2 Boqorradii 6:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo midba wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye raalli ahow oo na raac annagoo addoommadaada ah. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan idin raacayaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 4:8 : 8 Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo.
  • Xaak 19:6 : 6 Sidaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.
  • 2 Boq 5:23 : 23 Markaasaa Nacamaan yidhi, Oggolow oo qaad laba talanti oo lacag ah. Wuuna ku sii adkeeyey, oo labadii talanti wuxuu ugu xidhay laba kiish, oo wuxuu ugu sii daray laba iskujoog oo dhar ah, oo weliba wuxuu u saaray laba midiidinnadiisii ah, oo iyana intay u qaadeen ayay hortiisa socdeen.
  • Ayuub 6:28 : 28 Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya, Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 4Sidaas daraaddeed wuu raacay. Oo iyana markay Urdun yimaadeen ayay geedo jareen.

  • 2Haddaba waannu ku baryaynaaye aannu tagno xagga Urdun oo halkaas nin waluba dogob ha ka qaado, oo aannu halkaas ka dhisanno meel aan degno. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Orda oo taga.

  • 12Oo wuxuu yidhi, Sodcaalkeenna aan iska sii soconno, oo ina keena, oo anna waan kaa hor marayaa.

  • 75%

    36Anoo addoonkaaga ah waxaan doonayay inaan Webi Urdun kaala gudbo oo keliya; haddaba maxaad abaalgudkan weyn iigu soo celinaysaa, boqorow?

    37Haddaba anoo addoonkaaga ah, waan ku baryayaaye, i daa aan dib u noqdee, si aan ugu dhinto magaaladaydii iyo meel u dhow qabrigii aabbahay iyo hooyaday. Laakiinse bal eeg addoonkaagii Kimhaam; isagu ha kula gudbo, boqorow, sayidkaygiiyow, oo isaga ku samee wax alla wixii kula wanaagsan.

    38Markaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Kimhaam aniguu ila gudbayaa, oo waxaan u samaynayaa wixii kula wanaagsan; oo wax alla wixii aad i weyddiisato, waan kuu samaynayaa.

  • 2 Boq 3:7-8
    2 aayado
    74%

    7Oo intuu tegey ayuu u cid dirtay Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaa igu caasiyoobay boqorkii Moo'aab, haddaba ma i raacaysaa aan Moo'aab la dirirnee? Isna wuxuu yidhi, Haah, waan ku raacayaa, waayo, waxaan ahay adigoo kale, dadkayguna waa sida dadkaaga oo kale, fardahayguna waa sida fardahaaga oo kale.

    8Oo isna wuxuu yidhi, War jidkee baynu maraynaa? Markaasuu ugu jawaabay, Jidka cidlada Edom.

  • Tir 10:30-32
    3 aayado
    73%

    30Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Anigu tegi maayo, laakiinse waxaan u kacayaa dalkaygii iyo dadkaygii.

    31Oo isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye ha naga tegin, waayo, adigu waad garanaysaa sida roon ee aannu cidlada u degno, oo waxaad noo ahaanaysaa indho oo kale.

    32Oo weliba haddaad na raacdo, wax kasta oo wanaagsan oo Rabbigu noo sameeyo annana waannu kuu samaynaynaa.

  • 25Haddaba waan ku baryayaaye, aan u gudbo oo aan arko dalka wanaagsan oo ka shisheeya Webi Urdun, kaasoo ah buurtaas wanaagsan iyo Lubnaan.

  • 6Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray Webi Urdun. Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbiga iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Markaasay labadiiba israaceen.

  • 33Haddaba sidaas daraaddeed, waan ku baryayaaye, aniga oo ah addoonkaagii, aan wiilka meeshiisii kuu joogo oo aan addoon kuu noqdo, sayidkaygiiyow; wiilkuna walaalihiis ha iska raaco.

  • 58Markaasay Rebeqah u yeedheen, oo waxay ku yidhaahdeen, Ninkan ma raacaysaa? Oo waxay tidhi, Haah, waan raacayaa.

  • 20Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.

  • Bax 33:14-15
    2 aayado
    72%

    14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Anigu waan kula socon doonaa, oo waan ku nasin doonaa.

    15Markaasuu isna ku yidhi, Haddaba haddaanad ila socon, halkan ha naga kaxayn.

  • 16Oo hadduu kugu yidhaahdo, Dooni maayo inaan kaa baxo, oo sababtuna ay tahay jacayl uu u qabo adiga iyo reerkaaga, iyo nabdoonaan uu kugu qabo,

  • 9Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Nabad ku tag. Kolkaasuu kacay oo tegey Xebroon.

  • 3oo ina kiciya, aynu Beytel tagnee, oo anna halkaas meel allabari baan uga samayn doonaa Ilaahii ii jawaabay maalintii aan dhibtoonayay oo ila jiray jidkii aan maray.

  • Bil 18:3-5
    3 aayado
    71%

    3oo wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, haddaad raalli iga tahay, ha i dhaafin anigoo addoonkaaga ah.

    4Biyo yar ha laydiin keeno, oo cagamaydha, oo geedka hoostiisa ku nasta:

    5oo waxaan idiin keeni doonaa wuxoogaa cunto ah, ee raaxaysta; waayo, waxaad u timaadeen addoonkiinna; markaas ka dib waad tegi doontaan. Oo waxay ku yidhaahdeen, Yeel sidaad tidhi.

