Xaakinnadii 7:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse haddaad ka baqaysid inaad ku dhaadhacdo, waxaad xerada kula dhaadhacdaa addoonkaaga Furaah,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 4:10-14 : 10 Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Rabbiyow, anigu codkar ma ahi, hadda iyo hore toona, iyo tan iyo markaad ila hadashay anigoo addoonkaaga ah, maxaa yeelay, anigu hadalka waan shigaa, waanan carrab la'ahay. 11 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kan dadka afkiisa sameeyey waa ayo? Yaase dadka carrab tira, ama dhego tira, ama wax tusa, ama indho tira? Sow anigan Rabbiga ah ma aha? 12 Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo anigaa afkaaga la jiri doona oo ku bari doona wixii aad ku hadli lahayd. 13 Isna wuxuu yidhi, Rabbiyow, Waan ku baryayaaye, dir kaad doonaysid inaad dirtid. 14 Markaasaa Rabbigu u cadhooday Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Sow ma joogo walaalkaa Haaruun oo ah reer Laawi? Waan ogahay inuu isagu si wanaagsan u hadli karo. Oo bal ogow, wuu u soo socdaa inuu kula kulmo, oo markuu ku arko, qalbigiisuu ka farxi doonaa.
  • Xaak 4:8-9 : 8 Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo. 9 Kolkaasay ku tidhi, Hubaal waan ku raacayaa; habase yeeshee socdaalka aad tegaysaa ahaan maayo mid adiga sharaf kuu leh, waayo, Rabbigu wuxuu Siiseraa ka iibin doonaa naag gacanteed. Kolkaasay Debooraah kacday oo Baaraaq u raacday xagga Qedesh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11oo waxaad maqli doontaa waxay isku leeyihiin; oo markaasay gacmahaagu u xoogaysan doonaan inaad xerada ku dhaadhacdo. Markaasuu hoos u dhaadhacay isagoo kaxaystay addoonkiisii Furaah ilaa meeshii ku wareegsanayd xerada oo raggii hubka lahaa degganaa.

  • 9¶ Oo isla habeenkaas Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Kac, oo xerada ku dhaadhac, waayo, iyada gacantaan kuu geliyey.

  • Xaak 7:3-4
    2 aayado
    74%

    3Haddaba tag oo dadka dhegahooda ku naadi, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii baqaya oo gariirayaa, ha iska noqdo oo ha ka tago Buur Gilecaad. Markaasaa dadkii waxaa dib uga noqday laba iyo labaatan kun oo nin, oo waxaa soo hadhay toban kun.

    4¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadku weli aad buu u badan yahay; bal waxaad geeysaa biyaha, oo halkaasaan iyaga kuugu tijaabinayaa, oo waxay noqon doontaa, kii aan kugu idhaahdo, Kanu ha ku raaco, kaasaa ku raaci doonaa, oo ku alla kii aan kugu idhaahdo, Kanu ku raaci maayo, kaasu waa inaanu ku raacin.

  • 74%

    9Oo haddii ay inagu yidhaahdaan, Jooga halkiinna ilaa aannu idiin nimaadno, markaas waxaynu iska joogaynaa meesheenna, oo una tegi mayno.

    10Laakiinse haddii ay inagu yidhaahdaan, Kaalaya oo soo fuula, markaasaynu fuulaynaa, waayo, Rabbigu iyaga gacanteennuu soo geliyey, oo taasaa calaamadii inoo ahaan doonta.

  • 1 Sam 10:7-8
    2 aayado
    73%

    7Haddaba markii calaamooyinkaasu ku soo gaadhaan, waxaad samaysaa wixii ku soo gaadha oo dhanba, maxaa yeelay, Ilaah baa kula jira.

    8Oo waxaad ku dhaadhacdaa, oo iga hor martaa xagga Gilgaal; oo bal eeg, anna waan kuu iman doonaa, inaan bixiyo qurbaanno la gubo, iyo inaan bixiyo qurbaanno nabaadiino. Toddoba maalmood waa inaad i sugtaa, ilaa aan kuu imaado oo aan ku tuso waxaad samayn doonto.

  • 73%

    7Laakiinse nin Ilaah baa isagii u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Boqorow, ciidanka Israa'iil yaanay ku raacin, maxaa yeelay, Rabbigu dadka Israa'iil oo reer Efrayim ah oo dhanba lama uu jiro.

