2 Taariikhdii 17:16
oo isna waxaa ku xigay Camasyaah ina Sikrii oo Rabbiga ikhtiyaarkiisa isugu bixiyey, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo ah rag xoog badan.
oo isna waxaa ku xigay Camasyaah ina Sikrii oo Rabbiga ikhtiyaarkiisa isugu bixiyey, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo ah rag xoog badan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
17Oo reer Benyaamiinna waxaa ka joogay Elyaadaac oo ahaa nin xoog badan, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo nin oo sita qaanso iyo gaashaan,
18oo isna waxaa ku xigay Yehoosaabaad, waxaana isaga la jiray boqol iyo siddeetan kun oo nin oo dagaal loo diyaariyey.
13Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaa loogu dhex sameeyey shuqullo badan, oo Yeruusaalemna waxaa u joogay rag dagaalyahan ah oo xoog badan.
14Oo tanuna waa tiradoodii iyo sidii ay reerahoodu kala ahaayeen, saraakiishii kun kun u talin jiray ee dadkii Yahuudah waxaa ka joogay Cadnaah oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray rag xoog badan oo ah saddex boqol oo kun,
15oo waxaa isaga ku xigay Yehooxaanaan oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray laba boqol iyo siddeetan kun oo nin,
5Oo weliba Amasyaah wuxuu soo wada ururiyey dadkii Yahuudah oo dhan, oo wuxuu u kala hagaajiyey siday reerahoodu kala ahaayeen, oo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhanna wuxuu taladoodii u dhiibay saraakiil kun kun u taliya iyo kuwa boqor boqol u taliya, oo weliba wuxuu tiriyey intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd, waxayna ahaayeen saddex boqol oo kun oo ah rag la doortay, oo dagaalka u bixi kara, oo wada qaadan kara waran iyo gaashaan.
6Oo weliba boqol kun oo nin oo ah rag xoog badan ayuu dalkii Israa'iil kaga soo kiraystay boqol talanti oo lacag ah.
11Oo weliba Cusiyaah wuxuu lahaa ciidan dagaalyahan ah oo dagaalka koox koox ugu baxa sidii ay ahayd tiradooda ay sameeyeen Yecii'eel oo ahaa karraanigii iyo Macaseeyaah oo sirkaalkii ahaa, sidii uu ku amray Xananyaah oo ahaa boqorka saraakiishiisa midkood.
12Oo raggii xoogga badnaa, oo ahaa madaxdii qolooyinka oo dhan tiradoodu waxay ahayd laba kun iyo lix boqol oo nin.
13Oo waxaa gacantooda ku jiray ciidan ah saddex boqol iyo toddoba kun iyo shan boqol oo nin, kuwaasoo xoog badan ku dagaallama, si ay boqorka uga caawiyaan cadowga.
8Oo Aasaana wuxuu lahaa ciidan gaashaammo iyo warmo sita, oo waxaa reer Yahuudah ka soo baxay saddex boqol oo kun, reer Benyaamiinna waxaa ka soo baxay kuwo gaashaammo sita oo qaansooyin xoota oo ah laba boqol iyo siddeetan kun, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.
30Oo reer Efrayimna waxaa ka joogay labaatan kun iyo siddeed boqol oo nin, oo ah rag xoog badan oo dhammaantood reerahooda caan ku ah.
3Oo Abiiyaah dagaal buu u baxay isagoo wata ciidan dagaalyahan ah oo xoog badan, oo waxayna ahaayeen afar boqol oo kun oo ah rag la xushay; oo Yaaraabcaamna wuxuu dagaal isaga ka gees ah u diyaariyey siddeed boqol oo kun oo nin oo ah rag la xushay oo dhammaantoodna rag xoog badan ah.
11Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen farcankii Yediica'eel sidii ay ahaayeen madaxdii reerahoodu, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo intoodii dagaal aawadiis ciidanka u geli kartay waxay ahaayeen toddoba iyo toban kun iyo laba boqol,
9Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.
13iyo walaalihiis oo ahaa madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo afartan, iyo Camashay oo ahaa ina Casareel, ina Axsay, ina Meshilleemood, ina Immeer;
14iyo walaalahood oo ahaa rag xoog leh, oo waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan; oo madaxooduna wuxuu ahaa Sabdii'eel oo ahaa ina Haggedooliim.
17¶ Oo raggii reer binu Israa'iil oo reer Benyaamiin aanay ku jirinna tiradoodii waxay ahayd afar boqol oo kun oo nin oo wada seefqaad ah; oo kulligoodna waxay ahaayeen rag dagaalgal ah.
5Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah.
2Markaasaa dadka madaxdiisii oo dhan ee ka socda qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaa isa soo dhex taagay dadka Ilaah shirkiisii, kuwaasoo ahaa afar boqol oo kun oo nin oo lug ah oo wada seefqaad ah.
28Saadooqna wuxuu ahaa nin dhallinyar oo xoog badan, oo waxaa la jiray laba iyo labaatan sirkaal oo reerkiisii wada ah.
23¶ Oo tanuna waa tiradii kuwii madaxda u ahaa kuwii dagaalka hubka u lahaa, oo Daa'uud ugu yimid Xebroon inay boqortooyada Saa'uul isaga u rogaan sidii uu eraygii Rabbigu ahaa.
24Kuwii reer Yahuudah ee gaashaan iyo waran qaadayay waxay ahaayeen lix kun iyo siddeed boqol oo nin, oo dagaal hub u leh.
25Oo kuwii reer Simecoon ee xoogga badnaa, dagaalkana u darbanaa waxay ahaayeen toddoba kun iyo boqol.
