Tirintii 14:42

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Halkaas ha u kicina, waayo, Rabbigu idinma dhex joogo ee yaan cadaawayaashiinnu idin layn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 1:42 : 42 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda.
  • Yash 7:8 : 8 Sayidow, maxaan idhaahdaa mar hadday reer binu Israa'iil cadaawayaashoodii dhabarka u jeediyeen?
  • Yash 7:12 : 12 Oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil cadaawayaashooda isma hor taagi karaan, oo cadaawayaashooday dhabarka u jeediyeen, maxaa yeelay, waxay noqdeen wax la xarrimay. Anigu mar dambe idinla jiri maayo, inaad alaabtii la xarrimay dhexdiinna ka baabbi'isaan mooyaane.
  • Sab 44:1-9 : 1 Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore. 2 Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay, Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay. 3 Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda, Oo cududdooduna ma ay badbaadin, Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga, Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd. 4 Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga, Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar. 5 Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca. 6 Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo, Oo seeftayduna i badbaadin mayso. 7 Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay. 8 Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah, Oo annana weligayo waxaannu ku mahadnaqaynaa magacaaga. (Selaah) 9 Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay, Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid. 10 Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa, Oo kuwa na necebuna way na dhacaan. 11 Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo, Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    41Markaasaad jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen, Rabbiga waannu ku dembaabnay, haddaba waannu tegaynaa oo waxaannu u dagaallamaynaa sidii Rabbiga Ilaahayaga ahu nagu amray. Oo midkiin waluba wuxuu dhexda ku xidhay hubkiisii dagaalka, oo waxaad mooddeen inay fudud dahay inaad buurta u kacdaan.

    42Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda.

    43Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen.

  • Tir 14:43-44
    2 aayado
    87%

    43Waayo, halkaas waxaa idinka horreeya reer Camaaleq iyo reer Kancaan, oo seeftaad ku le'an doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga lasocodkiisii dib baad uga noqoteen, oo sidaas daraaddeed Rabbigu idinla jiri maayo.

    44Laakiinse iyagii waxay ku sii adkaysteen inay buurta dhaladeedii fuulaan, habase yeeshee Muuse iyo sanduuqii axdiga Rabbigu xeradii kama ay bixin.

  • 41Kolkaasaa Muuse yidhi, War Rabbiga amarkiisa maxaad ugu xadgudbaysaan, waayo, taasu faa'iido idiinma lahaan doonto?

  • 26¶ Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 15Markaasuu isna ku yidhi, Haddaba haddaanad ila socon, halkan ha naga kaxayn.

  • 37Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas geli maysid.

  • 12Oo bal eega waxaa nala jira Ilaah isagoo madax noo ah, iyo wadaaddadiisii oo wata turumbooyinkii lagu dhawaajiya, oo waxay idinku afuufi doonaan dhawaaq, haddaba dadka Israa'iilow, ha la diririna Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin, waayo, liibaani maysaan.

  • 8Waxaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana dhayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.

  • 14Oo idinku waa inaydaan daba gelin ilaahyo kale oo ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan,

  • 4Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn.

  • 3U kaca dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. Anigu idin dhex socon maayo, waayo, waaba intaasoo aan jidka idinku baabbi'iyaa, maxaa yeelay, idinku waxaad tihiin dad madax adag.

  • 24Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo hoos u deg; oo dabadeedna soo fuul adigoo Haaruun wata; laakiinse wadaaddada iyo dadku yaanay kor u soo xadgudbin xagga Rabbiga, waaba intaasoo uu halligaaye.

  • 13Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno,

  • Tir 14:25-26
    2 aayado
    73%

    25Haddaba dooxada waxaa deggan reer Camaaleq iyo reer Kancaan. Idinku berrito dib u noqda, oo waxaad tagtaan cidladii ku taal jidka loo maro Badda Cas.

    26¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

  • 29Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina.

  • 9Laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo ha ka cabsanina dadka dalka deggan, waayo, waxay inoo yihiin sida kibis oo kale. Daafacoodii korkooda waa laga qaaday, oo Rabbigu innaguu inala jiraaye; iyaga ha ka cabsanina.

  • 52Haddaba dalka hortaadaad ka arki doontaa, laakiinse geli maysid dalka aan reer binu Israa'iil siinayo.

  • 6Haddaba xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha baqina, hana ka cabsanina, waayo, waxaa idinla socda Rabbigii Ilaahiinna ahaa. Idinma gabi doono, idinmana dayrin doono.

