2 Taariikhdii 18:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku yidhi, Ma ii raacaysaa Raamod Gilecaad? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, oo annaguna dagaalka waan idinla gelaynaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 22:4 : 4 Oo wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Dagaal baan Raamod Gilecaad u tegayaaye ma i raacaysaa? Oo Yehooshaafaadna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, fardahayguna waa fardahaagoo kale.
  • 2 Boq 3:7 : 7 Oo intuu tegey ayuu u cid dirtay Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa igu caasiyoobay boqorkii Moo'aab, haddaba ma i raacaysaa aan Moo'aab la dirirnee? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ku raacayaa, waayo, waxaan ahay adigoo kale, dadkayguna waa sida dadkaaga oo kale, fardahayguna waa sida fardahaaga oo kale.
  • Sab 139:21 : 21 Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb? Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?
  • Ef 5:11 : 11 oo innaba xidhiidh ha la yeelanina shuqullada aan midhaha lahayn oo gudcurka, laakiinse kashifa;
  • 2 Yoox 1:10-11 : 10 Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina, 11 waayo, kii salaamaa, wuxuu ka qayb galaa shuqulladiisa sharka ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Boq 22:2-7
    6 aayado
    91%

    2Oo waxay noqotay sannaddii saddexaad in Yehooshaafaad oo dalka Yahuudah boqor ka ahaa u yimid boqorkii dalka Israa'iil.

    3Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ku yidhi, War miyeydnaan ogayn inaan iska leennahay Raamod Gilecaad? Oo annana waannu iska fadhinnaa, oo kalama aannu bixin gacantii boqorka Suuriya!

    4Oo wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Dagaal baan Raamod Gilecaad u tegayaaye ma i raacaysaa? Oo Yehooshaafaadna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, fardahayguna waa fardahaagoo kale.

    5Markaasaa Yehooshaafaad boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Waan ku baryayaaye bal maanta erayga Rabbiga wax weyddii.

    6Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa in ku dhow afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagaa mise waan iska daayaa? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Sayidku wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.

    7Laakiinse Yehooshaafaad wuxuu ku yidhi, Kuwan mooyaane miyaanu nebi Rabbigu jirin aan wax weyddiinnee?

  • 2 Boq 3:6-8
    3 aayado
    85%

    6Oo markaasaa Boqor Yehooraam ka baxay Samaariya, oo wuxuu soo safay dadkii Israa'iil oo dhan.

    7Oo intuu tegey ayuu u cid dirtay Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa igu caasiyoobay boqorkii Moo'aab, haddaba ma i raacaysaa aan Moo'aab la dirirnee? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ku raacayaa, waayo, waxaan ahay adigoo kale, dadkayguna waa sida dadkaaga oo kale, fardahayguna waa sida fardahaaga oo kale.

    8Oo isna wuxuu yidhi, War jidkee baynu maraynaa? Markaasuu ugu jawaabay, Jidka cidlada Edom.

  • 85%

    28¶ Markaasay boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Raamod Gilecaad u kaceen.

    29Oo boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Anigu waan ismidab qarinayaa oo dagaalkaan dhex gelayaa, laakiinse adigu dharkaaga xidho. Oo boqorkii dalka Israa'iil wuu ismidab qariyey oo dagaalkuu dhex galay.

    30Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray saraakiishii u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane.

    31Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isku yidhaahdeen, Kanu waa boqorkii dalka Israa'iil. Markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed, laakiinse Yehooshaafaad wuu qayliyey, oo Rabbiguna wuu caawiyey, oo Ilaah baa iyagii ka ceshay.

  • 84%

    1¶ Haddaba Yehooshaafaad wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan, xidhiidh buuna la yeeshay Axaab.

    2Oo dhawr sannadood dabadood isagu wuxuu Axaab ugu tegey Samaariya. Oo Axaabna isagii iyo dadkiisii la socdayba wuxuu u qalay ido iyo dibi faro badan, oo wuxuuna isagii oggolaysiiyey inuu ula kaco Raamod Gilecaad.

  • 83%

    29¶ Markaasay boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Raamod Gilecaad u kaceen.

    30Oo boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Anigu waan ismidab qarinayaa, oo dagaalkaan dhex gelayaa; laakiinse adigu dharkaaga xidho. Oo boqorkii dalka Israa'iil wuu ismidab qariyey oo dagaalkuu dhex galay.

    31Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray laba iyo soddonkii sirkaal oo u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane.

    32Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isyidhaahdeen, Hubaal kanu waa boqorkii dalka Israa'iil, markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed; kolkaasaa Yehooshaafaad qayliyey.

  • 81%

    4Markaasaa Yehooshaafaad boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Waan ku baryayaaye bal maanta erayga Rabbiga wax weyddii.

    5Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mise waan iska daaya? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Ilaah wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.

    6Laakiinse Yehooshaafaad wuxuu ku yidhi, Kuwan mooyaane miyaanu nebiga Rabbiga jirin aan wax weyddiinnee?

  • 80%

    10Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu yidhi, Hoogay! waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

    11Laakiinse Yehooshaafaadba wuxuu yidhi, War sow ma joogo nin ah Rabbiga nebigiis aan Rabbiga wax ka weyddiinnee? Oo mid ka mid ah boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ayaa ugu jawaabay, Waxaa jooga Eliishaa ina Shaafaad oo biyo ku shubi jiray Eliiyaah gacmihiisii.