  • 13Oo wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Kaalay oo aynu ku dhowaanno meelahan middood; oo waxaynu u hoyanaynaa Gibecaah, ama Raamaah.

  • 5Addoonkiina wuxuu ku yidhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu oggolaan inay ii soo raacdo dalkan; ma inaan wiilkaaga ku celiyo dalkii aad ka timid baa?

  • 8Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo.

  • 3Markaasaa Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku yidhi, Ma ii raacaysaa Raamod Gilecaad? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, oo annaguna dagaalka waan idinla gelaynaa.

  • 19Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo nabad ku tag. Sidaas daraaddeed in yar buu ka socday.

  • 71%

    15Markaasuu ku yidhi, Kaalay oo gurigaygii ii raac aad kibis soo cuntide.

    16Isna wuxuu yidhi, Kari maayo inaan kula noqdo iyo inaan gurigaaga galo toona. Halkan innaba kibis kugula cuni maayo, biyona kugula cabbi maayo.

  • 18Waan ku baryayaaye, halkaas ha ka tegin ilaa aan kuu imaado, oo aan qurbaankayga kuu keeno, oo aan ku hor dhigo. Isagu wuxuu yidhi, Waan ku sugayaa ilaa aad soo noqotid.

  • 56Markaasuu ku yidhi iyagii, Rabbigu waa igu liibaaniyey jidkaygii, sidaas daraaddeed ha i raajinina, ee i dira inaan sayidkaygii u tago.

  • 26Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Haddaba haddaanay saas ahayn, ii daa walaalkay Amnoon ha i raacee. Kolkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Muxuu kuu raacayaa?

  • 18Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaannu ka gudbaynaa Beytlaxam Yahuudah; oo dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim ayaannu tegaynaa. Anigu xaggaas baan ka imid, oo waxaan tegey Beytlaxam Yahuudah; oo haatan waxaan u socdaa guriga Rabbiga, oo nin gurigiisa i geliyeyna ma jiro.

  • 5Ibraahimna wuxuu raggiisii dhallinyarada ahaa ku yidhi, Idinku halkan dameerka la jooga, aniga iyo wiilkuna halkoo baannu tegaynaa oo Ilaah ku soo caabudaynaa, dabadeedna waannu idinku soo noqonaynaa.

  • 16Markaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Kulli wixii aad nagu amartay oo dhan waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegi doonnaa.

  • 39Markaasaan sayidkaygii ku idhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu i soo raaci doonin.

  • 4Markaasaa Eliiyaah wuxuu ku yidhi isagii, Eliishaa, waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu haddana wuxuu ii diray Yerixoo. Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay yimaadeen Yerixoo.

  • Xaak 18:5-6
    2 aayado
    70%

    5Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, bal Ilaah talo noo weyddii, inaannu ogaanno bal inaannu jidkayaga aan ku soconno ku soo liibaanayno iyo in kale.

    6Markaasuu wadaadkii ku yidhi, Nabad ku taga; waayo, jidka aad ku socotaan wuxuu hor yaallaa Rabbiga.

  • 2Markaasaa Eliiyaah wuxuu Eliishaa ku yidhi, Waan ku baryayaaye halkan iska joog, waayo, Rabbigu wuxuu ii diray tan iyo Beytel. Oo Eliishaana wuxuu yidhi, Waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaadee inaanan kaa tagayn. Sidaas daraaddeed waxay ku wada dhaadhaceen Beytel.

  • 29oo wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa, aan tagee, waayo, ehelkayagii baa magaalada allabari ku leh, oo walaalkay baa igu amray inaan halkaas joogo, haddaba haddii aad raalli iiga tahay i sii daa aan tagee oo walaalahay soo arkee, waan ku baryayaaye. Oo sidaas daraaddeed buu u iman waayay miiska boqorka.

  • 35Markaasaa malaa'igtii Rabbigu Balcaam ku tidhi, Orod oo nimanka raac; laakiinse hadalkii aan kula hadlo oo keliya waa inaad ku hadashaa. Sidaas daraaddeed Balcaam wuxuu raacay amiirradii Baalaaq soo diray.

  • 26Laakiinse hadduu igu yidhaahdo, Kuguma faraxsani; bal eeg, haddaba waa i kane, ha igu sameeyo sidii isaga la wanaagsan.

  • 26Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, War sow qalbigaygu kulama socon markii ninku gaadhifaraskiisii ka soo noqday inuu kaa hor yimaado? War haatan ma wakhti lacag la qaataa oo ma wakhti la qaataa dhar, iyo beero saytuun ah, iyo beero canab ah, iyo ido, iyo dibi, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah?

  • 10Laakiinse haddaad ka baqaysid inaad ku dhaadhacdo, waxaad xerada kula dhaadhacdaa addoonkaaga Furaah,

  • 12Markaasaa Yehooshaafaad wuxuu yidhi, Isaga Eraygii Rabbigaa la jira. Kolkaasay boqorkii dalka Israa'iil, iyo Yehooshaafaad, iyo boqorkii Edomba isagii u tageen.

  • 15Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay Eliiyaah ku tidhi, Tag oo isaga raac; hana ka cabsan. Kolkaasuu kacay oo intuu isagii la dhaadhacay ayuu boqorkii u tegey.

  • 23Oo isna wuxuu ku yidhi, Naa maxaad maanta ugu tegaysaa? Maanta bil cusub ma aha, sabtina ma aha. Oo iyana waxay tidhi, War way hagaagi doontaa.