ah qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meeltobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo wax walba oo wanaagsan oo aad Rabbiga u nidartaan.
  • Sharc 23:3 : 3 Oo mid reer Cammoon ah ama mid reer Moo'aab ahu waa inuusan shirka Rabbiga gelin, xataa hadday toban qarni joogaan wax ay farcankoodu leeyihiin waa inayan weligood shirka Rabbiga gelin,
  • 1 Boq 11:1 : 1 ¶ Oo Boqor Sulaymaan wuxuu jeclaaday naago badan oo qalaad, oo aan gabadhii Fircoon ahayn, naagahaas oo ahaa reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Edom, iyo reer Siidoon, iyo reer Xeed.
  • Bax 20:24 : 24 ¶ Meel allabari waa inaad ciid iiga samaysaa, oo waa inaad dusheeda iigu bixisaa qurbaannadaada la gubo, iyo qurbaannadaada nabaadiinada, iyo idahaaga iyo dibiyadaada. Oo meel kasta oo aan magacayga dadka ku xusuusiyoba waan kuugu iman doonaa oo waan kugu barakayn doonaa.
  • 2 Taar 13:7 : 7 Oo waxaa isagii u soo shiray rag xunxun oo waxmatarayaal ah, wayna xoogaysteen iyagoo ka gees ah Rexabcaam oo ahaa ina Sulaymaan, oo taasuna waxay ahayd intii Rexabcaam uu dhallintayaraa oo uu qalbigiisu nuglaa, oo uusan iyaga hor joogsan karin.
  • Nex 13:1 : 1 ¶ Oo maalintaas ayay kitaabkii Muuse akhriyeen iyadoo dadkii maqlayo; oo waxaa laga helay oo ku qornaa inayan shirka Ilaah weligood soo gelin mid reer Cammoon ah iyo mid reer Moo'aab ah toona;
  • Nex 13:26 : 26 War Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil sow isba waxyaalahan kuma dembaabin? In kastoo aan quruumo badan dhexdooda boqor isagoo kala ah laga heli karin, oo uu Ilaahiisuna jeclaa, oo uu Ilaah ka dhigay boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan, haddana xataa isagii waxaa dembaajiyey naago qalaad.
  • Sab 48:1-3 : 1 Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah. 2 Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn. 3 Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
  • Sab 78:68-69 : 68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah, Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday. 69 Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare, Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.
  • Yex 48:35 : 35 Oo magaalada wareeggeeduna wuxuu ahaan doonaa siddeed iyo toban kun oo cawsduur, oo maalintaas intii laga bilaabona magaalada magaceedu wuxuu ahaan doonaa, Rabbigaa halkaas jooga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    20Oo Yaaraabcaamna wuxuu talinayay laba iyo labaatan sannadood; markaasuu dhintay oo awowayaashiis la seexday, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Naadaab.

    21¶ Oo Rexabcaam ina Sulaymaanna boqor buu ka ahaa dalka Yahuudah. Oo markuu Rexabcaam boqor noqday wuxuu jiray kow iyo afartan sannadood, oo toddoba iyo toban sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem oo ahayd magaaladii Rabbigu ka doortay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan inuu magiciisa halkaas dhigo. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon.

  • 80%

    29Haddaba Rexabcaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?

    30Oo Rexabcaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray had iyo goorba.

    31Oo Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagula aasay awowayaashiis magaaladii Daa'uud; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaam.

  • 12Oo markuu isagu is-hoosaysiiyey ayaa cadhadii Rabbigu ka noqotay si aan Rabbigu isaga dhammaantiisba u baabbi'in, oo weliba dalka Yahuudah waxyaalo wanwanaagsan baa laga heli jiray.

  • 10Oo wuxuu Yeruusaalem boqor ka ahaa kow iyo afartan sannadood; oo hooyadiisna magaceedu wuxuu ahaa Macakaah ina Abiishaaloom.

  • 1 Boq 15:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ina Nebaad ayaa Abiiyaam boqor ka noqday dalka Yahuudah.

    2Oo saddex sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah ina Abiishaaloom.

  • 70%

    14Oo isagu wuxuu sameeyey wax shar ah, maxaa yeelay, qalbigiisa uma uu diyaarin inuu Rabbiga doondoono.

    15Haddaba Rexabcaam falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, sow kuma qorna taariikhdii Nebi Shemacyaah iyo tii Iddo oo ahaa waxarkihii, siday ahaayeen abtirsiinyadii? Oo had iyo goorna dagaal baa ka dhaxayn jiray Rexabcaam iyo Yaaraabcaam.

    16Oo Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaah.

  • 70%

    17Markaasay xoogeeyeen boqortooyadii dalka Yahuudah, oo intii saddex sannadood ah ayay xoogeeyeen Rexabcaam ina Sulaymaan, waayo, saddex sannadood ayay ku socdeen jidkii Daa'uud iyo kii Sulaymaanba.