37Oo Webi Urdun dhankiisa kalena waxaa ka yimid boqol iyo labaatan kun oo nin oo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo waxayna ahaayeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis.
5Wiilashii Shekaanyaahna waxaa ka socday ina Yaxasii'eel, oo waxaa isaga la jiray saddex boqol oo nin.
9Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin.
11Markaasaa Amasyaah isdhiirrigeliyey, oo wuxuu hor kacay dadkiisii, oo tegey xagga Dooxadii Cusbada, oo reer Seciir ayuu ka laayay toban kun oo qof.
9Markaasaa Amasyaah wuxuu ku yidhi ninkii Ilaah, Haddaba sidee baannu ka yeelaynaa boqolkii talanti oo aan siiyey ciidanka Israa'iil? Kolkaasaa ninkii Ilaah u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigu wuu awoodaa inuu ku siiyo wax intaas ka sii badan.
18¶ Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis raggoodii xoogga lahaa oo awoodda u lahaa inay gaashaan iyo seef qaadaan, iyo inay qaansooyin ganaan, oo dagaalyahannada ahaa waxay ahaayeen afar iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo lixdan nin oo wada awooda inay dagaal u baxaan.
17Oo waxaa isaga la socday kun nin oo reer Benyaamiin ah, iyo Siibaa oo ahaa midiidinkii reerkii Saa'uul, iyo shan iyo tobankiisii wiil iyo labaatankiisii addoon; oo Webi Urdun bay dhex mareen isagoo boqorku arko.
13Laakiinse raggii ciidankii ee Amasyaah dib u diray oo u diiday inay isaga dagaalka u raacaan, waxay weerar ku dhufteen magaalooyinkii dalka Yahuudah, tan iyo Samaariya iyo ilaa Beytxooroon, oo waxay ka laayeen saddex kun oo qof, oo maal badanna way ka dhaceen.
6Oo kaasu waa Benaayaah oo ahaa kii ugu xoog badnaa soddonkii, oo weliba soddonka madax u ahaa, oo kooxdiisana waxaa ku jiray wiilkiisii Cammiisaabaad.
17Markaasaa waxaa isagii ka daba galay wadaadkii Casaryaah oo ay la socdaan siddeetan ah Rabbiga wadaaddadiisa, oo ah rag xoog badan.
6Oo Feqax ina Remalyaah ayaa dalka Yahuudah isku maalin ku laayay boqol iyo labaatan kun oo nin oo dhammaantood wada xoog badan, maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood.
7Oo Sikrii oo ahaa nin xoog badan oo reer Efrayim ayaa dilay Macaseeyaah oo ahaa boqorka wiilkiisii, iyo Casriiqaam oo reerka u talin jiray, iyo Elqaanaah oo ahaa kii boqorka ku xigay.
20Oo markuu Siiqlag tegey waxaa geestiisa reer Manaseh ka soo maray Cadnaah, iyo Yoosaabaad, iyo Yediica'eel, iyo Miikaa'eel, iyo Yoosaabaad, iyo Eliihuu, iyo Silletay, oo dhammaantood ahaa saraakiil u taliya kun kun reer Manaseh ah.
1¶ Haddaba intanu waa kuwii Daa'uud ugu yimid Siiqlag, intuu weli ka dhumanayay Saa'uul ina Qiish, oo iyagu waxay ku jireen ragga xoogga badan oo la dagaal galay.
32Oo walaalihiis oo ahaa rag xoog badanuna waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol oo nin, oo ah madaxdii qolooyinka kuwaasoo boqor Daa'uud uu ka dhigay inay taliyayaal ugu ahaadaan reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, xagga wax kasta oo xag Ilaah ku saabsan, iyo xagga danaha boqorkaba.
6Markaas amiirradii reeraha iyo amiirradii qabiilooyinka reer binu Israa'iil iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo taliyayaashii boqorka hawshiisa xukumi jirayba waxay bixiyeen wax ay raalli ka yihiin.
33Oo reer Sebulunna waxaa ka joogay kuwo ciidanka geli kara oo dagaalka isu safi kara, iyagoo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo isdiyaarin kara, oo aan labaqalbiilayaal ahayn, oo tiradooduna waxay ahayd konton kun oo nin.
2Oo kooxdii kowaad ee bixi jirtay bishii kowaad waxaa madax u ahaa Yaashaabcaam ina Sabdii'eel, oo kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.
21Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.
15Oo maalintaas waa la tiriyey reer Benyaamiinkii magaalooyinka ka baxay, oo waxay noqdeen lix iyo labaatan kun oo seefqaad ah, iyo weliba kuwii Gibecaah degganaa oo tiradoodii ahayd toddoba boqol oo nin oo la soo xulay.
8Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyeyna waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.
11Oo tanuna waa tiradii raggii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay: Yaashaabcaam oo ahaa reer Xakmoonii oo ahaa ka ugu horreeya soddonka, isagu wuxuu warankiisa u qaaday saddex boqol oo nin, oo isku mar buuna laayay.
44Oo waxaa reer Benyaamiin haddana ka le'day siddeed iyo toban kun oo nin, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.
12Markaasay madaxdii reer Efrayim qaarkood hor istaageen kuwii dagaalka ka soo noqday, oo madaxdaasuna waxay ahaayeen Casaryaah ina Yooxaanaan, iyo Berekyaah ina Meshilleemood, iyo Yexisqiyaah ina Shalluum, iyo Camaasaa ina Xadlay.
8kuwii reer Eliisaafaanna, Shemacyaah oo madax ahaa, iyo laba boqol oo nin oo walaalihiis ahaa,
23Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.