    12Markaasaa Yehooshaafaad wuxuu yidhi, Isaga Eraygii Rabbigaa la jira. Kolkaasay boqorkii dalka Israa'iil, iyo Yehooshaafaad, iyo boqorkii Edomba isagii u tageen.

    13Markaasaa Eliishaa wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya? Nebiyadii aabbahaa iyo nebiyadii hooyadaa u tag. Oo boqorkii dalka Israa'iilna wuxuu ku yidhi, Maya, waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.

  • 14Oo markuu boqorkii u yimid ayaa boqorkii ku yidhi, Miikayhuuyow, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mise waan iska daayaa? Oo isna wuxuu ku yidhi, Taga oo ku soo guulaysta, oo iyagana gacantiinnaa la soo gelin doonaa.

  • 15Oo markuu boqorkii u yimid ayaa boqorkii ku yidhi, Miikayhuuyow, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mase waannu iska daynaa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Tag, oo ku soo guulayso; oo Rabbiguna iyaduu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.

  • 77%

    5Oo weliba wuxuu ku socon jiray taladoodii, wuuna raacay Yehooraam ina Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad, oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.

    6Markaasuu ku noqday Yesreceel in lagu soo daweeyo nabrihii ay Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tegey inuu soo arko Yehooraam ina Axaab oo joogay Yesreceel, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.

  • 77%

    28Oo wuxuu raacay Yooraam oo ahaa ina Axaab inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad; oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.

    29Oo Boqor Yooraamna wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii ay reer Suuriya Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Yesreceel tegey inuu soo arko Yooraam ina Axaab, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.

  • 19Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab oo ah boqorka dalka Israa'iil soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu ku hadlay, mid kalena sidaasuu ku hadlay.

  • 49Markaasaa Axasyaah oo ahaa ina Axaab ayaa Yehooshaafaad ku yidhi, Addoommadaydu addoommadaada doonniyaha ha la raaceen, laakiinse Yehooshaafaad wuu diiday taas.

  • 18Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane?

  • 17Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane?

  • 20Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu yidhi, mid kalena sidaasuu yidhi.

  • 44Oo Yehooshaafaadna nabad buu la dhigtay boqorkii dalka Israa'iil.

  • 2Oo waxaa baxay oo isagii ka hor tegey Yeehuu ina Xanaanii oo wax arkihii ahaa, oo wuxuu Boqor Yehooshaafaad ku yidhi, War ma waxaa kuu ekayd inaad caawiso kuwa sharka ah iyo inaad jeclaato kuwo Rabbiga neceb? Waxan daraaddiis waxaa kugu soo degtay cadho Rabbiga hortiisa ka timid.

  • 11Oo nebiyadii oo dhammuna saasay sii wada sheegeen, iyagoo leh, Raamod Gilecaad tag oo guulayso, maxaa yeelay, Rabbigu wuu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.

  • 21Markaasaa Yooraam yidhi, Gaadhifaras diyaariya. Oo iyana gaadhifaraskiisii ayay diyaariyeen. Kolkaasaa Yooraam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil iyo Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba waxay baxeen isagoo mid waliba gaadhifaraskiisii ku jiro, oo waxay u baxeen inay Yeehuu ka hor tagaan, oo waxay ka heleen beertii Naabood kii reer Yesreceel.

  • 9Haddaba boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah mid kastaaba wuxuu ku fadhiyey carshigiisii, isagoo dharkii boqornimada qaba, oo waxay fadhiyeen meel bannaan oo ku taal iridda Samaariya laga soo galo, oo nebiyadii oo dhammuna hortooday wax ku sii sheegayeen.

  • 13¶ Oo bal eeg, nebi baa u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan faraha badan oo dhan ma aragtay? Bal ogow, kulligood adigaan maanta kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu ahay Rabbiga.

  • 13ayaa Yeehuu la kulmay boqorkii dalka Yahuudah oo Axasyaah ahaa walaalihiis, oo wuxuu ku yidhi, War yaad tihiin? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Annagu waxaannu nahay Axasyaah walaalihiis, oo waxaannu u soconnaa inaannu soo salaanno carruurtii boqorka iyo carruurtii boqoradda.

  • 16Markaasuu ku yidhi, Kaalay, i raac, oo fiiri qiirada aan Rabbiga u qabo. Sidaasaa loo fuushiyey gaadhifaraskiisii.

  • 3Oo midba wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye raalli ahow oo na raac annagoo addoommadaada ah. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan idin raacayaa.

  • 35¶ Oo taas dabadeedna Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah xidhiidh buu la yeeshay Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil kaasoo shuqulkiisii aad iyo aad u xumaa,

  • 12Oo nebiyadii oo dhammuna saasay sii wada sheegeen, iyagoo leh, Raamod Gilecaad tag oo guulayso, maxaa yeelay, Rabbigu wuu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow.

  • 17¶ Markaasaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tashaday, oo wuxuu u cid diray Yoo'aash oo ahaa ina Yehoo'aaxaas ina Yeehuu oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Car kaalay aynu iska hor nimaadnee.

  • 14¶ Sidaasuu Yeehuu ina Yehooshaafaad oo ahaa ina Nimshii u shirqoolay Yooraam. (Haddaba Yooraam iyo dadka Israa'iil oo dhammu waxay u sii haysteen Raamod Gilecaad Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya daraaddiis,