    18¶ Oo Rexabcaam wuxuu guursaday Maxalad oo ay dhaleen Yeriimood ina Daa'uud iyo Abiixayil oo ahayd ina Elii'aab ina Yesay,

    19oo iyana waxay isagii u dhashay wiilal, waana Yecuush, iyo Shemaryaah, iyo Saham.

    20Oo iyada dabadeedna wuxuu guursaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, oo waxay isagii u dhashay Abiiyaah, iyo Catay, iyo Siisaa, iyo Shelomiid.

    21Oo Rexabcaamna wuxuu naagihiisii iyo addoommihiisaba ka sii jeclaaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, (waayo, wuxuu guursaday siddeed iyo toban naagood iyo lixdan addoommo ah, oo wuxuuna dhalay siddeed iyo labaatan wiil iyo lixdan gabdhood.)

    22Oo Rexabcaamna wuxuu madax ka dhigay Abiiyaah oo ay dhashay Macakaah, kaasoo walaalihiis amiir ka dhex ahaa, waayo, wuxuu damacsanaa inuu isaga boqor ka dhigo.

    23Oo wuxuu u macaamilooday si caqli ah, oo wiilashiisii oo dhanna wuu ku kala firdhiyey magaalooyinkii deyrka lahaa ee dalkii reer Yahuudah iyo kii reer Benyaamiin oo dhan, oo iyagii wuxuu siiyey cunto badan. Wuxuuna u doondoonay naago badan.

  • 17Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.

  • 69%

    1¶ Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ayaa Abiiyaah boqor ka noqday dalka Yahuudah.

    2Oo saddex sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Miikaayaah ina Uurii'eel oo reer Gibecaah ah. Oo Abiiyaah iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray.

  • 17Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah.

  • 2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yehoocaddiin tii reer Yeruusaalem.

  • 5¶ Oo Rexabcaamna wuxuu iska degganaa Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ayuu magaalooyin qalcado leh ka dhisay.

  • 23¶ Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii shan iyo tobnaad ayaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa kow iyo afartan sannadood.

  • 1¶ Markaasaa Rexabcaam wuxuu tegey Shekem, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen Shekem inay isaga ku soo boqraan.

  • 1¶ Markii boqortooyadii Rexabcaam ay dhisantay oo uu xoogaystay ayuu ka tegey sharcigii Rabbiga, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammuba la jiraan.

  • 1¶ Oo Amasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yehoocaddaan tii reer Yeruusaalem.

  • 2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo wuxuu Yeruusaalem boqor ku ahaa laba iyo konton sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.

  • 21¶ Oo Rexabcaamna markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah oo dhan iyo qabiilkii reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa, si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam ina Sulaymaan.

  • 1¶ Oo Rexabcaam markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam.

  • 65%

    42Oo wakhtigii Sulaymaan reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqorka ugu ahaa wuxuu ahaa afartan sannadood.

    43Markaasaa Sulaymaan dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud; oo wiilkiisii Rexabcaam ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

  • 3La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqor u ah, iyo reer binu Israa'iilka dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin deggan oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa,

  • 1¶ Yootamna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

  • 36¶ Oo Yehooyaaqiimna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ka ahaa kow iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Sebuudaah ina Fedaayaah, oo reer Ruumaah ahayd.

  • 19¶ Oo Aamoon markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo laba sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ka ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Meshullemed ina Xaaruus oo reer Yotbaah ahaa.

  • 65%

    30Oo Sulaymaan afartan sannadood ayuu reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqor ugu ahaa.

    31Sulaymaanna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Rexabcaam.

  • 2Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo afartan sannadood, oo Yeruusaalemna sannad ayuu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Catalyaah ina Coomrii.

  • 6Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?

  • 27Oo wakhtigii uu reer binu Israa'iil boqor u ahaana wuxuu ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon boqor ka ahaa, saddex iyo soddon sannadoodna wuxuu boqor ka ahaa Yeruusaalem.

  • 6Oo Rexabcaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexeeyey cimrigiisii oo dhanba.

  • 2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ka ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Abii ina Sekaryaah.

  • 3(waayo, Yaaraabcaam wuxuu weli joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay, oo Yaaraabcaamna wuxuu iska joogay dalka Masar, laakiinse waa loo cid diray oo loo yeedhay;) markaasay Rexabcaam la hadleen oo waxay ku yidhaahdeen,

  • 33Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.

  • 5Oo Yehooraam markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem.

  • 26Oo Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo sannad ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa. Hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Catalyaah, oo waxay ahayd ina Coomrii oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

  • 26¶ Oo waxaa kaloo jiray Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa reer Efraad oo Sereedaah degganaa, kaasu wuxuu ahaa Sulaymaan addoonkiisa, oo hooyadiis magaceeda waxaa la odhan jiray Seruucaah, waxayna ahayd naag carmal ah, oo isna gacantuu boqorka u qaaday.