17Oo Abiiyaah iyo dadkiisiina aad bay u laayeen, oo waxaa dadkii Israa'iil ka le'day shan boqol oo kun oo ah rag la xushay.
18Haddaba dadkii Israa'iil sidaasaa wakhtigaas loo jebiyey oo waxaa ka adkaaday dadkii Yahuudah, maxaa yeelay, iyagu waxay isku halleeyeen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.
19Oo Abiiyaah baa eryaday Yaaraabcaam oo wuxuu ka qabsaday magaalooyin badan kuwaasoo ahaa Beytel iyo tuulooyinkeedii, iyo Yeshaanaah iyo tuulooyinkeedii, iyo Cefroon iyo tuulooyinkeedii.
20Oo Yaaraabcaamna xoog dambe ma uu helin wakhtigii Abiiyaah noolaa, oo Rabbiga ayaa wax ku riday, wuuna dhintay.
21Laakiinse Abiiyaah wuu sii xoogaystay, oo wuxuu guursaday afar iyo toban naagood, oo wuxuuna dhalay laba iyo labaatan wiil iyo lix iyo toban gabdhood.