  • Sharc 20:3-4
    2 aayado
    73%

    3oo ha ku yidhaahdo, Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waxaad ku soo dhowaanaysaan dagaal aad cadaawayaashiinna kula diriraysaan, haddaba qalbigiinnu yuusan itaal darnaan, oo ha cabsanina, hana gariirina, iyagana ha ka baqina,

    4maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa ah kan idinla socda inuu idiin dagaallamo oo cadaawayaashiinna idiinka hiiliyo si uu idiin badbaadiyo.

  • 7Laakiinse nin Ilaah baa isagii u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Boqorow, ciidanka Israa'iil yaanay ku raacin, maxaa yeelay, Rabbigu dadka Israa'iil oo reer Efrayim ah oo dhanba lama uu jiro.

  • 18inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 3Oo ninna yuusan kula soo fuulin, oo buurta dhan yaan ninna lagu arkin, oo adhi iyo lo' toona yaanay buurta horteeda daaqin.

  • 19laakiinse intiinna kale ha joogsanina; ee cadaawayaashiinna eryada, oo laaya intooda ugu dambaysa, oo ha u oggolaanina inay galaan magaalooyinkooda; waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iyaga gacanta idiin geliyey.

  • 12Oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil cadaawayaashooda isma hor taagi karaan, oo cadaawayaashooday dhabarka u jeediyeen, maxaa yeelay, waxay noqdeen wax la xarrimay. Anigu mar dambe idinla jiri maayo, inaad alaabtii la xarrimay dhexdiinna ka baabbi'isaan mooyaane.

  • 2oo Muuse oo keliyahu waa inuu Rabbiga u soo dhowaada, laakiinse iyagu waa inayan soo dhowaan, dadkuna yuusan la soo fuulin.

  • Bax 14:14-15
    2 aayado
    72%

    14Oo Rabbigu aawadiin buu u diriri doonaa, oo idinku waa inaad iska aamusnaataan.

    15¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, War maxaad iigu qaylinaysaa? Reer binu Israa'iil u sheeg inay hore u socdaan.

  • 1¶ Markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo aad aragtaan fardo iyo gaadhifardood iyo dad idinka sii badan, waa inaydaan ka cabsan, waayo, waxaa idinla jira Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar.

  • 12Waayo, degdeg kuma bixi doontaan oo qixidna kuma carari doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idin hor kici doona, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa idin daba socon doona.

  • Tir 14:13-14
    2 aayado
    72%

    13Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

    14Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah.

  • 19Kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, Rabbigu wuxuu idinku soo yidhi, Masar ha tegina. Haddaba bal si xaqiiqa ah u ogaada inaan maanta idiin digay.

  • 18Maxaa yeelay, waad addeeci weyday Rabbiga codkiisii, cadhadiisii weynaydna Camaaleq waad ku dili weyday, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu maanta waxan kuugu sameeyey.

  • 16Rabbigu ma uu karin inuu dadkan keeno dalkii uu ugu dhaartay, sidaas daraaddeed ayuu cidladii ku laayay.

  • 21Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Hoos u deg, oo dadka u dig, waaba intaasoo ay Rabbiga xaggiisa u soo xadgudbaan inay fiirsadaan, oo ay qaarkood badanu halligmaane.

  • 12Markaasaa Rabbigu wuxuu Balcaam ku yidhi, Waa inaanad iyaga raacin, oo waa inaanad dadka habaarin, waayo, iyagu waa barakaysan yihiin.

  • 27Haddaba u kac Buur Fisgaah dusheeda, oo indhaha ku taag xagga galbeed iyo xagga woqooyi iyo xagga koonfureed iyo xagga bari, maxaa yeelay, adigu ka gudbi maysid Webigan Urdun.

  • 45Markaasaad soo noqoteen oo Rabbiga hortiisa ku ooydeen, laakiinse Rabbigu codkiinnii ma uu maqlin, dhegna idiinma uu dhigin.

  • 23Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan.

  • 22Haddaba ha ka cabsanina, waayo, waxaa idiin dagaallamaya Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 32Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah

  • 32Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.

  • 15Waayo, haddaad Rabbiga ka noqotaan, cidlada dhexdeeda ayuu haddana iyaga kaga tegi doonaa, oo dadkan oo dhan waad wada baabbi'in doontaan.

  • 44Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,