    8Laakiinse haddaad doonayso inaad tagto, yeel, oo dagaalka ku adkow, Ilaahse wuxuu kugu tuuri doonaa cadowgaaga hortiisa, maxaa yeelay, Ilaah baa leh xoog uu wax ku caawiyo iyo mid uu wax ku tuuraba.

  • 15Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay Eliiyaah ku tidhi, Tag oo isaga raac; hana ka cabsan. Kolkaasuu kacay oo intuu isagii la dhaadhacay ayuu boqorkii u tegey.

  • 7Haddaba saas daraaddeed kac, oo dibadda u bax, oo addoommadaada intaad la hadashid dhiiro geli; waayo, Rabbigaan ku dhaartaye, haddaadan dibadda u bixin, inaan ninna caawa kula joogayn; oo taasuna way kaaga sii xumaanaysaa kulli sharkii kugu dhacay tan iyo yaraantaadii.

  • 6Markaasaa Daa'uud jawaabay oo ku yidhi kii reer Xeed oo Axiimeleg ahaa iyo Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo Yoo'aabna walaalkiis ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Yaa ii raacaya Saa'uul xeraduu joogo? Kolkaasaa Abiishay ku yidhi, anaa ku raacaya.

  • 1 Sam 14:6-7
    2 aayado
    71%

    6Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Kaalay, oo ina keen aan xagga ciidanka buuryoqabka ah u gudubnee, waayo, waxaa suurtowda in Rabbigu inoo shaqeeyo, maxaa yeelay, Rabbiga waxba kama hor joogsan karaan inuu ku badbaadiyo kuwo badan ama kuwo yarba.

    7Oo kii hubka u sidayna wuxuu ku yidhi, Wax alla waxa qalbigaaga ku jira yeel, oo bal eeg, waan kula socdaa, oo sida qalbigaagu yahay weeye kayguna.

  • 29Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.

  • 42Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda.

  • 15Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.

  • 11Oo wuxuu yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan, waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan kuu iman doonaa oo waan ku soo caawin doonaa.

  • Sharc 31:6-8
    3 aayado
    71%

    6Haddaba xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha baqina, hana ka cabsanina, waayo, waxaa idinla socda Rabbigii Ilaahiinna ahaa. Idinma gabi doono, idinmana dayrin doono.

    7Markaasaa Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa.

    8Waxaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana dhayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.

  • 32Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Ninna yuusan u cabsan isaga aawadiis; anoo addoonkaaga ah ayaan u tegi doonaa oo la diriri doonaa midkan reer Falastiin.

  • 2Markaasuu Rabbigu igu yidhi, Isaga ha ka cabsan, waayo, gacantaan kuu geliyey isaga iyo dadkiisa oo dhan iyo dalkiisaba, oo waxaad isaga ku samaysaa wixii aad ku samaysay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa.

  • 3Markaasaa Daa'uud raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, annagu halkan oo ah dalka Yahuudah ayaan ku cabsanaynaa, haddaba intee in le'eg bay nooga sii daran tahay haddaannu Qeciilaah tagno oo ciidanka reer Falastiin ku duulno?

  • 10Haddaba aroor hore adiga iyo sayidkaaga addoommadiisii oo kula socdaaba kaca; oo aroortii markaad kacdaan oo waagu idiin baryo, taga.

  • 10Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.

  • 27laakiinse annagoo addoommadaada ah kulli intayada dagaalka hub u leh oo dhammu Webi Urdun waannu gudbaynaa, oo Rabbiga hortiisa ayaannu ku dagaal galaynaa sidaad tidhi, sayidkayagiiyow.

  • 15Oo markaad sanqadha askarta socodkeeda ka maqashid geedaha bukaa dushooda, markaas dagaalka hore ugu bax, waayo, Ilaah waa kaaga hor baxay inuu ciidanka reer Falastiin laayo.

  • 24Oo markaad sanqadha askarta socodkeeda ka maqashid geedaha bukaa dushooda, kolkaas waa inaad dhaqsataa, waayo, Rabbigu waa kaaga hor baxay inuu ciidanka reer Falastiin laayo.

  • 16Haddaba idinku berrito u dhaadhaca iyaga, oo bal eeg, waxay soo korayaan jiirta Siis, oo waxaad ka heli doontaan meesha dooxadu ku dhammaato oo ka horraysa cidlada Yeruu'eel.

  • 11Haddaba dadka reer Qeciilaah miyey isaga ii gacangelin doonaan? Oo Saa'uul miyuu soo dhaadhacayaa sidii anoo addoonkaaga ah aan u maqlay? Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, waan ku baryayaaye, anigoo addoonkaaga ah taas ii sheeg. Markaasaa Rabbigu ku yidhi, Haah, wuu soo dhaadhici doonaa.

  • 8Oo saraakiishu weliba dadka ha la sii hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa cabsanaya oo qalbigiisu itaal daranyahay? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo qalbiga walaalihiis uu u baqaa sida qalbigiisoo kale.

  • 7Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab, iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan.

  • 7Sidaas daraaddeed way kaceen oo carareen intay fiidkii ahayd. Waxayna ka tageen teendhooyinkoodii, iyo fardahoodii, iyo dameerahoodii, iyo xataa xeradiina siday ahayd; naftoodiina way la carareen.

  • 3Laakiinse dadkii waxay yidhaahdeen, Waa inaanad bixin, waayo, annagu haddaannu cararno dan nagama ay lahaan doonaan; oo xataa haddii nuskayo dhintona dan nagama ay lahaan doonaan; laakiinse adigu waad ka qiimo weyn tahay toban kun oo naga mid ah; sidaas daraaddeed haatan waxaa wanaagsan inaad adoo diyaar ah iska joogtid oo aad xagga magaalada naga caawidid.

  • 27Markaasaa Gidcoon wuxuu soo kaxaystay toban nin oo addoommadiisii ahaa, oo wuxuu sameeyey wixii Rabbigu u sheegay, oo shuqulkii habeennimuu sameeyey, maxaa yeelay, wuxuu ka cabsanayay reerkii aabbihiis iyo dadkii magaalada, oo taas darteed maalinnimo ma uu samayn karin.

  • 28oo wakhtigaas waxaa is-hor taagi jiray Fiinexaas ina Elecaasaar oo ina Haaruun ahaa), oo waxay yidhaahdeen, Miyaannu mar kale haddana ku duulnaa walaalahayo reer Benyaamiin, mise waannu ka joogsannaa? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga, waayo, berri baan gacanta idiin soo gelin doonaa.

  • 42Halkaas ha u kicina, waayo, Rabbigu idinma dhex joogo ee yaan cadaawayaashiinnu idin layn.

  • 20Waxaad timid shalayto, haddaba sidee baan maanta noola kaa warwareejiyaa? Maxaa yeelay, anigu waxaan tegayaa meel alla meeshaan doonayoba, haddaba naga noqo, oo walaalahaana dib u celi; oo naxariis iyo runuba ha kula jireen.

  • 8Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo.

  • 16Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Hubaal waan kula jirayaa, oo waxaad reer Midyaan u layn doontaa sida nin keliya.

  • 36¶ Saa'uulna wuxuu yidhi, Ina keena aynu reer Falastiin raacdaysannee oo habeennimo mirnee, oo tan iyo aroortii dhacnee, oo ninkoodna yeynan ka sii dayn. Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Wax alla wixii kula wanaagsan samee. Markaasaa wadaadkii wuxuu yidhi, Ina keena aynu Rabbiga u dhowaannee.

  • 14Oo Debooraahna waxay Baaraaq ku tidhi, Kac, waayo, maanta waa maalintii Rabbigu Siiseraa gacantaada soo geliyey. Rabbigu miyaanu ku hor socon? Sidaas daraaddeed Baaraaq wuxuu ka dhaadhacay Buur Taaboor, isagoo ay toban kun oo nin daba socdaan.

  • 11Laakiinse anigu waxaan ku talinayaa in reer binu Israa'iil oo dhammu adiga kuu soo shiraan oo ay ka yimaadaan tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo ay u soo bataan sida cammuudda badda agteeda taal; oo aad adiga qudhaadu dagaalka gashid.

  • 3Oo midba wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye raalli ahow oo na raac annagoo addoommadaada ah. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan idin raacayaa.

  • 5Oo markaasay fiidkii kaceen inay tagaan xeradii ciidanka Suuriya, oo markay yimaadeen dibadda sare oo xeradii ciidankii Suuriya waxay arkeen inaan ciduna halkaas joogin.

  • 5oo aniga iyo dadka ila jira oo dhammuba waxaannu u dhowaan doonnaa magaalada, oo markay dibadda noogu soo baxaan sida kolkii ugu horraysay, waannu ka carari doonnaa hortooda.

  • 14Markaasaa Rabbigu isagii eegay, oo wuxuu ku yidhi, Xooggaagan ku tag, oo reer binu Israa'iil ka badbaadi gacanta reer Midyaan. Sow kuma aanan dirin?